You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Militeriga Israa’iil oo duqeeyay marinka Qaza

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Shaqaalaha dowladda hoose ee dalka Koonfur Afrika oo dul seexda xabaalaha

    Qaar kamid ah shaqaalaha dowladda hoose ee deegaan katirsan dalka Koonfur Afrika, ayaa wajahaya dacwad la xiriirta inay ku dul seexdaan xabaalaha.

    Maamulka dowladda hoose ee deegaan kani, ayaa tilmaamay in qaar ka mid ah shaqaalahooda ay ku soo oogi doonto fal anshax xumo, kaddib markii baraha bulshada lagu baahiyay sawirro muujinaya iyaga oo fadhiya, ama dul seexanaya qabuuro dushooda.

    Shaqaaluhu ayaa waxay ka socdeen waaxda beeraha ee dawladda hoose - oo u xilsaaran nadiifinta jardiinooyinka iyo goobaha dadweynaha, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah.

    Ma cadda goorta sawirada la qaaday.

    Bayaan ay soo saartay, degmada Msunduzi, ee gobolka Kwa-Zulu Natal ee dalka Koonfur Afrika, ayaa lagu sheegay inay ka warqabto maamulka degmada waxa noqon karaya "sawirro abuuraya khalkhal".

    "Dawladda hoose ma aqbali doonto hab-dhaqanka noocaas ah, waxayna qaadi doontaa hab-raacyo lagu soo oogayo shaqaalahani dacwad la xiriirta anshax-xumo, iyo inay sumcad-xumo usoo jiideen degmada," ayaa lagu yiri bayaanka.

  2. Ninkii weeraray Salman Rushdie oo la guddoon siiyey abaal marin

    Urur Iiraani ah, ayaa sheegay in ninkii weeraray qoraaga Salman Rushdie ee bishii August ee ina dhaaftay ee sanadkii 2.022-ka, uu u heli doono dhul ku yaalla Iran abaal marin ahaan.

    Ururka Fatwa ee Imaam Khumeyni, ayaa sheegay in qofka weerarka geystay oo ah nin da’yar oo Muslim-Maraykan ah, (Hadi Matar) la siin doono kun mitir oo isku wareeg ah oo dhul beereed gaaraya.

    Qoraaga shan iyo todobaatan jirka ah ee qoray buugga Aayadaha Shaydaanka iyo Carruurta Saqda dhexe, ayaa ka naafoobay il iyo gacan, kadib markii lagu weeraray munaasabad suugaaneed oo ka dhacday gobolka New York ee cariga Mareykanka.

    Iran ayaa beenisay inay ku lug lahayd weerarka.

    (Rushdie ayaa waxa uu muddo dheer soo food saaraysay hanjabaad dil ah, tan iyo markii Ayatollah Khomeini uu soo saaray fatwo sanadkii 1989-kii, kadib markii uu daabacay qoraaga buugii Aayadaha Shaydaanka, oo Muslimiinta qaar ay u arkeen in aflagaado.)

  3. Axmed Buule Gareed oo ka jawaabay magacaabista Macallimu ee maamulka Jubbaland

    Maamulka Jubaland ayaa mar kale u magacaabay Cismaan Nuur Xaaji Macallimu, guddoomiyaha gobolka Gedo.

    Madaxweyne ku xigeenka Jubaland oo shaaciyay magacaabistiisa ayaa sheegay in Macalimuu haatan laga bilaabo uu mas’uul ka yahay howlaha amniga iyo siyaasadda gobolka.

    Macallimu waxaa xilka laga qaaday bishii January 2021, wuxuuna ahaa ninka ugu magaca dheer maamulkii Gedo ka jiray sanadkii 2020, xilligaas oo ciidamada Federaalka iyo kuwa maamulka Jubaland ay dhowr jeer ku dagaallameen magaalada istaraatiijigga ah ee Beled Xaawo.

    Guddoomiyaha maamulka Jubbaland sheegay in la bedelay Axmed Buule Gareed oo BBC -da u warramay ayaa sheegay inuu la yaabay go'aankaas kuna tilmaamay maamulka mid sharci darro ah oo aanu aqoonsanayn. Faah-faahinta halkan ka dhageyso.

  4. War deg deg ah, Qarax iyo rasaas xooggan oo laga soo sheegayo Muqdisho

    Warrarka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la maqlay qarax weyn oo ay xigtay rasaas xoog leh oo ka dhacaysa guri ku yaala waqooyiga magaalada.

    Dad goobjoog ah ayaa BBC-da u sheegay in rag hubeysan ay weerarreen guri lagu daweynayay dhaawacyada ciidamada deegaanka ee dhawaanahan Al-Shabaab kula dagaalamayay gobolka Hiiraan.

    Rasaas xoog leh ayaa wali laga maqlayaa dhismaha guriga, taasoo ay is waydaarsanayaan ciidamada amaanka iyo ragga weerarka qaaday.

    Lama oga xaalka dhaawacyadii guriga lagu daweynayay iyo dadkii kale ee joogay.

    Illaa hadda ciidamada amaanku kama hadlin weerarka socda, mana jirto illaa hadda koox sheegatay.

  5. Macalimuu oo mar kale loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Gedo

    Maamulka Jubaland ayaa mar kale u magacaabay Cismaan Nuur Xaaji Macallimu, guddoomiyaha gobolka Gedo.

    Madaxweyne ku xigeenka Jubaland oo shaaciyay magacaabistiisa ayaa sheegay in Macalimuu haatan laga bilaabo uu mas’uul ka yahay howlaha amniga iyo siyaasadda gobolka.

    Macallimu waxaa xilka laga qaaday bishii January 2021, wuxuuna ahaa ninka ugu magaca dheer maamulkii Gedo ka jiray sanadkii 2020, xilligaas oo ciidamada Federaalka iyo kuwa maamulka Jubaland ay dhowr jeer ku dagaallameen magaalada istaraatiijigga ah ee Beled Xaawo.

  6. Putin oo hakiyay ka qeybgalka heshiiskii hubka ee kala dhexeeyay Mareykanka

    Madaxweynaha Ruushka Putin ayaa hakiyay ka qeybgalka dib u bilaabidda heshiishka istaraatiijiyadeed ee hubka ee u dhexeeyay Mareykanka iyo Ruushka.

    “Waxaan maanta ku khasbanahay in shaaciyo in Ruushka uu hakinayo ka qeybgalka heshiskii istaraatiijiga ahaa ee hubka”.

    Wuxuu intaa ku daray in Ruushka uu diyaar u yahay in uu tijaabiyo hubka Nukliyeerka waa haddii marka hore uu Mareykanka qaado tallaabadaas.

  7. Odayaal ka tagay Hargeysa oo ka hadlay dadaallada ay ku doonayaan in xal laga gaaro xiisadda Laascaanood

    Salaadiinta dhawaan kasoo amababaxy Hargeysa ee ku wajahnaa magaalada Laascaanood ayaa sheegay in ay u socdaan sidii ay xal ugu heli lahaayeen dhibaatada Laascaanood.

    Waxayna sheegeen inay ku rajo weyn yihiin in ay dhinaca kale la kulmaan .

    Guddoomniyaha salaadiintaas, Sheekh Cabdiraxmaaan jaamac ayaa BBC-da uga warramay dadaallada ay ku doonayaan inay ku joojiyaan colaadda.

  8. Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay warar sheegaya in gaadiid dagaal oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda leedahay uu gacanta u galay Al-Shabaab

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Abshir Jaamac Muuse ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaamay warar la isla dhex mararay oo sheegay in gaadiid dagaal oo uu isagu leeyahay uu gacanta u galay Al-Shabaab.

    Wuxuu warkan ku tilmaamay mid been abuur ah oo marin habaabin ah.

    “Waxaan umadda Soomaaliyeed ogeysiinayaa in aanu jirin gaadiid aan leeyahay ama Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya leedahay oo ka maqan gacanteyda ama u galay Al-Shabaab, wararka arrintaas la xiriira ee baraha bulshada lagu faafiyay waa been abuur lagu jahwareerinayo umadda Soomaaliyeed,” ayuu kusoo qoray bartiisa Facebook.

  9. Wararkii ugu dambeeyay ee dagaal culus oo saaka ka dhacay Laascaanood

    Xogta aan ka heleyno magaalada Laascaanood ayaa sheegeysa in maanta uu mar kale dib u bilowday dagaalka taagnaa labadii isbuuc ee lasoo dhaafay.

    War kasoo baxay dhinaca Somaliland ayaa lagu sheegay in xoogagga deegaanka ee Laacaanood ay saaka weerar ku qaadeen fariisimaha ciidanka Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida.

    War saxaafadeedka Somaliland oo lagu shaaciyay warbaahinta iyo baraha bulshada ayaa lagu sheegay "in dhankooda ay tixgelinayaan xabbad joojintii ay horay ugu dhawaqeen balse ay isdifaacayaan".

    Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta dhinaca Laascaanood.

    Dagaalkan oo ilaa hadda lasoo tebiyay in ay ku dhinteen in ka badan 100 qof ayaa sababay barakaca qoysas badan oo ka qaxay magaalada Laascaanood.

  10. In ka badan 50 askari oo lagu dilay dalka Burkina Faso

    Ciidamada Burkina Faso ayaa haatan sheegay in in ka badan 50 askari lagu dilay weerar ay kooxo loo maleynayo maleeshiyaad Islaamiyiin ah ay ka geysteen waqooyiga dalkaas.

    War kasoo baxay ciidamada ayaa lagu sheegay in ilaa hadda la helay meydadka 51-askari halka wali la la'yahay dhowr askari, waxaana goobta uu weerarka ka dhacay laga qaaday saddex askari oo dhaawac ah.

    Militariga ayaa goor sii horeysay sheegay in 8 askari ay ku dhinteen weerarka kaasoo ay ku tilmaameen dagaal xoogganaa oo ka dhacay gobolka Oudalan.

    Waxay ku andacoodeen inay dileen in ka badan 100 ka mid ah raggii weerarka soo qaaday, inkastoo aan tiradaas si madax bannaan loo xaqiijin karin.

    Sanadkan waxaa sare u kacay weerarada ka dhaca waqooyiga Burkina Faso, iyadoo in ka badan 100 qof ay ku dhinteen lixdii toddobaad ee ugu horreysay ee isla sanadka.

    Guuldaradda ku saabsan in la joojiyo dhiigga daadanaya kaasoo horseeday laba afgambi oo ka dhacay dalkaa sannadkii hore iyo soo afjaridda hawlgalkii milatari ee Faransiiska ka waday halkaas.

    Dhacdadan ayaa la soo wariyay iyadoo Faransiiska si rasmi ah u soo afjaray hawlgalladiisii ​​millatari ee uu ka waday waddankaas oo ay askarta Faransiiska ku sugnaayeen tan iyo 2015-kii si ay gacan uga geystaan ​​la dagaallanka kooxaha maleeshiyaadka.

    Warar kale:

  11. Asalaamu Caleykum

    Kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay Soomaalida iyo Caalamka.