Maahmaahda maanta
Maanta waxaan idiinkaga tageynaa maahmahdaas. Waxaadna hadallo xigmad leh, hal-xiraaleyaal iyo maahmaahyo idiin soo gudbin doonnaa Arbaca kasta:
You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Tebin toos ah
Issa Haji Abdul
Maanta waxaan idiinkaga tageynaa maahmahdaas. Waxaadna hadallo xigmad leh, hal-xiraaleyaal iyo maahmaahyo idiin soo gudbin doonnaa Arbaca kasta:
Tababarihii kooxda haysata horyaalka Kubadda cagta Soomaaliya ee Mogadishu City Club ayaa is casilay.
Maxamed Lamjed Mesteri ayaa kooxda u qaaday horyaalka u dambeeyey iyo sidoo kale koobka koobabka.
Abukar Maxamed Sheekh waa guddmiyaha kooxdaasi wuxuuna inooga warbixiyay sababta Tababarahooda shaqada uga tagay.
Halkan ka Dhageyso Waraysiga
Wasiirka Waxbarashada Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya , Maxamad Faatax Maxamed ayaa shaaca ka qaaday Natiijada Imtixaanadka Fasalka 8aad Ee sanadkii tegay
Wasiirka ayaa sheegay in imtixaanadkii fasalka 8aad ay u fadhiisteen 40 kun oo arday oo ku dhawaad 13kun oo kamid ah ay yihiin gabdho.
waxaa imtixaankaasi ka gudubtay in kabadan 39kun oo arday .
Dalka Kenya waxaa aad loogu kala qeybsamay wax ka beddel la doonayo in lagu sameeyo dastuurka Kenya oo 10 sano kahor la meelmariyay.
Wax ka badelka oo ujeedkiisu la sheegay inay tahay sidii dadka la isugu soo dhaweyn lahaa ayay dowladda Kenya sheegtay in uu horseedayo in dhaqaale dheeraad ah ay helaan maamulada hoose ee dalka.
Dadka arrintan u ololeynaya waxaa kamid ah xildhibaan Adan Keynaan weheliye oo ah xoghayaha xildhibaannada xisbul xaakimka jubilee ugu jira labada aqal ee baarlamaanka.
‘’Dastuur sida Quraanka kariimka oo kale ma aha, waa wax sherci ah oo uu dad qoro waxaa uuna lahaan karaa waxyaabo badan oo macquul ahayn, marka maadama tan iyo xurayadii dastuurka la bedelayay tan sidaas ayay lamid tahay,’’.
“Muddo ayay qaadatay in la fiiriyo waxyaabihi la isku afgaran waayay, cid walbana fikirkeeda ayay ka dhiibatay marka la madihi karo hanaanka wax looga badalayo destuurka waa boqolkiiba boqol balse kii hore ayuu sii wanaajinaya,’’ ayuu yiri Xildhibaan Adan Keynan.
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu Keynaan Sheegay sababta looga baahanyahay madaxda waqooyi bari inay taageraan qosrhahan.
‘’Wax ka bedelkan dastuurka faa’ido badan ayuu noo keenaya, sida in dhaqaalaha boqolkiiba 35 dowlad goboleedyadda loo daadejiyo, halka markii hore 15 boqolkiiba ay ahayd. Arrintan waddanka dhan ayay dan ugu jirtaa oo ay soomaalida qayb ka yihiin, marka waan gacan siinayna ,’’ ayuu yiri xildhibaanka.
Halkan ka dhagayso Waraysiga Keynaan
Natiijo hor dhac ah oo ka soo baxday tijaabada tallaaka Ruushku soo saaray ee ka hortagga fayraska korona oo la yirahda Sputnik Vee, ayaa muujisay in waxtarkiisu yahay 91.6 boqolkiiba.
Natiijadan ayaa lagu ogaaday dhowr tijaabood, sida lagu faafiyey majallada caafimaadka ee Lancet Medical Journal.
Waddamo ay ka mid yihiin Argentina iyo Bolivia, ayaa tallaalka Sputnik Vee ka door biday tallaalada kale ee la soo saaray.
Dr Cismaan Cali Gaboose oo ah dhaqtar ka howlgala isbitaalka Kenyatta ee magaalada Nairobi, wuxuu sheegay in ‘’Tallaalkan ruushku soo saaray uu lamid yahay tallaaladi beryihi dhawayd soo baxayay, qaabka ay isticmaaleena waa isla noocii wax badan kama duwano’’.
‘’Dunidu tallaal awoodisu gaarsiisan tahay boqolkiiba boqol ma jirto, marka tllaalku haduu boqolkiiba sagaashan soo gaara waa mid wax tar leh, waxaa uuna difaac ku siinaya muddo dheer oo qofka jirkiisu ku jirayo,’’ ayuu yiri Dr Gaboose.
Baarlamaanaka Puntland ayaa maanta lagu hor dhaariyey xildhibaanno cusub oo beddelaya 8 xildhibaan oo dabayaaqada sannadkii hore xasaanadda laga qaaday ka dinma baarlamaanka laga saaray.
Mid kamid ah xildhibaanadii xasaanada waayay oo BBC-da lasoo xiriiray ayaa sheegay in dadka iyagu lagu bedelay ku tilmaamay dad ‘’ suuqa lagasoo uruurshay’’.
‘’Dad-ba suuqa laga soo ka xeystay wax sharciyad aan heysan, dadka ay matalayeena wax sharci ah iyo dukumiinti kama wataan, dabadeedna barlamaanki Puntland ayaa la keenay oo waxaa layiri xildhibaanadii ayay badalayaan,’’ ayuu yiri Maxamuud Maxamed Barre oo kamid ah xildhibaanadii hore ee xasaanada laga qaaday.
Waraysiga oo dhameystiran halkan ka dhageyso
Dowladda Itoobiya ayaa beenisay wararka sheegaya in tobonaan kun oo qof oo rayid ah ay ku dhinteen dagaallada ka dhacay gobolka Tigray.
Shaley ayay aheyd markii saddex xisbi oo mucaarad ah oo ka dhisan Tigray waxay ku eedeeyeen ciidamada Itoobiya iyo Eritrea in tacaddiyo baahsan ay ka geysteen gobolka isla markaana ay dileen 52,000 qof.
Dowladda Itoobiya waxay warbixinta ku tilmaantay mid aan wax caddeyn ah loo heyn oo la siyaasadeeyay.
Waxay dowladda sidoo kale sheegtay inay ka xun tahay khasaare kasta oo soo gaaray shacabka balse uusan dagaalka ka dhalan khasaare ballaaran taasina ay ugu wacan tahay howlkarnimada ay muujiyeen militarigeeda.
Qaramada Midoobey waxay sheegtay in gobolka Tigray ay ka jirto xaalad aad u liidata oo haysata dadka ku nool halkaas.
Booliska Myanmar ayaa dacwado dhowr ah kusoo oogay hogaamiyaha la doortay Aung San Suu Kyi kaddib markii Isniintii ay afgembiyeen ciidamada militeriga.
Waxay kusii jiri doontaa gacanta booliska tan iyo 15-ka bishan, sida uu muujinayo dokumentiga booliska.
Waxyaabha loo heysto waxaa kamid ah inay jebisya shuruucda soo dejinta iyo dhoofinta badeecadaha iyo inay heysato qalab isgaarsiin oo sharci darro ah.
ilaa hadda lama ogo halka lagu hayo balse wararka waxay sheegayaan in lagu hayo gurigeeda oo ku yaalla caasimadda Nay Pyi Taw.
Afgambiga ayaa yimid xilli ay sare u kacday xiisadda u dhaxeysa dowladda rayidka ah ee Suu Kyi iyo militariga, taasoo daba socotay natiijadii doorashada ee lagu murmay.
Doorashada oo dhacday bishii November ee sanadkii hore, ayey xisbiga NLD ee Suu Kyi ka heleen kuraas ku filan oo u oggolaanaya inay dowlad dhisaan.
Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah uga furmay shirka madaxda Dowlad Goboleedyda iyo Dowladda Federaalka kaas oo looga hadlayo arrimo ay kamid yihiin muranka harreeyay hanaanka doorashada Soomaaliya iyo xiisadda ka taagan gobolka.
Wasiir ka tirsan dowladda Uganda ayaa dib ula laabaty mid ka mid ah gawaarida gurmadka degdeg ah oo ay ugu deeqday dadka ku nool magaalada Kaboko oo ku taalla waqooyiga dalkaas kaddib markii ay ku guuldareysatay doorashada is reeb-reebka ee xisbiga haya talada, sida ay ku warrantay warbaahinta Daily Monitors.
Wasiirka arrimaha maalgashiga Evelyn Anite ayaa bishii September ee sanadkii lasoo dhaafay barta Twitter-ka soo gelisay muuqaalka ku saabsan iyadoo gaariga gurmadka degdeg ah guddoonsiineyso maamulka dowladda hoose.
Waxay xilliggaas sheegtay in gaariga loogu talagalay in cisbitaallada uu daabulo carruurta, haweenka iyo dadka da'da ah.
Duqa magaalada Kaboko Wilson Sanya ayaa xaqiijiyay in gaariga gurmadka degdeg ah ay dib ula laabatay wasiirka.
Magaalada Dhuusamareeb waxa ka furmay shirka madaxda Dawladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada oo dhawr jeer oo hore dib u dhacay.
Shirka waxa horey loo qorsheeyay inuu dhaco 1-dii bishan balse maanta ayuu furmay kadib markii sababo ay ka mid yihiin madaxda qaar oo kulanka ka soo daahay ay kaliftay dibu dhaca.
Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo in uusan qaddarin waajibaadka dastuurka uu siiyay Aqalka Sare.
“Aqalka Sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida uu dastuurka qaranka sheegayo.. waa wakiilka dowlad goboleedyada,waa ilaaliyaha nidaamka federaalka ee dalkan”
Wuxuu sheegay in madaxweynaha Dawladda Federaalka uu ka hor istaagay inuu ka qaybgalo shirka maanta madaxda Dawladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada uga furmay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.
"Waxaa kale uusan aqoonsaneyn oo ay caddeyneysaa diidmada uu ii diidayo shirkaa Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe ay ku shirayaan oo Aqalkan uu yahay xiriiriyihii"
“Waxaan ka xumahay muddadaa uu jiray Aqalka Sare in madaxweyna uusan aqoonsanin tixgelinin waajibaadkaa dastuuriga ah ee dastuurka siiyay Aqalka Sare, khilaaf kasta iyo wadahadal kasta oo dhexmara dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.
" Aqalkaasi in uu yahay midka shirarkaas muhiimad gaar ah ay ka saaran tahay oo dhexdhexaadiye ah” ayuu yiri Cabdi Xaashi oo goordhaweyd shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho.
Hadalka guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa kusoo beegmayaa xilli Dhuusamareeb madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka uu uga furmay kul looga hadlayo muranka harreeyay hanaanka doorashada Soomaaliya.
Dalka Kenya waxaa aad loogu kala qeybsamay wax ka beddel la doonayo in lagu sameeyo dastuurka Kenya oo 10 sano kahor la meelmariyay.
Wax ka badelka oo ujeedkiisu la sheegay inay tahay sidii dadka la isugu soo dhaweyn lahaa ayay dowladda Kenya sheegtay in uu horseedayo in dhaqaale dheeraad ah ay helaan maamulada hoose ee dalka.
Qorshahan ayay dadka qaar taageersan yihiin halka kuwa kalena ay u arkaan mid aysan dan ugu jirin shacabka.
Dadka ku kala aragti duwan waxaa kamid ah hogaamiyeyaasha Soomaalida ee gobolka waqooyi bari Kenya.
Xildhibaan Aadan Bare Ducaale oo laga soo doorto bartamaha Garissa ayaa BBC u sheegay in qorshaha la isugu soo dhaweynayo shacabka aysan wax dan ah ugu jirin gobolka Waqooy bari Kenya maadama dhibaatooyin ay ka jiraan gobolkaas.
Sucuudiga ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa uu ka mamnuucay inay soo galaan muwadiiniinta ilaa 20 dal si looga hortaggo fiditaanka cudurka Koroona.
Wakaaladda wararka ee dowladda Sucuudiga ayaa ku warrantay in xayiraadda kumeel gaarka ah ee lagu soo rogay dalalkaas ay si rasmi ah u bilaabaneyso maanta.
Waxaana ka mid ah Imaaraatka Carabta, Jarmalka, Mareykanka, Britain, Koonfur Afrika, Faransiiska, Masar, Lubnaan, Hindiya, Pakistan iyo dalal kale.
Go'aankan wuxuu sidoo kale saameyn doonaa dadka soo mara dalalkaas ee doonaya inay galaan Sucuudiga.
Waxaa maalmihii lasoo dhaafayay sare u kacayay kiisaska cudurka Koroona ee dalka Sucuudiga iyadoo dowladda ay diiwaangelisay in ka badan 368,000 oo kiisas ah iyo dhimashada 6,400 qof.
Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ugu baaqay shacabka dalkaas ee ku nool qurbaha inay ka fogaadaan wararka been abuurka ah isla markaana ay ka hortaggaan arrintaas.
"Waxaan idiin kuugu baaqaya in aad ka hortagtaan wararka been abuurka ah ee ku saabsan in beesha caalamka loo sheego xaaladda dhabta ah ee ka jirta dalka" ayuu Abiy kusoo qoray barta uu ku leeyahay Twitter-ka.
Hadalka Abiy ayaa imaanayaa xilli dhawaan hoggaamiyaha baxsadka ah ee gobolka Tigray Debretsion Gebremichael ayaa markii ugu horreysay farriin soo diray muddo ka badan labo bilood oo uu dagaal ka socday gobolkaas kaddib markii cod laga soo duubay lasoo dhigay baraha bulshada.
Wuxuu beesha caalamka ugu baaqay in la baaro waxa uu ku tilmaamay xasuuqa ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea ay ka geysteen gobolka intii uu dagaalka ka socday Tigray.
Waxaa dib u dhac uu ku yimid shirkii loo ballansanaa in magaalada Dhusamareeb ay ku yeeshaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada kadib markii halkaas ay wada gaareen madaxdii lagu casuumay shirka.
Shirka oo ay ahayd in uu furmo xalay ayaa dib u dhacay, waxaana sababta lala xiriiriyay sababo farsamo, waxaana la filayaa in shirkan oo ah mid looga tashanayo arrimaha doorashada uu bilawdo gelinka hore ee maanta.
Waxaa horey halkaas gaaray madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada, madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo Ra'iisu wasaaraha.
Waxyaabaha la filayay in looga hadlo shirka waxaa kamid ah heshiiskii madaxda ay ku gaartay Muqdisho 17-kii bishii September, xiisadda ka taagan gobolka Gedo iyo arrinta ku saabsan xubanaha guddiga doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed.
Asalaamu Calaykum.
Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Arbaco ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.