You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Waa maxay hiigsiga xulka kubadda cagta Jubaland kaddib guushii ciyaarihii Muqdisho?
Published
Kooxda kubbadda cagta ee maamul goboleedka Jubbaland ayaa ku guulaysatay koobka K/cagta ee cayaaraha gobollada ee muddooyinkan ka socday magaalada Muqdisho.
Cayaar adag oo shalay galab ka dhacaday garoonka Banaadir stadium ee magaalada Muqdisho ayey 1-0 uga badiyeen kooxdii ku cayaaraysay magaca maamul goboleedka Puntland.
Maxamed Deeq Cabdi Cumar wuxuu ka mid yahay cayaartoydii difaaca uga cayaaraysay kooxda Jubbaland. C/naasir Saxanxsaxo ayuu uga warramay waxa ay guushaas uga dhigan tahay.