Saif Al Islam waa wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Libya
Mucammar Al Qadaafi, wuxuu sheegay in uu doonayo in midnimada iyo isku
duubnaanta uu kusoo celiyo Libya.
Saif Islam oo 49 jir ah oo wareysi siinayay wargeyska New
York Times wuxuu sheegay in maamulka hadda ka jiro Libya uusan wax horumar ah
keenin isla markaana dhibaato u horseeday shacabka Libya 10 sano ee lasoo
dhaafay.
Wuxuu ka dhawaajiyay suurtagalnimada ah in uu tartami doono
doorashada madaxtinimada ee Libya.
“Haatan waxaa la joogi xilliggii dalka dhibaateysan dib
loogu laaban lahaa…dhaqaale ma lahan..nabadgelyadii faraha ayay ka
baxday..nololna ma jirto”
Wuxuu sidoo kale sheegay in hataan uu yahay nin xor ah oo
qorsheynayo in dib uu ugu laabto siyaasadda Libya.
Saif Al Islaam waa 49 jir, wuxuuna si weyn u yaqaannaa luqadda Ingiriiska, isagoo shahaadada u sareysa ee dhaqaalaha ka qaatay jamaacadda dhaqaalaha ee London. Wuxuu ka tirsanaan jiray urur hadafkiisa ahaa inay xoojiyaan dhaqaalaha Liibiya.
Wuxuu hoggaamin jiray ha'yadda lagu magacaabo ha'yadda samafalka iyo horumarinta Qadaafi taas oo wadaxaajood la gashay maleeshiyaad Islaamiyiin ah oo dad ku qafaashay gudaha Philippines.
Waxaa lagu tilmaami jiray in uu yahay 'wajiga casriga ah ee Liibiya' balse sanadkii 2008 wuxuu ku dhawaaqay in uusan dooneyn in xukunka uu kala wareego aabihii.
Saif Al Islaam ayaa la sii daayay sanadkii 2017 tan iyo wixii ka dambeeyay xilligaas lama sheegin halka uu ku nool yahay.
Sanadihii u dambeeyay wax war ah lagama heynin xaaladdiisa iyo halka uu ku nool yahay.
Waxaa lagu eedeeyay in tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha uu ka geystay Libya, waxaana ku raad joogtay maxkamadda dambiyada ee caalamiga ah.