You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Ciidamada ammaanka Puntland oo sheegay in ay dileen sarkaal sare oo ka tirsan Daacish

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Shiinaha oo adduunka soo dhaweynaya kadib xayiraadihii Covid-19

    Shiinaha ayaa sheegay in adduunka u sheegay in uu u furan yahay kadib dhibaatada Covid ee ku habsatay dalka in kasta oo ay ka codsadeen macluumaad dheeri ah Ururka Caafimaadka Adduunka.

    Afhayeen u hadlay dowladda Shiinaha oo lagu magacaabo Wang Wenbin ayaa ku andacooday in Beijing ay tahay mid hufan, oo ay bixineyso waxa uu ku tilmaamay xogta waqtigeeda.

    Hase yeeshee qaar ka mid ah cilmi-baarayaasha Shiinaha ayaa sheegaya in aysan suurtagal ahayn in tirooyin sax ah laga helo Covid.

    Ka dib markii ay si taxaddar leh u soo tebiyeen cudurka iyo dhimashadiisa ku dhawaad ​​​​saddex sano, Beijing waxay joojisay daabacaadda tirooyinka maalinlaha ah.

  2. Ruushka oo sheegay in uu la wareegay magaalada Soledar ee Uraine

    Ruushka ayaa sheegay in ciidamadooda ay soo afjareen qabsashada Soledar oo ah magaalo laga soo saaro milixda oo ku taal bariga Ukraine, halkaasoo uu ka socday dagaal xooggan.

    Wasaaradda difaaca ee Moscow ayaa sheegtay in tani ay u ogolaaneyso ciidamada Ruushka in ay jebiyaan ciidamada Ukraine ee ku sugan magaalada Bakhmut, oo ah magaalo ay weeraro ku qaadeen muddo bilo ah.

    Balse militariga Ukraine ayaa beeniyay in Soledar lagala wareegay, waxayna sheegeen in dagaalka halkaasi uu wali ka socdo.

    Horraantii toddobaadkan kooxda calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner ayaa sheegtay in ciidamadooda ay qabsadeen Soledar, balse waxaa arrintaasi ka hor yimid wasaaradda gaashaandhigga ee ruushka.

  3. Maxaabiis baxsatay kadib markii askartii ilaalineysay basbas indha uga shubeen

    Laba maxbuus oo caan ah ayaa baxsaday ka dib markii ay indhaha uga rusheeyeen budo basbaas ah askartii dib ugu celinaysay xabsiga. Dhacdan ayaa ka dhacday magaalada Alaba ee koonfurta-galbeed ee Itoobiya, sida ay booliisku sheegeen.

    Waxay ahaayeen laba ka mid ah afar qof oo qorsheeyay in xabsiga kabaxsadaan “Afar ka mid ah maxaabiista baxsatay, mid waa la dilay, mid kalena waa dhaawacmay, labana weli waa la baadi goobayaa,” ayuu BBC-da u sheegay taliye ku xigeenka booliiska maamul-goboleedka Koonfur-galbeed Itoobiya Taaju Negash.

    Ma cadda halka ay maxaabiistu ka keeneen basbaaska.

    Maxbuuska la dilay ayaa wajahaya dacwad kale oo ah inuu bam gacmeed ku tuuray askar ka tirsan ciidamada booliska xili uu xabsiga ku jiray.

  4. Muwaadiniin Croatia u dhashay oo lagu soo oogay dacwad ah ka ganacsiga carruurta aan qaan-gaarin ee Congo

    Maxkamad ku taalla magaalada Ndola ee dalka Zambia ayaa dammaanad ku sii daysay afar lamaane oo u dhashay dalka Croatia, kaddib markii lagu soo oogay eedeymo la xiriira isku dayga ka ganacsiga carruurta.

    Dhammaan eedaysanayaasha waxay shegeen in aanay wax dambi ah gelin.

    Sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha,shaqaale ka howlgala hoteel halkaa kuyaalla ayaa sheegay in markii ay lamaanaahan huteelka soo galayen ay hubiyeen in ay a haayeen carruur la’aan, balse maalintii saddexaad ee ay halkaa ku sugnaayeen ay ogaadeen in ay gacanta ku hayaan afar carruur ah oo u dhashay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo,

  5. Arday lagu eedeeyay inay aflagaadeeyeen madaxweynaha Ghana oo loo ogoladay inay dib dugsigooda ugu laabtaan

    Sida ay sheegtay wasaaradda waxbarashada,siddeed arday oo u dhalatay Ghana oo laga eryay muuqaal aad baraha bulshada ugu faafay oo ay ku aflagaadeeyeen madaxweyne Nana Akufo-Addo ayaa loo ogolaaday inay dib u bilaabaan xiisadaha.

    War qoraal ah oo ay wasaaraddu soo saartay ayay ku sheegtay in madaxweyne Akufo-Addo uu soo farageliyay arrintan si ardaydan dib loogu celiyo dugsigooda.

    Bayaan uu soo saaray afhayeenka wasaaradda Waxbarashada Ghana (GES) ayaa lagu yiri "waxaa la faray inay tixgeliso tallaabo kale oo ardayda lagu edbiyo halkii laga cayrin lahaa".

  6. Maxay tahay arrinta ay Militariga Sudan iyo Madaxweynaha Koonfurta Sudan ku heshiiyeen?

    TV-ga qaranka Sudan ayaa sheegay.Hogaamiyaha Militariga Sudan Gen Abdel Fattah al-Burhan iyo Madaxweynaha Koonfurta Sudan Salva Kiir ayaa ku heshiiyey in la sameeyo ciidamo isku dhaf ah oo ilaaliya xuduudka labada dal oo dhan 1,800km- (1,120 mile).

    Heshiiskan ayaa lagu dhawaaqay ka dib wadahadal ay labada hoggaamiye ku yeesheen magaalada Jubba ee caasimadda Koonfurta Suudaan Khamiistii.

    Wasiirada Difaaca iyo Arrimaha Dibadda ee labada dal ayaa sidoo kale ka qeyb galay wada hadalada.

  7. Ciidamad Amxaarada oo bilaabay in ay kabaxaan gobolka Tigray

    Ciidamada difaaca Itoobiya ayaa sheegay in xubno ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Amxaarada - oo xulafo la ah dowladda federaalka labadii sano ee dagaalka sokeeye ee ka dhanka ahaa dagaalyahannada Tigrayga - ay bilaabeen in ay ka baxaan magaalada Shire ee Tigrayga iyo deegaannada hoos yimaada.

    Tani waxay ku soo beegmaysaa iyadoo dagaalamayaasha Tigray-ga horaantii todobaadka ay bilaabeen inay hubkooda wareejiyaan si waafaqsan heshiiskii nabadeed ee bishii November lagu saxiixay Pretoria si loo soo afjaro dagaalka.

  8. Itoobiya oo ansixisay manhaj cusub

    Xukuumadda Itoobiya ayaa ansixisay manhaj cusub oo dhawaan dalka laga dhaqan gelinayo. Waxa ku jira manhajkan cusub in la kordhinayo afafka qalaad ee ardaydu baranayso. Go’aamada cusub ee ay soortaay Itoobiya waxaa kamid ah in dugsiyada hoose lagu bilaabo afar jir, dugsiyada afka Amxaariga oo kali ah lagu dhigi jirayna afka Oromada lagu kordhiyo, halka kuwa afka Oromada lagu dhigi jirayna lagu kordhiyo afka Amhariga.

  9. Ciidamada ammaanka Puntland oo sheegay in ay dileen sarkaal sare oo ka tirsan Daacish

    Warar lagu baahiyay baraha bulshada ee warbaahinta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka maamulka Puntland ay dileen madixii howlgallada kooxda Daacish ee deegaannada gobolka bari, oo lagu magacaabi jiray Abuu-Albara Al Amani.

    Ninkaan ayaa sida ay sheegeen booliska Puntland waxaa lagu dilay dagaal dhexmaray ciidamada amniga iyo Al-shabaab maalintii shalay.

    Marka laga soo tago sheegashada Puntland ee dilka ninkaan ma jirto cid si madax bannaan u xaqiijinaysa warkan. Warka qoraalka ah ee lagu baahiyay baraha bulshada ee warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale waxaa la socda sawir lagu sheegay inuu yahay Abuu-Albara Al Amani.

  10. Assalamu Caleykum, Jimco wanaagsan,ku soo dhawaada tebinteena tooska ah ee wararka BBC Somali.

  11. Dagaal qaraar oo magaalada Soledar ku dhex maraya Ruushka iyo Ukraine

    Wasiir ku xigeenka difaaca ee Ukraine ayaa sheegay in dagaal qaraar uu ka socdo bariga magaalada Soledar ee sida weyn loo burburiyay, una dhow Bakhmut.

    Hanna Malyar waxay qirtay in xaaladdu haatan ay adkaatay sida ay hadalka u dhigtay. Mar sii horreysay, afhayeen u hadlay militariga Ukraine ayaa ka dhawaajiyay in taliyeyaasha ay ka fikirayaan ka bixitaanka Soledar.

    Arbacadii, madaxa calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner Yevgeny Prigozhin ayaa ku celceliyay sheegashada ah in ay qabsadeen magaalada, hase yeeshee, wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in dagaalku uu wali socdo.

    Sirdoonka militariga Ukraine ayaa sheegay in Ruushka uu xoojinayo joogitaankooda dhulka ay qabsadeen isagoo keenaya cutubyo badan oo dhawaan la soo abaabulay.

  12. Madaxweyne lagu xukumay bixinta magta dad uu qarax ku dilay dalkiisa

    Maxkamadda sare ee dalka Sri Lanka ayaa ku amartay madaxweynihii hore Maithripala Sirisena iyo afar sarkaal oo hore inay magdhow siiyaan dadkii ku dhintay weerarradii Easter-ka ee 2019-kii.

    Maxkamaddu waxay sheegtay inay ku xad-gudbeen xuquuqda dadka muwaadiniinta ah iyagoo ku guul-darreystay inay ka hortagaan qaraxyada.

    inkastoo xilligaasi la helay xog sheegaysa in weerar uu ku soo wajahan yahay ayey hadana muuqatay feejignaan la'aan xagga dowladda ah.

    Mr Siresena ayaa lagu xukumay inuu bixiyo ku dhawaad 273,000 ​​oo dollar.

    Dadka kale ee la amray in ay bixiyaan ayaa waxaa ku jira taliyayaashii xiligaasi ee booliska iyo sirdoonka Sri Lanka.

    In ka badan laba boqol iyo lixdan qof ayaa lagu dilay weerarradaas.

  13. Sarkaal ciidan oo loo haysatay la shaqeynta Al-shabaab oo maanta xukun dil ah lagu xukumay

    Sida ay qortay Wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA, Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa maanta Dil toogasha ah ku Xukuntay Kabtan Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle oo ahaa taliye Urur ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka kaas oo lagu helay la shaqeynta Al-shabaab.

    Barkhadle oo Da’diisu tahay 53 jir ku dhashay degmada Wisil ee gobolka Mudug ayaa hay’adaha amnigu soo xireen 19 November sanadkii tegay.

    Illaa 27 qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen Qaraxyo uu goobo dhigay .

  14. Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in Al-shaab ay gawraceen in ka badan 300 neef

    Degaanka Ceel Xaadho oo qiyaasti u jira degmada Maxaas 20KM Ayaa la sheegay inay alshaab ku gawraceen in ka badan 300 neef kuwaasi oo ay la hayeen labo qooys oo degankaasi degan.Al-shabaab dhankooda weli kama aysan hadlin arrintan.

    Hadab Gudoomiyaha degamada Maxaas Mumin Moxamed Xalane , ayaa BBC-dau waramay

  15. Wasiirrada arrimaha dibadda ee Faransiiska iyo Jarmalka oo gaaray Itoobiya

    Wasiirrada arrimaha dibadda ee Faransiiska iyo Jarmalka ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, si ay u taageeraan heshiiskii nabadeed ee lagu soo afjaray dagaalladii labadii sano ee la soo dhaafay ka socday waqooyiga gobolka Tigray.

    Annalena Baerbock oo ah wasiirada ka socotay Jarmalka, ayaa sheegtay in iyaga iyo Itoobiya ay ka wadahadli doonaan baahida loo qabo nabad waarta, isla xisaabtan iyo sidoo kale iskaashiga ballaaran ee ka dhexeeya Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.

  16. Ciidamada DRC oo iska diiday joogitaanka dagaalyahannada calooshood u shaqeystayaasha ah Ruushka

    Ciidamada Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo oo kajawaabaya sheegashada kooxda jabhadda ayaa iska diiday joogitaanka dagaalyahannada kooxda calooshood u shaqeystayaasha ee Wagner Group ee Ruushka inay ku sugan yihiin dalkaas.

    Ciidamada ayaa la daalaa dhacaya sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen jabhadda M23 oo bilihii la soo dhaafay qabsatay deegaano ka tirsan bariga dalkaasi.

    Wararka ayaa sheegaya in calooshood u shaqeystayaal Ruush ah ay ku sugan yihiin gobolka Waqooyiga Kivu oo ay dowladda ku casuuntay in ay gacan ka geystaan ​​wax ka qabashada kooxda fallaagada.

  17. Wasaaradda caafimaadka ee Soomaliya oo Digniin Soo saartay

    Wasaaradda Caafimaadka iyo dareyeelka Bulshada ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay heshay Digniino Caalami ah oo ku aaddan waxyeellada laba daawo oo sharooba ah kuwaas oo loo isticmaalo daaweynta xanuunada ku dhaca Neefmareenka.

    Daawooyinkan ayaa magacyadooda lagu kala sheegay :AMBRONAL SYRUP Iyo DOK-1 Max Syrup, waxaana soo saara shirkadda MARION BIOTECH PVT. LTD oo laga leeyahay Dalka India.

    Warkan oo ay wasaaraddu soo dhigtay barteed facebook-ga ayaa waxay ku sheegaty inaysan xaqiijin karin in ay dalka yaaallan iyo in kale.

    Dhaqaatiirta ayaa loogu baaqay in bukaannada loo qorin dawooyinkan.

  18. Kusoo dhawaada markale iyo Tebinta Tooska ah wararka BBC Somali

  19. Haweeney loogu yeeray lakulankii ugu danbeeyay ee ninkeeda inta aan la toogan

    Qoyska nin u dhashay Britain iyo Iran oo labo dhalasho ka haysta labada dal isla markaana lagu xukumay dil ayaa sheegay in Iran ay u diyaarinayso in la toogto.

    Xaaska Alireza Akbari ayaa BBC Persian u sheegtay in sarkaal uu ka codsaday in ay timaado xabsiga uu ku xiran yahay ee Tehran si ay kulankii ugu dambeeyay u yeeshaan.

    Mr Akbari ayaa sidoo kale loo gudbiyay xabsi keligiis ah, taasoo loo arko calaamad muujinaysa in dil uu kusoo fool leeyahay.

    Mr Akbari waa ku xigeenkii hore ee wasaaradda gaashaandhigga, waxaa la xiray 2019-kii, waxaana lagu eedeeyay inuu u basaasayay UK, taasoo uu beeniyay.

    Farriin maqal ah oo ay heshay BBC Persian, ayuu ku sheegay in la jirdilay laguna qasbay in uu kamarada ka qirto dambiyo uusan gelin.

    Saacado ka dib markii farriinta codka ah laga sii daayay BBC Persian, wakaalada wararka ee Mizan ee garsoorka Iran ayaa markii ugu horeysay xaqiijisay in Mr Akbari lagu helay danbi basaasnimo, maxkamada sarena ay diiday racfaankiisa.

    Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda UK ayaa BBC-da ki yiri “Waxaan taageereynaa qoyska Mr Akbari, waxaana marar badan kiiskiisa u gudbinay maamulka Iran.

  20. Duulimaadyada gudaha Mareykanka oo dhowr saacadood hakad galay

    Isu socodka caadiga ah ee hawada ayaa si tartiib tartiib ah dib ugu soo laabanaya guud ahaan Mareykanka ka dib markii Rakaabkii diyaaradaha ee ku sugnaa gudaha dalka Mareykanka ay soo food saaray khalkhal iyadoo dhammaan duulimaadyadii gudaha ay hakad ku jireen saacado badan sababo la xiriira cillad dhanka qalabka garoomada ah.

    In ka badan afar kun oo duulimaad ayaa dib u dhacay waxaana la joojiyay in ka badan lix boqol.

    Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka xoghayaha gaadiidka Mareykanka Pete Buttigieg, wuxuu ku sheegay in mas’uuliyiintu ay ka shaqeynayaan sidii ay ugu xallin lahaayeen arrinta si degdeg ah isla markaana ammaan ah.

    Aqalka Cad ayaa sheegay in marxaladdan, aysan jirin wax caddaynaya inuu dhacay weerar dhanka internetka ah.

    Madaxweyne Biden ayaa amray in baaritaan lagu sameeyo.

    Muuqaalada iyo sawirada Rakaabka ayaa qabsaday baraha bulshada iyagoo muujinaya carada ku aadan safarrada dib u dhaca uu ku yimid.