You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Raage Cabdiqaadir: Nin Soomaali ah oo deggan Puntland oo loo faquuqo timihiisa awgood
Published
Raage Cabdiqaadir oo ku nool Puntland ayaa sheegay in timihiisa aawadood uu ula kulmo faquuq iyo cunsuriyad. Wuxuu sheegay in sababta timaha uu u deystay ay ahayd in qoraxda kuleylkeeda uu isaga celiyo, xilli uu ka shaqeynaayay xero qaxooti.
Illaa 10-kii sano ee la soo dhaafay ayuu tinta deysanayay, balse lixdii sano ee ugu dambeeyay maqas laguma taaban sida uu BBC u sheegay.