You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Abiy Axmed oo markii ugu horreysay qoraal soo dhigay Twitter-ka kaddib wararka la xiriira xaaladdiisa caafimaad

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Gabar 8 jir ah oo lagu kufsaday laguna dilay Muqdisho

    Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in la soo xiray nin dhawr iyo labaatan jir ah oo loo haysto kufsiga iyo dilka gabadh yar oo siddeed sano jir ahayd isla markaana ahayd agoon oo ku nooleyd mid kamid ah xeryaha dadka gudaha ku barakacay ee ku yaala waddada u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye.

    Kufsiga iyo dilka gabadha yar ayaa dhacay shalay galinkii dambe iyadoo markaa wixii ka dambeeyay booliska wadeen baaritaanka kiiskaasi, iyagoo aakhirkiina galankii dambe shaaciyay in la soo xiray tuhunsane loo haysto falka kufsiga iyo dilka isugu jiray, sida uu sheegay Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sidiiq Aden Cali.

    Indhaawalaba xeryaha dadka gudaha ku barakacay ee duleedyada magaalada Muqdisho waxa ku soo kordhayay kufsiga loo gaysto dumarka xeryahaasi ku jira iyadoo dhawr dhacdo oo laga argagaxo laga soo weriyay todobaadyadii ugu dambeeyay xeryahaasi.

  2. Muuqaal ku saabsan gabadh garaash ka furatay gudaha Soomaaliya

  3. Abiy Axmed oo markii ugu horreysay qoraal soo dhigay Twitter-ka kaddib wararka la xiriira xaaladdiisa caafimaad

    Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa markii ugu horreysay qoraal soo dhigay barta Twitter-ka xilli maalmihii u dambeeyay baraha bulshada dalkaas laisla dhexmarayay warar ku saabsan xaaladdiisa caafimaad.

    Abiy wuxuu bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraallo uu ku amaanayo hogaamiyeyaasha maamulada Oromada iyo Soomaalida gaar ahaan tageerada ay u muujiyeen dowladda.

    Labadii toddobaad ee lasoo dhaafay waxaa la waayay warka Ra'iisul Wasaaraha maadama aanan lagu arkin fagaarayaasha ama baraha bulshada.

    Hayadda sirdoonka qaranka iyo nabad-sugidda ee Itoobiya, oo magaceeda loo soo gaabiyo NISS, ayaa wacad ku martay in ay la xisaabtami doonto qof walba oo baraha bulshada ku daabaca ama ku faafiya wax ay ugu yeertay "wararka marin-habaabinta ah" ee ku saabsan xaaladda caafimaad ee Ra'iisul Wasaaraha.

    Hadalkan kasoo baxay dowladda ayaa hadal heyn hor leh dhaliyay taas oo ku saabsan halka uu jiro Abiy Axmed.

    Waxaa laisla dhexmarayay warar kala duwan oo ku saabsan xaaladda caafimaad ee Ra'iisul Wasaaraha gaar ahaan in dalka dibaddiisa loogu qaaday xaalad caafimaad darteed gaar ahaan dalka Talyaaniga.

  4. Mareykanka: "Eritrea waa in si deg deg ah ay ciidamadeeda ugala soo baxdo Tigray"

    Mareykanka ayaa amar ku bixiyay in Eritrea sida ugu dhakhsiyaha badan ay dhammaan kala soo baxdo ciidamadeeda gobolka Tigray, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AP.

    Wakaaladda oo soo xiganeyso afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegtay inay hayaan warar laisku haleyn karo oo ku saabsan in dhac, kufsi iyo weeraro ay ka dhaceen xeryaha qaxootiga iyo sidoo kale in la geystay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka"

    "Waxaa jiraa caddeymo muujinaya in ciidamada Eritrea ay si qasab ah dib ugu celinayaan Eritrea qaxootiga u dhashay dalkaas ee ku sugan xeryo ku yaalla gobolka Tigray"

    Dowladda Itoobiya waxay horey u beenisay in ciidamo Eritrean ah ay ku sugan yihiin gobolka Tigray kaddib dagaalkii dowladda ay ku qabsatay gobolkaas.

  5. Muddo kordhin loo sameeyay howlgalka ciidamada Turkiga ee xeebaha Soomaaliya

    Baarlamaanka Turkiga ayaa Talaadadii ansixiyay in muddo kordhin loo sameeyo howlgalka ciidamada Turkiga ee xeebaha Soomaaliya iyo gacanka cadmeed, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dowladda.

    Waxay taasi ka dhigan tahay in ciidanka Turkiga uu weli kasii howlgali doono halkaas tan iyo 10-ka bisha Febraayo sanadka 2022-ka si ay u sugaan amniga maraakiibta maraya xeebahaas.

    Sanadkii 2008-dii ayay aheyd markii ugu horreysay ay baarlamaanka Turkiga ansixiyaan howlgalka ciidankooda ee xeebaha Soomaaliya iyo cadanka cadmeed.

  6. Muuqaal: Soddon sano ayaa ka soo wareegtay markii ay jabhado hubeysan qabsadeen Muqdisho

  7. Soomaaliya oo kasoo horjeesatay warbixinta guddiga Jabuuti ee la xiriirta xiisadda Kenya

    Dowladda Soomaaliya ayaa ka soo horjeesatay warbixinta guddigii reer Jabuuti ee loo xilsaaray in ay soo baaraan tabashada Soomaaliya ee kaga cabaneysay Kenya.

    Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaamay warbixintii ay soo saareen guddiga xaqiiqo raadinta dowladda Jabuuti u xil saartay baaritaanada ku aadan waxyaabaha uu salka ku hayo khilaafka Kenya iyo Soomaaliya.

    “Warbixintii soo baxday dowladda Soomaaliya waxay ku noqotay fajac, amakaag iyo qaadan-waa, wax aan loo fadhin oo aan la fileynin, waxay ka hadleysaa warbixinta ay guddiga soo saareen waxa alle wixii Soomaaliya ay dhibsaneysay ay sheegatay in guddigii xaqiiqada raadinta ee Jabuuti ka socotay waxay kasoo saareen waxbo kama jiraan”

    Dhawaan ayay aheyd markii guddii madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle u xil saaray xaqiiqo raadinta khilaafka ay howshooda soo gabagabeeyeen.

    Shirkii urur Goboleedka IGAD ee bishii December ka dhacay magaalada Jabuuti ayaa madaxweyne Geelle loogu xil-saaray in uu ka shaqeeyo dib u dajinta xasaradda labada waddan ee dariska ah.

  8. Dagaalka Beled Xaawo: Muxuu yahay sawirkan dadka lagu marin habaabiyay?

    Waxaa baraha bulshada la isla dhexmarayay sawir muujinaya hooyo ku dul barooraneyso qabri iyadoo dadka qaar ay sheegayeen in hooyadan carruur ay dhashay looga dilay dagaalkii shalay ka dhacay Beled Xaawo.

    Kaddib xaqiijin iyo baaritaan aan sameynay waxaan ogaanay in sawirka uu ahaa mid been ah, maadama uu horey ugu sii jiray internetka.

    Waxaa markii ugu horreysay 20-tii bishii April ee sanadkii 2018-kii daabacay website la yiraahdowww.watanserb.com.

    Wuxuu website-ka ku warramayay in hooyadan ay ku dul barooraneysay qabriga wiilkeeda oo kaga dhintay shil diyaaradeed oo Algeria ka dhacay isla sanadkaas, waxaana baraha bulshada ku baahiyay shacabka dalkaas.

  9. Ururka ONLF oo sheegay in qaar kamid ah xafiisyadooda la xiray

    Xisbiga ONLF ayaa sheegay in la xiray qaar ka mid ah xafiisyadooda oo ku yaalla dowlad deegaanka Somalida ee Itoobiya.

    Afhayeenka xisbiga Cabdi Qaadir Xassan Hirmooge ( Caddaani)ayaa BBC-da u sheegay in aanan loo sheegin sababta loo xiray xafisyadooda isla markaana awood loo sheegtay.

    Xisbiga ayaanan dhawaan qayb ka noqday is diiwaan galinta xisbiyada dalka Itoobiya iyadoo la filayo in doorasho ay ka dhacdo dalkaas.

    Halkan ka dhageyso wareysiga:

  10. Asalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Arbaco ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.