Dhakhtar Soomaaliyeed oo abaalmarin caalami ah ay gudoonsiiyey hay'adda WHO

Published

Ururka caafimaadka dunida iyo xukuumadda Pakistan ayaa abaalmarinno guddoonsiiyey Dr Khaliif Bile Maxamed oo muddo dheer ahaa agaasimaha hay'adda caafimaadka adduunka e WHO u qaabilsan dalka Pakistan.

Dr Khalif ayaa abaalmarinada waxa lagu guddoonsiiyey kulan goboleedka 64aad ee WHO oo lagu qabtay magaalada Islamabad. Dhakhtarka oo ka mid ahaa macallimiintii wax ka aasaasay kulliyadda caafdimaadka ee jaamacadda umadda soomaaliya ayaa Faarax Lamaane uga waramay wax ay yihiin abaal marinadaasi.