You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Ma qorsheynaysaa dowlad deegaanka Soomaalida in ciidamo ay u dirto Tigreeda?
Kaddib toddobaad uu dagaal qaraar ka soconayay gobolka Tigray ee waddanka Itoobiya ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in boqollaal qof ay waxyeelo soo gaartay.
Midowga Afrika ayaa madaxda federaalka iyo hogaamiyayaasha gobolkaasi ay colaadda ka taagan tahay ugu baaqay inay wadahadlaan oo la soo afjaro howlgalka Milateri.
Xiisadda labada dhinac u dhaxaysa ayaa sare u sii kacaysay tan iyo markii dowladda gobolkaTigreeda ay qabsateen doorashada walow dowladda federaalka ay arrintaas ay ku tilmaamtay mid sharci daro ah.
Haddaba madaxweynaha dowlad deegaanka Soomalida ee dalkaas Mustafe Muxumed Cumar ayaa sheegay in maamulka gobolkaas uu lid ku yahay deganaanshiyaha iyo nabadgelyada dalkaas.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in intii TPLF ay xukunka hayeen ay dhibaatooyiin badan ka geysteen deegaanka Soomaaida Itoobiya.
Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomalida ee dalkaas Mustafe Muxumed Cumar ayaa dhanka kale muujiyay taageerada ay dowladdiisa u hayso tallaabada militari ee ay dowladda dhexe ka qaaday gobolka Tigreeda.
Waxaa uu sidoo kale ka hadlay waxa ka jira warar sheegaya in dowladda deegaanka Soomaalida ay ciidamo u dirayso dagaalka ka socda gobolka Tigreeda.
Waxaa uu u waramey weriyaha BB-da Cabdiraxman Xaaji Cadow.