Maxay dalbanayaan dibadbaxayaasha Iran?

Published

Dowladda Mareykanka ayaa dhaliil ba'an kala kulantay xubnaha kale ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey kaddib markii ay shir deg deg ah oo looga hadlayo muddaharaadyadii dhawaan ka dhacayay dalka Iraan ay isgu yeertay golahani.

In kastoo waddamada qaar ee xubnaha ka ah golahani ay dhaliileen, haddana kulankaasi ayaa qabsoomay waxaana waddamada Ruushka iyo Shiinaha ay cambaareeyay mareykanka, iyagoo sheegaya in dibad-baxyada ka dhanka ah dowladda ee muddada usbuuca ah ka socday dalka Iraan ay tahay arrint u taalla dadka reer Iraan.

Wakiilka Iraan ee Q.M ayaa cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay handadaadda joogtada ah ee Washington.

Dhanka kale, safiirka Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobey haweeneyda lagu magacaabo Nikki Haley ayaa ugu baaqday waddamada dhammaan in ay taageeraan shacabka reer Iraan oo ay sheegtay in ay ku daaleen dowladdooda.

Shalay oo jimco ahayd ayaa waxaa waddooyinka dalkaasi isugu soo baxay tobanaan kun oo qof oo taageersan dowladda waxaana wadaad ka hadlay masaajid uu sheegay in Mareykanka uu ku lug leeyahay kacdoonkaasi.

Mudaharaadyada Iraan ayaa ka dhashay arrimo dhaqaale, iyadoo madaxda dalkaasi lagu eedeeyay dhaqaala xumida dalka ka jirta.

Haddaba si aannu wax badan uga ogaanno arrintan ayaa waxaannu la xiriirnay Dr Axmed Sheekh Maxamed Tiir oo ka faalooda arrimaha Bariga Dhexe iyo caalamka Islaamka, waxa uu u warramay Faarax Lamaane.