You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Ninka soomaaliga ah ee 50 jir waxbarasho ku bilaabay

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Khuburo ka tirsan WHO oo booqday cisbitaalkii ugu horreeyay ee la geeyay dad uu ku dhacay Koroona

    Khubaro ka tirsan Ha'yadda Caafimaadka Adduunka oo baaraya asal ahaan halka uu kasoo bilowday fayraska Koroona waxay booqdeen Cisbitaalka Jinyintan ee Wuhan halkaas oo qaar ka mid ah bukaanadii ugu horreeyay laga helay cudurka Covid-19 lagu daweeyay.

    Mid ka mid ah xubnaha booqday cisbitaalka ayaa sheegay in booqashadu ay u tahay fursad muhiim ah oo ay kula hadli karaan dhakhaatiirtii ku howlaneyd wakhtigii uu xanuunku bilowga ahaa xiligaas oo xaaladda ahayd mid xasaasi maadama xakameynta cudurka lagu guuldareystay.

  2. Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay wakiilo ka socday beesha caalamka

    Waxaa xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay kulan ay lahaayeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdullahi Farmaajo iyo wakiilo ka socday beesha caalamka oo uu horkacayay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay danjire James Swan.

    James Swan ayaa horey ula soo kulmay qaar kamid ah madaxda dawlad goboleedyada kuwaas oo dhamaantood uu kala hadlay sidii loo hirgalin lahaa doorasho dalka ka qabsoonta.

    Ilaa hadda wax faahfaahin ah lagama bixin waxyaabaha labada dhinac ay ka wadahadleen.

  3. Sicir-barar ka taagan Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya

    Sicir-barar baahsan ayaa laga soo sheegayaa dowlad deegaanka Soomalida ee Itoobiya.

    Waxaana cirka isku shareeray sarifka doolarka iyadoo badeecadaha daruurigana ay qaaliyoobeen.

    Waxaa sidoo kale xaaladda uga sii daray lacagaha bangiga lagala baxo oo la xadiday.

    Bashiir Shaafi Cumar oo ah wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Dowlad Deegaanka ayaa BBC u sheegay in sicir bararka saameeyay halkaas ay ugu wacan tahay sare u kac ku yimid qiimaha lagu kala sariifto doolarka.

    "Mar kasta oo uu kor u kaco doolarka wuxuu la yimaadaa sicir barar ama in uu keeno kicinta xagga maciishaddii ah"

    Wuxuu sidoo kale sheegay in qiimaha lagula iibsado badeecadaha qaar uu sare u kac ku yimid sida sokorta, bariiska iyo saliidda maadama dadka ay si joogto ugu tiirsan yihiin.

  4. Kenya iyo UK oo u heshiiyay Al Shabaab

    Kenya iyo UK ayaa kala saxeexday heshiis dhanka amniga ah kaddib markii Nairobi ay ku kulmeen xoghayaha gaashaandhigga UK, Ben Wallace iyo wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Dr Fred Matiang’i iyo wasiirka gaashandhigga Kenya, Monica Juma.

    "Heshiiska wuxuu ka dhigayay in Kenya iyo UK ay ka go'antahay xoojinta iskaashiga dhanka la dagaallanka halista Al Shabaab, dambiyada internetka, tahriibinta dadka iyo xoojinta amniga gobolka"

    Labada dal waxay iska kaashan doonaan sidii ay isugu gudbin lahaayeen xogta la xiriirta kooxaha aragagixisada ah iyo sidii cunaqabateyn loogu soo rogi lahaa dadka dhaqaalaha ku taageero, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda UK.

  5. WHO oo dhaleeceysay tallaabada Midowga Yurub ee 'xakameynta tallaalka Koroona'

    Ha'yadda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa cambaareeyay hadalkii ka soo baxay Midowga Yurub ee ahaa in xakamyen dhanka dhoofinta ah ay ku soo rogeyso tallaalka lagu sameeyo gudaha Yurub.

    Waxay sheegtay in tallaabooyinka noocan ah ay sii daba dheereynayaan xanuunka safmarka ah.

    Midowga Yurub ayaa soo saaray tallaabooyinkan xilli uu is fahan la’aan dhanka qeybinta tallaalka ah uu kala dhaxeeyo shirkadaha soo saara tallaalka.

    Balse ku xigeenka madaxa WHO Mariangela Simao ayaa sheegtay inay tahay arrin walaaceeda leh.

    Goor sii horreysay madaxa WHO Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in "qarameynta tallaalka" ay dhibaato sababi doonto.

  6. Ninka soomaaliga ah ee 50 jir waxbarasho ku bilaabay

    Aadan Muxumed Cumar(Aaadan gaab) oo ah nin da’diisu ku dhowdahay 60 sano ayaa wakhti dhow bilaabay waxbarashada oo waliba uu ka bilaabay dugsi hoose dhexe oo ku yaalla magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

    Aadan oo ku soo koray miyiga islamarkaana aan helin fursad uu wax ku barto ayaa sheegay in markii uu magaalada soo galay uu waxbarasho la’aanta kala kulmay caqabado badan.

    Wuxuu sidoo kale sheegay in ganacsi uu lahaa ay u suurtogeli weyday in uu sii wado balse haatan uu doonayo inuu wax barto kuna haminayo inuu ku biiro siyaasadda dalkaas.

    “Waxaan isku dayay in aan ganacsi sameeyo, waxaa dhacday in ganacsigii aan wadi waayay aqoon darro darteed..waxaan u maleeyay in aqoonta la’aanta in badan ay ii keeneyso in mar walbo aan dib u dhaco sidaas ayaa ku kaliftay oo aan go’aansaday in aan ku noqdo waxbarashada”

    Aadan wuxuu ka shekeynayaa sida uu ku bilaabay waxbarashada iyo sida uu ula falgalay caruurta maadama uu isagu yahay nin weyn.

  7. Haweeney muddo 10 sano ah meydka hooyadeed ku heysay guri

    Booliska Japan ayaa xiray haweeney la sheegay in meydka hooyadeed ay ku heysay firinjeer muddo 10 sano ah guri ay deganeyd oo ku yaalla dalkaas.

    Yumi Yoshino oo 48 jir ayaa sheegtay in markii hore ay aragtay meydka isla markaana ay guriga ku qarineysay muddo 10 sano ah.

    Waxay sababtana ku sheegtay in xilliggaas ‘aysan dooneyn inay ka guurto gurigii’ ay horey ula degnaani jirtay hooyadeed, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha oo soo xiganeyso ilo wareedyo ka tirsan booliska oo aan la magac dhabin.

    Mas’uuliyiinta waxay sheegeen in aanan la ogeyn wakthiga iyo sababta ka dambeysay geerida hooyada dhashay gabadhaas.

    Waxaana lagu soo warramayaa in meydka uu guriga ku arkay qof nadiifinayay halkaas.

    Meydka ayaa laisku jabiyay si loo deeqsiiyo firinjeerka, sida ay sheegeen booliska.

  8. Ayax fara ba’an ku haya deegaano ka tirsan Dowlad Deegaanka Soomaalida

    Dadka xoola dhaqatada ah ee ku nool qeybo kamid ah gobolka Afdheer ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa walaac xooggan ka muujiyay ayax ku degay halkaasi kaas oo saameyn ballaaran ku yeeshay dalagyada beeraha iyo daaqa xoolaha.

    Bashiir Cali oo kamid ah dadka deegaanka ayaa BBC u sheegay in ayaxa uu waxyeello weyn u geystay dadka deegaanka maadama aanan laga qaadin wax tallaab ah oo looga hortaggayo duullaanka ayaxa.

    “Beerihii, dhirtii iyo wixii geedkii ahaa oo dhan buu dhameeyay”

  9. Asalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Sabti ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.