Soomaaliya oo soo gabagabaysay dooddii ay gudbinaysay Maxkamadda ICJ
Soomaaliya ayaa soo gabagabeysey gudbinta dooddeedii ku saabsaned muranka badda oo ay horgeysay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda addunka ee ICJ, iyadoo ku doodeysa in Kenya ay marar badan ku xadgudubtay madaxbannaanideeda dhuleed ee Soomaaliya .
Qareennada u doodaya Soomaaliya waxay Kenya ku eedeyeen in ay shidaal ka raadinayso dhulka lagu muransan yahay, iyadoo xitaa ka qoday ceel woqooyiga xadka lagu muransan yahay waa sida ay hadalka u dhigeena.
Qareennada ayaa sidoo kale sheegay in Kenya ay qiratay inay shati siisay ugu yaraan shan shirkadood oo shidaal si ay shidaal uga baaraan aaga lagu muransan yahay Soomaaliya-na waxay dooneysaa in ruqsadaha lagala noqdo oo la joojiyo dhammaan dhaq-dhaqaaqyadaas.
Soomaaliya ayaa doonaysa in loo xaqiijiyo xuquudeeda dhulka, iyo in maxkamaddu ay oggaato xadugudbka kenya isla markaana ay Kenya joojiso xadgudubkaas.
Maxkamadda ayaa Kenya u qabtay illaa 22-ka bishaan Maarso inay ku soo gudbiso jawaab.
Kenya ayaa horey u sheegtay in aaney ka qayb galeynin dhagaysiga kiiska.
Soomaaliya sidoo kale waxay heysataa illaa 26-ka Maarso inay ka jawaabto su'aal uu weydiiyay mid ka mid ah garsoorayaasha oo ku saabsan mowduucyadii ay horay ugala hadleen Kenya ee ku saabsanaa soohdinta lagu murunsanyahay ee badweynta Hindiya.