You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxay gobolka Waqooyi Bari ee Kenya uga dhigantahay doorashada xibsiga talada haya?
Published
Doorashooyinkii guud ee ka dhacay dalka Kenya ayaa natiijadii ka soo baxday noqotay mid wax weyn ka bedeshay miisaankii siyaasadeed ee dalka ka jiray guud ahaan iyo gaar ahaan gobolka Woqooyi Bari ee Soomaalida.
Gobolka oo doorkii hore aad looga taageeray xisbiyada mucaaradka ah ayaa haatan aqlabiyadda dadku waxay u codeeyeen xisbiga talada dalka haya ee Jubilee, arintaas iyo waxa keenay isbedelkan muuqda ayaa weriyaha BBC-da Bashkas Jugsoodhacay ka waraystay Cabdillaahi Sheekh Maxamed oo ka tirsan ururada bulshada rayidka ah ee gobolka siyaasadda dalkan Kenyana ka faalooda.