You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Kenya oo laga hadal hayo muranka badda ee kala dhexeeyo Soomaaliya

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. HRW oo eedeysay milateriga Masar

    Hey’adda xuquuqda aadanaha ee Human right Watch ayaa sheegtay in burburinta milateriga dalka Masar ay burburiyeen inkabadan 12 kun oo guri oo ku yaala gobolka Sinai tan iyo sanadkii 2013 ay ka dhigan tahay dembi dagaal.

    Hey’addan ayaa sidookale sheegtay in ciidamada Masar ay dab qabadsiiyeen, ayna xireen ku dhawaad 15 kun oo hektar oo dhul beereed ah, waxayna sababta ku sheegeen olole ka dhan dhulka ay ku sugan yiiin kooxaha jihaad doonka ah ee ka dagaalama gobolkaas.

    "Intii ud haxeysa dhammaadka 2013 ilaa Luulyo sanadkii 2020, milateriga Masar waxay burburiyeen 12,350 oo dhsimo, kuwaas oo ay ugu dambeysay kuwa lagu burburiyay agagaarka al-Arish area," ayaa lagu sheegay warbixinta HRW.

    Amni darrida ka jirta gobolkaas ayaa ahayd mid taagan muddo ka badan 10 sano, haseyeeshee waxay kasii dartay markii xilka laga tuuray Madaxweynihii hore ee Masar, Maxamed Mursi, sanadkii 2013-ka.

    Ilaa iyo hadda, dowladda Masar kama aysan hadlin warbixinta ay soo saarta xukuumadda Qaahira.

  2. Dagaal magaalo ku taallo Nigeria ku dhexmaray Muslimiin iyo Masiixiyiin

    Dagaal u dhaxeeya Muslimiin iyo masiixiyiin ayaa ka qarxay magaalo ku taalo waqooyiga dalka Nigeria. Dagaalkan ayaa ka dhashay muran la xiriira in gabdhaha muslimiinta loo oggolaado inay iskool sare oo halkaas ku yaala ay ku xirtaan qamaar ama xijaabka.

    Labadan dhinac oo isu adeegsaday dhagaxaan iyo kuraas ayaa sheegay inay jiraan dhaawacyo soo kala gaaray intii uu socday dibadbaxa, taas oo keentay in aanan dib loo furin iskoolka oo la xiray bishii hore.

    Sagaal iskool oo kale ayaa la sheegay in loo xiray arrintan kadib markii waalidiinta Muslimiinta ay dalbadeen in caruurtooda loo oggolaado inay qamaarka ku xirtaan iskoolada.

    Booliska ayaa suntan dadka ka ilmeysiisa ku kala eryay dadkii Muslimiinta ahaa ee doonayay inay rujiyaan tabeelo uu leeyahay iskoolka.

    Maamul goboleedka Kwara ayaa amray in dib loo furay 10 iskool oo sare kuwaas oo u xirnaa arrimahaas.

    Iskooladan ayaa waxaa horay u maamuli jiray masiixiyiinta haseyeeshee dowladda ayaa sheegtay in markii dambe ay la wareegtay.

    Dowladda iyo hey'add masiixi ah ayaa isla aado maxkamadda sare iyo tan racfaanka, waxaana markii dambe lagu wareejiyay dowladda haseyeshee hey’adda masiixiyiinta ee maamuleysay iskooladaas ayaa markale u dacwootay maxkamadda ugu sarreysa Nigeria.

  3. Shacabka Kenya oo ka carooday hadal kasoo yeeray afhayeenka dowladda

    Hadal kasoo yeeray afhayeenka dowladda Kenya, Cyrus Oguna ayay dad badan oo reer Kenya ka caroodeen kadib markii uu sheegay “in dadku ay joojiyaan inay ka qeyliyaan” canshuurta badan ee lagu soo rogay shidaalka.

    Dalka kenya ayaa waxaa tallaadadii lasoo dhaafay ka dhaqna galay canshuur dheeraad ah oo ay dowladda kusoo rogtay shidaalka.

    Mr Oguna ayaa warbaahinta u sheegay “in canshuurta ay bixiyaan reer Yurub ay aad u badan tahay marka la eego waxa ay bixinayaan shacabka reer Kenya”.

    “Waanu calaacaleyna ayadoo aysan jirin wax laga calaacalo, waa in aynu garab istaagnaa dowladdeena oo aan taageernaa”, ayuu yiri.

    Qaar kamid ah dadka reer Kenya ee adeegsada baraha bulshada ayaa raali gelin ka dalbaday afhayeenka, waxayna sababta ku sheegeen in hadaladiisu ay ahaayeen kuwa aanan waxba soo kordhineynin xilliga oo dad badan ay la daalaa dhacayan dhaqaale xumi.

    Hey’adda la socodka tamarta ee dalka Kenya, ayaa sheegtay in sababta sare u kaca qiimaha batroolka ay tahay wax kabadel ku yimid hannaanka shidaalka uu kusoo gaaro Kenya.

    Warbaahinta Nation ee dalka Kenya ayaa kusoo warrantay in Kenya ay tahay dalka ugu qaalisan dhanka shidaalka marka la eego dalalka deriska sida Uganda iyoTanzania.

  4. Biden oo u hanjabay madaxweynaha Ruushka

    Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin uu ka qomameyn doona isku daygii ay ku doonayeen inay ku farageliyaan doorashadii Mareykanka ka dhacday sanadkii hore.

    Mr Biden oo la hadlayay telefishenka ABC ayaa sidookale sheegay in uu u maleynayo in madaxweynaha Ruushka uu yahay nin dilaa ah.

    Xukuumadda Moscow ayaase beenisay warbixinta Mareykanka ee la daabacay talaadadii lasoo dhaafay, taas oo madaxweyne Putin ku eedeysay in uu isku dayay in uu minja xaabiyo madaxtinimada Biden, taageerana u muujiyo madaxweynihii hore, Donald Trump.

    Afhayeenka aqalka Kremlinka ayaa sheegay in eedeynta Mareykanka ay tahay mid aan sal iyo raad lahayn.

  5. Daanyeer ku duulaan ah deegaan ka tirsan gobolka Soomaalida ee Kenya

    Dadweynaha ku nool degaanka Takaba oo hoostagta maamulka Mandheera ee gobolka Waqooy Bari Kenya ayaa cabasho ka muujiyay daanyeer fara ba'n ku hayo deegaanka kaas oo weerar ku qaaday guryaha si uu cunto iyo biyo uu u helo kadib saameynta ka dhalatay abaaraha.

    Dadka waxay sheegayaan in daanyeerka uu argagax geliyay dadka deegaanka gaar ahaan haweenka.

    Amran Xuseen Madkeer oo degan Takaba ayaa BBC u sheegtay in daanyeerka uu boob ku hayo dadka deegaanka inkasta oo la sameeyay dadaallo looga hortaggayo daanyeerka.

  6. Ninka Soomaaliga ah ee loo faquuqo timihiisa awgood

  7. Wasiirada arrimaha gudaha Soomaaliya iyo Kenya oo la kulmay Ra'iisul Wasaaraha Qadar

    Wasiirada arrimaha gudaha Soomaaaliya iyo Kenya ayaa siyaabo kala duwan ula kulmay Ra'iisul Wasaaraha Qadar xilli ay booqashee ku tegeen dalkaas, waxay ka wadahadleen xoojinta arrimaha amniga.

    Wasiirka arrimaha amniga Soomaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay in Ra'iisul Wasaaraha Qadar ay ka wadahadleen iskaashiga amniga labada dal halka wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fred Matiangi uu barta Twitter-ka ku shaaciyay kulanka.

  8. Madaxweyne Muuse Biixi oo sheegay in abaaro baahsan ay ka taagan yihiin Somaliland

    Madaxweynaha jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo saaka madal ka hadlay ayaa sheegay in abaabro ba'ani ku habsadeen Somaliland oo reer guuraagii dad iyo duunyoba oon ba'ani haysto.

    Wuxuu ugu baaqay ganacsatada inay ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo dadka ay abaaraha saameeyeen.

    "In ka badan boqolkiiba 60 reer guuraagii maanta geeddii buu ku jiraa meel walbo waa laga hayaamay, waxay u bahaan yihiin boqolkiiba 70 in ka badan dadka reer guuraagu maanta in biyo la gaarsiiyo waayo barkadihii wey qalaleen"

    Muuse Biixi ayaa sidoo kale sheegay inay wadaan dadaallo biyo dhaamin loogu sameynayo dadka reer guuraaga ah.

  9. Dadweynaha Muqdisho siday u arkaan tallaalka ka hortagga Karona?

  10. Saraakiil ka tirsan maamulka Wajeer oo lagu riday saddex oo xarig ah

    Saddex sarkaal oo ka tirsan maamulka Wajeer ee gobolka Waqooy Bari Kenya ayaa lagu xukumay 3 sano ah oo xarig kadib markii la sheegay inay musuq maasuqeen lacag gaareyso 236,794 milyan oo doolar.

    Waxaana saraakiisha ay kaga baaqsan karaan xukunka xarigga ah waa haddii ay bixiyaan ku dhawaad 8,000 oo doolar oo ganaax ah.

    Maxkamadda waxay sheegtay inay heshay caddeymo ku aadan kiiska loo heysto raggan.

  11. Kenya oo laga hadal hayo muranka badda ee kala dhexeeyo Soomaaliya

    Xilii Soomaaliya ay shaley soo gabagabeysay gudbinta dawcadda badda ee kala dhexeysa Kenya ayaa waxaa baraha bulshada Kenya harreeyay hadal heyn ku aadan arrintaas.

    Dadka Kenya u dhashay ee isticmaala baraha bulshada ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay kiiska dacwadda labada dal, qaarkood waxay sameeyeen isbarbardhig ku aadan horumarka labada dal.

    Qaarkood waxay soo bandhigayeen is barbar-dhigga gaadiidka dadweynaha, garoomada diyaaradaha iyo wadooyinka ee labada dal.

  12. Halkee ayuu ku sugan yahay madaxweynaha Tanzania?

    In ka badan muddo labo toddobaad ah ayaa laga joogaa tan iyo markii uu fagaare kasoo muuqday madaxweynaha Tanzania John Magufuli.

    “Wuxuu si joogta ah u aadi jiray kaniisadda, wuxuu kasoo muuqan jiray teleefishinka iyo xitaa baraha bulshada” ayuu yiri Athuman Mtulya oo BBC uga soo warramo magaalada Dar es Salaam.

    “Tan iyo 27-dii bishii Febraayo lama arkin madaxweynaha”

    Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sheegay in madaxweynaha xaaladdiisa caafimaad ay halis ku jirto kadib markii uu ku dhacay cudurka Covid-19.

    Arrintani ayaa kusoo aadeysaa xilli ay soo baxaan warar laisla dhexmarayo oo ku saabsan xaaladda caafimaad ee madaxweynaha iyo halka uu ku sugan yahay.

    Balse saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay in madaxweynaha xaaladdiisa caafimaad ay waanagsan tahay isla markaana wararka laisla dhexmarayo ay been abuur yihiin.

  13. Hilibka iyo caanaha oo laga mamnuucay Mandheera

    Qaar kamid ah shacabka ku nool waqooyiga Mandheera ayaa cabasho ka muujiyay go'aan uu maamulka deegaankaas ku joojiyay iibinta caanaha iyo hilibka xoolaha kadib markii uu halkaa ka dilaacay xanuunka Rift Valley Fever ee ku dhaca xoolaha.

    Mas'uuliyiinta caafimaadka ayaa sheegay in go'aankaas ay qaateen kadib markii nin reer miyi ah oo sida la rumaysan yahay cunay hilib neef qaba xanuunkaas uu geeriyooday.

    Dr Cali Nur Maxamed oo ah sarkaalka xannaanada xoolahau qaabilsan Mandheera ayaa BBC u sheegay in go’aankan uu ka dambeeyay kadib markii cudurka Riftvalley lagu arkay waqooyiga Mandheera.

  14. Asalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Arbaco ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.