Qalalaasaha Tigray: Itoobiya oo hakisay shaqada hay'ado lagu eedeeyay warar been ah

Published

Dowladda Itoobiya ayaa hakisay hawlaha samafal ee laba hay'adood oo caalami ah oo ka shaqeynayay gobolka Tigray ee woqooyiga dalkaasi oo ay muddo sagaal bilood ah ka socotay colaad.

Hay'adda Dhakhaatiirta aan xudduuda lahayn ee MSF Holland, ayaa laga joojiyay gobolka Tigray iyo saddex gobol oo kale, halka hay'adda NRC ee Norway ay sheegtay in go'aanka dowladda uu saameyn ku yeeshay hawlaheeda guud ahaan.

Dolwadda Itoobiya ayaa labadani hay'adood ku eedeysay faafinta warar bee ah.

Haddaba mamnuuciddaasi dowladda Itoobiya ee labada hay'addood muxuu ka qabaa xeerka caalamiga ahi ee arrimaha bani'aadamimada?

Su'aashaasi iyo kuwo kale ayaan u bandhigay Maxamed Axmed Cali oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha bani'aadanimada.