You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Rasaas xooggan oo laga maqlayo magaalo ku taalla Itoobiya

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Maayarka Kyiv: Ruushku wuxuu doonayaa in uu baabi'iyo dadka ku nool caasimadda

    Duqa caasimadda Ukraine ee Kyiv, ayaa ka codsaday dadka deegaanka inay u diyaar garoobaan sidii ay uga bixi lahaayeen haddii ay guud ahaan korantadu ka go’do magaalada.

    Vitali Klitschko ayaa ku eedeeyay Ruushka in ay sameeyeen wax kasta oo suurtagal ah si ay magaalada uga dhigaan koronto, biyo iyo dirimaad la’aan, isagoo sheegay in Ruushku uu doonayo in dhammaan dadka halkaa ku sugani dhintaan.

    Qiyaasaha ayaa sheegaya in boqolkiiba afartan nidaamka tamarta ee Ukraine uu dhaawacmay ama lagu burburiyay weerarrada Ruushka ee lagu beegsanayo kaabayaasha muhiimka ah.

    Maayarka ayaa ku boorriyay saddexda milyan ee reer Kyiv eek u haray magaalada in ay sameeyaan qorshayaal degdeg ah oo ay ugu guurayaan agagaaraha, ama ay aad uga fogaadaan qaraabada iyo asxaabta.

  2. War ka soo kordhay diyaarad rakaab ah oo ku burburtay Tanzania

    Saddex qof ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen ka dib markii diyaarad ay ku degtay waqooyi-galbeed ee Tanzania.

    Kaliya 26 qof oo rakaab ah ayaa la soo badbaadiyay, 14 qof oo kale ayaa wali go’doonsan iyadoo ay socdaan howlaha samata bixintu.

    Guddoomiyaha gobolka Kagera, Albert Chalamila ayaa xaqiijiyay dhimashada iyadoo ay socdaan dadaallo lagu badbaadinayo dadka kale.

    Diyaaradda ku dhacday biyaha ayaa ka soo duushay magaalada Dar es Salaam, waxayna ku sii jeedday magaalada Bukoba iyada oo sii martay Mwanza saaka, waxaana la socday 43 qof oo ay ku jiraan 39 rakaab ah.

  3. Hay'adda Caafimaadka Adduunka oo Soomaaliya gaarsiisay agab caafimaad

  4. Rasaas xooggan oo laga maqlayo magaalo ku taalla Itoobiya

    Dagaal xoogan ayaa ka socdaa Nekemte oo ah mid kamid magaalooyinka ah ugu waaweyn gobolka Oromada ee dalka Itoobiya, sida ay ilo wareedyo ku sugan magaalada ay BBC-da xaqiijiyeen.

    Kooxo hubeysan oo ka tirsan ciidamada xoreynta Oromadaee OLF ayaa saaka gudaha u galay magaalada, waxayna rasaas ku fureen ciidamada ammaanka ee dowladda, sida uu BBC-da u sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka oo codsaday inaan magaciisa la sheegin.

    “Subaxnimadii ee saaka , magaalada ayay gudaha usoo galeen, rasaas xooggan ayaa laga maqlayay bartamaha magalaada” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

    Wararka waxay sheegayaan in rasaasta ay ka dhaceysay meel saldhig militeri oo ku yaalla halkaas.

    Dowladda Itoobiya weli kama aysan hadlin arrintani.

    BBC-da waxy isku dayday inay la xiriirto duqa magaalada iyo saraakiisha amniga balse inooma suurtagalin inay la hadlaan.

  5. Qaramada Midoobey oo baaq u dirtay Elon Musk

    Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa warqad furan u qoray milkiilaha cusub ee Twitter, Elon Musk, isagoo sheegay in xuquuqul insaanka ay xudun u tahay maamulka baraha bulshada.

    Warqadda Volker Turk ayaa daba socota ka dib markii bilyaneerka uu ceyriyay kala bar shaqaalihii Twitter-ka - oo ay ku jiraan dhammaan kooxda xuquuqda aadanaha - ka dib markii uu iibsaday shirkadda, Qaramada Midoobey waxay ka codsatay in uu ilaaliyo xuquuqul insaanka.

  6. Shirka Qaramada Midoobey ee looga hadlayo isbaddallada cimilada oo ka furmay Masar

    Waxaa dalka Masar ka furmay shirka sanadlaha ee Qaramada Midoobey kaasoo looga hadlayo waxkaqashada dhibaatooyinka ka dhasha isbaddallada cimilada ee adduunka.

    Qaramada Midoobey waxay ugu baaqday dalalka in shir madaxeedka ay uga hadlaan sidii wadahadallo taariikhiga ah si loo yareeyo qiiqa karboonka ah ee hawada lagu sii daayo.

    Ku dhawaad ​​afartan kun oo qof oo ay ku jiraan boqol iyo labaatan hogaamiye oo ka socda caalamkaayaa la filayaa inay ka soo qaybgalaan munaasabadda lagu furayo shirka oo ka dhaceysa magaalada dhacda badda cas ee Sharmal Sheekh.

    Shirka waxaa furaya madaxa Qaramada Midoobey u qaabilsan ka hortagga isbaddalada cimilada Simon Stiell, iyo wasiirka arrimaha dibadda Masar Samiix Shukry.

    Madaxa Qaramada Midoobey wuxuu shirka ku tilmaamay ‘munaasabad taariikhi ah oo gaar ah oo looga hadlayo waxkqabashada isbadallada cimilada.

    Sanadkii la soo dhaafay dunida waxay la kulanta cimilo aad u daran oo si joogto ah loola xiriiriyay isbeddelka cimilada, iyadoo daadad ba'an ay ka dhaceen Pakistan iyo kulayl daran oo saameeyay Hindiya iyo Yurub oo dhan.

    Tan iyo shirkii sannadkii hore ka dhacay Glasgow, dalal yar ayaa wax ka baddalay qorshahooda ku saabsan dhimista kaarboonka iyo ka hortagga saameynta isbaddallada cimilada.

  7. Puntland oo ku howlan qabashada shir looga hadlayo isbaddallada cimilada

    Wasiirka wasaaradda deegaanka, daaqa iyo isbedelka cimilada ee Puntland, ayaa sheegay inay ku howlan yihiin qabanqaabada shir loogaga hadlayo isbadelka cimilada oo lagu wado in dhawaan uu ka dhaco magaalada Garowe.

    Axmed Yuusuf Maxamed Labeyk, ayaa intaasi ku daray inshirkaasi ay diiradda ay ku saari doonaan sidii looga shaqayn lahaa soo noolaynta deegaannada nabaad guuray iyo sidii xal loogu heli lahaa saamayn ballaaran ee ka dhalatay isbadelka cimillada.

    Wasiir Axmed waxa uu BBC-da uga warramay waxyaabaha la qorsheeyay ee shirkaasi lagu faaqidayo.

  8. Diyaarad rakaab ah oo ku burburtay Tanzania

    Diyaarad rakaab ah ayaa ku burburtay harada Victoria gaar ahaan gobolka Kagera ee dalka Tanzania.

    Taliyaha booliska ayaa BBC-da u xaqiijiyay diyaaradda dhacday, wuxuu sheegay inay socdaan dadaallo loogu gurmanayo dadkii rakaabka ahaa.

    Diyaaraddan ayaa saaka ku burburtay magaalada Bukoba.

    Kooxaha dab damiska iyo booliska ayaa gaaray goobta si ay uga qeyb qaataan howlaha gurmadka ah.

    Ilaa iyo hadda lama ogo khasaaraha ka dhashay diyaaraddan burburtay.

  9. Mareykanka oo war kasoo saaray gantaalka ay tijaabisay Iran

    Mareykanka ayaa sheegay in tallaabada ay ku tijaabisay gantaal cusub oo siday dayax gacmeed sabtidii uu ahaa mid walaac xoogan dhalin kara.

    Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in tijaabadaasi ay ka hor timid go’aankii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Iran looga codsaday in aysan sameyn wax dhaqdhaqaaq ah oo la xiriira gantaallada balaastiga ah ee awoodda u leh in ay xambaaraan madaxyada Niyukleerka.

    Ciidamada kacaanka ee Iran ayaa sheegay in gantaalka uu isgaarsiinta satellite-ka gaarsiin doono meel 500,000 u jirta dhulka.

    Waxaa haatan hakad ku jira wadahadalladii looga gollahaa in dib loogu soo celiyo heshiiskii dhexmaray Iran iyo quwadaha caalamka kasoo looga hortagayay xoojinta barnaamijka Nukliyeerka ee Iran, arrintan oo horseedi karta in Iran laga fududeeyo cunqabateynta saaran Iran.

  10. Faahfaahin kasoo baxeysa qarax xaley ka dhacay Muqdisho

    Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa laba qarax oo xalay ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo mid kamid ah qaraxyadaasi uu ka dhacay saldhig milateri.

    In ka badan nolosha 15 qof ayey qaraxyadaasi galaafteen halka tiro intaas ka badanna ay dhaawacmeen.

    Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qof uu isku hor miidaamiyay albaabka laga galo xarun lagu tababaro militeriga Soomaaliya oo ku taalla magaalada Muqdisho.

    Dadka ku dhintay waxaa kamid ahaa askar la qorayay iyo dad rayid ah.

    Taliyaha militeriga Soomaaliya Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in uu socdo baaritaan ku aadan weerarkaas.

    Waxaana adag in la xaqiijiyo warkaas balse militeriga Soomaaliya ayaa sheegay in tiri kamid ah dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku dileen weerarro ay toddobaadkan ku qaadeen deegaanno hoostaga maamulka Hirshabeelle.

    Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerraradaasi, waxaana ay weerraradan imaanayaan xilli ururkaasi gacantooda laga saaray dhul ballaaran oo ku yaal bartamaha Soomaaliya, kaddib dagaal halkaas ku dhexmaray iyaga iyo milateriga qaranka iyo maleeshiyo xulafo la ah oo dhinac ah.

    Militeriga ayaa sheegay in Khamistii ay duqeyn ka fuliyeen Soomaaliya isla markaana ay ku dileen 15 Al-Shabaab ah.

    Wararka kale:

  11. Asalaamu Calaykum

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee aan ku soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo calaamka intiisa kalaba.

  12. 'Codbixiyihii ugu horreeyey ee Hindia' oo dhintay

    Nin oo loogu magac daray "Codbixiyihii ugu horeeyey ee Hindiya" ayaa ku dhintay da'da (105) boqol iyo shan.

    Shyam Saran Negi waxa uu ka soo jeeday Himachal Pradesh, goobtaas oo laga qaaday codbixintii ugu horraysay shan bilood ka hor doorashadii 1952 si looga fogaado baraf badan oo ka dhacayay waagaas.

    Mr Negi, oo ahaa macalin dugsi oo shaqada ka fadhiistay, ayaa codaynayey tan iyo doorashadaas, wixiii ka danbeeyey ee ka qabsoomay dalka Hindia.

    814 milyan oo qof ayaa codkooda ka dhiibta doorashooyinkaas oo mararka qaarkood isbuucyo socda, sababo la xiriira amniga iyo dhaqaalaha.

  13. Raysalwasaaraha Pakistan oo iska fogeeyey eeddii Imran Khan

    Ra'iisul wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa si adag u beeniyay eedeymaha uga yimid hogaamiyaha mucaaradka, Imran Khan, kuwaas oo ahaa inuu ku lug lahaa shirqool dil ah oo isaga ka dhan ahaa.

    Mr Sharif ayaa ka codsaday maxkamada sare in ay baaritaan ku sameyso Mr Khan sheegashada uu sameeyay.

    Hoggaamiyaha mucaaradka -- oo nin hubeysan uu lugta ka toogtay Khamiistii -- ayaa ku eedeeyay in ra'iisul wasaaraha, wasiirka arrimaha gudaha iyo sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada ay ka dambeeyeen weerarkaas, xilli uu dibadbax ka socday.

    Waxaa maalintii labaad guud ahaan Pakistan ka socda isu soo baxyo ay wadeen taageerayaasha Mr Khan – kaas oo xukunka laga tuuray bishii April.

  14. Iran oo markii u horraysay qiratay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay siisay Ruushka

    Markii ugu horeysay Iran ayaa qiratay inay "tiro xadidan" ah oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah siisay Ruushka, laakiin waxay sii wadday iska fogaynta sheegashada ah in diyaaradahaas loo adeegsaday dagaalka Ukraine.

    Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas, Hossein Amir-Abdollahian uu sheegay in inkasta oo Tehran ay hub siisay Moscow dhawr bilood ka hor colaadda ka taagan dalkaas, haddana aysan jiraan wax caddaynaya in hubkaas la isticmaalay.

    Hadalkan ayaa ka hor imaanaya eeddii Mareykanka ee ahayd in hadhaaga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran Shahed-136 ama 'Kamikaze' laga helay gudaha Ukraine, iyadoo ay weheliso caddaymo muujinaya in ciidamada Iran ay ka caawinayaan Ruushka habka isticmaalkooda.

    Maraykanka, EU iyo UK waxay dhamaantood cunaqabatayn ku soo rogeen Iran taas oo ka dhan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee u geyso Ruushka kuwaas oo ay ku doodayaa in dagaalka loo isticmaalay.

  15. Madaxweynaha Falastiin oo baaq u diray Mareykanka

    Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabbaas ayaa ugu baaqay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Anthony Blinken in uu ku cadaadiyo mas’uuliyiinta Israa’iil inay joojiyaan xadgudbyada ay ka geysanayaan dhulka Falastiin.

    Maxamuud Cabbaas oo teleefoon kula hadlayay Blinken wuxuu sheegay in maamulkiisa uu wado dadaallo uu ku dejinayo xiisadda ka taagan Daanta Galbeed.

    Blinken wuxuu walaac ka muujiyay colaadda ka taagan Daanta Galbeed xilli uu Khamistii teleefoon kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ee xilka kasii degayo Yair Lapid isla markaana ugu baaqay dhinacyada inay joojiyaan dafaalka, sida laga soo xigtay afahayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

    Ciidamada Israa’iil ayaa sanadkan 100 qof oo Falastiiniyiin ah ku dilay Daanta Galbeed, sida laga soo xigtay Qaramada Midoobey, waana dhimashadii ugu ba’neyd ee laga soo tebiyo Daanta Galbeed tan iyo sanadkii 2005-tii.

  16. Dad 9 maalmood god ku dhex cunayay budada kafeega oo la soo badbaadiyay

    Labo macdan qodeyaal ah oo muddo 9 maalmood ah ku dhex go’doonsana god macdanta Zinc laga qoto ayaa lasoo badbaadiyay, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Kuuriyada Koonfureed.

    Raggan oo da’doodu lagu kala sheegay 62 iyo 56 sano jir ayaa la rumeysan yahay inay diirimaad ka heleen dab ay ku dhex shiteen godka isla markaana waxay godka dhexdiisa ka dhisteen teendho bac aheyd.

    Mas’uuliyiinta waxay sheegeen in macdan qodayaasha ay ku badbaadeen kafee budo ah ay ku dhex cunayeen halkaas iyo sidoo kale waxay ku noolaayeen biyo kasoo daadanayay dibadda.

    Waxay intaa ku dareen in raggan xaaladdooda caafimaad ay wanaagsan tahay.

    Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed ayaa tallaabadan raggan lagu soo badbaadiyay ku tilmaamay ‘arrin mucjiso ah’.

  17. Waa sidee xaaladda dadkii ku dhaawacmay qaraxii Soobe ee loo qaaday Turkiga?

    Waxaa ka soo reyneysa xaaladda qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii mataanaha ahaa ee 29kii bishii hore lala beegsaday Isgoyska Zobe ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo haatan lagu dabiibayo isbitaallada magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

    Dowladda Soomaaliya oo kaalmo caafimaad ka heshay dowladda Turkiga ayaa dadkan oo qaarkood uu dhaawacoodu liitay Khamiistii u qaadday Turkiga.

    Ibraahim Xasan Maxamuud (Ibraahim Caddow) waa xoghayaha koowaad ee safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga, ayaa xaaladda dhaawacyadaas uga warramay Foos Ciid.

  18. Baadariga weyn Pope Faransiis oo si weyn loogu soo dhaweeyay dal Muslim ah

    Pope Francis ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay fagaaraha qaranka ee dalka Baxreyn, waxaa halkaa ku sugnaa bulshada Kiristaanka ee ku sugan Baxreyn iyo dalalka deriska, dadkan intooda waa shaaqaalaha ajaaniibta ee ka howlgala halkaas.

    Ilaa 30,000 qof ayaa Pope Francis kusoo dhaweeyay halkaas.

    Pope Francis wuxuu siday farriin ku saabsan “caddaalad iyo nabad” -waana booqashadiisii labaad uu ku tego dalalka Khaliijka kadib booqashadii taarikhiga aheyd ee uu ku tegay Imaaraatka sanadkii 2019.

    Khudbad uu ka jeediyay Baxreyn wuxuu ku baaqay in dadka ay is jeclaadaan.

    Baxreyn waxaa ku nool 80,000 qof oo aaminsan madhabta Catholic kuwaas intooda badan kasoo jeeda Hindiya iyo Philippines.

  19. Wadaad xagjir ah oo Hindu ah oo la toogtay

    Wadaad Hindu ah oo xagjir ah ayaa lagu toogtay waqooy galbeed dalka Hindiya.

    Wadaadkan oo lagu magacaabi jiray Sudhir Suri, ayaa la dilay xilli uu ka qeybgalayay dibadbax ka dhacay degmada Amritsar- oo uu ku yaalla macbadka caanka ah ay booqdaan dadka aaminsan diinta Sikh.

    Sudhir Suri, wuxuu isku magaacabay wadaadka hoggaaminayay koox diimeedka Hindu Shiv Sena.

    Nin dukaan ku leh deegaanka oo lala xiriiriyay dilka ayaa la xiray, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

    Taliyaha booliska gobolka Bunjba ayaa sheegay in su’aalo la weydinayo ninka lagu tuhmayo in uu dilay wadaadka.

    Dadka aaminsan diinta Sikh ee ku nool Hindiya iyo dibadda ayaa ka cabanayay hadallada xanafta leh ee uu jeedin jiray Sudhir Suri, kadib markii uu wax ka sheegay diintooda.

  20. Maxay ku heshiiyeen sirdoonka Soomaaliya iyo Itoobiya?

    Sirdoonka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaaa ku heshiiyay inay isdhaafsan doonaan xogaha iyo iskaashi ku aadan arrimaha amniga.

    Waxay sidoo kale ku heshiiyeen sidii looga hortaggi lahaa ‘argagixisada kusii baaheysa Afrika’, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

    Arritani ayaa ka dambeysay markii agaasimaha ha’yadda sirdoonka Soomaaliya Mahad Salaad iyo agaasime ku xigeenka hay’adda sirdoonka Itoobiya Sisay Tola ay kulan ku yeesheen magaalada Muqdisho.