Wararkii ugu dambeeyay dagaal beeleed dad badan ku dhinteen oo ka dhacay gobolka Galagduud iyo sida hadda xaaladdu tahay
Kusoo dhawaada tebinteenna tooska oo aad ka heli kartaan wararkii ugu dambeeyay.
Tebin toos ah
Waa maxay xanuunkan dhalmo la'aanta sababi kara ee aysan haweenku ku baraarugsaneyn?
Xigashada Sawirka, BBC/GETTY
Qiyaastii 10% haweenka ayay xaaladdan heysataa, oo uu ka dhalan karo xanuun aad u daran. Balse weli aad looma baarin, si fiicanna looma fahamsana – welina dawo looma hayo.
Gabar ayaa waxay tiri, “Dhiigga caadada oo xanuun badan wata ayaa igu billowday markii aan 14 jir ahaa. Waxaan iskuulka u qaadan jiray waxyaabo lagu kululeeyo qeybta hoose ee caloosha aniga oo rajo ka qabay inay maalintii oo dhan i caawin doonaan. Mararka qaar way i caawin jireen. Balse mararka qaar waxaan iska joogi jiray sariir taallay xafiiska iskuulka, iyadoo dadka joogay xafiiska aysan ogeyn qaab ay ii caawiyaan.”
Qiimo sare oo lagu kala iibsanayo xoolaha carrafada ee Somaliland kadib dalab badan oo ka yimid Sacuudiga
Sayladaha Xoolaha ee Jamhuuriyada iskeed madaxbananaida ugu dhawaaqday ee Somaliland waxa si weyn loogu kala iibsanayaa Xoolaha, iyada oo lagu jiro maalmihii u dambeeyey dhoofka Xoolaha carrafada.
Qiimaha Xoolaha ayaa sannadkan kor u kac ku yimid, markii ay korortay xoolaha looga baahan yahay dalka Sucuudiga ee inta badan laga dhoofiyo Somaliland.
65 doollar ilaa 100 doollar inta dhaxaysa ayaa neefka la kala siinayaa sayladaha.
Qoraalka Codka, Somaliland
Nin 24 Mobile saacad gudaheed ku dafay iyo wixii uu isticmaalay
Xigashada Sawirka, Social
Sonny Stringer, oo degan xaafadaIslington, ee waqooyiga London ayaa xaday
moobiiladaasi isagoo watay baskiil koronto ku socda oo jaraya xawaare gaadhaya
80 km saacadii sida ay sheegeen booliska London.
Booliska ayaa adeegsaday kamaradaha dariiqyadda ku yaalla si
ay ninkaasi u dabagalaan oo u qabtaan.
Ninkan 28 jirka ayaa ka hor qirtay maxakamadda Isleworth
Crown Court ee London inuu boobay moobiladaasi oo uu qaatay salaasadii ina
dhaaftay
Stringer oo aanay hore boolisku u aqoon ayaa soo galay
bartamaha London 26 kiiMarch , boobka
iyo tuugnimaddaayuu sameeyey intii u
dhaxeeysay 10:00-11:15 subaxnimo
Lyn Newins oo ah sarkaalad booliska u qaabilsan kamaradaha
ayaa sheegtay in kamaradaha ay ka arkeen ninkaasi waxaanay tiri, "
kamaradahan kolba dhan ayaanuu jeedin
karaa markaas dhinacyo badan ayaanu wax ka arkaynaa..."
Markii boolisku daba galeen ee ay eryadeen ayuu isku dayey
inuu baaskiilka ku kaxeeyo halka dadka lugeeyaan oo ay qoys caruur wataa
marayeen, lakiin booliska ayaa gacanta ku dhigay isla markaana ku isticmaalay
qoriga korontadda ah ee Taser halkaasi oo booliska ay u suurta gashay inay
gacanta ku dhigaan
Taliyaha saldhiga Rob Atkin ayaa sheegay" booliska
qaybahiisa kala duwan ayaa wada shaqeeyey hadday tahay qaybta kamaradaha iyo
qaybaha kaleba ee dhulka taagnaa oo si toosa uwada xidhiidhayey, waa guul in
ninkii boobay mobiladda maxakmadda la horkeeno oo la xukumo "
Stringer ayaa waxaa kaloo uu qirtay laba danbi oo kale oo ah
inuu si khatar dadka galisay baaskiilka u waday iyo inaanu lahayn caymis, 8
August ayuu ogaanayaa inta lagu xukumay
Xanuunka halista leh ee ay soo dadajiyaan waxyaabo ay Soomaalidu Isticmaasho
Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES/GABOOSE
Xanuunka Istarooga ama dhan qalalku waa natiijo ka timaada waxyeelo maxkasda ah, kaas oo ku dhaci kara waqti kooban gudahiis. Waxaa suura gal ah in qofku dareeemo kabuubyo gacmaha iyo lugaha ah, iyo hadalka oo googa’aya taas oo u baahan inaa dhaqtar la xiriirto.
Xanuunkan ayaa ka dhex dhacaa maskaxda iyo xididida waraabiya, kuwaas sababa in xididadu xirmaan ama dilaacaan. Inta badan 85% waxaa keena xididada xirma oo ah kuwa ugu saamaynta xun, sida ay qabaan dhaqaatiirtu.
"Maskaxda waxay leedhaay unugyo yar yar oo nool oo loo yaqaano Neurons kuwaas waxaa loogu yeeraa askarta shaqaynaysa, waxaana lagu qiyaaso boqol bilyan oo unug balse waxaa ka badan kuwa iyaga ilaaliya ee ka shaqeeya ilaalinta kuwa shaqayna si ay u helaan daryeel," ayuu yiri Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo ka mid ah dhaqaatirta Soomaalida. Halkan kasii akhri
Amiir Harry oo racfaan ka qaadanaya xukun horay loo riday
Xigashada Sawirka, Reuters
Amiir Harry wuxuu awood u yeelan doonaa inuu rafcaan ka
qaato go'aanka maxkamadda sare kaas oo meesha ka saaray caqabadiisa ku saabsan
go'aanka lagu dhimay heerkiisa ammaan ee shakhsi ahaaneed marka uu booqdo UK.
Amiir Harry wuxuu markii ugu horreysay qaaday tallaabo
sharci ah oo ka dhan ah Home Office 2020 iyo go'aan ah inuu helo ilaalin ka duwan
oo canshuur bixiyaha ah kadib markii isaga iyo xaaskiisa Meghan ay ka bexeen
nolosha qoyska boqortooyada.
Bishii Febraayo, Maxkamadda Sare waxay xukuntay in
go'aankaas uu ahaa mid sharci ah oo meesha ka saaray kiiskii Harry, ka hor inta
aan bishii Abriil loo diidin ogolaanshaha inuu uga doodo xukunkaas maxkamad
sare.
Laakiin maxkamada racfaanka ayaa hadda sheegtay in ay dhageysan
doonto dacwadiisa ka dib codsi toos ah oo uga yimid qareennada amiirka.
Go'aanka lagu dhimay ammaankiisa bishii Febraayo 2020 waxaa
qaatay Guddiga Fulinta ee Royal iyo VIP (Ravec) - kaas oo u wakiishay
mas'uuliyadda Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee bixinta qabanqaabada amniga xubnaha
qoyska boqortooyada.
Xukun bishii Febraayo, garsooraha Maxkamadda Sare ee
hawlgabka ah, Sir Peter Lane ayaa diiday kiiska amiirka wuxuuna soo
gabagabeeyey habka Ravec inuusan ahayn mid caqli-gal ah ama nidaam ahaan
cadaalad darro ah.
Si la mid ah xubnaha kale ee qoyska boqortooyada, Amiir
Harry iyo Meghan waxay heleen ilaalin ammaan oo si guud loo maalgeliyo ka hor
intaanay ka tagin xilalka boqortooyada oo aanay u guurin gobolka California ee
Maraykanka.
Netanyahu oo lagu casuumay Congress-ka Mareykanka
Xigashada Sawirka, Reuters
Ra'iisul wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, ayaa lagu
casuumay inuu khudbad ka jeediyo fadhi wadajir ah oo Congress-ka Mareykanka ku
yeelanayaan magaalada Washington.
Martiqaadkan ayaa ah hindise ay leeyihiin madaxda jamhuuriga,
waxaana lagu wadaa in la qabto 24-ka bisha Luulyo.
Xubno badan oo ka tirsan Kongareeska Dimuqraadiga ayaa
muujiyay inay qaadacayaan habka uu u socdo barnaamijkan casuumaadda ah.
Laakiin hogaamiyaha sare ee Dimuqraadiga, hogaamiyaha
aqlabiyada Senetka Chuck Schumer, ayaa sheegay in inkasta oo uu khilaaf qoto
dheer kala dhaxeeyay Netanyahu, uu ku biiray martiqaadka sababtoo ah xiriirka
Mareykanka iyo Israa'iil.
Markii tiirka toogashada lagu xiray ayaa qisaasta laga cafiyay
Xigashada Sawirka, Baraha bulshada
Faysal Abshir Cabdullaahi oo loo yaqaan (Faysal Booyaax) oo saakay la soo taagay tiirka si loo dilo ayaa xarriga laga furay kaddib markii aabaha dhalay qofka loo qisaasayay uu go’aansaday in uu fasaxo.
Faysal waxa uu dilay oo saakay dartiis tiirka loo keenay Cabdulaahi Faarax Cali. Waxaa la sheegay in labadooda ay ciidamo ahaayeen, muran dhexmarayna uu keenay dilka.
Faysal Abshir ayaa hore loo qisaasay walaakii Maxamed Abshir Booyax oo sidan oo kale fal dil ah loogu soo xiiray.
Mas’uuliyiinta joogay goobta qisaasta ayaa sheegay in aabaha loo fulinayo saddex doorasho midkii uu doono oo kala ah inuu cafiyo, in uu diyo qaato ama loo qisaaso.
Aabo Faarax Cali oo goobta ka hadlay ayaa yiri sidan “Ninkan oo dilay wiilkeyga, aniga saakay is raacin maayo labada nin, xariga waa ka furayaa, waxaana doortay suldaanka eraydii uu iyir” .
Taliyaha xabsiga Nugaal waxaa lagu amray inuu xabsiga ku hayaayo inta magta laga bixinayo.
Dad ku sugnaa goob khamriga lagu cabbo oo xabsiga ay dhigeen booliska Iran
Booliska dalka Iran ayaa xabsiga u taxaabay 30 qof oo ku
sugnaa goob Khamriga lagu cabbo, iyagoo sheegay in looga shakisan yahay inay ka
tirsan yihiin shabkada ko fooggan waxyaabo anshax xumo ah.
Taliyaha booliska
gobolka Mazandaran ee waqooyiga dalkaasi ayaa sheegay in goobta laga helay wax
uu ugu yeeray calamadaha iyo astaamaha anshax xumada oo ay qayb ka ahaayen sideed
iyo toban rag ah iyo labo iyo toban dumar ah.
Maamulka Iran waxay si joogto ah
ugu eedeeyaan ka qaybgalayaasha xafladaha ama riwaayadaha halkaas oo khamriga
lagu cabay inay kor u qaadayaan 'shaydaannimada'.
Khamriga waa mamnuuc
Muslimiinta ugu badan Iran, laakiin dadka laga tirada badan yahay ee aan
Muslimka ahayn ee sida rasmiga ah loo aqoonsan yahay ayaa loo oggol yahay inay in
ay isticmaalaan .
Dadka reer Sudan oo wajahaya gaajo daran, xilli macluul laga cabsi qabo
Xigashada Sawirka, Hassan Lali/BBC
Qoraalka sawirka, Sudan
Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa sheegtay in ay si
degdeg ah u ballaarinayso gargaarkeeda cuntada iyo nafaqeynta ee ay siiso
Suudaan.
Waxa ay sheegtay in ay rajaynayso in la gaarsiiyo gargaar
shan milyan oo qof oo dheeraad ah dhamaadka sanadka si looga fogaado macluul,
gaar ahaan meelaha ay colaaduhu ka jiraan sida El Fasher iyo caasimada
Khartoum.
Tani waa laba jibaar tiradii dadka WFP ay markii hore
qorsheyneysay inay taageerto.
Hay'addu waxay sheegtay in haqab-beelka cuntada ee Suudaan
ay si weyn u sii xumaanayso taasoo ka dhalatay dagaalka sokeeye -- ayna gaari
karto heer aan la arkin ku dhawaad shan iyo labaatan sano.
Dhalinyaro lagu helay in ay dileen laba nin oo walaalo ahaa oo dil toogasho ah lagu fuliyay
Xigashada Sawirka, Baraha bulshada
Qoraalka sawirka, Dil toogasho ayaa agu fuliyay nimankii dilay laba nin oo walaalo ahaa
Saddex nin oo lagu helay in ay bishii
Desember 2023 dileen labo nin oo walaalo
ahaa ayaa maanta lagu toogtey fagaare ku yaal magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta
dowlad-goboleedka Galmudug.
Raggan maanta la toogtay oo lagu kala
magacaabi jirey Nuur Cabdi Maxamed, Shucayb Maxamed Faarax iyo Bile Cabdullaahi
Xasan ayaa 27-kii Febraayo ee sannadkan dil toogasho ah lagu
xukumay, ka dib markii lagu helay gacan-ku-dhiiglenimo.
Maxakamadda gobolka Galgaduud oo xukunkan riddey ayaa raggan
ku heshay in ay si bareer ah u dileen Dr
Axmed Xasan Cismaan iyo walaalkiis ka yaraa oo la oran jirey Macallin Liibaan
Xasan Cismaan xilli ay ku sugnaayeen deegaanka Ilix ee gobolka Galgaduud.
Soomaaliya oo 50 sano ka dib ku fariisaneysa kursiga Golaha Ammaanka
Xigashada Sawirka, UN
Qoraalka sawirka, Golaha
Somalia ayaa maanta ka mid noqoneysa 15-ka dal ee muddo xileedka 2025-2026 fariisanaya
Guraasta Golaha Ammaanka ee Qaramada
Midoobey, ka dib codeyn qarsoodi ah oo ka dhacaysa xarunta QM ee New York.
193-da dal ee ku jira Golaha Guud ee QM oo Khamiista maanta ah yeelanaya
kalfadhigoodi 78-aad, waxaa ajandaha ugu jira in ay ansixiyaan xubinnimada shanta dal ee
kala ah Denmark, Greece, Pakistan, Panama and
Somalia, ku waa oo matalaya gobollada ay ku kala yaallaan.
Shanta dal ee maanta la
dooranayo oo kuraasta fadhinaya muddo labo sano ah, waxay beddeleen dalal kala
ah Mozambique, Japan, Ecuador, Malta and Switzerland oo muddo xiloodkoodi
dhmmeystay.
Golaha Ammanka ee QM wuxuu ka koobanyahay 15 dal , ku waas oo
isugu jira 5 rigli ah (Mareykanka, Ingiriiska, Ruushka, Faransiiska iyo
Shiinaha), iyo 10 meerto ah oo sannadkiiba 5 la doorto.
Dumarka oo la ogaadey in ay ciyaaraha ku fiican yihiin xilliga ay caadada qabaan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Hablaha caadada qaba oo la ogaadey in firfircoonidoodu sarreyso.
Haweenka ciyaartoyda ah ayaa la sheegay in
khaladkoodu yar yahay islamarkaana falcelintoodu fududahay marka ay caadada
qabaan, sida lagu ogaadey cilmi-baaris la sameeyey.
Tijaabooyin loogu talogalay in lagu darso habka
maskaxdu u shaqeyso oo ka qaybgaleen kooxo ciyaareed ayaa loogu dhabbagalay falcelinta
241 haween ah, ku waas oo muddo 14 maalmood ah la tijaabinayey wahtiga falcelintooda,
digtoonidooda, saxsanaanta facilladooda.
Waxay isku maleynayeen in firfircoonidoodu
hooseyso xilliga cadadu u joogto, balse markii la tijaabiye waxaa la ogaadey in
qaabka ay gabdhaha caadda qaba kubadda u maamulaan uu 12% ka sarreeyo xilliyada
kale, sidoo kalena 25% uga fursad fiican yihhin in ay ku baasaan xikfadaha u
baahan dhiifoonaanta ama dhowradnimada..
Cilmi-baaristan oo ay sameeyey jaamacadda University
College London ayaa faahfaahin dheeriah ka bixisay sababta dumarka dheela ciyaaraha
jirka la saaro ay ugu nugul dhaawacyada, gaar ahaan labada todobaad ee ugu
dambeysa meertada caadada. Sababtana waxaa lagu sheegay in firfircoonidoodu
sarreyso.
Dad ku dhintey duqeyn Israeli ka geysatay dugsi QM ku leedahay Qaza
Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, Dad ku jirey dugsi ay maamusho QM oo duqeyn lala beegsaday
Ugu yaraan 27 qof ayaa ku
geeriyoodey duqeyn diyaaradaha Israa’iil ka geysteen dugsi ay maamusho QM oo gabbaad
u ahaa dad barakacayaal ah oo ku sugan.
Militariga Israa’iil ayaa xaqiijiyey
weerarka ay ku qaaddeen dugsiga QM oo ay sheegeen in uu saldhig u ahaa ururka
Xamaas.
Wariyeyaal deegaanka ka ag dhow
ayaa BBC-da u sheegay diyaarad ay Isra’il leedahay ay labo gantaal ku dhufatay dabaqa
saree e dugsiga oo ku yaal xerada qaxootiga Nuseyraat. Wrbaahinta Xamaas ayaa weerarka
lagu beegsaday dugsigan oo hoy u ahaa boqool qoys oo barakacayaal ah ku
tilmaantay “xasuuq foolxun”.
Gaadiidka gurmadka degdegga ayaa dadkii
halkaas ku dhaawacmay ula cararay goobaha caafimaadka, halka sawirro laga qaaday
goobta la weeraray ay muujinayaan burbur lixaad leh oo soo gaaray dhismaha iyo maydadka
maryo lagu duuduubay oo safan.
Ismail al-Thawabta oo agaasime ka ah
xafiiska warfaafinta xamaas ayaa been-abuur ku tilmaamay sheegashada Israa’iil
ee ah in dugsiga QM uu xarun u ahaa urukooda.
Ruushku waxay raadinayeen in ay
kordhiyaan saameynta ay ku leeyihiin Afrika, waxayna xiriir la sameysteen dhowr
dal oo militeri xukumaan.
Zambia oo xukuntay dad u dhashay Shiinaha oo galay dambio la xiriira internet-ka
Xigashada Sawirka, Guddiga la dagaallanka maandooriyaha Zambia
77 qof oo looga shakiyay dambiyo la xiriira internet-ka oo
la xiray bishii April ayaa 22 ka mid ah la xukumay.
Shirkadaha ay Shiinuhu maamulaan ee ka furan caasimadda
Lusaka ayaa lala xiriiryay kiisaska dambiyada internet-ka ee kordhay dalka
iyagoo bartilmaameed ka dhigtay dad ku nool meelo kala duwan oo adduunka ah.
Jimacaha ayaa la xukumi doonaan sida ay sheegtay warbaahinta
gudaha.
Dad u dhashay dalalka Singapore, Peru, Imaaraatka Carabta iyo qeybo kale oo Afrika ah
ayaa lagu dhacay internet-ka sida ay sheegeen madaxda Zambia.
Kaddib
maxkamadeyn socotay toddobaadyo 22 u dhashay Shiinaha oo ay ku jirto haweeney
saddax dambi lagu helay ayaa la xukumay.
Masar ayaa lagu eedeeyay in ay daabaceyso fariimo looga horjeedo Israel.
Xigashada Sawirka, Reuters
Wargeyska The Jerusalem Post ee ka soo baxa Israel ayaa
daabacay maqaal uu ku dhaliilayo mowqifka Masar ee dagaalka Gaza. Inkastoo
labada dal uu ka dhexeeyo heshiis nabadeeda hadana wargeyska waxa uu sheegay in
Qaahira ay daabaceyso fariimo looga horjeedo Israel.
Maqaalka waxaa qortay Ruth Wasserman Land oo hore u soo
noqotay safiir ku xigeenka Israel ee Masar, waxayna ka tirsan tahay machadka
amniga qaranka iyo istaraatiijiyada Sahnuuniaydda ee Misgav.
Ruth waxay sheegtay in Masar ay heshiis nabadeeda la gashay
Israel, waxaana ka go’an in ay xiriir ganacsi iyo iskaashi la lahaato Mareykanka,
dhinaca kalena waxay dadweynaha Masar ka buuxineysaa fariimaha naceybka Israel.
Waxay kaloo sharaxday aragtida Masar, “dhismaha dowlad
Falatiin leedahay waa tiir muhiim u ah heshiiska nabadda markii ay taas
guuldareysatay waxay u ogolaatay dowladdii Mubaarak in ay ka horta xoojinta
iskaashigii Israel ee dhinacyada ganacsiga, dhaqanka, dalxiiska iyo meelo kale.
Warbaahinta Masar ayey ku eedeysay in ay isticmaalaan
fariimo iyo sawir gacmeedyo muujinaya Yahuud naceyb.
Dhaliisheeda waxaa ka mid ah in Masar aysan ogoleyn in
Israel ka soo muuqato warbaahintooda taas oo ka dhigeysa doodaha la xiriira
Israel in ay dhacaan iyadoo qof Israeli ah uusan fadhin miiska.
Masar ma dooneyso in si kumeel gaar ah Falastiiniyiinta dalkeeda
u dagaan iyagoo ka baqaya sida hore u dhacday in ugu dambeyn ay noqdaan dad
rasmi u deggan.
Ruth waxay kaloo sheegtay laga bilaabo 2017-kii in xiriirka
Masar iyo Xamaas uu fiicnaaday kaddib markii hoggaamiyayaasha Xamaas ay daabaceen
nuqul cusub oo ka mid ah dastuurkooda kaas oo iska fogeeyay ururka Akhwaanul-muslimiin.
Waxay kaloo sheegtay in tanallo badan oo la helay ay muujinayaan
in lagu dhisay go’aano meel sare ka soo baxay ama in indhaha laga dabooshay
markii la qodayay.
Haweeney loo maleeyay in ay geeriyootay oo iyadoo nool laga loogu tagay qolka meydka
Xigashada Sawirka, Getty Images
Haweeneyda oo ku dhimatay guriga waayeelka lagu daryeelo gobolka
Nebraska ayaa la helay iyadoo nool sida ay sheegeen mas’uuliyiinta halkaas
joogtay.
Constance Glantz waa 74 jir, waxaana la ogaaday in ay
neefsaneyso labo saac kaddib markaas oo la siiyay kaalmo caafimaad.
Ms Glantz waxaa loo qaaday isbitaalka markaas kaddib ayey
halkaas ku geeriyootay. Shalay abaarihii afartii galabnimo ayaa si rasmi ah
loogu dhawaaqay in ay geeriyootay
Boolisku waxay hadda baarayaan sida ay ku dhacday arrinta
waxayna sheegeen in aysan jirin cadeymo ah in dambi la galay.
Ma ahan dhacdadan tii ugu horeysay oo qof loo qaatay in uu
geeriyooday la ogaaday in uu nool yahay. Sanad ka hor dalka Ecuador, Bela
Montoya oo ahaa nin 76 sano jiray ayaa la ogaaday in uu nool yahay markii la
aasay kaddib. Ninkaas ayaa sii noolaa dhowr maalmood.
2018-kii haweenay u dhalatay Koonfur Afrika oo shil gaari ku
dhimatay ayaa la ogaaday in ay nooshahay kaddib markii la geliyay qaboojiyaha
meydka.
Khubarada caafimaadka ayaa ku taliyay in lala socda garaaca
wadanaha iyo neefta qofka ugu yaraan hal daqiiqo ka hor inta aan la go’aamin geerida
Gantaalada Xisbullah ayaa sababay dabka keymaha Israel
Xigashada Sawirka, EPA
Gantaalada Xisbullah
ayaa sababay dab maalmo ka holcayay waqooyiga Israel kaas oo burburiyay dhul
balaaan oo keymo ahaa iyadoo 11 qof isbitaalka loo dhigay qiiqa ay ku
caburmeen.
Dhulka gubanaya
waxaad ka soo arkeysaa meel hal saac iyo bar u jirta xadka Lubnaan. Qiiq madow
ayaa labada dhinac ee wadada ka baxaya.
Dadka deegaanka
ee waqooyiga Israel waxay dhowr toddobaad isku dayayeen in ay damiyeen dabka ku
firdhisan meelo kala duwan. Kuleylka daran ee jira ayaa sii fududeeyay in dabka
sii fido.
Shaqaalaha dabka
damiya ayaa isniintii 20 saacadood isku dayay in ay damiyaan dabka meelaha u
dhow magaalada Kiryat Shmona.
Sida ay sheegeen maamulka
keymaha dabka oo gubay 14 kiilomitir in ka badan, waxay soo dedejisay baahida Israel
ay u qabto in ay soo afjarto coladda Xisbullah ee waqooyiga.
Israel iyo
Xisbullah waxay is dhaafsanayeen gantaalo maalinkasta ilaa bishii Oktoobar
sanadkii hore. Dadweynaha deegaanka kibbutz waxay sheegeen in weerarada
gantaalada Xisbullah lala xiriirinayo dagaalka Gaza. Ilaa markii uu bilowday
dagaalka Rafax maalinkasta waxay dul mara 3 ilaa iyo 4 gantaal.
Taliyaha
ciidamada Israel, Herzl Halevi, waxa uu sheegay in uu diyaar u yahay in weerar
ay qaadaan.
Ku xigeenka
madaxa Xisbullah, Sheikh Naim Qassem, waxa uu Aljazeera u sheegay in aysan
dooneyn in dagaalka Israel uu baaho balse hadii ay dagaalka sii fidiyaan Israel
in ay burbur kaga jawaabayaan
Maxaa nooga baxay dooddii xalay ee doorashada UK
Xigashada Sawirka, ITV/PA
Qoraalka sawirka, Rishi Sunak iyo Sir Keir Starmer oo yeeshay dood la xiriirta doorashada
1. Ra’isul Wasaaraha oo weerar
qaaday
Rishi Sunak wuxuu xafiiska
joogey muddo sannad iyo bar, xisbigiisuna wuxuu talada ahayey14 sano. Haddana waxaad
moodeysey in uu isagu yahay ninka mucaaradka ah, isagoo si isdabajoog ah u
weerarayey siyaasadaha dhiggiisa xisbiga Shaqaalaha.
Siyaasadaha uu duray waxaa ka
mid ahayd su’aal la xiriirtey sida Sir Keir uu u maareyn lahaa shaqo-joojinta
ay dhakhaatiira caymiska da’da yar ee ka shaqeeya nidaamka NHS iyo dhimista
soogalootiga sharci darrad ah.
Mararka qaarkood doodda ayaa
ku laalaaneysey heer Ra’isul Wasaaruhu uu hadalka ka boobo Julie Etchingham doodad
qaybineysey.
2. Starmer oo tusaale u soo
qaatay Liz Truss si uu weerar celis u sameeyo
Hoggaamiyaha xisbiga
Shaqaalaha ayaa ka jawaabayey dhaliilaha uga yimid Sunak ayaa weeraray siyaasadaha
xukuumadda Muxaaafidka ah oo uu siyaasadaheeda 14sano jirsadey ku tilmaamay wax
“laga xishodo”. Wuxuunba tusaale u soo qaatay qof aan istudiyaha ku jirin oo ah
Ra’isul Wasaarihii Sunak xliga uga horreeyey oo ah Liz Truss oo uu dhowr jeer ku soo halqabsaday .
3. Labada dhinac oo faraha isku taagtaagey
Labada hoggaamiye ayaa isweydaarsadey dhaliilo ku saabsan qof walba
iyo wixii uu qaban jirey intii aysan siyaasadda soo galin. Taas oo ay uga
gollahaayeen in ay daawadeyaasha xasuusiyaaan taariikhda taban ee mid walba
noloshiisa ku lifaaqada.
4. Waxay ku kala aragti duwanaayeen daryeelka
caafimaad
Labada dhinac ayaa kula tagey markii
la weydiiyey su’aal la xiriirtey
In ay adeegsan lahaayeen daryeel
caafimaad oo gaar ah, lacalla haddii qof ehelkooda ah uu saf dheer ugu jiro
qalliin.
Mr Sunak ayaa yir haa, laakiin
dhiggiisa Xisbiga Shaqaalaha uu ku jawaabay maya, isagoo intaasnku daray in isaga
iyo qoyskiisu ay ku xiran yihiin.
5. Waxay ku kala qaybsameen
qorshaha Rwanda
Ra’isul Wasaaraha ayaa mar la
weydiiyey haddii uu ka bixi lahaa Xeerka Reer Yurub ee Xaquuqda Aadanaha haddii
uu caqabad ku noqonayo qorshaha dadka magangelyada waayey loogu rarayo Rwanda,
wuxuu ku jaawaabay in amaniga dalku uu wax walba kala muhiimsan yahay. Halka Sir Keir uu hoosta ka xarriiqay difaaca xeerk
Narendra Modi oo si dirqi ah ku bedbaadey
Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, Modi oo sigtay
Xisbiga Bharatiya Janata Party (BJP) ee uu
hoggaamiyo Ra’isul Wasaare Narendra Modi ayaa ku guuleystey doorshooyinkii guud
ee todobaadkii la dhaafay ka dhacay dalka Hindiya.
Xisbiga BJP oo laga soo billaabo 2014 caynaanka
u hayey dalkaas, islamarkaana aan laga daba hadli jirin ayaa kalkaan waxaa soo
gaarey dharbaaxo siyaasadeed oo lama filaanku noqotay qaar badan oo ka tirsan
dadka siyaasadda odorosa.
Natiijada ka soo baxday doorashadii ugu
dambeysey waxay si gaar ah u taabatay Ra’isul Wasare Narendra Modi oo looga bartay in uu meel cidlo
ah ka qaato cododka taageereyaal jidbeysan, ka dib markii uu ku abuuray qiiro
diimeed, balse u muuqda in ay baraarugeen.
Haddaba su’aasha dad badan is weydiinayaan
ayaa ah waxa keenay guuldarrada lama filaanka ah eek u timid xisbiga BJP.
Xeeldheereyaasha siyaasadda Hindiya ka
faallooda waxay la tahay in jawaab qura aysan ku filleyn jawaabtaas, waxaase
loo badinayaa arrimahan hoos ku xusan:
1.Dadka
oo ka xiiso dhigay siyaasaddiisi qiiro diimeedka ku saleysneyd, islamarkaana
doonaya isbeddel dhab ah oo noloshooda taabta.
2.Xisbiga
Congress oo ah kii Hindiya xornimada u horseeday oo ka soo toosay hurdo dheer
oo uu ku jirey tan iyo markii uu Modi masraxa siyaasadda koo fuulay.
3. Muslimiinta
Hindiya oo dhibaato weyn kala kulmay siyaasadaha diin nacaybka ku saleysan ee
Modi codkooda mideeyey si ay garab u siiyaan xisbiyada mucaaradka.
Wallow Xisbiga BJP uu lumiyey aqlabiyadddii uu ku lahaa
baarlamaanka dalkaas, taas oo ka dhigan in uu u baahan yahay xisbiyo kale oo dowlad
wadaag ah la dhisa, haddana waxaan ka shaki ku jirin in Ra’isul Wasaare Modi uu
muddo xileedkii Saddexaad oo