You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Ninkii la tartamayay Museveni oo sheegay in noloshiisa halis ku jirto

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Tiro dad ah oo ku dhintay dagaal ka dhacay Gobolka Darfur

    Dagaal u dhexeeya qowmiyadaha qaar ee dego Suudaan ayaa ka dhacay gobolka galbeed ee Darfur, waxaana ku dhintay 48 qof, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Suudaan.

    Dagaalka oo ka dhacay caasimaadda gobolka ee El Geneina ayaa bilowday kaddib markii qof ka tirsan dadka deegaanka la toori la geliyay.

    Waxaana gobolka lagu soo rogay banddow, Ra'iisul Wasaaraha Suudaan Cabdalla Hamdok ayaa wafdi u diray gobolka si ay baaritaan ugu soo sameeyaan dagaallada dhacay.

    Dagaallo ayaa ka bilowday gobolka Darfur sanadkii 2003-dii, waxaana ka qaxay dagaallada malaayin qof inkasta oo ay socdaan dadaallo nabadeed, weli waxaa halkaas ka taagan xiisad.

  2. Biden oo maalmaha ugu horreeya shaqadiisa tuuri doono mamnuuciddii Trump ee dalalka Muslimiinta

    Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa lagu wadaa in uu ku dhawaaqo qorsheyaal dhowr ah kaddib marka uu xilka la wareego.

    Qorsheyaashaas waxaa kamid ah in Maraykanka uu dib ugu soo celiyo dalalka saxiixay heshiiskii cimilada ee Paris.

    Waxaa sidoo kale la filayaa in uu meesha ka saaro xayiraaddii socdaalka ee saarneyd qaar kamid ah dalalka muslimiinta ee uu Trump kusoo rogay dalalkaas, sida ay ku warrameyso warbaahinta Mareykanka.

    Ammaanka la adkeeyay ayaa horseeday in inta badan bartamaha Washington loo xiro xafladda caleema-saarka ka dib weerarkii ay ku qaadeen Congress-ka taageerayaasha Donald Trump horaantii bishaan.

    FBI-da ayaa ka digtay in xarumaha waaweyn ee dowlada Mareykanka oo dhan ay bartilmaameed u noqon karto qalalaase hor leh maalmaha soo socda.

  3. Wasaaradda ciyaaraha Somaliland oo ka digtay isticmaalka magacyada ciyaartoyda ajnabiga ah

    Wasaaradda ciyaaraha ee jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa uga digtay ciyaartoyda inay adeegsadaan magacayda ciyaartoyda ajnabiga ah taa baddalkeedana ay isticmaalaan magacyo ama naaneys u gaar ah.

    War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in adeegsiga magacyada ciyaartoyda ajnabiga ah ay tahay arrin "foolxumo ku ah nidaamka ciyaaraha iyo jiritaanka qofka ciyaartoyga ah"

  4. Ninkii la tartamayay Museveni oo sheegay in noloshiisa halis ku jirto

    Bobi Wine oo ah musharraxa mucaaradka Uganda ayaa sheegay in noloshiisa ay halis ku jirto kaddib doorashadii Khamistii ka dhacday dalkaas oo uu ku guuleystay Yoweri Museveni.

    “Waxaan u cabsi qabaa nolosheyda iyo tan xaaskeyga” ayuu yiri Bobi Wine.

    Wuxuu BBC-da u sheegay in uusan aqbali doonin natiijada kasoo baxday guddiga doorashada.

    Wuxuu intaas ku daray in aanan loo ogoleyn in uu isaga baxo gurigiisa oo ay ku hareereysan yihiin ciidamada amniga.

    “Cidna looma ogolo in gurigeyga ay soo gasho ama isaga baxdo- dhammaan weriyeyaasha gudaha iyo kuwa caalamiga ah waxaa loo diiday inay soo galaan gurigeyga”

    Xilliggii ololaha doorashada waxaa Uganda hareeyay qalalaase oo ay ku dhinteen tiro dad ah.

    Madaxwaynaha xilka haya ayaa marka la eego dhanka codadka waxaa uu helay 5.85 milyan , halka musharaxa mucaaradka Bobi Wine uu helay 3.48 milyan oo cod.

    Madaxwayne Museveni ayaa waxaa uu awoodda dalkaasi la wareegay sandkii 1986-dii, waxaa uuna isu arkaa in uu yahay nin dalkaasi ku soo dabaalay nabad kana badbaadiyay dhibaatooyiin badan.

    Balse dadka dhaliila ayaa u arka in uu yahay nin intii uu xilka hayay mucaaradka ka soo horjeeda gacan bir ah ku qabtay .

  5. War deg deg ah, Qarax lala eegtay kolonyo uu la socday guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose

    Warrarka laga helayo gobolka Shabeellaha Hoose ee Soomaaliya ayaa sheegaya in kolonyo ay la socdeen gudoomiyaha gobolka Cabdiqaadir Siidii iyo saraakiil sare oo ka tirsan miltariga Soomaaliya lala eegtay qarax la dhigay waddada dhinaceeda deegaanka Tixsiile oo u dhaxeeya degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn.

    Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxa ayaa soo werisay dilka afar askari iyo dhaawaca taliyaha ciidamada gaarka ah ee Danab iyo sarkaal kale, balse illaa hadda ma jiro war madaxbannaan oo xaqiijinaya sheegada Al-Shabaab.

    Illo ku dhawdhaw milatariga Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in dhaawac fudud uu soo gaaray taliyaha ciidamada Danab Gaashaanle Axmed Beeryare iyo sarkaal kale, balse ay badqabaan gudoomiyaha gobolka iyo ciidankii kale ee la socday kolonyada.

  6. Sicir bararka ka jira Puntland iyo aragtida dadweynaha

  7. Haween garsoore ka ahaa maxkamadda sare ee Afghanistan oo la toogtay

    Labo haween ah oo garsoore ka ahaa maxkamadda sare ee Afghanistaan ayaa saaka lagu toogtay magaalada Kabul, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaas.

    Haweenkan ayaa waxaa beegsaday rag hubeysnaa xilli ay u socdeen shaqada oo ay saarnaayeen baabuur, sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay afhayeen u hadlay maxkamadda.

    Waxaa haweenka lagu toogtay deegaanka Qala- Al- Fathullah oo ka tirsan caasimadda Kabul, ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkaas.

    Arrintan ayaa kusoo aadeysaa xilli Afghanistan ay bilihii lasoo dhaafay kusoo kordheen weerarada lagu bartilmaameedsanayo weriyeyaasha, dadka u ololeeyo xuquuqda aadanaha iyo siyaasiyiinta.

  8. Jabuuti oo barnaamij waxbarasho u bilowday haweenka aan wax qorin

    Dowlada Jabuuti ayaa dhawaan bilowday barnaamij wax lagu baraayo dadka waweyn gaar ahan haweenka si ay ugu sahlanaato wax aqrinta qoridda.

    Wasaaradda arrimaha bulshada ee dalka Jabuuti ayaa sheegtay in barnaamijkan markii la bilaabay ay si wayn bulshada uga soo jawaabeen islamarkana ay haween badan ku soo biireen waxbarshada dadka waawayn.

    Waxaa ka warramayaa weriye Maxamuud Cismaan Bulxan oo goobta wax lagu baro haweenkan booqday.

  9. Mareykanka oo ka digay rabshado ka dhaca gobollada ka hor caleemo saarka Biden

    Mareykanka ayaa ka digay suurtagalnimada ah in dibadbaxyo rabshado wato ay ka dhacaan guud ahaan gobollada dalkaas ka hor caleemo saarka Arbacada madaxweynaha la doortay Joe Biden.

    Ciidamada ayaa loo daabulay magaalada Washington DC si ay uga hortagaan qalalaase ka dhaca halkaas.

    Ha’yadda dambi baarista ee Mareykanka FBI-da ayaa ka digtay suurtagalanimada ah in kooxo hubeysan oo taabacsan Trump ay dibadbaxyo ka dhigaan guud ahaan gobollada Mareykanka.

    Dhinaca kale, kooxda Joe Biden ayaa soo bandhigtay faahfaahinta amarro xiriir ah oo madaxweynaha la doortay ee Mareykanka uu si toos ah u saxiixi doono ka dib caleemo saarkiisa Arbacada.

    Tallaabooyinka -waxaa kamid ah sida, in Maraykanaka dib uga mid noqdo dalalka saxiixay heshiiskii cimilada ee Paris iyo in meesha laga saaroxayiraaddii socdaalka ee saarnayd dalal badan oo Muslimiin ah .

    Ammaanka la adkeeyay ayaa horseeday in inta badan bartamaha Washington loo xiro munaasabadda caleema-saarka ka dib weerarkii ay ku qaadeen Congress-ka taageerayaasha Donald Trump horaantii bishaan.

    FBI-da ayaa ka digtay in xarumaha waaweyn ee dowlada Mareykanka oo dhan ay bartilmaameed u noqon karto qalalaase hor leh maalmaha soo socda.

  10. Asalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Axad ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.