You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Xabad joojintii uu Putin ku dhawaaqay ee dhagaha laga fureystay

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Baroor-diiq loo sameynayo 40 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay Senegal

    Madaxweynaha Senegal, Macky Sall, ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroor diiq ah, ka dib markii ay isku dhaceen laba bas oo ay ku dhinteen 40 qof halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

    Shilka ayaa aroortii hore ee saaka ka dhacay waddada isku xirta Kaffrine iyo Touba ee marta bartamaha dalka Senegal.

    Mr Sall wuxuu sheegay in saraakiisha ay kulan yeelan doonaan Isniinta si loo qaado tallaabooyin adag oo lagu xoojinayo ammaanka waddooyinka.

    Shilalka gaadiidka ayaa ku badan dalka Senegal basle kani wuxuu ahaa shilkii ugu dambeeyay ee ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca dalkaas.

  2. Waxgaradka gobolka Sool oo soo saaray qodobo ay kaga hadlayaan sidii xal loogu heli lahaa xiisadda Laascaanood

    Guddi uu magacaabay garaadka guud ee gobolka Sool garaad Jaamac kana kooban 33 qof ayaa ka hadlay xaalada haatan ka taagan gobolkaas iyo sidii loo qaboojin lahaa.

    Guddigaas oo la magacbaxay guddiga xal u keenidda gobolka Sool ayaa maalmahan lahaa shirar joogta ah oo looga hadlayey sidii loo qaboojin lahaa xiisadda.

    Waxay soo saareen war qoraal oo ka kooban qodob dhowr oo nabadda khuseeya.

    Maxamuud Salaad Warsame ayaa BBC-da faahfaahin ka siiyay qodobada ay soo saareen.

  3. Saddex arrimood oo ay ka siman yihiin iyo qaar ay ku kala duwan yihiin Al-Shabaab iyo Taalibaan

  4. Jarmalka oo qabtay nin looga shakiyay in uu qaadi rabay weerar kimiko ah

    Nin u dhashay dalka Iran, oo 32 jir ah, ayaa lagu xiray dalka Jarmalka, ka dib markii lagu eedeeyay inuu qorsheynayay weerar, isagoo u nisba sheeganaya "Islaamka".

    Ninkan ayaa qorsheynayay inuu isticmaalo walxo Kimiko ah oo qarxa sida kimikada Cyanide iyo ricin si uu u sameeyo "fal halis ah", Booliska Waqooyiga Rhine-Westphalia, ayaa sidaasi ku sheegay bayaan ay soo saareen.

    Waxay weerareen guriga uu ninkan degenaa ee Castrop-Rauxel, ee ku yaalla gobolka Ruhr, halkaasoo ay ka heleen "walaxaha sunta ah".

    Ricin waa hub bayooloji, oo sun ah.

    Qof kale, ayaa sidoo kale la xiray, labada ruux oo kalana weli xabsiga ayay ku jiraan.

    Warbaahinta Deutsche-Presse Agence (dpa) ee Jarmalka, ayaa ka warbixisay shaqaale badan oo gurmad ah, oo wata dhar qafilan oo goobta soo xaadiray.

    Baaritaanka ayaa weli socda, waxaana markii hore aan la ogeyn ilaa inta uu la egyahay qorshaha weerarka.

    Eedeynta 'fal qalalaase halis ah oo qaranka halis gelinaya', ayaa lagu muteysan karaa xabsi u dhexeeya lix bilood iyo toban sano.

    Sannadkii 2016-kii, ayaa weerar gaari xamuul ah, oo lagu qaaday suuqyada xiligii Ciidda Masiixiga ee magaalada Berlin, ayaa waxaa ku dhintay 12 qof, waxaana ku dhaawacmay tobanaan kale.

  5. Shiinaha oo dib u furay xuduudahiisa kadib saddex sano

    Shiinaha ayaa xudduudahiisa dib ugu furay dadka ka imaanaya caalamka markii ugu horreysay tan iyo markii ay xayiraadaha safarka soo rogtay bishii March ee sanadkii 2020-ka.

    Muddo saddex sano ah, Shiinaha ayaa qaaday sharciyadii karantiilka ee loogu talagalay dadka dalkaas uga imaaneyey dibedda.

    Waa tallaabadii u dambaysay ee ay dawladdu meesha uga saarreyso siyaasaddeeda ku dhisnayd ciribtirka kiisaska cudurka Covid-19.

    Waxaa dadka booqanaya Shiinaha laga doonaya inay sitaan caddeyn muujineysa in qofka uusan qabin cudurka muddo 48 saacadood gudahood.

    Isbeddelka lama filaanka ah ayaa horseeday sare u kac degdeg ah kiisaska coronavirus, wuxuuna ku kalifay in waddamada kale ay ku soo rogaan xannibaado dalxiisayaasha ka imanaya shiinaha.

  6. Dhageyso: Mala joogaa xilligii Dowladda Federaalka iyo Al-shabaab ay wada hadal yeelan lahaayeen?

  7. Madaxweynaha Ivory Coast oo qaabilay ciidamadii ku xirnaa Mali ee lasoo daayay

    Hogaamiyaha Ivory Coast ayaa dalkiisa ku soo dhaweeyay tobaneeyo askari oo ku xirnaa Mali, isagoo sheegay inuu rajeynayo in uu soo laaban doono xiriirka labada dal.

    Madaxweyne Alassane Ouattara ayaa qaabilay 46 ka mid ah ciidamada markii ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha ee ku yaalla magaalada Abidjan.

    Waxa uu sheegay in hadda la soo afjaray xiisadii ka dhex taagneyd labada dal. Khilaafka ayaa cirka isku shareeray kadib go'doominta caalamiga ah ee la geliyay taliyayaasha militariga Mali.

    Askarta Ivory Coast, oo la haystay tan iyo bishii July, ayaa cafis loo fidiyay Jimcihii.

    Toddobaad ka hor, waxaa lagu xukumay labaatan sano oo xabsi ah, kadib markii lagu eedeeyay inay carqaladeeyeen amniga gobolka.

    Dowladda Ivory Coast ayaa sheegtay in ciidamada loo diray Mali si ay qeyb uga noqdaan howlgalka Qaramada Midoobay ee halkaas.

  8. Mareykanka oo xabsiga kasii daayay haweeney aheyd 'basaas caan ah'

    Ana Montes- oo kamid aheyd basaasiintii ugu caansanaa dagaalkii qaboobaa ee uu qabtay Mareykanka ayaa laga sii daayay xabsiga kadib 20 sano ay ku xirneyd halkaas.

    Haweeneydan 65 jirka ah ayaa ku dhawaad 20 sano basaas u aheyd Cuba iyadoo aheyd falanqeeya ka tirsan waaxda gaashaandhigga.

    Kadib markii la xiray sanadkii 2001-dii, saraakiisha waxay sheegeen in haweeneyda ay qarkau saarneyd in gebi ahaanba ay kashifto howlgallada sirdoonka Mareykanka ay ka wadeen jasiiraddaas.

    Mid kamid ah saraakiisha ayaa Ana Montes ku sheegay mid kamid ah ‘basaasintii waxyeellada ugu badan geystay’ ee uu qabtay Mareykanka.

  9. Xabad joojintii uu Putin ku dhawaaqay ee dhagaha laga fureystay

    Xabbad-joojintii uu Ruushku ku dhawaaqay ee Ukraine ayaa dhammaatay inkastoo wararku sheegayaan in muddadaas soddon iyo lix saacadoodka ahba uu weerarka kala duwan ka socday qeybo kamid ah Ukraine.

    Duqeymo hore leh ayaa weli ka socdaa qeybo kamid ah dalka Ukraine, saraakiisha Ukraine waxay shegeen in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay magaalada Kharkiv.

    Sidoo kale qaraxyo ayaa laga soo sheegayaa inay ka dhaceen qeybo kamid ah magaalooyinka Zaporizhzhia iyo Melitopol ee dhaca waqooy bari dalkaas.

    "Holaca" ka dhashay madaafiicda ayaa kuu sheegaya inaad ku dhowdahay mid ka mid ah qaybaha ugu halista badan ee jiidda hore ee bariga Donbas ee Ukraine.”

    Waxa ay sidoo kale muujinayaan in xabad joojinta 36-ka saac ee uu Ruushka ku dhawaaqay ay tahay magac kaliya ah.

    "Waxay ballan qaadeen inuu jiri doonto xabad joojin, laakiin ma taasi aragno mana dareemayno," ayuu yiri Oleksandr, oo ah askari ka tirsan ciidamada Ukraine.

    Wax yar ka dib , madfac ayaa ku soo dhacay meel 50 mitir u jirta meesha uu ka hadlayo Oleksandr.

    Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in soo jeedinta Vladimir Putin ee xabbad joojinta lagu xusayo ciidda kirismaska ​​ee madhabta Orthodox ay khiyaano ahayd.

  10. Asalaamu Caleykum!

    Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo Caalamka.

  11. Daraasad lagu baarayo dheefshiidka dadka oo ka socota Dowlad Deegaanka

    Waxay dhakhaatiirtu sheegayeen in dadka ku nool Dawlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya gaar ahaan magaalooyinka in habdhiska dheefshiidkooda ay ku yaraadeen deris ku noolaha ama bacteria-yada faa’iidada leh ee qofka ka caawisa in uu cuuntada jidhkiisu kala baxo wixii nafaqo ah ee ku jirta.

    Hadaba waxa haatan ka socota miyiga Dawlad Deegaanka Soomalida ee Itoobiya daraasadd arintaa lagu baadhayo oo ay iska kaashanayaan jaamacadda Jijiga iyo mac-had kale oo ku yaal dalka Switzerland.

    Dr Cabdifataax Mukhtaar Muxumed oo ka mid ah cilmi baadheyaasha Jaamacadda Jigjiga ayaa BBC-da uga warramay waxa ay daraasaddani tahay?

  12. Somaliland oo "daandaansi" ku tilmaantay tallaabo uu dhawaan qaaday guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya

    Golaha Wakiilada ee Somaliland ayaa tallaabo “daandaansi iyo duullaan lagu soo qaaday qarannimada Somaliland" ku tilmaamay guddigii dhawaan guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya uu u magacaabay inay warbixin kasoo diyaariyaan xaaladda Laascaanood.

    War saxaafadeed kasoo baxay golaha wakiilada ee Jamhuuriyadda iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa lagu sheegay “Warbixin kasta oo kasoo baxda golaha Muqdisho in aysan ku saleysneyn xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Laascaanood”.

    Tan iyo markii ay billowdeen xiisadaha ka taagan magaalada Laas-Caanood ee gobolka Sool waxaa isasoo tarayay siyaasiyiinta ka hadlayay rabshadaha ka dhacay halkaas oo ay ilaa hadda ku dhinteen ugu yaraan 20 qof.

    Rabshadihii dhawaan ka dhacay magaalada Laas-Caanood ee gobolka Sool waxaa ku dhintay ugu yaraan 20 qof.

    Arrinta Laascaanood

    Laas-Caanood waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah magaalooyinka Soomaalida ee ay ka dhacaan dilalka ugu badan ee qorsheysan. Haddii aan waqtiga dib u celinno, 1969-kii waxaa lagu dilay magaaladan madaxweynihii labaad ee Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

    Balse laga soo laga soo bilaabo 2010-kii waxaa soo xoogeysanayay dilalka shaqsiyaad deggan magaalda oo ay geysanayeen dabley aan la aqoonsan.

    Sanadkaan oo kaliya lix qof oo ah dad si wayn looga garanayo magaalada ayaa la khaarijiyay.

    Qofkii ugu dambeeyay ee la dilo ayaa ahaa Cabdifitaax Hadraawi, kaasoo ahaa nin dhalinyaro ah oo haldoor ahaa, sidoo kalana siyaasi ahaa.

    Dilkiisa ayaa kiciyay dareenka shacabka magaalada, kaas oo horseeday dibadbaxyo si nabad ah ku bilowday balse markii dambe isu beddelay kuwo dhimasho sababay ka dib markii isku dhac uu ka dhex dhashay booliska iyo dibad baxayaasha.

    Ila iyo hadda inta la shaaciyay dibadbaxyadaas waxaa ku dhintay shan ruux halka sagaal kalena waa ay ku dhaawacmeen.

  13. Nin shinnida ku dhaqda magaalada Gabiley

  14. Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo farriin u diray xildhibaanada

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Adan Maxamed Nuur (Adan Madoobe) ayaa ka codsaday xildhibaanada baarlamaanka inay gutaan waajibaadkooda shaqo isla markaana ay soo xaadiraan kalfadhiyada looga arrinsanayo ansixinta xeerarka kala duwan.

    Wuxuu sheegay in lala xisaabtami doono xildhibaanada ka maqnaada kalfadhiyada.

    “Xildhibaanada waxaan ka codsaneynaa inay shaqadooda gutaan oo ay imaadaan si ay gutaan waajibaadkii loo soo doortay , qofkii diida ama iska maqnaada isagoo aan xanuunsaneyn ama fasax ku maqneyn waxaa ku khasbanahay in aan u hoggaansanno xeer hoosaadka”.

    Arrintan ayaa ka dambeysay xilli maanta uu baaqday kalfadhi ay lahaayeen xildhibaanada Golaha Shacabka kadib markii ay soo xaadiri waayeen tiradii uu ku furmi lahaa.

  15. Weriye ka warramay xukunka dilka ah ee lagu riday dibadbaxyaasha Iran oo la xiray

    Weriye u dhashay dalka Iran oo wareysatay qaar kamid ah qoysaska eheladooda lagu riday xukun dil ah ayaa la xiray, sida laga soo xigtay xaaskiisa iyo warbaahinta Iran.

    Mehdi Beik ayaa xabsiga loo taxaabay habeenkii Jimcaha sida uu ku warramay wargeyska ka hadla arrimaha isbaddalka ee Etemad oo uu shaqeynayay Beik.

    Lama ogo sababta loo xiray balse waxay arrintan imaaneysaa xilli ay socdaan howlgallada dowladda ee ka dhanka ah dibadbaxyaasha Iran.

    Iran waxaa gigilay dibadbaxyo socday biloyin tan iyo markii gacanta booliska ay ku geeriyootay gabadh kasoo jeeda kuridada Iran.

    Xaaska Mehidi Beik, Zahra waxay Twitter-ka soo dhigtay in seygeeda ay xireen ciidamo ka socda wasaaradda warfaafinta isla markaana ay qaateen Laptop-kiisa iyo qalab kale uu sitay.

    Saaxibadii iyo weriyeyaasha ayaa caro ka muujiyay xiritaanka weriyaha, waxayna qoraallo ay ku taageerayeen Mehdi ay soo dhigeen baraha bulshada.

    Kooxaha u dodo xuquuqul insaanka ee fadhigeedu yahay dalalka dibadda ayaa ku warramay in ugu yaraan 516 oo kamid ah dadkii dibadbaxyada ka dhigayay Iran ayaa la dilay halka la xiray in ka badan 19kun oo qof, waxaana ku dhintay 68 kamid ah ciidamada amniga.

    Wakaaladda wararka ee AFP, ayaa ku warrantay in laba kamid ah dadkii bannaanbaxyada dhigayay ayaa la dal-dalay halka 12 kalena lagu riday xukun dil ah.

  16. Madaxweynaha Ukraine oo soo dhaweeyay tallaabo uu Mareykanka qaaday

    Madaxweyne Zelensky ayaa soo dhaweeyay tallaabada Mareykanka uu ku siinayo Ukraine gaadiidka gaashaaman ee dagaalka markii ugu horeysay.

    Waxa uu sheegay in gaadiidkan uu dalkiisa u baahan yahay.

    Mareykanka ayaa sidoo kale Ukraine siin doona gantaalada, gawaarida gaashaaman iyo lidka madaafiicda tasoo qeyb ka ah gargaarka ku kacaya in ka badan saddex bilyan oo doolar.

    Sidoo kale Jarmalka ayaa sheegay in Ukraine uu ugu deeqayo afartan kamid ah gawaarida qafilan ee dagaalka.

    Weriyaha BBC-da ee Kyiv ayaa sheegaya in arrintan ay muujineyso isbaddalka ku yimid hab-dhaqanka reer galbeedka ee ku aadan dagaalka Ukraine kuwaasoo ka cabsi qabo in qalabkaas la siinayo xukuumadda Kyiv uu horseedi karo in uu sii huriyo colaadda.

  17. Waa kuma ninka ka tirsan hoggaanka sare ee Al-Shabaab oo Mareykanka madixiisa la dul dhigay abaal marin?

    Mareykanka ayaa abaal-marin lacageed oo gaadhaysa 10-milyan oo doollar ugu yaboohay ciddii keenta xog lagu soo qaban karo Macallin Ayman oo ahaa sida ay baahiyeen, maskaxdii ka dambeysay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadday saldhigga Manda Bay ee dalka Kenya bishii Jannaury 2020-kii.

    Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in Washington ay raadineyso cid kasta oo bixin karta macluumaad “ horseedaya in la soo xiro ama lagu xukumo dal kasta, Macallin Ayman.

    Haddaba waa kuma Ayman? Maxaa se ay ka dhigan lacagta intaa leeg Maraykanku u ballanqaado cidda ku hoggaamisa qabashadiisa. Kornayl Cabdillaahi Cali Macaw, oo kal hore ka soo shaqeeyey waaxaha sirdoonka soomaaliya iyo qaybha kale ee ciidankaba, hadda se dalka Maraykanka ku sugan.

  18. Saameynta ka dhalatay qaraxyadii dhawaan ka dhacay degmada Maxaas

    Qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee dhawaan ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan waxa gebi ahaanba ku burburay Dugsigii dhexe iyo sare ee degmadaas kaas oo ay dhiganayeenarday gaadheysay ilaa iyo shan boqol oo arday ah , kuwaas oo aan hadda haysan meel ay wax ku bartaan.

    Haddaba qorshaha ardaydaas, iyo sida xaalkoodu ku danbayn karo ayaa waxaa BBC-da uga warramay Macalin Bile Axmed Cabdulle oo ah xoghayaha maamulka ee dugsigii degmada Maxaas kana tirsan macaliminta wax ka dhigayey dugsigaas.

  19. Kadib 15 wareeg ayaa Kevin McCarthy loo doortay afhayeenka Golaha Wakiilada Mareykanka

    Kevin McCarthy ayaa loo doortay afhayeenka golaha aqalka wakiilada ee Mareykanka kadib muran iyo dood ka dhalatay doorashadiisa.

    Mr McCarthy ayaa 15 wareeg ugu dambeyntii ku guuleystay doorashada inkasta oo xildhibaanada ka tirsan xisbigiisa ay ku badnaayeen baarlamaanka.

    Kevin McCarthy, ayaa horey u sheegay inuu ku kalsoon yahay inuu ugu dambeyntii haysto taageero ku filan oo uu ku guuleysan karo.

    Waxa si adag u hor istaagay xubno mayal adag oo xisbigiisa ka tirsanaa.

    Aqalka Congress-ka ee dalka Mareykanka waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka tagnaa ismarin waa la xiriira dadaallada ay xildhibaanada ku doonayaan in ay ku doortaan guddoomiye cusub.

    Waa dib u dhacii ugu dheeraa tan iyo dagaalkii sokeeye ee Mareykanka. Kevin McCarthy oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, ayaa marar badan oo hore ku guuldareystay inuu ka guuleysto xubnaha mayalka adag ee xisbigiisa.

    Koox ka mid ah garabka midig ee xisbigiisa ayaa hakiyay isku daygii 11-aad ee la doonayay in lagu doorto isaga maalinta saddexaad ee codbixinta.

    Jamhuurigu waxay la wareegeen Aqalka doorashadii dhexe ee bishii November, hase yeeshee ismari waaga ayaa ka dhigay aqalka inay awoodi waayeen inay dhaariyaan xubnaha ama ay soo gudbiyaan hindise sharciyeedyo.

    Laga soo bilaabo 1860-kii, markii ururka midowga Maraykanku uu ku muransanaa arrinta addoonsiga, aqalka hoose ee Congress-ka ayaa marar badan u codeeyay in ay doortaan afhayeenka.