Afghanistan:: Sidee ayay u ekaan doontaa xukuumadda ay Daalibaanku soo dhisayaan?

Published

Ururka Taalibaan ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay soo dhisi doonaan dowlad loo wada dhanyahay oo dumarku ay qeyb ka noqon doonaan balse aan loo dhiibi doonin xilal sar-sare.

Hoggaanka sare ee Taalibaan ayaa dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay u fadhiyay shirar ay kaga arrinsanayeen sidii ay u soo dhisi lahaayeen dowlad ay iyagu hoggaamiyaan oo u furfuran dunida inteeda kale.

Afhayeen u hadlay Taalibaan ayaa dhanka kale sheegay in dhawaan la furi doono garoonka diyaaradaha ee magaalada Kaabuul oo shalay ciidamadii ugu dambeeyay ee Mareykanka ay ka baxeen.

Haddaba, waxay is weydiintu tahay noocee ayay u ekaan doontaa xukuumadda ay Daalibaanku soo dhisayaan. Cabdiarxmaan Xaddaana oo ka faalooda arimaha dunida Islaamka aya falanqaynaya.