You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Mucaaradka Soomaaliya oo ku hanjabay inay qaban doonaan doorasho

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Mucaaradka Soomaaliya oo jawaab kulul ka bixiyay hadalkii kasoo baxay Cumar Filish

  2. Mucaaradka Soomaaliya oo ku hanjabay inay qaban doonaan doorasho

  3. Qalalaasaha Gobolka Tigrayga: Afar arrimood oo aad u baahan tahay in aad ka ogaato

  4. Xiisadda Tigreega: Maxaa looga cabsi qabaa in Itoobiya uu dagaal sokeeye ka dhaco?

  5. Abiy Axmed: 'Dagaalka inuu shacabka Maqale waxyeello u geysto waan ka taxaddareynaa’

  6. Hoggaamiyaha Tigray muxuu ka yiri 72-dii saacadood ee loo qabtay inuu isku dhiibo?

  7. Maxaa xal u noqon kara xiisadda siyaasadeed ee madaxweyne Farmaajo iyo musharraxiinta?

  8. ‘Bootada musharraxiinta mucaaradka car afka hasoo dhaafto’

  9. Weerarkii laga cabsida qabay ee magaalada Maqalle oo la fasaxay

  10. Turkiga oo boqolaal qof ku xukumay xabsi daa'in

    Maxkamad ku taalla Turkiga ayaa xabsi daa'in ku xukuntay 337 oo isugu jiro saraakiil militeri ah iyo dad kale kuwaas oo lala xiriirinayo afgembigii dhicisoobay ee Turkiga ka dhacay sanadkii 2016-kii.

    Duuliyeyaal diyaaradaha militeriga iyo taliyeyaal ciidan ah ayaa kamid ahaa 500 qof oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen isku daygii afgembi ee xilka looga tuuri rabay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

    Waxaana lagu eedeeyay in qorshahaas ay kasoo abaabuleen saldhigga ciidamada cirka ee Akinci ee u dhaw magaalada Ankara.

    Madaxweyne Erdogan wuxuu sheegay in wadaadka Fethullah Gulen ee fadhigiisu yahay Mareykanka uu ahaa maskaxdii ka danbeysay afgembigii dhicisoobay kaas oo loo xiray dad badan.

    Gulen ayaa beeniyay in uu ku lug lahaa isku dayga afgembi ee ka dhacay Turkiga bishii July sanadkii 2016-kii kaas oo ay ku dhinteen 251 qof halka in ka badan 2,000 qof ay ku dhinteen.

  11. Baroordiiq loo sameynayo Diego Maradona

    Diego Maradona, oo ahaa ciyaaryahan can ah oo geeriyooday arbacadii shalay ahayd ayaa maydkiisa la dhigay dhismaha madaxtooyada dalkaasi Argentine, boqolaal kun oo qof ayaana u baroordiiqaya geerida Maradoona waxayna dadkaasi u arkaan inuu ahaa halyey qaran.

    Dowladda Argentina ayaa ku dhaawaqday saddex maalmood oo baroordiiq loogu sameynayo Maradona.

    Laacibkii hore ee kadka dhexe ee weerarka ah isla markaana ahaa tababaraha Argentina ayaa wadnuhu istaagay xilli uu ku sugnaa hoygiisii Buenos Aires.

    Maradona wuxuu ahaa kabtan markii Argentina ay ku guuleysatay Koobkii Adduunka ee 1986, isagoo dhaliyay goolkii caanka ahaa ee ee gacanta kaga dhaliyey dhaliyay England rubuc dhamaadka koobka adduunka.

  12. Go'aanada kasoo baxay shirka murashaxiinta madaxtinnimada

  13. Muddo intee le eg ayay qaadan kartaa in lasoo afjaro dagaalka Tigray?

    Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa amar ku siiyay militeriga inay qaadaan wajigii ugu dambeeyay ee howlgalka ka dhanka hogaamiyeyaasha TPLF ee ku sugan gobolka waqooyiga dhaca ee Tigray.

    Muddo intee le eg ayay qaadan kartaa in lasoo afjaro dagaalka Tigray?

    Ciidamo taabacsan hogaanka Tigray ayaa sheegay in aysan isa soo dhiibi doono- mid kamid ah ciidamada TPLF wuxuu sheegay in isdhiibidda ay tahay arrin ceeb ah oo kasoo horjeedo dhaqankooda.

    Abiy wuxuu sheegay in la raacayo qorsheyaal ah in aan waxyeello la gaarsiin shacabka ku nool caasimadda Mekelle xilli dagaalka uu halkaas ka socdo.

    Balse ha'yadaha xuquuqul insaanka ayaa ka digay in haddii weerar lagu qaado magaalo hal malyan nus ay ku nool yihiin in la geysan karo dambiyo dagaal.

    Qaar kamid ah shacabka ayaa isaga qaxay gobolka iyadoo intooda badan ay weli ku sugan halkaas-waxayna u muuqataa in saacadaha nagu soo aadan ama maalmaha soo socdo ay wajihi karaan dagaalka.

  14. Mareykanka oo sheegay in Al Shabaab ay tahay halista dhabta ah ee ka jirta gobolka

    Warbixin uu soo saaray xafiiska taliyaha guud ee gaashaandhigga Mareykanka ayaa lagu sheegay in ururka Al Shabaab uu wali yahay mid firfircoon oo awood u leh in uu weeraro reer galbeedka iyo dalalka saaxibada ee daneeyo arrimaha Soomaaliya iyo Bariga Afrika.

    Waxaana lagu sheegay warbixinta Al Shabaab ay tahay halista dhabta ah ee weli ka jirta gobolka xilli Mareykanka iyo beesha caalamka ay wadaan dadaallo lagu tababarayo isla markaana lagu qalabeynayo ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jiro Al Shabaab.

    Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan wax guulo ah ka gaarin horumarinta ciidamadeeda, diyaarna u ahayn in dhammaadka sanadkan ay la wareegto howlaha ammanka

  15. Qalalaasaha Tigray: Ergo ka socotay Midowga Afrika oo gaartay Itoobiya

    Ergo ka socota ururka Midowga Afrika ayaa gaaray caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa si ay isku dayaan inay dhexdhexaadiyaan dowladda Itoobiya iyo maamulka Tigray kaddib dagaalka saddexda toddobaad ka socda halkaas.

    Waxaana ergadan kamid ah saddex madaxweyne oo hore oo kala ah madaxweynihii hore ee Mozambique, Joaquim Chissano, madaxweynihii hore ee Liberia Ellen Johnson Sirleaf iyo madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Kgalema Motlanthe.

    Waxay arrintani imaaneysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed uu sheegay in la gala wajigii ugu dambeeyay ee howlgalka ka socda gobolka Tigray.

    Abiy wuxuu horraan ku gacan seyray baaqyo caalami ah oo ahaa in wadahadallo lagu soo afjaro colaadda.

  16. Mucaaradka Soomaaliya oo ku hanjabay inay qaban doonaan doorasho

    Musharraxiinta mucaaradka ah ee xilka madaxtinimo ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in la kala diro dhammaan guddiyada doorashooyinka dalka xilli ay soo gabagabeeyeen kulan maalmihii lasoo dhaafay uga socday magaalada Muqdisho.

    Waxay sheegeen in guddigan lagu soo daray xubno ka tirsan shaqaalaha dowladda gaar ahaan nabadsugidda iyo sirddoonka, shaqaalaha maamulka, shaqaalaha madaxtooyada iyo shakhsiyaad taageero u ah madaxweynaha.

    Musharraxiinta mucaaradka waxay ku hanjabeen inay qabaan doorasho kale waa haddii dowladda ay ku adkeysato in aan wax laga baddalin hanaanka doorashada ee haatan muranka badan dhaliyay.

    “Haddii Dowladda Federaalka ah ay qaaddo tallaabo lagu taabbagelinayo doorasho aan heshiis lagu ahayn, wuxuu Goluhu caddaynayaa in isaga oo kaashanaya qaybaha kala duwan ee bulshada iyo dawlad goboleedyada uu ka shaqeynayo hannaan doorasho oo dalka lagu badbaadinayo si uusan u dhicin firaaq awoodeed iyo mid dastuuri ah.” Ayaa lagu yiri war murtiyeedka kasoo baxay mucaaradka.

  17. Ismaaciil Cumar Geele: Baarlamaan ay Shabaabka si dadban u maamulaan inuu soo baxa ayaan ka cabsi qabnaa

    Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in uu ka cabsi qabo in doorashada nagu soo aadan ee Soomaaliya lasoo dooran doono xildhibaano si dadban ay u maamulaan Al Shabaab.

    Madaxweyne Geelle oo wareysi siinayay The Afrika Report ayaa yiri “Doorashada baarlamaanka Soomaaliya waxaa la filayaa inay qabsoonto sanadka 2021-ka, waxaan ka cabsi qabaa inay kusoo afjaranto doorashada xildhibaano si dadban ay u maamulaan Al Shabaab maadama ay gadan karaan taageerada qaar kamid ah xildhibaanada”

    Wuxuu intaas ku daray in saameynta Al Shabaab ay sii fiday isla markaana ay canshuur ka qaadayaan ganacsatada iyo sidoo kale inay xeryaha qaxootiga ay ka qorayaan dhalinyarada shaqo la’aanta ah.

  18. Ciidamo shacabka kasoo qaxaya Tigray 'ka hor istaagaya inay galaan Suudaan'

    Ciidamada Itoobiya ayaa la geeyay xadka Suudaan uu la wadaago dalkaas, waxayna saameeyeen tirada qaxootiga kusii qulqulayo halkaas, sida laga soo xigtay shacabka kasoo qaxay Tigray.

    Waxay arrintani imaaneysa xilli uu dagaal ka socdo Tigray kaas oo u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo kuwa TPLF.

    Iyadoo aan macluumaad buuxda laga heyn colaadda, waxaa loo cabsi qabaa badqabka iyo nolosha shacabka.

    Dowladda Itoobiya waxay sheegtay inay qaadeyso howlgalkii ugu dambeeyay ee lagu qabsanayo caasimadda Mekelle xilli uu dhamaaday wakhtigii loo qabtay TPLF inay isku soo dhiibto.

    Weriyaha BBC-da Anne Soy oo ku sugan xadka Suudaan iyo Itoobiya ayaa ku warrameysa in marinka ay kasoo gudbayaan dadka kasoo qaxaya Tigray uu yahay webiga Sittet.

    Guddiga arrimaha qaxootiga qaabilsan ee Suudaan waxay sheegeen in maalin kasta ay qaabilaan 1,200 qof oo kasoo qaxaya Itoobiya.

    Arbacadii weriyaha BBC waxay aragtay tiro ciidan oo saldhig ka dhigtay buuro dhaca agagaarka webiga, dadka qaxootiga ah waxay sheegeen inay yihiin militeriga Itoobiya oo dadka ka hor istaagayaan inay galaan dhinaca Suudaan.

    Dowladda Itoobiya kama aysan soo jawaabin codsi ay u gudbisay BBC oo ah in ay jawaab ka bixiyaan arrintaas.

  19. Saadiq Al Mahdi: Ra'iisul Wasaarihii hore ee Suudaan oo geeriyooday

    Ra’iisul Wasaarihii hore ee Suudaan Saadiq Al Mahdi ayaa u geeriyooday cudurka Covid-19 xilli lagu daweynayay cisbitaal ku yaalla dalka Imaaraatka Carabta, sida ay sheegeen qoyskiisa iyo xisbiga uu ka tirsanaa ee NUP.

    Waxaana cisbitaalkan la dhigay kaddib markii 21 qof oo ka tirsan qoyska Al Mahdi ay qaadeen cudurka horraantii bishan.

    Saadiq Al Mahdi wuxuu ahaa Ra’iisul Wasaarihii Suudaan tan iyo sanadkii 1989-kii xilliggaas oo xilka looga tuuray afgembigii uu garwadeen ka ahaa madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Al Bashiir.