You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Uhuru Kenyatta oo tallaabo qaaday kadib baxsashada maxaabiistii 'halista ahaa'

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Beesha caalamka oo shuruudo ku xirtay maalgelinta doorashada Soomaaliya, Beesha caalamka oo shuruudo ku xirtay maalgelinta doorashada Soomaaliya

    Warqadda oo ku socota ra’iisal wasaaraha, madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, guddiyada doorashada ee heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ayay marka hore ku sheegeen inay soo dhaweynayaan doorashadii aqalka sare ee dhawaan la soo gabagabeeyay.

    Waxay sidookale sheegeenn inay rajeynayaan in doorashada ugu dambeyn la soo gabagabeyn doono 24-ka bisha Diisembar ee sanadkan.

    Safaaradaha Ingiriiska, Mareykanka iyo Norway ayaa warqadda ay wadajirka u soo saareen ku sheegay inay bixin doonaan lacag gaareysa 3.7 milyan oo dollar oo ay codsadeen xafiiska ra’iisal wasaaraha iyo guddiga doorasho ee heer Federaal.

    Hasa yeeshee, waxaa ay shuruudo ku xireen bixinta dhaqaalahaasi. Shuruudahaasina waxaa kamid ah,

    1. Doorashadu inay sii socoto isla markaana ay ka dhacdo sadex maamul goboleed.

    2. Waa in la dhameystiro laba meelood meel kuraasta dhamaan goobaha ay doorashadu ka dhaceyso.

    3. In lacagaha diiwaangelinta xidhibaanada lagu soo shubo bangiga dhexe.

    Waxay sidookale sheegeen inay hubinayaan qorshe cadeynaya in la hubiyo qoondada boqolkiiba sodonka ah ee dumarka.

  2. Qaraxyo ka dhacay magaalada Kabul oo ay dad ku dhinteen.

    Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay laba qarax oo kala duwan oo ka dhacay magaalada Kaabul ee caasimadda dalka Afghanistan.

    Mid kamid ah qaraxyadaasi oo ahaa mid baabuur loo adeegsaday ayaa ka dhacay deegaanka Dasht-e-Barchi, oo ah magaalo ay ku badanyihiin dadka Shiicada.

    Muuqaal laga soo duubay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinayay qiiq hawada isku shareeray.

    Qaraxa labaad ayaa sidookale ka dhacay galbeedka magaalada Kaabul.

    Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadaasi, balse dagaalyahanada kooxda isugu yeerta dowladda islaamka, ayaa qiratay inay fuliyeen dhowr weerar oo ay dhawaan ku bartilmaadeedsadeen dadka Shiicada.

  3. Wareysi:Gabadha ka mid noqotay guddoonka xisbiga Waddani

    Guddoonka xisbiga waddani ee jamhuuriyadda gooni isutaageedda ku dhawaaqday ee Somaliland ee shalay lagu doortay magaalada Hargeysa waxaa ka mid ah Milgo Maxamed Cilmi (Sanbaloolshe) oo noqotay mid kamid ah lixda guddoomiye kuxigeen ee xisbigaas.

    Milgo ayaa sheegtay inay xoogga saari doonto sidii ay haweenka Somaliland u heli lahaayeen matalaad siyaasadeed oo u qalanta.

    Dhanka kalana waxa ay sheegtay inay diiradda saari doono wax ka qabashada arrimaha bulshada sida arrimaha caafimaadka, biyaha iyo waxyaabaha la xiriira haweenka.

  4. Uhuru Kenyatta oo tallaabo qaaday kadib baxsashada maxaabiistii 'halista ahaa'

    Madaxweynaha Kenyatta , Uhuru Kenyatta ayaa shaqada ka eryay taliyaha xabsiyada dalkaas, Wycliffe Ogallo.

    Wuxuu magacaabay taliye cusub oo lagu magacaabo John Warioba.

    Madaxweynaha ayaa ugu baaqay laamaha amniga in ay adeegsadaan wax kasta oo ay awoodi karaan si loo soo qabto maxaabiista.

    Shaqada ka eryidda sarkaalkan ayaa imaaneysaa xilli Kenya ayaa ku raad joogto maxaabiis ka baxsatay xabsiga sida weyn loo ilaaliyo ee Kamiti.

    Toddobo kamid ah saraakiisha xabsiyada Kenya ayaa la xiray kadib markii saddex maxaabiis ah ay ka baxsadeen xabsi si weyn amnigiisa loo ilaaliyo oo ku yaalla duleedka magaalada Nairobi.

    Dowladda Kenya waxay sheegtay in heegan ay gelisay ciidamadeeda si ay gacanta ugu soo dhigaan saddex qof oo ka baxsatay xabsiga Kamiti oo si weyn amnigiisa loo ilaaliyo.

    Maxaabiistan baxsatay waxaa kamid ah Maxamed Cali Abiikar oo ku xukunaa 41 sanno ,kaas oo lala xiriiriyay in uu ka tirsanaa Al Shabaab, waxaana loo heystay weerarkii lagu qaaday jaamacadda Gaarisa 2015 oo ay ku dhinteen ku dhawaad 150 qof.

    Waxaa sidoo kale kamid ah Musharraf Abdalla Akhulunga, oo la xiray sanadkii 2012-kii kadib markii la fashiliyay isku day uu qeyb ka ahaa oo la doonayay in lagu qaado baarlamaanka Kenya iyo Joseph Juma Odhiambo oo horraan lagu qabtay magaalada Beledxaawo ee ku xadka Soomaaliya iyo Kenya si uu ugu biiro Al Shabab.

  5. Dibadbaxyo ka socda Suudaan

    Dibadbaxyo looga soo horjeedo militeriga Suudaan ayaa haatan ka socdaa dalkaas.

    Dadka wado ololaha ka dhanka xukunka militeriga ayaa ugu baaqay shacabka in isu soo baxyo ay ka sameeyeen waddooyinka si loo xuso maalintii ay aheyd in shacabka ay awoodda la wareegaan.

    Mas’uuliyiinta Suudaan waxay hawada ka saareen isgaarsiinta iyo Internet-ka xilli ay socdaan dibadbaxyada looga soo horjeedo militeriga awoodda la wareegay.

    Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii taliyaha militeriga Suudaan, Janaraal Cabdel Fataax Al Burhaan uu isku magacaabay in uu yahay hoggaamiyaha dowladda ku meel gaarka ah.

  6. Maxamed Cabdi kaahin iyo qoyskiisa: Muxuu yahay sharciga ay iska celiyeen ee Denmark?

  7. Armenia oo ciidamo looga dilay xadka Azerbaijan

    Tiro kamid ah ciidamada dalka Armenia ayaa lagu dilay dagaal ka dhacay xadka dalkaas uu la wadaago Azerbaijan, sida ay sheegeen saraakiisha Armenia.

    Armenia waxay sheegtay in ciidamadeeda laga qabsaday labo saldhig ay ku lahaayeen xadka halka Azerbaijan ay dhinaceeda sheegtay in laba askari ay dagaalka kaga dhawaacmeen.

    Shaley ayay aheyd markii labadan dal ay wada gaareen heshiis uu garwadeen ka ahaa Ruushka.

    In ka badan 6,000 qof ayaa ku dhimatay dagaalkii sanadkii hore dhexmaray Armenia iyo Azarbaijan kadib murankii ka dhashay lahaanshaha dhulka Nagorno-Karabakh.

  8. Dowladda oo ka hadashay hoobiyeyaal shaley lagu weeraray Garbaaharrey

    Maamulka Magaalada Garbahaarrey ee xarunta Gobolka Gedo ayaa sheegay in la soo xiray rag lagu tuhun sanyahay inay wax ka ogaayeen weerar hoobiyayaal loo adeegsaday oo shalay galinkii dambe lagu qaaday xarumo ay fadhiyeen ciidamada dawladda.

    Hawgal ay fuliyeen ciidamada dawladda oo illaa saaka socday ayay maamulku sheegeen in lagu guuleystay in la eryo kooxihii weerarka soo qaaday.

    Gudoomiye ku xigeenka Degmada Cabdi Barre Dhageey ayaa BBC u sheegay in ciidamada dowladda ay howlgallo ka wadaan deegaanno hoostaga Garbahaarrey kadib markii shaley weerar lagu qaaday halkaas.

  9. Dowlad Deegaanka Soomaalida oo meel marisay sharci qeexaya in si caddaallad ah dadka lagu shaqaaleysiiyo

    Golaha fullinta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa ansixiyay xeer lagu sheegay in lagu la dagaallami doono hannaanka eexda ku saleysan ee shaqalaysiinta xafiisyada Deegaanka.

    Qorshahan ayaa la sheegay inuu jideynayo wixi hadda ka dambeeya iney xafiisyadu awood u lahaan doonin inay si rasmi ah ama ku meel gaadh ah ay wax u shaqaalleyaan, waxaana boosaska hadda kadib loogu tartami doonaa si caddaalad ah, iyadoo ay goob joog ka yihiin khubaro ka socota xafiiska adeega shacabka, iyadoo la soo dhajin doono boosaska bannaan.

    Khadra Bashiir Maxamuud madaxa xafiiska adeega shacabka ee deegaanka Soomaalida ayaa BBC-da uga warrantay arrimahaas.

    Xeer looga hortagayo shaqaaleynta eexda ku saleysan ee xafiisyada dowladda oo deegaanka soomaalida lagu ansixiyey:

  10. Mareykanka oo digniin hor leh kasoo saaray xaaladda Itoobiya

    Mareykanka ayaa muwaadiniintiisa ku sugan Itoobiya uga digay in aan lasoo daadgureyn doonin waa haddii ay faraha ka baxdo xaaladda Itoobiya.

    Sarkaal sare oo Amerikaan ah ayaa ugu baaqay muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Itoobiya in si deg deg ah ay uga soo baxaan dalkaas.

    Wuxuu intaa ku daray in xukuumadda Washington aysan heyn qorshe ay ku abaabuleyso daadgureyn ballaaran oo loo sameynayo dadkaas sida Mareykanka uu muwaadiniintiisa uga daadgureeyay Afghansitan.

    Mareykanka iyo Midowga Afrika ayaa dowladda Itoobiya iyo TPLF cadaadis ku saarayaa inay soo afjaraan dagaalka kaas oo ay ku dhinteen kumanaan qof halka 2 malyan qof ay ka qaxeen tan iyo markii uu bilowday sanad ka hor.

  11. Kooxda IS oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadii ka dhacay Uganda

    Ugu yaraan 6 qof ayaa ku dhimatay qaraxii shaley ka dhacay caasimadda Uganda, saddex kamid ah dadkaas ku dhintay weerarka waxay ahaayeen kooxihii qaraxa fuliyay.

    Kooxda IS ayaa sheegtay inay ka dambeysay weerarka, sida ay ku warrantay warbaahinta Amaq.

    IS waxay sidoo kale ku anddacootay in ka badan 30 qof ay ku dhinteen weerarka.

    Wakaaladda wararka ee IS ee Amaq ayaa sheegtay , “in Uganda ay kamid tahay dalalka qeybta ka ah dagaalka ka dhanka dagaalyanahada IS ee bartamaha Afrika”

    Waa markii saddexaad ay kooxda IS sheegtaan mas’uuliyadda weeraro ka dhacay Uganda tan bishii Oktoobar sanadkii lasoo dhaafay.

    Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa cambaareeyay weerarka isla markaana sheegay inay ka dambeeyeen “carruur yar yar oo la jahwareeriyay”

    Booliska Uganda waxay ku eedeeyeen weeraradii u dambeeyay ee ka dhacay Uganda inay ka dambeyeen kooxda ADF ee fadhigeedu yahay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.

    Kooxda ADF waxay sheegeen inay taabacsan yihiin ururka la magac baxay dowladda Islaamka.

    Afhayeen u hadlay booliska Uganda, Fred Enanga ayaa shaley sheegay in xogaha sirdoonka ay hayaan ay muujinayaan in qaraxa ay ka dambeeyeen maleeshiyaad maxalli ah oo lagu magacaabo ADF.

    Wuxuu intaa ku daray in qof kale oo kamid ahaa kooxihii qaraxa ka dambeeyay la qabtay isla markaana gurigiisa laga helay jakadaha qarxa.

    Afhayeenka u hadlay booliska wuxuu sidoo kale sheegay in 33 qof ay ku dhaawacmeen weerarka, 5 kamid ah dadkaas ay la il-daran yihiin dhawaacyo culus.

  12. Kenya oo ka hadashay waxa fududeeyay baxsashada ‘maxaabiista halista ah’

    Toddobo kamid ah saraakiisha xabsiyada Kenya ayaa la xiray kadib markii saddex maxaabiis ah ay ka baxsadeen xabsi si weyn amnigiisa loo ilaaliyo oo ku yaalla duleedka magaalada Nairobi.

    Maxaabiistan baxsatay waxaa kamid ah Maxamed Cali Abiikar oo ku xukunaa 41 sanno ,kaas oo lala xiriiriyay in uu ka tirsanaa Al Shabaab, waxaana loo heystay weerarkii lagu qaaday jaamacadda Gaarisa 2015 oo ay ku dhinteen ku dhawaad 150 qof.

    Dowladda Kenya waxay sheegtay in heegan ay gelisay ciidamadeeda si ay gacanta ugu soo dhigaan saddex qof oo ka baxsatay xabsiga Kamiti oo si weyn amnigiisa loo ilaaliyo.

    Kenya waxay sidoo kale sheegay in $178,000 doolar ay siin doonto ciddii keentay xog horseeda karta in gacanta lagu soo dhigo raggan baxsaday.

    Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fred Matiang'i wuxuu sheegay in dowladda ay qaadeyso howlgal ay ku baadigoobeyso ‘dambiilayaashan halista ah’ ee baxsatay.

    “Waxaan qaadeynaa tallaabooyin wax ku ool ah si aan u xaqiijino in dayacaad noocan ah aysan ka dhicin xabsiyada mar kale” ayuu yiri Matiangi.

    Wuxuu sidoo kale sheegay in mas’uuliyad darro, xirfad xumo iyo taxaddar la’aan ay sababtay baxsashada raggan.

    Sidoo kale maxaabiista maxsabatay waxaa kamid ah Musharraf Abdalla Akhulunga, oo la xiray sanadkii 2012-kii kadib markii la fashiliyay isku day uu qeyb ka ahaa oo la doonayay in lagu qaado baarlamaanka Kenya iyo Joseph Juma Odhiambo oo horraan lagu qabtay magaalada Beledxaawo ee ku xadka Soomaaliya iyo Kenya si uu ugu biiro Al Shabab.

  13. Asalaamu Caleykum

    Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.