You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Al-Shabaab oo u hanjabtay codbixiyeyaasha Kenya ee agagaarka xadka Soomaaliya

Doorashada Kenya ayaa ka socota guud ahaan waddanka.

Tebin toos ah

  1. Mid ka mid ah hogaamiyeyaasha kooxda Al-aqsa oo lagu dilay daanta galbeed

    Militeriga Israa’iil ayaa sheegay in madaxii deegaanka ee dagaalyahannada falastiiniyiinta ee guutooyinka Shuhaddada Al-Aqsa lagu dilay howlgal ay Israa’iil ka fulisay Daanta Galbeed ee la haysto.

    Ibrahim Nabulsi, ayaa aaskiisa waxa uu ka dhacay isla daanta galbeed.

    Meydka wiilkan 23 jirka ah oo lagu duuduubay calanka Falastiin, ayaa waxaa lagu dhex waday dad badan oo taageere u ahaa oo ku sugnaa magaalada Nablus.

    Ibraahim Nabulsi, oo ah hogaamiyaha kooxda ayaa baxsad ahaa muddo bilooyin ah, oo ay Israa’iiliyiintu ku eedeynayeen inuu geysanayay weerarro.

    Labo kale oo falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarka ay Israa’iil ku qaaday gurigiisa.

    Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in afartan qof oo rayid ah ay sidoo kale ku dhaawacmeen.

  2. Raila iyo Ruto oo loollan adag ugu jira madaxtinimada dalka Kenya

    Dib u dhac dhanka saadka ah iyo fashilka ku yimid waraaqaha codeynta ee gobolada dalka qaarkood ayaa hareeyay maalinta doorashada Kenya oo si nabad ah u dhacday.

    Goobaha codbixinta ayaa hadda si rasmi ah loo soo xiray balse goobihii la furay xilliga danbe ayaa waqti lagu kordhiyay.

    Codeyntan ayaa daba socota olole xooggan oo ay hareeyeen doodo ku saabsan qiimaha maciishadda, shaqo la'aanta iyo musuqmaasuqa ka jira dalka.

    Musharaxiinta ugu cad cad ee u taagan xilka Madaxweynaha ayaa kala ah Ra’iisul Wasaarihii hore ee Raila Odinga iyo Madaxweyne ku xigeenka hadda William Ruto.

    Kenyaanka ayaa sidoo kale dooranayay baarlamaanka cusub iyo maamullada deegaanka.

  3. Doorashada Kenya: In ka badan 6 milyan oo qof oo codeeyay

    Guddiga doorashada ee Kenya ayaa sheegay in tan iyo duhurkii ay codkooda dhibteen 6.5 malyan oo qof.

    Waxay ka dhigan tahay in boqolkiiba 30 ay codeeyeen marka loo barbardhigo codbixiyeyaasha diiwaangashan.

    Goobaha codbixinta ayaa sii furnaan doonaa tan iyo 5-ta galabnimo.

    Wararka ka imaanaya deegaannada Kenya ayaa sheegay in tirada dadka usoo baxay doorashada ay yar yihiin marka loo barbardhigo doorashooyinkii hore.

    Guddiga ayaa isku dayayaa inay xalliyaan ciladaha farsamo ee ku yimid qalabka casriga ah ee doorashada.

  4. Maxay tahay arrinta hadal-heynta dhalisay ee uu Museveni ka sheegay ciidanka Soomaaliya?

  5. Trump oo afka furtay markii FBI-da ay soo weerartay gurigiisa

    Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in gurigiisa oo ku yaalla gobolka Florida ay soo weerareen ciidamada FBI-da.

    Bayaan kasoo baxay Trump wuxuu ku sheegay in gurigiisa, Mar-a-Lago ay u dhaceen ciidamado fara badan oo ka tirsan FBI-da Mareykanka.

    "Wax sidan oo kale ah waligii lagu sameyn Madaxweyne hore oo Mareykan ah" ayuu yiri Trump.

    Mr Trump, markii loo dhacayay gurigiis Mar-A-Lago ma joogin goobta.

    Waxaa uu weerarka ku tilmaamay mid ay soo qaadeen xisbiga Dimuqraadiyiinta mayalka adag ee garabka bidix.

    Wiilka Mr Trump, Eric, ayaa sheegay in baaritaanka la xiriirira dokumentiyo kujiray sanduuqyo oo Washington laga soo qaaday markii Mr Trump uu xafiiska ka tagay sannadkii hore.

    Waaxda cadaaladda ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho howlgalka.

    (Bishii Febraayo Maamulka Kaydka iyo Kaydka Qaranka ayaa sheegay in ay ka soo saareen Mar-A-Lago shan iyo toban sanduuq oo alaab ah, oo la sheegay in ay ku jiraan waxyaabo sir ah, waxayna u gudbiyeen arrinta Waaxda Caddaaladda.)

  6. Sawirro: Dadweynaha xaafadda Islii ee Nairobi oo codeynaya

    Dadweyne badan oo Soomaali ah ayaa maanta ka codeynaya xarumaha doorashada ee ku yaalla xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

    Waxay dadka isugu jiraan kuwo markii ugu horreysay codkooda dhiibanaya iyo qaar hore u soo codayn jiray.

  7. Sida dadweynaha ay uga codeynayaan magaalada Mombasa

  8. Ciidamada ka hortaga rabshadaha oo la geeyay deegaan hoostaga Nakuru

    Ciidamada ka hortaga rabshadaha Kenya ayaa la geeyay deegaan baarlamaaneedka Rongai ee hoostaga magaalada Nakuru ee dhacad waqooy galbeedka Nairobi, sida uu kusoo warramayo weriyaha BBC-da, David Wafula.

    Arrintani ayaa ka dambeysay markii dibadbaxyo ay ka dhaceen mid kamid ah xarumaha codbixinta kadib markii isku dhax yaaceen warqadaha codbixinta ee deegaannada qaar, Dadka weli codkooda ayay dhiibanayaan .

  9. Codbixiyeyaasha Kenya ee agagaarka xadka Soomaaliya oo loo hanjabay

    Iyadoo dadweynaha Gobolka Waqooy-bari Kenya ay saaka si nabad ah ugu dareereen goobaha codbixinta ayaa waxaa soo baxaya warar sheegayo in weerarro ay ka dhaceen goobaha qaar halka Al-Shabaab ay handadeen codbixiyeyaasha.

    Xalay, maleeshiyaad looga shakisan yahay inay yihiin Al-Shabaab ayaa la rumeysan yahay inay weerar ku qaadeen deegaanno hoostaga Mandheera gaar ahaan aagga xudduudda.

    Wararku waxay sheegayaan in kooxda ay jartay isgaarsiinta deegaanka Carabiya oo bariga Mandheera.

    Dadka deegaanka ee ku nool xudduudda ayaa ka gaabsaday inay la hadlaan warbaahinta maaddaama ay ka cabsanayaan Al-Shabaab.

    Sidoo kale waxaa jira warar soo baxaya oo ku saabsan in Al-Shabaab ay dadka ka hor istaagayso inay u safraan deegaannada bariga Wajeer si ay u soo codeeyaan.

    Dad ku sugan tuulada Qarsa oo aan magacooda sheegin ayaa BBC u sheegay in maleeshiyaadka ay ku amreen dad saarnaa baabuur inay kasoo degaan, isla markaana waxay dab qabadsiiyeen baabuurkii.

    Waxay intaa ku dareen in Al-Shabaab ay shacabka uga digtay inay codkooda dhiibtaan.

    BBC-da waxay la xiriirtay taliyaha booliska maamulka Wajeer Hilary Toroitich balse wax jawaab kama aanan helin.

    Tuulada Konton ee ku taalla bariga Wajeer, waxaa laga maqlayay dhawaqa rasaas loo maleynayo inay soo ridday Al-Shabaab.

  10. Maxay ka wada hadleen Lafta-gareen iyo Mustafe Cagjar?

  11. Rabshado ka dhacay Wajeer oo saameeyay doorashada

    Rabshado shalay ka dhacay Deegaan-doorashada Ceel-Dhaas oo hoostaga magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi-bari Kenya ayaa sababay in la hakiyo doorashada Kenya ee halkaas ka qabsoomi lahayd maanta.

    Booliska ayaa isku dayay inuu kala eryo dad isku soo-baxay oo shalay galab taayarro ku gubay bannaanka xarunta dhexe ee doorashada.

    Rasaas ayaa xalay laga maqlayay gudaha magaalada Ceel-dhaas.

    Ceel-Dhaas waxaa hoostagta 72 meel oo cod-bixin. Waa xarunta dhexe ee qalabka cod-bixinta looga daabbulo meelahaas kale, sidoo kalena waa xarunta lagu tiriyo codadka.

    Hase yeeshee, dadka deegaanka ku sugan ayaa shalay is-hortaag ku sameeyay saraakiisha doorashada.

    Tallaabadaas ayaa hakisay howshii sanaadiiqda iyo agabka kale ee doorashada lagu gayn lahaa meelaha loo cayimay.

    Dadka careysan ee isku soo baxay ayaa ku eedeeyay mas’uulka guddiga doorashooyinka u qaabilsan deegaan-doorashada Ceel-Dhaas inuu taageersan yahay mid ka mid ah murashaxiinta xildhibaannada.

  12. Xog ku saabsan doorashada maanta ka dhaceysa Kenya

    In ka badan 22 milyan oo shacabka Kenya ah ayaa maanta dooranayaa Madaxweyne cusub, wakiillada baarlamaanka iyo golaha deegaanka.

    Doorashadan oo la filayo inay si weyn ugu tartamaan Madaxweyne ku xigeenka dalka, William Ruto iyo Ra’iisal Wasaarihii hore Raila Odinga ayaa ku soo beegmaysa xilli shacabka dalkan ay dareemayaan culayska sicir barar si weyn u kordhay bilihii dambe.

    Waxay shacabka maanta dooranayaan:

    Hal Madaxweyne.

    47-Sanatar.

    47-Guddoomiye gobol.

    337- Xildhibaanno ah.

    1,450- Xildhibaanada Goleyaasha deegaanka.

  13. Dadweynaha Gobolka Waqooy Bari oo codeynaya

    Dadweynaha gobolka Waqooy Bari Kenya ayaa kamid ah dadweynaha saaka u dareeray goobaha codbixinta iyagoo dooranaya Madaxweyne, sanatar, guddoomiyaha gobolka iyo goleyaasha wakiilada.

    Deegaanno ka tirsan Wajeer weli kama aysan bilaaban codbixinta iyadoo halkaa aan la geyn warqadaha codbixinta.

    Wararka waxay sheegayaan in dad tiro yar ay usoo baxeen goobaha codeynta.

  14. Shacabka Kenya oo dooranaya Madaxweyne cusub

    Cod bixiyeyaasha dalka Kenya ayaa u dareeray goobaha ay yaallaan sanduuqyada doorashada si ay u doortaan Madaxweyne cusub oo baddala Uhuru Kenyatta.

    Maamulka Kenyatta ayaa soo afjarmaya kaddib markii uu dhammaystay labo muddo xileed oo isku ah toban sano.

    Madaxweynaha kursiga bannaynaya ayaa doorashada ku garab taagan siyaasiga muddada dheer mucaaradka ku ahaa – ahna Raysul Wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga, isagoo kasoo horjeeda madaxweyne ku xigeenka, William Ruto.

    Mr Ruto oo ka mid ah murashaxiinta ugu cad cad ayaa aroortii hore ee saaka u kallahay inuu codeeyo, isagoo sheegay in sababta uu waqti hore codkiisa u dhiibtay ay tahay si uusan u ciriirin deriskiisa.