You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Sharraxaad kooban oo ku saabsan goobta maanta uu ka dhacayo shirka

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Shan qof oo hal qoys ka kooban oo isbuurasho ugu geeriyooday Tanzania

    Shan xubnood oo hal qoys ka koobnaa ayaa ku geeriyooday isbuurasho,xili ay kumannaan qof ay isugu soo baxeen garoonka Uhuru oo ku yaalla magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania Axaddii.

    Dadkaan ayaa ka qaybgalayay sagoontinta maydka madaxweynihii hore ee Tanzania John Magufuli.

    Dennis Mtuwa oo ah dhibane ayaa shegay inuu waayey xaaskiisii, laba caruur ah, adeer iyo gabar uu abti u yahay.

    Mr Mtuwa ayaa wicitaan ka helay nin aan aqoon oo karoonka isbuurashadu ka dhacaday ka soo qaaday boorsada xaaskiisa waxaana mar dambe uu helay maydadka dadkaas ehelkiisa ah .

    Wararka qaar ayaa sheegaya in ugu yaraan 40 qof ay naftooda ku waayeen isbuurashada hase yeeshee warkaas xaqiiqdiisa waliba lama xoojin.

    Taliyaha booliska Dar es Salaam Lazaro Mambosasa ayaa BBC-da u sheegay in uu arintan ka hadli doono maalinta talaadada ah oo barri ku beegan.

    Tobanaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka Daarusalaam maalintii Axadda si ay ugu gacan haatiyaan maydka madaxweynhii geeriyooday oo naxash magaalada lagu dhexmariyay.

    Meydka ayaa markii dambe loo duuliyay magaalada caasimada ah ee Dodoma, halkaas oo maanta loogu sameyay duco qaran ayna ka qaybgaleen qaar ka mid ah madaxda dalalka Afrika.

    Wuxuu dhintay isbuucii hore isagoo 61 jir ah. Dowlada ayaana sheegtay inuu u geeriyooday wadnaha oo istaagay, laakiin mucaaradka ayaa sheegay inuu haleelay Covid-19.

    Jimcaha soo aadan ayaa lagu wadaa in la aaso.

  2. Fannaanad caan ah oo Nairobi ku geeriyootay

    Allaha unaxariistee Fannaandii Siraad Cabdulle Ugaas oo ka mid ahayd hoballadii kooxda Horseed ee ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa xalay ku geeriyootay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

    Maareeyaha tiyaatarka Qaraka Soomaaliya Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Shube oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in Siraad ay ahayd fannaanad caan ah oo ka qayb qaadatay jilidda Riwaayado dhowr ah iyadoo sidoo kalana ahayd heesaa.

    “Waxay ahayd fannaanad akhlaaq leh oo cod macaan oo ka mid ahayd kooxdii Horsed” ayuu yiri Abwaan Shube.

    Allaha unaxariistee Fannaanadu Riwaayadaha ay wax ka dhigtay ee caan baxay waxaa ka mid ahaa "Waqti iyo Waalli Jaceyl".

    Geerideeda baraha bulshada ayaa dad badan kaga tacsiyadeyeen iyagoo Alle uga baryay inuu Jannadiisa ka waraabiyo isla markaana dambigeeda dhaafo.

  3. Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed oo ka wadahadlay arrimaha doorashooyinka

    Xili ay taagantahay kala aragti duwanaan ku geddaaman arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ayaa madaxweynaha Maamul goballeedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) waxaa uu sheegay in kulan isaga iyo madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ay yeeshen ay kaga wadahadleen dardargalinta arrimaha doorashooyinka dalka iyo dadaaallada arrintaas ku aadan.

    Warkaan oo lagu baahiyay barta Facebook ee Madaxatoooyada Maamulka Galmudug ayaa ku soo aadaya xili maanta dowladda Soomaaliya ay sheegtay inuu furmay shirka looga arrinsanayo hannaanka doorashooyinka Soomaaliya oo ay ka maqanyihiin madaxda Maamul goballeedyada Puntland iyo Jubaland.

    Dowladda ayaa sheegtay in shirku uu sii socon doono waxayna ugu baaqday madaxda Puntland iyo Jubaland in ay ka soo qayb galaan si horay loogu dhaqaajiyo ajandayaasha loo balansanyahay.

  4. Midowga Yurub oo tallaabo ka qaadaya saraakiil Shiinaha u dhashay

    Wasiirada arimaha dibadda ee dalalka Midowga Yurub ayaa isku raacay in cunaqabateyn lagu soo rogo Shiinaha sababo la xiriira xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ka dhanka ah qowmiyadda Uighurs ee ku nool gobalka Xinjiang.

    Wasiiradu waxay isku raaceen in xayiraado laga saaro safarka iyo hantida afar shaqsi iyo hal hay'ad.Dadkaas waxaa ka mid ah taliyaha booliska ee gobalka Xinjiang iyo laba sarkaal oo kale .

    Tani waa cunaqabateyntii ugu horeysay ee Midowga Yurub uu saaro Shiinaha tan iyo cunaqabateyntii hubka ee ka dambeysay xasuuqii Tiananmen ee ka dhacay Beijing sanadku markuu ahaa 1989-kii.

    Shiinaha ayaa sheegay in cunaqabateyntu ay xadgudub ku tahay madaxbanaanidooda. Beijing waxaa lagu eedeeyay inay xirtay malaha hal milyan oo ka tirsan bulshada Muslimiinta ah ee Uighurs waxaa sidoo kal lagu eedayay in dadkaas Shiinuhu kula kacay falal lidI ku ah xuuqada aadanaha.

  5. Dowladda oo baaq u dirtay madaxda Jubaland iyo Puntland

    Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa ka codsaday madaxda Jubaland iyo Puntland inay kasoo qeybgalaan shirka maanta ka furmay Muqdisho.

    Wuxuu intaas ku daray in shirka uu sii socon doono tan ilaa looga heshiinayo arrimaha doorashada.

    “Shirka wuu sii socon doonaa, waxaana ugu baaqeynaa oo aanu fileynaa rajeyneynaa madaxda ka maqan shirka ee aan maanta imaanin inay kasoo qeybgeli doonaan” ayuu yiri Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho.

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyay kulan hordhac u ah shirka.

    Waxaana shirka ka qeybgalay madaxweyneyaasha Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

  6. Baaritaan lagu ogaaday waxtarka tallaalka ee Oxford-AstraZeneca ee Covid-19

    Daraasad maanta soo baxday ayaa muujineysaa in tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19 ee Oxford-AstraZeneca uu yahay mid ammaan ah iyo waxtar leh.

    Mareykanka ayaa in muddo ah baaritaan ku sameynayay isticmaalka tallaalka.

    In ka badan 32,000 qof isa soo bixiyay ayaa ka qeyb qaatay daraasadda kuwaas oo ku sugan Mareykanka, Chile iyo Peru.

    Waxaana la sheegay in tallaalka uu boqolkiiba 79 uu leeyahay awood uu ku hor istaago in caalamadaha cudurka ay soo ifbaxaan halka boqolkiiba boqol uu waxtar u leeyahay ka hortagga cudurka.

    Tiro waddamo ah ayaa go'aansaday in ay joojiyaan isticmaalka tallaalka Oxford-AstraZeneca, ka dib markii ay soo bexeen warbixinno sheegaya in dadka qaarkood ay ku dhacday xinjirowga dhiigga ka dib markii la siiyay tallaalka.

    Dalalka Yurub ayaa soo gabagabeeyay baaritaan ay ku sameynayeen tallalaka, waxay sheegeen in tallaalka uu yahay mid ammaan ah oo waxtar leh.

    Ha'yadda Caafimaadka Adduunka waxay ugu baaqday dalalka caalamka in aysan joojin isticmaalka tallaalka Oxford-AstraZeneca.

    Balse afhayeen u hadashay WHO ayaa maanta sheegtay inuusan jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeya tallaalka iyo xinjirowga dhiigga.

  7. Muxuu yahay qorshaha Trump ee kusoo rogaal celinta baraha bulshada?

    Madaxweynihii Mareykanka Donald Trump ayaa dhawaan dib ugu soo laaban rabaa isticmaalka baraha bulshada, sida uu sheegay la taliyihiisa.

    Trump wuxuu dib u furan doonaan boggag isaga u gaar ah.

    "Waxaan filayaa in madaxweyne Trump uu dib ugu soo laaban doono baraha bulshada muddo labo ama saddex bilood gudahood" ayuu yiri Jason Miller oo la hadlayay warbaahinta Fox News.

    Wuxuu sheegay in boggagaas ay noqon doonaan kuwo looga hadli doono arrimo muhiim ah oo wax ka baddali doono ciyaarta.

    Trump ayaa laga joojiyay baraha bulshada gaar ahaan Twitter-ka iyo Facebook kadib rabshadihii 6-dii bishii January ka dhacay xarunta Capitol ee magaalada Washington DC.

    Tageerayaasha Trump ayaa dibadbaxyo rabshado watay ka sameeyay halkaas, waxaana ku dhintay shan qof oo uu kamid yahay sarkaal boolis ah.

    Maalmo kadib, shirkadda waxay Trump ka joojisay isticmaalka bartaas kadib cabsi laga qabo in qoraalladiisa ay huriyaan qalalaaso.

  8. Lacagta Turkiga oo hoos u dhacday kadib markii Erdogan uu shaqada ka eryay guddoomiyaha bangiga dhexe

    Qiimaha lacagta Turkiga ee Lira ayaa hoos u dhac ku yimid boqolkiiba 14 kadib markii madaxweyne Erdogan uu shaqada ka eryay guddoomiyihii bangiga dhexe ee Turkiga.

    Naci Agbal ayaa lagu xasuustaa in uu waday dadaallo wax looga qabanayo lacagta Lira oo dhowr jeer qiimaheeda hoos u dhac ku yimid.

    Erdogan ayaa Sabtidii gaaray go'aanka lama filaanka ah, waana markii saddexaad oo la baddalo guddoomiyaha bangiga dhexe ee Turkiga muddo 2 sano gudahood.

    Naci Agbal ayaa bishii Nofembar loo magacaabay xilkan, wuxuuna sare u qaaday lacagaha dulsaarka ee deynta ah si looga hortaggo sicir bararka.

    Go'aanka shaqada looga tiriyay guddoomiyaha bangiga dhexe ee Turkiga, wuxuu argagax ku reebay maalgashatada gudaha iyo kuwa caalamka kuwaas oo bogaadiyay dadaallada dhaqaale ee uu waday ninkan.

    Waxay sidoo kale arrintan saameysay suuqyada sarifka ee Istanbul, waxay dhalin kartaa walaaca ah saameynta Turkiga ay ku yeelan karto lacagaha amaahda ah.

  9. Duco qaran oo loo sameeyay madaxweynihii geeriyooday ee Tanzania

    Waxaa maanta duco qaran loo sameynayaa madaxweynihii Tanzania ee dhawaan geeriyooday.

    Waxaana munaasabadda ducada ah ka qeybgalayaa madaxweyneyaasha dalalka Kenya, South Africa, Zimbabwe, Comoros, Mozambique, Zambia iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.

    Dadweyne badan ayaa ku sugan garoonka ay Dodoma halkaas oo ay ka dhaceyso xafaladda aaska qaran.

    Mas'uuliyiinta waxay sheegeen in tiro dad ah ay ku dhaawacmeen markii dadweynihii ka qeybgalayay baroordiiqa ay isbuurteen.

    John Magufuli ayaa Arbacadii u geeriyooday wadno xannuun, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta dalkaas.

  10. Musharraxa kaliya ah ee la tartamayo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

    Dalka Jabuuti waxaa lagu wadaa toddobaadkan in ay ka bilaabmaan ololaha doorashada madaxtinnimada oo la filayo in dalkaas ay ka dhacdo bisha April horraanteeda.

    Durba, qaar ka mid ah xisbiyada mucaaradka ah ayaa qaaddacay doorashadaas, iyaga oo ku eedeeyey madaxweynaha xilka haya Ismaaciil Cumar Geelle, in uusan diyaar u ahayn in uu qabto doorasho xor iyo xalaal ah.

    Balse illaa iyo hadda waxaa jira hal musharrax oo u soo ban baxay la tartamidda Ismaaciil Cumar Geelle, waana Sakariye Ismaaciil Faarax, oo ah musharaxa keliya ee u taagan tartanka madaxtinimada ee dalkaas sheegayna in uu la tartami doono madaxweyne Geelle.

    Sakariye Ismaaciil Faarax ayaa BBC uga warramay doorashada Jabuuti iyo walaaca ay muujiyeen mucaaradka xilli uu isagu noqday musharraxa kaliya ee la tartamayo madaxweyne Geelle.

  11. Deni iyo Axmed Madoobe oo aanan weli gaarin goobta shirka

    Waxaa shirka ka furmay teendhada ku taalla xerada Afisyooni ee Ciidamada Cirka Soomaaliya gaaray qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada, guddoomiyaha gobolka Banaadir, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

    Madaxweyneyaasha Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa ku sugan goobta uu ka dhacayo shirka maanta ka furmay Muqdisho ee looga hadlayo arrimaha doorashada.

    Weli waxaa aanan goobta gaarin madaxweyneyaasha Jubaland iyo Puntland.

    Labadan madaxweyne waxay horraan walaac ka muujiyeen ammaanka goobta shirka lagu qabanayo.

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyay kulan hordhac u ah shirka.

  12. Sharraxaad kooban oo ku saabsan goobta maanta uu ka dhacayo shirka

    Shirkan ayaa maanta ka dhacaya garoonka ciidamada cirka ee Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

    Haddaba waxaa halka idiin kuugu soo gudbineynaa xog kooban oo ku saabsan goobta shirka lagu qabanyo.

    • Teendhada ku taalla Afisyooni garoonka ciidamada cirka ee Afisyooni waxaa ka dhacday doorashadii 2017-kii lagu soo doortay madaxweyne Cabdullaahi Farmaajo, waana halka lagu caleemo saaray madaxweynaha.
    • Waxaa horey halkan uga dhacay kulamo u dhexeeyay madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada iyo shirar caalami ah.
    • Waa goob amnigeedu si weyn loo ilaaliyo.
    • Waxaana amniga gacanta ku hayaa ciidamada Amisom oo ku sugnaa halkaas tan iyo markii ay tageen Soomaaliya.
    • Waxay ku taalla xerada Xalane saldhig u ah ciidamada nabad ilaalinta AMISOM, xafiisyada Qaramada Midoobay iyo safaaradaha wadamada reer Galbeedka qaarkood.
  13. Somaliland oo wajaheysa mowjaddii labaad ee cudurka Covid-19

    Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland ayaa sheegtay in labadii bilood ee la soo dhaafay uu dad badan soo ritay xanuunka Covid-19 oo mawjadii labaad ah.

    Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in hadda ay xooga saareyso wacyigelinta iyo qaababka kale ee looga hortagayo faafidda cudurka haddii loo baahdana ay soo rogi doonaan tallaabooyin dheeraad ah.

    Maxamed Cabdi Xargeeye oo ah agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaad Somaliland ayaa BBC u sheegay in haatan uu si deg deg ah ku faafayo cudurka xilli ay diiwaangeliyeen kiisas hor leh.

    Wuxuu sheegay in arrimaha horseeday in cudurka uu mar kale uu kusoo laba kacleeyo Somaliland ay kamid tahay inay soo bateen kulamada dadweynaha gaar ahaan ololaha doorashada.

  14. Asalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Isniin ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.