Aadan Yoonis Sheekh Ibraahim: "Guurkii waa qaali, gabdhihiina way bateen, fasahaadkiina wuu batay"

Published

Xilli ay jirto cabasho ah in qiimaha ku kaca arooska lamaanaha uu sare u kacay inta badan deegaannada Soomaalida, ayaa culimo ku dhaqan Wajeer, waqooyi bari Kenya, waxa ay soo saareen baaq ku aaddan hablaha iyo waalidiintood oo ah in la raqiisiyo guurka.

Culimada ayaa sheegay in haddii sidan uu xaal sii ahaado ay gabdhaha weyn doonaan wax guursada, xumaantana ay badan doonto, isla markaana uu khatar geli karo mustaqbalka jiilasho soo socda.

Dr Aadan Yoonis Sheekh Ibraahim waxa uu kamid yahay culimada baaqa soo saaray, waxa uu weriyaha BBC Xasan Cali Geelle uga warramay sababaha ku dhaliyay inay soo saaraan baaqa noocan ah.