Xildhibaan labo sano oo xarig ah ku muteysanaya inuu u ‘gefay’ Raysal wasaare
Xisbiga ugu weyn mucaaradka dalka India, ee Congress Party, ayaa sheegay in hoggaamiyahooda Rahul Gandhi ay dowlada bartilmaameedsaneyso, kadib markii uu kashifay waxa uu ugu yeeray falalkooda xun xun.
Hadalkan, ayaa yimid ka dib markii maxkamad ku taalla galbeedka Hindiya ay ku xukuntay Gandhi laba sano oo xabsi ah, kiis dembi sumcad dil ah.
Waxaa lagu xukumay hadallo uu sheegay oo ku saabsan magaca ra'iisul wasaare Narendra Modi, intii lagu jiray isu soo bax doorasho oo dhacay sanadkii 2019-kii.
Gandhi ayaa la siiyay dammaanad, wuxuuna ka qaadan karaa xukunkan racfaan.
Xisbiga talada haya ee BJP, ayaa sheegay in nidaamka caddaaladeed ee dalka Hindiya loo maray kiiskani.
(Warbaahinta Hindiya, ayaa soo warisay in intii lagu jiray isu soo baxa doorashada sanadkii 2019-kii, Gandhi uu waydiiyay dadka sababta dhammaan tuugta ay u leeyihiin "Modi" dhanka magac guud - isagoo ula jeeda laba ganacsade oo Hindi ah oo baxsad ah, dhammaantoodna lagu naanayso Modi).