You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Wararkii ugu dambeeyay ee toogashada ka dhacday Mareykanka

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Madaxweyne Xasan: "Waa in si mideysan aan u sheegnaa waxa shareecda Islaamku ka qabto dhaqanka Al-shabaab"

    Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in culimada Soomaaliyeed looga baahanyahay in shacabka ay u sheegaan waxa ay diinta Islaamku ka qabto fikirka iyo dhaqanka Al-shabaab.

    Madaxweynaha oo ka hadlayay shirka culimada Soomaaliyeed oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho ayaa markii uu hadalkaan jeedinayay waxaa garab taagnaa wasiirka diinta iyo awqaafta xukuumadda Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

    Xasan Sheekh ayaa culimada ku booriyay in si mideysan loogu bayaaniyo shacabka halka diintu ay ka taagantahay Al-shabaab, maadama diintu ay tahay halka laga toosin karo dadka. Wuxuu intaa ku daray in hadda la isku raacsanyahay in Shabaab ay dhib ku hayaan dadka Soomaaliyeed.

    Shirkan culimada ee Muqdisho ka furmay ayaa imaanaya xilli dowladda iyo shacabka deegaannada qaar ay wadaan howgallo ka dhan ah Al-shabaab, kaasi oo soo bilowday qaybihii dambe ee sanadkii la soo dhaafay.

  2. Israel oo baaraysa dil ciidamadeedu u gaysteen nin Falastiini ahaa oo dhawaan la toogtay

    Ciidamada Israel ayaa sheegay in ay bilaabeen baaritaan ku aadan dilka nin Falastiini ah oo shan iyo afartan jir ahaa oo todobaadkii hore ay toogteen ciidamadu. Askarta ayaa ku toogtay bar kontorool oo ku taal duleedka xaafadiisa oo ah Daanta Galbeed ee la haysto.

    Israa’iil ayaa sheegtay in Axmed Kahla – oo ka careysan dib u dhac uu kala kulmay barta baaritaannadu ka socdeen uu isku dayay in uu ka dego gaarigiisa. Dagaal ayaa ka dib dhacay markii uu isku dayay inuu la soo baxo qori una adeegsado booliska- waxaana lagu dilay wiilkiisa hortiisa.

    Mr Kahla ayaa markii hore lagu tilmaamay inuu ahaa Argagixiso isku dayay inuu weeraro, balse warbaahinta gudaha ayaa sheegaysa in warbixintii ugu horeysay ee militariga oo la faafiyay lagu ogaaday in si arxan darro ah loo dilay.

    18 qof oo falastiiniyiin ah ayay ciidammada Israa’iil dileen saddexdii toddobaad ee ugu horreysay sanadkan, kuwaas oo ay ku jiraan maleeshiyaad iyo dad rayid ah.

  3. 'Labo qodob ayaa sabab u noqon kara in xarunta gobolka Banaadir gudaheeda lagu dagaallamo'

  4. Qaar kamid ah taageerayaasha Arsenal oo lagu xiray Uganda

    Koox gaareysay 20 oo kamid ah taageerayaasha kooxda Arsenal ee Uganda ayaa waxay booliska ku xireen magaalada Jinja, sida uu ku warramay wargeyska The Monitor.

    Waxay kooxda u dabbaaldageysay guushii ay xaley Arsenal ka gaartay Manchester United oo ay 3-2 uga badisay.

    Wargeyska ayaa sidoo kale ku warramay in taageerayaasha la qabtay ay saarnaayeen kolonyo baabuur ah xilliggii ay dabbaaldegayeen.

    Booliska kama aysan hadlin waxa ay geysteen taageerayaashan la xiray.

    “Ma garan karo waxa aan sameynay, waxaan u dabbaadageynay guusha aan ka gaarnay Manchester United” ayuu yiri Baker Kasule oo uu wargeyska soo xigtay.

  5. Shirka culimada Soomaalida oo ka furmaya Muqdisho

    Waxa goordhow la filayaa inuu magaalada Muqdisho ka bilowdo, shir loogu magac daray shirweynaha culimada Soomaaliyeed, kaas oo looga hadli doono ajandayaal ay kamid yihiin sharciyad ka qaadista ururka Al-Shabaab, sida sixida fahamka saxda ah ee diinta islaamka.

    Sharciyad siinta dawladda, sida xukunka islaamka iyo dawladnimada casriga ah Iyo dhisida Golaha Sare ee Culimada.

    Shirkan oo socon doona illaa khamiista ayaa waxa ka qaybgalaya culimo ka kala timid dalka gudihiisa iyo dibaddiisa. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu shirka furo.

  6. Madaxweyne ku baaqay in ragga ay joojiyaan basaasidda teleefoonada xaasaskooda

    Madaxweynaha Zambia, Hakainde Hichilema ayaa ugu baaqay ragga inay joojiyaan basaasiadda teleefoonada xaasaskooda.

    Hadalkiisa ayaa qeyb ka ah dadaallada ku aadan sidii looga hortaggi lahaa kiisaska la xiriira furriinka dalkaas oo sare u kacay.

    Xogta la diiwaangeliyay waxay muujineysaa in sanadkii hore oo kaliya ah kiisaska furriinka Zambia ay gaareen in ka badan 22,000, madaxweynaha wuxuu warbixintan ku tilmaamay mid nasiib darro ah.

    “Jaceyl ayaan isku guursannaa, iskuma guursanno in aan is furno oo aan kala tegno, iskuma guursanno in aan is eedeyno” ayuu yiri madaxweynaha Zambia, sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha.

    Wuxuu intaa ku daray, “Xoriyadda waa in aad mas’uuliyad iska saarto sidii aan xoriyadda u xaddidi laheyd ma ahan in aad farageliso xoriyadda dadka kale”.

    Waxaana ugu wacan arrimo ay kamid yihiin, khilaafka ka dhaca qoyska, aflagaadada iyo tallaabooyinka gurucan ee ka dhex dhaca qoyska.

  7. Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka oo lagu soo dhaweeyay Koonfur Afrika

    Dowladda Koonfur Afrika ayaa baahisay sawirrada iyo muuqaal ku saabsan booqashada wasiirk arrimaha dibadda Ruushka, Sergei Lavrov uu ku tagay Pretoria waxaana soo dhaweysay wasiirka arrimaha dibadda Koonfur Afrika, Naeldi Pandor.

    Ruushka waxaa xiriirka u jaray dalalka Reer Galbeedka kadib duulaankii uu ku qaaday Ukraine, inkasta uu jiro cadaadis ah in la dhaleeceeyo duullaanka Ruushka, Koonfur Afrika dhexdhexaad ayay ka tahay xaaladda-taasoo oo niyad jab ku ah Ukraine.

  8. Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka oo booqanayo Koonfur Afrika

    Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergei Lavrov ayaa markii ugu horreysay booqanaya dalka Koonfur Afrika tan iyo markii uu Ruushka ku duulay Ukraine, Koonfur Afrika wey ka gaabsatay inay dhaleeceyso tallaabada Ruushka.

    Ruushka wuxuu xiriir taariikhi ah la leeyahay xukuumadda Pretoria, Mr Lavrov ayaa lagu wadaa in uu wadahadallo la yeesho dhiggiisa Koonfur Afrika, Naledi Pandor.

    Waxaa la qorsheeyay dibadbaxyo looga soo horjeedo Ruushka in lagu qabto afaafka hore ee dhismaha wadahadallada lagu qabanayo.

    Koonfur Afrika waxay qorsheyneysaa in dhoolatus militeri oo dhanka badda ah ay si wadajir ah ula sameyso Shiinaha iyo Ruushka.

  9. Wararkii ugu dambeeyay ee toogashada ka dhacday Mareykanka

    Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay weerar ka dhacay meel qoob ka ciyaarka lagu sameeyo halka ay ku dhaawacmeen 10 qof oo kale.

    Arrinntan ayaa qeyb ka ah weeraro inta badan ay qaadaan dad hubeysan oo u badan dhallinayo.

    Ninkii looga shakisanaa in uu weerarka ka geystay meel u dhaw Los Angeles ee dalka Mareykanka ayay booliska heleen isaga oo meyd ah.

    Waxaana la sheegay in uu isku dhex toogtay gaari gudihiisa, Saraakiisha ciidamada Mareykanka ayaa hareereeyey gaari midabkiisa lagu sheegay caddaan oo ku sugan magaalada Torrance ee gobolka California in ka badan 12 saacadood ka dib weerar dad badan ay ku dhinteen oo dhacay .

    Ninkan ayaa da’diisa lagu sheegay 72 jir, wuxuu kasoo jeeda Asia.

    Toogashada aan loo meel dayin ayaa ka dhacday goob lagu soo bandhigayay ciyaaraha qoob ka ciyaarka oo ku taalla barxadda Monterey, halkan waxaa si weyn ugu badan dadka kasoo jeeda qaaradda Asia ee ku nool Mareykanka.

  10. Asalaamu Calaykum

    Kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay Soomaalida iyo Caalamka.