http://www.bbcsomali.com

Dayax-gacmeed ay NASA soo celinayso

NASA oo Mareykanka u qaabilsan cilmiga hawada sare ayaa sheegtey iney dhulka ku soo celineyso dayax-gacmeedkii Taladadii la direy.

Afhayeen u hadley hey'adda NASA ayaa sheegey in qeybi ka jabtey taangiga dayax-gacmeedka markii uu Talaadadii dhulka ka ruqaansadey, waxa uu afhayeenku intaas raaciyey inuusan fileyn in dhaawac ku yimid dayax-gacmeedka.

Dayax-gacmeedkii kan ka horeeyey ee Columbia ayaa burburey markii shil kan la mid ah uu ku dhacey sanadkii 2003dii.
Dayax-gacmeedkii la direy
Cilad dartiis ayaa dayax-gacmeedka dhulka loogu soo celinayaa

Haddii Dayax-gacmeedka uu wax gaaro, dadkii la socdey waxa ay ku sugu karaan hawada caalamiga ilaa intii ay uga tageyso Dayaxgacmeed kale oo halkaas ka soo badbaadiya.

Dayax-gacmeedkani waa kii ugu horeeyey ee Marareykanku samada sare u diro, tan iyo markii uu burburey Columbia oo cirbixiyeenadii sarnaana ay ku dhinteen.