Wararkii ugu dambeeyay dagaal beeleed dad badan ku dhinteen oo ka dhacay gobolka Galagduud iyo sida hadda xaaladdu tahay

Kusoo dhawaada tebinteenna tooska oo aad ka heli kartaan wararkii ugu dambeeyay.

Tebin toos ah

  1. Waa maxay xanuunkan dhalmo la'aanta sababi kara ee aysan haweenku ku baraarugsaneyn?

    endometriosis

    Xigashada Sawirka, BBC/GETTY

    Qiyaastii 10% haweenka ayay xaaladdan heysataa, oo uu ka dhalan karo xanuun aad u daran. Balse weli aad looma baarin, si fiicanna looma fahamsana – welina dawo looma hayo.

    Gabar ayaa waxay tiri, “Dhiigga caadada oo xanuun badan wata ayaa igu billowday markii aan 14 jir ahaa. Waxaan iskuulka u qaadan jiray waxyaabo lagu kululeeyo qeybta hoose ee caloosha aniga oo rajo ka qabay inay maalintii oo dhan i caawin doonaan. Mararka qaar way i caawin jireen. Balse mararka qaar waxaan iska joogi jiray sariir taallay xafiiska iskuulka, iyadoo dadka joogay xafiiska aysan ogeyn qaab ay ii caawiyaan.”

  2. Qiimo sare oo lagu kala iibsanayo xoolaha carrafada ee Somaliland kadib dalab badan oo ka yimid Sacuudiga

    Sayladaha Xoolaha ee Jamhuuriyada iskeed madaxbananaida ugu dhawaaqday ee Somaliland waxa si weyn loogu kala iibsanayaa Xoolaha, iyada oo lagu jiro maalmihii u dambeeyey dhoofka Xoolaha carrafada.

    Qiimaha Xoolaha ayaa sannadkan kor u kac ku yimid, markii ay korortay xoolaha looga baahan yahay dalka Sucuudiga ee inta badan laga dhoofiyo Somaliland.

    65 doollar ilaa 100 doollar inta dhaxaysa ayaa neefka la kala siinayaa sayladaha.

    Qoraalka Codka, Somaliland
  3. Nin 24 Mobile saacad gudaheed ku dafay iyo wixii uu isticmaalay

    London

    Xigashada Sawirka, Social

    Sonny Stringer, oo degan xaafadaIslington, ee waqooyiga London ayaa xaday moobiiladaasi isagoo watay baskiil koronto ku socda oo jaraya xawaare gaadhaya 80 km saacadii sida ay sheegeen booliska London.

    Booliska ayaa adeegsaday kamaradaha dariiqyadda ku yaalla si ay ninkaasi u dabagalaan oo u qabtaan.

    Ninkan 28 jirka ayaa ka hor qirtay maxakamadda Isleworth Crown Court ee London inuu boobay moobiladaasi oo uu qaatay salaasadii ina dhaaftay

    Stringer oo aanay hore boolisku u aqoon ayaa soo galay bartamaha London 26 kiiMarch , boobka iyo tuugnimaddaayuu sameeyey intii u dhaxeeysay 10:00-11:15 subaxnimo

    Lyn Newins oo ah sarkaalad booliska u qaabilsan kamaradaha ayaa sheegtay in kamaradaha ay ka arkeen ninkaasi waxaanay tiri, " kamaradahan kolba dhan ayaanuu jeedin karaa markaas dhinacyo badan ayaanu wax ka arkaynaa..."

    Markii boolisku daba galeen ee ay eryadeen ayuu isku dayey inuu baaskiilka ku kaxeeyo halka dadka lugeeyaan oo ay qoys caruur wataa marayeen, lakiin booliska ayaa gacanta ku dhigay isla markaana ku isticmaalay qoriga korontadda ah ee Taser halkaasi oo booliska ay u suurta gashay inay gacanta ku dhigaan

    Taliyaha saldhiga Rob Atkin ayaa sheegay" booliska qaybahiisa kala duwan ayaa wada shaqeeyey hadday tahay qaybta kamaradaha iyo qaybaha kaleba ee dhulka taagnaa oo si toosa uwada xidhiidhayey, waa guul in ninkii boobay mobiladda maxakmadda la horkeeno oo la xukumo "

    Stringer ayaa waxaa kaloo uu qirtay laba danbi oo kale oo ah inuu si khatar dadka galisay baaskiilka u waday iyo inaanu lahayn caymis, 8 August ayuu ogaanayaa inta lagu xukumay

  4. Xanuunka halista leh ee ay soo dadajiyaan waxyaabo ay Soomaalidu Isticmaasho

    Cunno

    Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES/GABOOSE

    Xanuunka Istarooga ama dhan qalalku waa natiijo ka timaada waxyeelo maxkasda ah, kaas oo ku dhaci kara waqti kooban gudahiis. Waxaa suura gal ah in qofku dareeemo kabuubyo gacmaha iyo lugaha ah, iyo hadalka oo googa’aya taas oo u baahan inaa dhaqtar la xiriirto.

    Xanuunkan ayaa ka dhex dhacaa maskaxda iyo xididida waraabiya, kuwaas sababa in xididadu xirmaan ama dilaacaan. Inta badan 85% waxaa keena xididada xirma oo ah kuwa ugu saamaynta xun, sida ay qabaan dhaqaatiirtu.

    "Maskaxda waxay leedhaay unugyo yar yar oo nool oo loo yaqaano Neurons kuwaas waxaa loogu yeeraa askarta shaqaynaysa, waxaana lagu qiyaaso boqol bilyan oo unug balse waxaa ka badan kuwa iyaga ilaaliya ee ka shaqeeya ilaalinta kuwa shaqayna si ay u helaan daryeel," ayuu yiri Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo ka mid ah dhaqaatirta Soomaalida. Halkan kasii akhri

  5. Amiir Harry oo racfaan ka qaadanaya xukun horay loo riday

    Amiir Harry

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Amiir Harry wuxuu awood u yeelan doonaa inuu rafcaan ka qaato go'aanka maxkamadda sare kaas oo meesha ka saaray caqabadiisa ku saabsan go'aanka lagu dhimay heerkiisa ammaan ee shakhsi ahaaneed marka uu booqdo UK.

    Amiir Harry wuxuu markii ugu horreysay qaaday tallaabo sharci ah oo ka dhan ah Home Office 2020 iyo go'aan ah inuu helo ilaalin ka duwan oo canshuur bixiyaha ah kadib markii isaga iyo xaaskiisa Meghan ay ka bexeen nolosha qoyska boqortooyada.

    Bishii Febraayo, Maxkamadda Sare waxay xukuntay in go'aankaas uu ahaa mid sharci ah oo meesha ka saaray kiiskii Harry, ka hor inta aan bishii Abriil loo diidin ogolaanshaha inuu uga doodo xukunkaas maxkamad sare.

    Laakiin maxkamada racfaanka ayaa hadda sheegtay in ay dhageysan doonto dacwadiisa ka dib codsi toos ah oo uga yimid qareennada amiirka.

    Go'aanka lagu dhimay ammaankiisa bishii Febraayo 2020 waxaa qaatay Guddiga Fulinta ee Royal iyo VIP (Ravec) - kaas oo u wakiishay mas'uuliyadda Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee bixinta qabanqaabada amniga xubnaha qoyska boqortooyada.

    Xukun bishii Febraayo, garsooraha Maxkamadda Sare ee hawlgabka ah, Sir Peter Lane ayaa diiday kiiska amiirka wuxuuna soo gabagabeeyey habka Ravec inuusan ahayn mid caqli-gal ah ama nidaam ahaan cadaalad darro ah.

    Si la mid ah xubnaha kale ee qoyska boqortooyada, Amiir Harry iyo Meghan waxay heleen ilaalin ammaan oo si guud loo maalgeliyo ka hor intaanay ka tagin xilalka boqortooyada oo aanay u guurin gobolka California ee Maraykanka.

  6. Netanyahu oo lagu casuumay Congress-ka Mareykanka

    Mareykanka

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ra'iisul wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, ayaa lagu casuumay inuu khudbad ka jeediyo fadhi wadajir ah oo Congress-ka Mareykanka ku yeelanayaan magaalada Washington.

    Martiqaadkan ayaa ah hindise ay leeyihiin madaxda jamhuuriga, waxaana lagu wadaa in la qabto 24-ka bisha Luulyo.

    Xubno badan oo ka tirsan Kongareeska Dimuqraadiga ayaa muujiyay inay qaadacayaan habka uu u socdo barnaamijkan casuumaadda ah.

    Laakiin hogaamiyaha sare ee Dimuqraadiga, hogaamiyaha aqlabiyada Senetka Chuck Schumer, ayaa sheegay in inkasta oo uu khilaaf qoto dheer kala dhaxeeyay Netanyahu, uu ku biiray martiqaadka sababtoo ah xiriirka Mareykanka iyo Israa'iil.

  7. Markii tiirka toogashada lagu xiray ayaa qisaasta laga cafiyay

    Visas

    Xigashada Sawirka, Baraha bulshada

    Faysal Abshir Cabdullaahi oo loo yaqaan (Faysal Booyaax) oo saakay la soo taagay tiirka si loo dilo ayaa xarriga laga furay kaddib markii aabaha dhalay qofka loo qisaasayay uu go’aansaday in uu fasaxo.

    Faysal waxa uu dilay oo saakay dartiis tiirka loo keenay Cabdulaahi Faarax Cali. Waxaa la sheegay in labadooda ay ciidamo ahaayeen, muran dhexmarayna uu keenay dilka.

    Faysal Abshir ayaa hore loo qisaasay walaakii Maxamed Abshir Booyax oo sidan oo kale fal dil ah loogu soo xiiray.

    Mas’uuliyiinta joogay goobta qisaasta ayaa sheegay in aabaha loo fulinayo saddex doorasho midkii uu doono oo kala ah inuu cafiyo, in uu diyo qaato ama loo qisaaso.

    Aabo Faarax Cali oo goobta ka hadlay ayaa yiri sidan “Ninkan oo dilay wiilkeyga, aniga saakay is raacin maayo labada nin, xariga waa ka furayaa, waxaana doortay suldaanka eraydii uu iyir” .

    Taliyaha xabsiga Nugaal waxaa lagu amray inuu xabsiga ku hayaayo inta magta laga bixinayo.

  8. Dad ku sugnaa goob khamriga lagu cabbo oo xabsiga ay dhigeen booliska Iran

    Booliska dalka Iran ayaa xabsiga u taxaabay 30 qof oo ku sugnaa goob Khamriga lagu cabbo, iyagoo sheegay in looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin shabkada ko fooggan waxyaabo anshax xumo ah.

    Taliyaha booliska gobolka Mazandaran ee waqooyiga dalkaasi ayaa sheegay in goobta laga helay wax uu ugu yeeray calamadaha iyo astaamaha anshax xumada oo ay qayb ka ahaayen sideed iyo toban rag ah iyo labo iyo toban dumar ah.

    Maamulka Iran waxay si joogto ah ugu eedeeyaan ka qaybgalayaasha xafladaha ama riwaayadaha halkaas oo khamriga lagu cabay inay kor u qaadayaan 'shaydaannimada'.

    Khamriga waa mamnuuc Muslimiinta ugu badan Iran, laakiin dadka laga tirada badan yahay ee aan Muslimka ahayn ee sida rasmiga ah loo aqoonsan yahay ayaa loo oggol yahay inay in ay isticmaalaan .

  9. Dadka reer Sudan oo wajahaya gaajo daran, xilli macluul laga cabsi qabo

    Sudan

    Xigashada Sawirka, Hassan Lali/BBC

    Qoraalka sawirka, Sudan

    Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa sheegtay in ay si degdeg ah u ballaarinayso gargaarkeeda cuntada iyo nafaqeynta ee ay siiso Suudaan.

    Waxa ay sheegtay in ay rajaynayso in la gaarsiiyo gargaar shan milyan oo qof oo dheeraad ah dhamaadka sanadka si looga fogaado macluul, gaar ahaan meelaha ay colaaduhu ka jiraan sida El Fasher iyo caasimada Khartoum.

    Tani waa laba jibaar tiradii dadka WFP ay markii hore qorsheyneysay inay taageerto.

    Hay'addu waxay sheegtay in haqab-beelka cuntada ee Suudaan ay si weyn u sii xumaanayso taasoo ka dhalatay dagaalka sokeeye -- ayna gaari karto heer aan la arkin ku dhawaad ​​shan iyo labaatan sano.

  10. Dhalinyaro lagu helay in ay dileen laba nin oo walaalo ahaa oo dil toogasho ah lagu fuliyay

    Maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa dilka fulisay

    Xigashada Sawirka, Baraha bulshada

    Qoraalka sawirka, Dil toogasho ayaa agu fuliyay nimankii dilay laba nin oo walaalo ahaa

    Saddex nin oo lagu helay in ay bishii Desember 2023 dileen labo nin oo walaalo ahaa ayaa maanta lagu toogtey fagaare ku yaal magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta dowlad-goboleedka Galmudug.

    Raggan maanta la toogtay oo lagu kala magacaabi jirey Nuur Cabdi Maxamed, Shucayb Maxamed Faarax iyo Bile Cabdullaahi Xasan ayaa 27-kii Febraayo ee sannadkan dil toogasho ah lagu xukumay, ka dib markii lagu helay gacan-ku-dhiiglenimo.

    Maxakamadda gobolka Galgaduud oo xukunkan riddey ayaa raggan ku heshay in ay si bareer ah u dileen Dr Axmed Xasan Cismaan iyo walaalkiis ka yaraa oo la oran jirey Macallin Liibaan Xasan Cismaan xilli ay ku sugnaayeen deegaanka Ilix ee gobolka Galgaduud.

  11. Soomaaliya oo 50 sano ka dib ku fariisaneysa kursiga Golaha Ammaanka

    UNSC

    Xigashada Sawirka, UN

    Qoraalka sawirka, Golaha

    Somalia ayaa maanta ka mid noqoneysa 15-ka dal ee muddo xileedka 2025-2026 fariisanaya Guraasta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, ka dib codeyn qarsoodi ah oo ka dhacaysa xarunta QM ee New York.

    193-da dal ee ku jira Golaha Guud ee QM oo Khamiista maanta ah yeelanaya kalfadhigoodi 78-aad, waxaa ajandaha ugu jira in ay ansixiyaan xubinnimada shanta dal ee kala ah Denmark, Greece, Pakistan, Panama and Somalia, ku waa oo matalaya gobollada ay ku kala yaallaan.

    Shanta dal ee maanta la dooranayo oo kuraasta fadhinaya muddo labo sano ah, waxay beddeleen dalal kala ah Mozambique, Japan, Ecuador, Malta and Switzerland oo muddo xiloodkoodi dhmmeystay.

    Golaha Ammanka ee QM wuxuu ka koobanyahay 15 dal , ku waas oo isugu jira 5 rigli ah (Mareykanka, Ingiriiska, Ruushka, Faransiiska iyo Shiinaha), iyo 10 meerto ah oo sannadkiiba 5 la doorto.

    Soomaaliya oo aan korsigan lagula tartameyn, waxaa Golaha Ammaanka ugu dambeysey muddo xileedkii 1971-1972.

  12. Dumarka oo la ogaadey in ay ciyaaraha ku fiican yihiin xilliga ay caadada qabaan

    ciyaaraha jirka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Hablaha caadada qaba oo la ogaadey in firfircoonidoodu sarreyso.

    Haweenka ciyaartoyda ah ayaa la sheegay in khaladkoodu yar yahay islamarkaana falcelintoodu fududahay marka ay caadada qabaan, sida lagu ogaadey cilmi-baaris la sameeyey.

    Tijaabooyin loogu talogalay in lagu darso habka maskaxdu u shaqeyso oo ka qaybgaleen kooxo ciyaareed ayaa loogu dhabbagalay falcelinta 241 haween ah, ku waas oo muddo 14 maalmood ah la tijaabinayey wahtiga falcelintooda, digtoonidooda, saxsanaanta facilladooda.

    Waxay isku maleynayeen in firfircoonidoodu hooseyso xilliga cadadu u joogto, balse markii la tijaabiye waxaa la ogaadey in qaabka ay gabdhaha caadda qaba kubadda u maamulaan uu 12% ka sarreeyo xilliyada kale, sidoo kalena 25% uga fursad fiican yihhin in ay ku baasaan xikfadaha u baahan dhiifoonaanta ama dhowradnimada..

    Cilmi-baaristan oo ay sameeyey jaamacadda University College London ayaa faahfaahin dheeriah ka bixisay sababta dumarka dheela ciyaaraha jirka la saaro ay ugu nugul dhaawacyada, gaar ahaan labada todobaad ee ugu dambeysa meertada caadada. Sababtana waxaa lagu sheegay in firfircoonidoodu sarreyso.

  13. Dad ku dhintey duqeyn Israeli ka geysatay dugsi QM ku leedahay Qaza

    Qasa

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Dad ku jirey dugsi ay maamusho QM oo duqeyn lala beegsaday

    Ugu yaraan 27 qof ayaa ku geeriyoodey duqeyn diyaaradaha Israa’iil ka geysteen dugsi ay maamusho QM oo gabbaad u ahaa dad barakacayaal ah oo ku sugan.

    Militariga Israa’iil ayaa xaqiijiyey weerarka ay ku qaaddeen dugsiga QM oo ay sheegeen in uu saldhig u ahaa ururka Xamaas.

    Wariyeyaal deegaanka ka ag dhow ayaa BBC-da u sheegay diyaarad ay Isra’il leedahay ay labo gantaal ku dhufatay dabaqa saree e dugsiga oo ku yaal xerada qaxootiga Nuseyraat. Wrbaahinta Xamaas ayaa weerarka lagu beegsaday dugsigan oo hoy u ahaa boqool qoys oo barakacayaal ah ku tilmaantay “xasuuq foolxun”.

    Gaadiidka gurmadka degdegga ayaa dadkii halkaas ku dhaawacmay ula cararay goobaha caafimaadka, halka sawirro laga qaaday goobta la weeraray ay muujinayaan burbur lixaad leh oo soo gaaray dhismaha iyo maydadka maryo lagu duuduubay oo safan.

    Ismail al-Thawabta oo agaasime ka ah xafiiska warfaafinta xamaas ayaa been-abuur ku tilmaamay sheegashada Israa’iil ee ah in dugsiga QM uu xarun u ahaa urukooda.

  14. Ruushka ayaa sheegay in uu taageero militeri iyo tabar siinayo Burkina Faso

    Sergei Lavrov

    Xigashada Sawirka, EPA

    Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa sheegay in Ruushku uu u dirayo sahay militeri oo dheeri ah iyo tababarayaal Burkina Faso taas oo qeyb ka ah dagaalka lagula jiro argagixisada.

    Mr. Lavrov oo booqanaya galbeedka iyo bartamaha Afrika ayaa hadda ku sugan Burkina Faso. Sidoo kale wuxuu sheegay in uu horumarinayo xiriirka uu la leeyahay dalka markii uu yimid caasimadda Ouagadougou.

    Burkino Faso waxaa xukumayay militeri ilaa iyo 2022-kii, waxaana dalka ka dhacaydhowr afgembi.

    Ruushku waxay raadinayeen in ay kordhiyaan saameynta ay ku leeyihiin Afrika, waxayna xiriir la sameysteen dhowr dal oo militeri xukumaan.

  15. Zambia oo xukuntay dad u dhashay Shiinaha oo galay dambio la xiriira internet-ka

    zambia

    Xigashada Sawirka, Guddiga la dagaallanka maandooriyaha Zambia

    77 qof oo looga shakiyay dambiyo la xiriira internet-ka oo la xiray bishii April ayaa 22 ka mid ah la xukumay.

    Shirkadaha ay Shiinuhu maamulaan ee ka furan caasimadda Lusaka ayaa lala xiriiryay kiisaska dambiyada internet-ka ee kordhay dalka iyagoo bartilmaameed ka dhigtay dad ku nool meelo kala duwan oo adduunka ah.

    Jimacaha ayaa la xukumi doonaan sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

    Waxaa kordhay kiisaska dadka u dhashay Zambia oo lacag ugu jirtay mobilada iyo bangiyada oo waayay

    Dad u dhashay dalalka Singapore, Peru, Imaaraatka Carabta iyo qeybo kale oo Afrika ah ayaa lagu dhacay internet-ka sida ay sheegeen madaxda Zambia.

    Kaddib maxkamadeyn socotay toddobaadyo 22 u dhashay Shiinaha oo ay ku jirto haweeney saddax dambi lagu helay ayaa la xukumay.

  16. Masar ayaa lagu eedeeyay in ay daabaceyso fariimo looga horjeedo Israel.

    MASAR

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Wargeyska The Jerusalem Post ee ka soo baxa Israel ayaa daabacay maqaal uu ku dhaliilayo mowqifka Masar ee dagaalka Gaza. Inkastoo labada dal uu ka dhexeeyo heshiis nabadeeda hadana wargeyska waxa uu sheegay in Qaahira ay daabaceyso fariimo looga horjeedo Israel.

    Maqaalka waxaa qortay Ruth Wasserman Land oo hore u soo noqotay safiir ku xigeenka Israel ee Masar, waxayna ka tirsan tahay machadka amniga qaranka iyo istaraatiijiyada Sahnuuniaydda ee Misgav.

    Ruth waxay sheegtay in Masar ay heshiis nabadeeda la gashay Israel, waxaana ka go’an in ay xiriir ganacsi iyo iskaashi la lahaato Mareykanka, dhinaca kalena waxay dadweynaha Masar ka buuxineysaa fariimaha naceybka Israel.

    Waxay kaloo sharaxday aragtida Masar, “dhismaha dowlad Falatiin leedahay waa tiir muhiim u ah heshiiska nabadda markii ay taas guuldareysatay waxay u ogolaatay dowladdii Mubaarak in ay ka horta xoojinta iskaashigii Israel ee dhinacyada ganacsiga, dhaqanka, dalxiiska iyo meelo kale.

    Warbaahinta Masar ayey ku eedeysay in ay isticmaalaan fariimo iyo sawir gacmeedyo muujinaya Yahuud naceyb.

    Dhaliisheeda waxaa ka mid ah in Masar aysan ogoleyn in Israel ka soo muuqato warbaahintooda taas oo ka dhigeysa doodaha la xiriira Israel in ay dhacaan iyadoo qof Israeli ah uusan fadhin miiska.

    Masar ma dooneyso in si kumeel gaar ah Falastiiniyiinta dalkeeda u dagaan iyagoo ka baqaya sida hore u dhacday in ugu dambeyn ay noqdaan dad rasmi u deggan.

    Ruth waxay kaloo sheegtay laga bilaabo 2017-kii in xiriirka Masar iyo Xamaas uu fiicnaaday kaddib markii hoggaamiyayaasha Xamaas ay daabaceen nuqul cusub oo ka mid ah dastuurkooda kaas oo iska fogeeyay ururka Akhwaanul-muslimiin.

    Waxay kaloo sheegtay in tanallo badan oo la helay ay muujinayaan in lagu dhisay go’aano meel sare ka soo baxay ama in indhaha laga dabooshay markii la qodayay.

  17. Haweeney loo maleeyay in ay geeriyootay oo iyadoo nool laga loogu tagay qolka meydka

    NAXASH

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Haweeneyda oo ku dhimatay guriga waayeelka lagu daryeelo gobolka Nebraska ayaa la helay iyadoo nool sida ay sheegeen mas’uuliyiinta halkaas joogtay.

    Constance Glantz waa 74 jir, waxaana la ogaaday in ay neefsaneyso labo saac kaddib markaas oo la siiyay kaalmo caafimaad.

    Ms Glantz waxaa loo qaaday isbitaalka markaas kaddib ayey halkaas ku geeriyootay. Shalay abaarihii afartii galabnimo ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay in ay geeriyootay

    Boolisku waxay hadda baarayaan sida ay ku dhacday arrinta waxayna sheegeen in aysan jirin cadeymo ah in dambi la galay.

    Ma ahan dhacdadan tii ugu horeysay oo qof loo qaatay in uu geeriyooday la ogaaday in uu nool yahay. Sanad ka hor dalka Ecuador, Bela Montoya oo ahaa nin 76 sano jiray ayaa la ogaaday in uu nool yahay markii la aasay kaddib. Ninkaas ayaa sii noolaa dhowr maalmood.

    2018-kii haweenay u dhalatay Koonfur Afrika oo shil gaari ku dhimatay ayaa la ogaaday in ay nooshahay kaddib markii la geliyay qaboojiyaha meydka.

    Khubarada caafimaadka ayaa ku taliyay in lala socda garaaca wadanaha iyo neefta qofka ugu yaraan hal daqiiqo ka hor inta aan la go’aamin geerida

  18. Gantaalada Xisbullah ayaa sababay dabka keymaha Israel

    Dabka israel

    Xigashada Sawirka, EPA

    Gantaalada Xisbullah ayaa sababay dab maalmo ka holcayay waqooyiga Israel kaas oo burburiyay dhul balaaan oo keymo ahaa iyadoo 11 qof isbitaalka loo dhigay qiiqa ay ku caburmeen.

    Dhulka gubanaya waxaad ka soo arkeysaa meel hal saac iyo bar u jirta xadka Lubnaan. Qiiq madow ayaa labada dhinac ee wadada ka baxaya.

    Dadka deegaanka ee waqooyiga Israel waxay dhowr toddobaad isku dayayeen in ay damiyeen dabka ku firdhisan meelo kala duwan. Kuleylka daran ee jira ayaa sii fududeeyay in dabka sii fido.

    Shaqaalaha dabka damiya ayaa isniintii 20 saacadood isku dayay in ay damiyaan dabka meelaha u dhow magaalada Kiryat Shmona.

    Sida ay sheegeen maamulka keymaha dabka oo gubay 14 kiilomitir in ka badan, waxay soo dedejisay baahida Israel ay u qabto in ay soo afjarto coladda Xisbullah ee waqooyiga.

    Israel iyo Xisbullah waxay is dhaafsanayeen gantaalo maalinkasta ilaa bishii Oktoobar sanadkii hore. Dadweynaha deegaanka kibbutz waxay sheegeen in weerarada gantaalada Xisbullah lala xiriirinayo dagaalka Gaza. Ilaa markii uu bilowday dagaalka Rafax maalinkasta waxay dul mara 3 ilaa iyo 4 gantaal.

    Taliyaha ciidamada Israel, Herzl Halevi, waxa uu sheegay in uu diyaar u yahay in weerar ay qaadaan.

    Ku xigeenka madaxa Xisbullah, Sheikh Naim Qassem, waxa uu Aljazeera u sheegay in aysan dooneyn in dagaalka Israel uu baaho balse hadii ay dagaalka sii fidiyaan Israel in ay burbur kaga jawaabayaan

  19. Maxaa nooga baxay dooddii xalay ee doorashada UK

    Doodda Doorashada UK

    Xigashada Sawirka, ITV/PA

    Qoraalka sawirka, Rishi Sunak iyo Sir Keir Starmer oo yeeshay dood la xiriirta doorashada

    1. Ra’isul Wasaaraha oo weerar qaaday

    Rishi Sunak wuxuu xafiiska joogey muddo sannad iyo bar, xisbigiisuna wuxuu talada ahayey14 sano. Haddana waxaad moodeysey in uu isagu yahay ninka mucaaradka ah, isagoo si isdabajoog ah u weerarayey siyaasadaha dhiggiisa xisbiga Shaqaalaha.

    Siyaasadaha uu duray waxaa ka mid ahayd su’aal la xiriirtey sida Sir Keir uu u maareyn lahaa shaqo-joojinta ay dhakhaatiira caymiska da’da yar ee ka shaqeeya nidaamka NHS iyo dhimista soogalootiga sharci darrad ah.

    Mararka qaarkood doodda ayaa ku laalaaneysey heer Ra’isul Wasaaruhu uu hadalka ka boobo Julie Etchingham doodad qaybineysey.

    2. Starmer oo tusaale u soo qaatay Liz Truss si uu weerar celis u sameeyo

    Hoggaamiyaha xisbiga Shaqaalaha ayaa ka jawaabayey dhaliilaha uga yimid Sunak ayaa weeraray siyaasadaha xukuumadda Muxaaafidka ah oo uu siyaasadaheeda 14sano jirsadey ku tilmaamay wax “laga xishodo”. Wuxuunba tusaale u soo qaatay qof aan istudiyaha ku jirin oo ah Ra’isul Wasaarihii Sunak xliga uga horreeyey oo ah Liz Truss oo uu dhowr jeer ku soo halqabsaday .

    3. Labada dhinac oo faraha isku taagtaagey

    Labada hoggaamiye ayaa isweydaarsadey dhaliilo ku saabsan qof walba iyo wixii uu qaban jirey intii aysan siyaasadda soo galin. Taas oo ay uga gollahaayeen in ay daawadeyaasha xasuusiyaaan taariikhda taban ee mid walba noloshiisa ku lifaaqada.

    4. Waxay ku kala aragti duwanaayeen daryeelka caafimaad

    Labada dhinac ayaa kula tagey markii la weydiiyey su’aal la xiriirtey

    In ay adeegsan lahaayeen daryeel caafimaad oo gaar ah, lacalla haddii qof ehelkooda ah uu saf dheer ugu jiro qalliin.

    Mr Sunak ayaa yir haa, laakiin dhiggiisa Xisbiga Shaqaalaha uu ku jawaabay maya, isagoo intaasnku daray in isaga iyo qoyskiisu ay ku xiran yihiin.

    5. Waxay ku kala qaybsameen qorshaha Rwanda

    Ra’isul Wasaaraha ayaa mar la weydiiyey haddii uu ka bixi lahaa Xeerka Reer Yurub ee Xaquuqda Aadanaha haddii uu caqabad ku noqonayo qorshaha dadka magangelyada waayey loogu rarayo Rwanda, wuxuu ku jaawaabay in amaniga dalku uu wax walba kala muhiimsan yahay. Halka Sir Keir uu hoosta ka xarriiqay difaaca xeerk

  20. Narendra Modi oo si dirqi ah ku bedbaadey

    Doorasho

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Modi oo sigtay

    Xisbiga Bharatiya Janata Party (BJP) ee uu hoggaamiyo Ra’isul Wasaare Narendra Modi ayaa ku guuleystey doorshooyinkii guud ee todobaadkii la dhaafay ka dhacay dalka Hindiya.

    Xisbiga BJP oo laga soo billaabo 2014 caynaanka u hayey dalkaas, islamarkaana aan laga daba hadli jirin ayaa kalkaan waxaa soo gaarey dharbaaxo siyaasadeed oo lama filaanku noqotay qaar badan oo ka tirsan dadka siyaasadda odorosa.

    Natiijada ka soo baxday doorashadii ugu dambeysey waxay si gaar ah u taabatay Ra’isul Wasare Narendra Modi oo looga bartay in uu meel cidlo ah ka qaato cododka taageereyaal jidbeysan, ka dib markii uu ku abuuray qiiro diimeed, balse u muuqda in ay baraarugeen.

    Haddaba su’aasha dad badan is weydiinayaan ayaa ah waxa keenay guuldarrada lama filaanka ah eek u timid xisbiga BJP.

    Xeeldheereyaasha siyaasadda Hindiya ka faallooda waxay la tahay in jawaab qura aysan ku filleyn jawaabtaas, waxaase loo badinayaa arrimahan hoos ku xusan:

    1.Dadka oo ka xiiso dhigay siyaasaddiisi qiiro diimeedka ku saleysneyd, islamarkaana doonaya isbeddel dhab ah oo noloshooda taabta.

    2.Xisbiga Congress oo ah kii Hindiya xornimada u horseeday oo ka soo toosay hurdo dheer oo uu ku jirey tan iyo markii uu Modi masraxa siyaasadda koo fuulay.

    3. Muslimiinta Hindiya oo dhibaato weyn kala kulmay siyaasadaha diin nacaybka ku saleysan ee Modi codkooda mideeyey si ay garab u siiyaan xisbiyada mucaaradka.

    Wallow Xisbiga BJP uu lumiyey aqlabiyadddii uu ku lahaa baarlamaanka dalkaas, taas oo ka dhigan in uu u baahan yahay xisbiyo kale oo dowlad wadaag ah la dhisa, haddana waxaan ka shaki ku jirin in Ra’isul Wasaare Modi uu muddo xileedkii Saddexaad oo