You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dadka ku dhimanaya Muqdisho: "Markii hore waxay ahaan jireen 450 qof balse bishan waa 558"
Ilaa hadda ma cadda inta ay la'eg tahay tirada dadka Muqdisho dhexdeeda Coronavirus ugu dhimanaya, laakiin dadka xabaalahan joogo ayaa BBC u sheegay inuu korar ku yimid qabriyada ay qodaan iyaga oo sheegay iney maalinkasta qodaan ilaa 20 qabri.
"Sidaad ogtihiinba markii hore ilaa iyo 450 qabri iyo wax ka agdhow ayay qabuuraha ahaan jireen laakiin bishan 558 ayey ahaayeen marka 100 baa ku korortay, waa bishi la soo dhaafay ee afaraad taasoo macnaheedu yahay maalin walba 3-4 qof ku dhawaad oo siyaada ah ayaa halkan la keenayey. Marka dadweynihi oo xawaalaha loo soo dahweeyey wey noqon kartaa dhibka jirana qayb ayuu ka yahay taa lama inkiri karo" ayuu yiri guddoomiaha qabuuraha barakaat Cali Wehliye.