Sahra Axmed Mustaf: Gabadh lacag looga soo diray Soomaaliya loogu haysto Australia

Published

Sahra Axmed Mustaf oo ku nool dalka Australia ayaa laga joojiyay in tikidhka xisbiga talada haya ee Liberal ay ugu tartanto kursi ka tirsan baarlamaanka waddankaas.

Sababta ayaa lagu sheegay in xisbiga uu ka war helay in haweeneydan Soomaalida ah uu lacag u soo diray adeerkeed oo wasiir ka ah dowladda Federaalka ee Soomaaliya, isla markaana ay suuragal tahay in dano shisheeye ay ka fuliso gudaha dowladda Australia.

Sahra ayaa beenisay eedeyntaas. Khadka telefoonka ayay ugu warrantay Samiira Cabdullahi Jaamac.