You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

'Soomaaliya waxay halis ugu jirtaa khilaafka doorashada iyo ciidamada Mareykanka ee ka baxay'

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. 'Somaliya waxay khatar ugu jirtaa khilaafka doorashada iyo ka bixitaanka ciidamada Mareykanka'

    Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in khilaafka sii xoogeysanaya ee doorashada Soomaaliya uu halis galinayo horumarkii uu dalka ka sii gaarayay dhinaca xasiloonida.

    Waxay sheegtay in amnigu uu sidoo kale ku jiro kaddib markii ay isbuucii lasoo dhaafay Soomaaliya ka baxeen ciidamadii Mareykanka ee mas'uulka ka ahaa tababarka milatariga Soomaalida.

    Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay, James Swan, ayaa siyaasiyiinta Soomaalida ku eedeeyay in ay siyaasado halis ah isticmaalayaa kaddib markii dib loo dhigay doorashooyinkii baarlamaanka oo ay ahayd in ay dhacaan bishii lasoo dhaafay.

    Waxaa jirta cabsi la xiriirta in Soomaaliya ay dib ugu noqoto dagaal beeleedyo.

    Wariyaha BBC-da ee Muqdisho, Andrew Harding, ayaa sheegay in ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya uu noqon karo mid ay ka faa'iideystaan kooxda Al-Shabaab, taasoo sannadihii lasoo dhaafay dhul badan laga qabsaday.

  2. Nin in muddo ah ku dhex noolaa garoon diyaaradeed cabsi uu ka qabo cudurka Koroona

    Nin la sheegay cabsi uu ka qabo cudurka Koroona dartiis ayaa muddo saddex bilood ah ku dhex noolaa garoon diyaaradeed oo ku yaalla gobolka Chicago isagoo aanan la ogaan, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha Mareykanka.

    Aditya Singh, oo 36 jir ah ayaa la xiray Sabtidii kaddib markii mid kamid ah shaqaalaha garoonka uu ka codsday in uu tuso aqoonsiga ah in uu ka shaqeeyo halkaas.

    Wuxuu markiiba tusay kaar aqoonsi ah oo loo maleynayo in uu horey lahaa maareeyaha maamulka ee garoonka kaas oo kaarkiisa aqoonsiga waayay bishii Oktoobar.

    Booliska waxay sheegeen in Mr Singh uu garoonka yimid xilli uu saarnaa diyaarad ku wajahneyd Los Angeles 19-kii bishii Oktoobar.

    Waxaana lagu soo warramayaa in uu helay kaarka aqoonsiga shaqaalaha garoonka isla markaana uu ka cabsaday in uu tego gurigiisa Koroona dartii, sida ay sheegayaan saraakiisha.

    Waxaana la sheegay in ninka uu ku noola waxyaabaha ay siiyaan rakaabka diyaaradaha.

    Waxaana lagu soo oogay dacwad la xiriirta dambi ah in uu si sharci darro ah ugu dhex noolaa goob ammaankeedu adag yahay iyo falal xatooyo ah, waxaana laga mamnuucay garoonka waa haddii uu bixin waayo damaanad lacageed oo gaareyso $1,000.

  3. Sheekh Shariif oo ballanqaaday in aanay ka shaqeyn doonin wax caqabad ku ah doorashada

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ku baaqay in laga heshiiyo qaabka ay u dhaceyso doorashada ka hor 8-bisha Febraayo isla markaana mucaaradka ay diyaar u yihiin sidii heshiis looga gaari lahaa arrimaha doorashada.

    "Anaga rajadeenu waxaa waaye in ka hor laga heshiiyo nidaamka doorashooyinka oo la gaaro 8- February iyado laga heshiiyo doorashooyinka, sidaasna doorashooyinka noogu qabsoomaan"

    Wuxuu dhanka kale sheegay in aysan ka shaqeyn doonin wax kasta oo dhibaata u keenayo dalka.

    "Waxaan idiin ballan qaadeynaa aniga oo ku hadlayo magaca mucaaradka in aanan ka shaqeynin wax kasta oo dalkan dhibaata u keenaya oo aan rabno dalkan nabaddiisa iyo dowladnimadiisa in hor usii socoto"

    Soomaaliya weli wuxuu muran ka taagan yahay hanaanka doorashada.

  4. Mareykanka oo doonaya in uu baaro eedeymaha ku shubashada doorashada Uganda

    Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ku baaqday in la sameeyo baaritaano isu dheelitiran oo madaxbanaan oo ku aadan warbixino dhowr ah oo sheegayo in ay dhacday wax isdabarin xilliggii ay socotay doorashada Uganda.

    Madaxweyne Museveni ayaa markii lixaad ku guuleystay doorashada xilli musharraxa mucaaradka Bobi Wine uu jeediyay eedeyn ah in doorashada looga shubtay.

    Halka Museveni uu ku tilmaamay doorashada mid caddaalad ah oo aan weligeed ka qabsoomin dalkaas.

    Bayaanka kasoo wasaaradda Mareykanka ayaa lagu sheegay in lala xisaabtami doono dadka lagu helo inay ka dambeeyeen wax isdaba marin ah.

    Bobi Wine wuxuu BBC u sheegay in aanan loo ogoleyn in uu isaga baxo gurigiisa oo ay ku hareereysan yihiin ciidamada amniga.

  5. Xudur: "Kiilada sokorta waa haddii la helo hal doolar iyo bar"

    Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa maanta waxaa la geeyey raashin diyaarad lagu qaaday.

    Magaalada ayaa ku jirtay go'doomin ay ku hayeen kooxda Al Shabaab iyadoo dadka deegaanka ka bannaanbaxeen dhibaatadooyinkaas. Waxaana xiran waddooyinka gala halkaas.

    Gudoomiyaha Bakool Shiine Macalin Nuuroow ayaa BBC u sheegay in magaalada ay go'doom ku jirto isla markaana aan laga helin raashinka haddii la helana waa qaali qiimo ahaan.

    "Kiilada sokorta waa haddii la helo hal doolar iyo bar baa lagala siisanayay..laakin dukaamada inta badan wey xiran yihiin, wax la iibiyo ma laha"

    Wuxuu intaas ku daray in Al Shabaab ay gubeen gaari walba oo Xudur raashin u wada.

  6. Halkan ka daawo: Jaamici geel-jire noqday oo ka shekeynaya faa'idada uu ku qabo geela

  7. Trump: Awood ma u leeyahay in uu is cafiyo?

    Warbaahinta oo soo xiganeyso ilo aan la magac dhabin ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu kalkaaliyeyaashiisa u sheegay in uu ka baaraan degayo sidii uu isaga isku cafin lahaa ka hor xil wareejinta.

    Xitaa haddii uu tallaabadaas qaado kama caawin karto in uu ka baxo dhibaatada uu haatan wajahayo.

    Madaxweynaha wuxuu wajahayaa baaritaano dhowr ah oo la xiriira in uu ka been ka sheegay canshuur celintiisa iyo ganacsigiisa.

    Horraan ma dhicin in madaxweyne Mareykan ah uu sheego in naftiisa is cafin karo.

    Qaar kamid ah sharciyaqaanada ayaa horraan sheegay in arrintaas aysan dhicin karin iyagoo soo xiganayo hadal kasoo baxay waaxda caddaaladda ka hor inta uusan is casilin madaxweynihii hore ee Mareykanka Richard Nixon kaas oo dhigayay in uusan is cafin karin iyadoo la raacayo sharciga asaasiga ah ee qeexayo in qofka uusan go'aan ka gaari karin dacwad loo heysto.

    Halka qaar kamid ah sharciyaqaanada ay sheegayaan in dastuurka uusan horjoogsaneyn in qofka is cafiyo.

  8. Dagaal ka dhacay Darfur: Tirada dhimashada oo korodhay

    In ka badan 80 qof ayaa lagu dilay dagaal labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday gobolka Darfur ee dalka Suudaan, sida ay sheegeen dhakhaatiirta dalkaas.

    Dagaalka ayaa u dhexeeya qowmiyadaha qaar ee ku nool halkaas.

    Boqolaal qof ayaa ku dhaawacmay dagaalka ka dhacay El Geneina.

    Waxaa weerar lagu qaaday xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah.

    Wararka waxay sheegayaan in dagaalka uu bilowday kaddib markii qof ka tirsan dadka deegaanka toori la geliyay.

    Dowladda Suudaan waxay ciidamo u dirtay gobolka si ay u xaqiijiyaan amniga shacabka.

    Dagaallo ayaa ka bilowday gobolka Darfur sanadkii 2003-dii, waxaana ka qaxay dagaallada malaayin qof inkasta oo ay socdaan dadaallo nabadeed, weli waxaa halkaas ka taagan xiisad.

  9. Geel aanan sodon qadi karin

  10. Mesut Ozil oo lagu wado in uu ku biiro koox ka dhisan Turkiga

    Ciyaaryahanka khadka dhexe uga dheela Arsenal Mesut Ozil ayaa lagu wadaa in uu ku biiro koox ka dhisan dalka Turkiga oo la yiraahdo Fenerbahce.

    Wuxuu Axaddii u safray dhinaca Turkiga si uu u dhameystiro heshiiska uu kooxdaas la galayo.

    Ozil uma uusan dheelin Arsenal tan iyo bishii March xilliggaas oo ay 1-0 kaga badiyeen West Ham.

    Ozil oo ku dhashay Jarmalka balse isirkiisu yahay Turki ayaa ku biiray Arsenal sanadkii 2013-kii xilliggaas uu kasoo tagey kooxda Real Madrid.

    Wareysi uu siiyay teleefishinka NTV ee fadhigiisu yahay Turkiga ayuu ku sheegay in uu ku faraxsanyahay go'aanka ah in uu ku biiro kooxda Fenerbahce.

    Warbaahinta Turkiga ayaa horraantii bishan ku warrantay in Ozil la filayo in uu ku biiro kooxda Fenerbahce.

    Guddoomiyaha kooxda Fenerbahce, Ali Koc ayaa dhankiisa sheegay in tallaabada Ozil uu ugu soo biirayo kooxdiisa ay tahay 'riyo wanaagsan'

  11. Maxaa keenay in hilib yari ay soo wajahdo Jigjiga?

    Wararka aan ka helayno magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in hilibka xoolaha gaar ahaan hilibka geela oo aad ugu yaraaday magaaladaas.

    Xoolo kala duwan oo isugu jira geel, lo’ iyo ari ayaa intaba lagu qalaa magaalada sidaas oo ay tahayna waxaa shacabka magaalada ka cabanayaa hilib yari muddo soo jiitamaysay.

    Arrintan ayaa loo sababaynayaa tirada dadka magaalada ku dhaqan oo korortay iyo walaaca laga qabo xerada xoolaha lagu qalo oo dhowaan ay fadeexad ka dhacday, sida uu BBC-da u sheegay Mareeyaha guud ee maamulka magaalada Shaafi Axmed Macallin.

  12. Asalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Isniin ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.