You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Al Shabaab oo sheegtay sababta ay u dishay Janaraal Galaal

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. UNHCR: Gobalka Tigray waxaa ka jirta xaalad aad u liidata

    Madaxa Hay’adda Qaxootiga aduunka ee UNHCR Filippo Grandi ayaa sheegay in gobalka ku yaalla waqooyiga dalka Itoobiya ee Tigray ay ka jirto xaalad aad u liidata oo haysata dadka halkaas ku nool.

    Mr Grandi ayaa booqosho ku tagay gobalkaas oo dagaallo ay ka dhaceen bishii November ee sanadkii la soo dhaafay.

    Kumanaan qof ayaa la rumeysan yahay in lagu dilay isku dhacyadii halkaa ka dhacay halka malaayiin rayid ah oo ay ku jiraan ku dhowaad boqol kun oo qaxooti Eritariyan ah oo ku noolaa afar xero oo ku yaal gobolkaas ay saameyn ku yeesheen.

    Filippo Grandi aya ku baaqay in dadkaasi loo fidiyo taageero gargaar oo degdeg ah,isagoo intaa raaciyay in xaaladda dadkaas ay ka sii dari karto haddii aan loo gurman.

    Booqasho uu ku tagay dalka Itoobiya Mr Grandi ayuu kula kulmay mas’uuliyiin sarsare oo uu ka mid yahay raysal wasaare Abiy Ahmed isagoo kala hadlay xaaladda binu aadanimo ee halkaa ka jirta.

  2. Guddoomiyaha aqalka sare oo war ka soo saaray shirka Dhuusamareeb

    Guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaahsi Cabdullaahi ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in maalinta bari ah uu tagayo magaalada Dhuusamareeb oo la filayo inuu ka furmo shir ay yeelanayaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa mamaulgoballedyada kaas oo looga hadlayo arimaha doorashooyinka.

    Warqadaan ka soo baxaday guddoomiyaha aqalka sare ayaa lagu yiri ”Maadama arrinta doorashada xildhibaanada ka soo jeeda goballada waqooyi ee Soomaaliland ay ka mid tahay arrimaha khilaafaadku ka taaganyahay ee laga wadahadlayo waxaan kula socodsiinayaa in ay noo qorsheysantahay aniga iyo wafdi aan hoggaaminayo inaan bari tagayno Dhuusamareeb”.

    Hadalkaan ayaa u muuqda mid guddoomiye Cabdi Xaashi u kula hadlayo madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo marti galinaya shirka Dhuusamareeb

  3. Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Dhuusamareeb

    Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi la socda ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xaruunta maamulka Galmudug.

    Horey waxaa mmagaaladaas u gaaray wafdiyo ay kala hoggaamiyeen Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

    Shirka ayaa la filayaa in uu furmo caawa ilaa bari waxaana xooga lagu saarayaa arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo muddaba khilaaf ka taaganyahay.

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirkaan ku baaqay dhawaan kadib markii uu shir la yeeshay mas’uuliyiinta beesha caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho isla markaana daneeya arrimaha Soomaaliya.

    Shirkaan ayaa aad indhaha loogu hayaa waxaana la filayaa in xal looga gaaro arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo maamulgobaleedyada iyo dowladda dhexe ay isku khilaafsanyihiin.

  4. Mareykanka :Iraan toddobaadyo ayaa uga dhiman in ay hesho Nukliyeer

    Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Xukuumadda Iiraan ay maalmo u jirto helitaanka agab ku filan oo ah hubka nukliyeerka haddii ay sii waddo xakameynta barnaamijkeeda Atoomikada.

    Qiimeynta waxaa sameeyay xoghayaha cusub ee Mareykanka Antony Bliken, waxaana uu hadalkaan sheegay xili uu la hadayay warbaahinta Mareykanka ee NBC.

    Iiraan waxaa ay ka baxday heshiiskii caalamiga ah ee Nukliyeerka sanadkii 2015-kii kadib markii ay is maageen madaxweynihii xiligaas Donald Trump .

    Xiligii uu Mr Trump madaxweynaha ahaa wuxuu sheegay in Iiraan ay ka baxday qaar ka mid ah waxyaabihii heshiiska saldhiga u ahaa .

    Maamulka madaxweynaha cusub ee Biden ayaa hadda u muuqada in uu diyaar u yahay inuu Iiraan kala xaajoodo ku laabashada heshiikii Nukliyeerka.

  5. Raysal wasaare Rooble oo gaaray Dhuusamareeb

    Iyadoo lagu wado in magaalada Dhuusamareeb uu ka furmo shir ay isugu imaanayaan madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa mamaulgobaleedyada ayaa halkaa waxaa gaaraya wafuud kala duwan oo shirka lagu casuumay.

    Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gor dhawed gaaray Dhuusamareeb iyadoo magaalada laga dareemayo dhaqdhaqaaqa qabanqaabada shirka .

    Qodobbada shirka looga hadlayo waxaa ugu weyn inta la ogyahay ilaa iyo hadda arrimaha doorashada oo muran weyn uu ka taaganyahay.

    Horey Dhuusamareeb waxaa uga dhacay dhowr shir oo dhamanatood looga halayay arrimaha doorashada oo ilaa iyo hadda aan laga gaarin xal la isla oggolyahay.

    Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeyay waxaana ammniga sugaya ciidamo isugu jira kuwa maamulka Galmudug iyo ciidamada dowladda dhexe.

  6. Kumanaan arday ah oo waxbarasho la’aan ay ku hayso gobolka waqooyiga Bari ee Kenya

    Warbixin ay soo saareen madaxda golaha horumarinta waqooyiga Kenya ayaa lagu sheegay in kumanaan arday ah ay waxbarasho la'aan haysato arimo amniga la xiriira dartood.

    Tirakoob ayaa lagu sameeyay ardeyda aanan hadda aadin iskuulaadka ku yaalla degmooyinka dhaca gobollada reer guuraaga.

    Guddoomiye Ku xigeenka golaha horumarinta deegaanada waqooyiga Kenya, Maxamed Guuleed oo loo yaqaanno Simba ayaa BBC-da uga warramay waxyaabaha ku xusan daraasadda laga soo saaray waxbarashada ardeyda waqooyiga Kenya.

  7. Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray Dhuusamareeb

    Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug halkaas oo lagu wado inuu ka furmo shir ay leeyihiin madaxda dawladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

    Madaxweynaha Hirshabeelle waxa garoonka Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor.

    Saaka waxa horey u tagay Dhuusamareeb madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Laftagareen iyo xubno ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

    Shirka madaxda Soomaaliya ayaa la qorsheeyay inuu socdo sedex maalmood si xal loogu helo khilaafka ka taagan doorashada.

  8. Dhalinyarada Garowe oo 'aanan ku qanacsaneyn ka shaqeynta maqaayadaha'

    Inta badan dhallinyarada ku sugan Soomaaliya ayaa ka cawda shaqo la'aan ka jirta dalka marka ay waxbarashada dhameeyaan.

    Balse dhallinyarada ku nool Garowe ayaa la sheegaa in aysan dooneyn shaqo walba balse ay doonayaan shaqooyinka fudud oo dhaqaale wanaagsan ay ka sameeyn karaan.

    Maamul goboleedka Puntland, gaar ahaan Garowe, huteelada qaar ayaa waxaa ka shaqeeya dhallinyaro ajnabi ah halka kuwii Soomaalidana la sheegay in aysan ku qanacsaneyn shaqooyinkaas.

    Halkan ka dhageyso warbixinta weriye Axmed Cawil.

  9. Dareenka aabaha Farxiyo oo iyada iyo seygeedii oo dhawaan ku aqal galay Muqdisho oo ku dhintay qaraxii Huteel Afrik

  10. Al Shabaab oo sheegtay sababta ay u dishay Janaraal Galaal

    Al Shabaab ayaa sheegtay in bartilmaameedka koowaad ee weerarka lagu qaaday Huteel Afrik uu ahaa Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo kamid ahaa dadkii shaley ku dhintay weerarkaas.

    Waxay sheegeen in janaraalka ay u heysteen weerarro horey Al Shabaab loogu qaaday oo uu kamid ahaa duqeyntii lagu dilay Aadan Xaashi Ceyrow oo ahaa ninkii aasaasay Al Shabaab isla markaana ay ku raadjoogeen muddo 13 sano ah.

    1-dii bishii May ee sanadkii 2008- dii ayaa Ceyrow uu Mareykanka ku dilay duqeyn laga fuliyay Dhuusamareeb.

    Waxay sidoo kale sheegeen in uu soo abaabulay ciidankii Ahlu Sunna ee Al Shabaab kula dagaallamay gobollada dhexe ee Soomaaliya.

  11. Golaha guurtida Somaliland oo maanta ka shiray doorashooyinka golaha wakiilada

    Golaha guurtida ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa maanta fadhi ka yeeshay xilliga la qabanayo doorashooyinka golaha wakiilada iyo dawladaha Hoose.

    Guddi ay golaha u saareen ayaa sheegay inay kasoo baaraan degayaan siday isu-waafajin lahaayeen maalinta doorashada oo komishanka u cayimeen 31 bisha May ee sanadkan iyo muddo kordhintii loo sameeyay golayaasha la dooranayo oo aan dhamaanin kana soo hormartay maalinta komishanka cayimay.

    Dhawaan ayay aheyd markii madaxweynaha Somaliland uu ka codsaday golaha guurtida inay kasoo talo bixiyaan xilliga la qabanayo doorashooyinka golaha wakiilada iyo dowladaha hoose.

  12. Mucaaradka Soomaaliya oo codsaday in laga qeybgeliyo shirka Dhuusamareeb

    Mucaaradka Soomaaliya ayaa codsaday in dhammaan dhinacyada siyaasadda laga qeybgeliyo isla markaana wakhti la siiyo shirka la filayo in maanta uu ka furmo Dhuusamareeb.

    “In la ballaariyo gogosha shirka, kana qeybgalaan wakiilo matalaya saamileyda tabashada ka qaba fullinta heshiiska doorashooyinka kuwaas oo kala ah wakiilada gobollada waqooy, Midowga musharraxiinta madaxweynenimo iyo bulshada rayidka” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay golaha midowga musharraxiinta.

    Waxay madaxweynaha uga digeen in “shirka uu ka dhex abuuro xiisad si uu marmarsiiyo uga dhigto muddo kororsi”

    Mucaaradka waxay sidoo kale sheegeen in shirkan ay u arkaan mid muhiim ah oo kusoo beegmay xilligii loo baahnaa si looga gudbo muranka ku saabsan qabashada doorashada.

  13. Qaramada Midoobey oo caambaareysay weerarkii lagu qaaday Huteel Afrik

    Qaramada Midoobey ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii lagu qaaday Huteel Afrik, kaddib war saxaafadeed ay kasoo saareen weerarkaas.

    Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa sheegay inay ka argagaxeen weerarka arxan darrada ah ee lagu qaaday huteelka ee lala beegsaday dad shacab ah.

    Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay weerarka iyadoo ay weli socdaan dadaallada loogu gurmanayo dadka uu dhaawaca soo gaaray.

  14. Khasaaraha weerarkii Huteel Afrik oo kordhay

    Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay weerarkii lagu qaaday hotel Afrik ee magaalada Muqdisho shalay galinkii dambe.

    Dr Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Xaaji Aden oo madax ka ah hay’adda gawaarida gurmadka degdeg ah ee Aamin Ambalaas ayaa BBC-da u sheegay in 11 mayd ah ka qaadeen goobta uu weerarku ka dhacay ee Hotel Afrik.

    Sidoo kale Dr Cabdiqaadir waxa uu sheegay in 11 kale oo dhaawac ah ay u qaadeen isbitaallada magaalada Muqdisho.

    Weerarka kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday hotel Afrik ayaa bilowday shalay galinkii dambe wuxuuna soo gaaray xalay saq barkii.

    Dadka caanka ah ee ku dhintay weerarka hotel Afrik waxa kamid ahaa Janaraal Maxamad Nuur Galaal oo ahaa janaraal hawlgab ah oo muddo dheer ka tirsanaa ciidamadii Soomaaliya kahor burburkii dawladdii hore.

    Sidoo kale dadka dhintay waxa kamid ahaa nin ganacsade ah oo la yiraahdo Cabdillahi Nuure Siyaad iyo sarkaal ka tirsanaan jiray booliska Dhuusamareeb oo la yiraahdo Gaashaanle Cali Dhuux Maxamed.

  15. Dagaal goosgoos ah oo ka socda tuulo ku dhaw Dhuusamareeb

    Raasaas goosgoos ah ayaa laga maqlayaa deegaanka Xananbuure oo qiyaastii 45km u jira magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug halkaas oo tan iyo shalay ay ku dagaalamayeen miliishiyo beeleedyo wada dagan Xananbuure.

    Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay dagaalka iyadoo dhaawacyada sideed kalena loo kala qaaday magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb, sida ay BBC-da u sheegeen dad ku sugan aagaasi.

    Illaa hadda lama oga sababta keentay dagaalka balse dhawr jeer oo hore ayay miliishiyooyinka beeluhu ku dagaalameen Xananbuure iyadoo ciidamada dawladduna kala dhexagaleen loona qabtay shirar lagu heshiisiinayo inkastoo kulamadaasi waxyaabihii lagu gaaray aan la fulin.

  16. Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Dhuusamareeb

    Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen) ayaa goordhaw gaaray Dhuusamareeb xilli maanta lagu wado in halkaas uu ka furmo kulan looga hadlayo arrimaha doorashada.

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Sabtidii shir wadatashi ah isugu yeeray madaxda dowlad-goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir xilli muranka ku saabsan doorashada Soomaaliya uu marayo heer xasaasi ah.

  17. Dagaal ka dhacay deegaan ka tirsan Dowlad Deegaanka

    Degaanka Ceydal oo ka tirsan gobolka City ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa in ay dirir ku dhex martay ciidamo ka tirsan Canfarta iyo xoola dhaqato ku nool deegaankaas.

    Dagaalka oo la sheegay in uu ka dhashay khasaare naf iyo maalba leh.

    Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in ciidamada canfarta iyo maleeshiyaad ay weerar ku qaadeen dad xoolo dhaqata ah isla markaana ay laayeen dad kale.

    Diiriye Maxamed oo ka mid ah odayaasha deggan deegaanka uu dagaalka ka dhacay ayaa sheegay inay socdaan dadaallo lagu xallinayo xiisadda saameysay labada dhinac.

  18. Asalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Isniin ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.