You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Madaxweynihii hore ee Ghana Jerry Rawlings oo geeriyooday

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Madaxweynihii hore ee Ghana oo geeriyooday

    Madaxweynihii hore ee dalka Ghana Jerry John Rawlings ayaa dhintay isagoo 73 sano jir ah.

    Wararka ka imaanaya caasimadda Accra ayaa sheegaya in madaxweynihii hore uu ku dhintay isbitaalka ka dib muddo gaaban oo uu xannuusanaa.

    Isagoo ka tirsan ciidammada cirka Ghana ayuu agaasimay laba afgembi sanaddii 1979 ka hor inta uu xilka ku wareejinin dowlad rayid ah laba sano ka dib.

    Wuxuu madax u ahaa kooxda milatariga ee dalka u horseeday doorashooyinka axsaabta badan sanaddii 1992 markaas oo madaxweyne loo doortay .

    Wuxuu xilka ka dagay 2001 ka dib markii uu laba muddo xileed dalka maamulayay.

    Wuxuu mar ahaa ergayga Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya

  2. Itoobiya oo ugu baaqday ciidamada TPLF inay isa soo dhiibaan

    Dowladda Itoobiya ayaa ugu baaqday ciidamada Tigray inay isa soo dhiibaan xilli ciidamada federaalka ay wadaan howlgal ay ku qabsanayaan deegaano badan.

    Waxay arrintani imaaneysaa xilli baarlamaanka Itoobiya uu u codeeyay in xasaanadda laga qaado xildhibaano dhowr ah oo kasoo jeedo Tigray.

    Dagaalka ayaa bilaabmay toddobaad ka hor kaddib markii Ra'iisul Wasaaraha uu ku dhawaaqay howlgal militeri oo ka dhan ah TPLF.

    Waxaana lagu soo warramayaa in labada dhinac ay boqolaal qof kaga dhinteen dagaalka.

    Dowladda ayaa kalsooni ka muujineysaa dagaalka, wasiirka gaashaandhigga Kenea Yadeta wuxuu sheegay in muddo aysan qaadan doonin in caddaallada la hor keeno madaxda TPLF.

    Wuxuu ka hadlay in maamul kumeel gaar ah loo magacaabi doono deegaanada ay qabsadeen ciidamada federaalka.

    Wey adagtahay in la xaqiijiyo waxa ka socda gobolka maadama ay go'aantahay isgaarsiinta.

    Labada dhinac waxay sheegayaan in guul ay ka gaareen dagaalka, wuxuuna midba midka kale ku eedeynayaa in uu geystay tacaddiyo.

    Dadka shacabka ayaa la daalaa dhacayaa dhibaatooyinka kasoo gaaray dagaalka, iyadoo kumanaan qof ay u qaxeen dhinaca Suudaan.

    Qaramada Midoobey waxay walaac ka muujisay xaaladda shacabka ku nool gobolka, waxayna ka codsatay labada dhinac inay xaqiijiyaan sidii ay ku suurogeli laheyd in gargaar la gaarsiiyo shacabka.

  3. Dibadbaxyaal basas ku gubay Koonfur Afrika

    Saddex kamid ah basaska ka howlgala Koonfur Afrika iyo baabuur xamuul ah ayaa waxaa dab qabadsiiyay dad dibadbaxyo ka dhigayay agagaarka magaalada Cape Town.

    Waddooyinka waaweyn ee gala deegaanka Khayelitsha oo ah halka ay dibadbaxyadu ka dhaceen ayaa la xiray.

    Warbaahinta dowladda ayaa ku warrantay in dibadbaxyaasha ay cabasho ka muujinayeen biyo yari iyo koronto la'aan ka jirta halkaas.

    Booliska Koonfur Afrika ayaa barta Twitter-ka soo geliyay sawirrada kashaaraha ka dhashay dibadbaxyada.

  4. Dheymankii ugu weynaa abid oo lagu xaraashay 26.6 malyan oo doolar

    Dheyman naadir ah oo laga keenay Ruushka ayaa lagu xaraashay suuq ku yaalla dalka Switzerland, waxaana lagu iibiyay 26.6 malyan oo doolar.

    Dheymanka oo lagu qiyaasay xajmigiisa 14.8 carat oo ah cabirka lagu qiyaaso dheymanka ayaa ahaa kii ugu weynaa ee abid la xaraasho, halkii kuwii ee la xaraashi jiray ay ka yaraayeen 10 cabirka dheymanka.

    Muuqaalka qurxoon iyo midabada ifayo ayaa soo jiitay indhaha dadka markii lagu xaraashayay suuqa Sotheby ee ku yaalla Geneva.

    Lamana shaacin magaca cidda gadatay dheymanka.

    Dheymanka ayaa kamid ahaa saddex dhagax oo ay Ruushka kasoo qaaday shirkadda macdanta qaabilsan oo la yiraahdo Alrosa.

    Sanadkii 2017-kii ayay aheyd markii katiin dheyman ah oo ka kooban 163 dhibcood ayaa lagu xaraashay suuq ku yaalla Geneva, waxaana lagu iibiyay $33.7 milyan oo dollar. Waxaa la aaminsanaa xilliggaas in ay aheyd katiinaddii ugu waynayd ee noocan ah.

    Dheymankan oo aan midab lahayn waxaa laga sameeyay dhagxaan laga soo aruuriyay dalka Angola waxaana lagu iibinay guriga xaraashka ee Christie.

  5. Saraakiisha ugu sarreysa TPLF oo xasaanadda laga qaaday

    Xildhibaanada ka tirsan Aqalka golaha wakiilada ee Itoobiya ayaa ansixiyay in xasaanadda lagala noqdo 38 saraakiil ah oo ka tirsan maamulka Tigray kaddib codsi kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud.

    Waxaana kamid aha madaxdan xasaanadda laga qaaday madaxweynaha Tigray, Debretsion Gebremichael iyo saraakiisha kala ah, Abay Tsehaye, Amb Addisalem Balema, Getachew Reda, Atsebeha Aregawi, Gebregziabher Araya iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan TPLF.

    Dacwad oogayaasha waxay sheegeen in raggan looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen weerar lagu qaaday ciidamada dowladda iyo dambiyo kale.

    Dowladda federaalka ee Itoobiya waxay howlgal militeri ka waddaa gobolka Tigray kaddib markii ay ku eedeysay inay weerar ku qaaday saldhiga ciidamada federaalka ku leeyihiin halkaas.

    Ra'iisul Wasaaraha wuxuu sheegay in howgelka uu sii socon doono tan iyo caddaallada laga horkeynayo kooxaha hubeysan isla markaana hub ka dhigis looga sameynayo.

  6. Aabe la xiray kaddib markii wiilkiisa oo tahriibe ahaa uu ku dhintay badda

    Booliska Senegal ayaa xabsiga u taxaabay aabe dhalay wiil 15-jir ah oo ku dhintay badda bishii Oktoobar xilli uu u tahriibayay dhinaca Yurub.

    Waxaana loo maleynayaa in aabahan uu nin mukhalis ahaa uu siiyay lacag dhan 450 doolar si wiilkiisa uu u gaarsiiyo Spain.

    Wiilka oo la oran jiray Doudou , waxay aheyd in uu gaaro Talyaaniga halkaas oo laga geyn rabay xarun qaabilsan tababarrada kubadda cagta.

    Kaddib waa uu xanuunsaday, wuxuuna ku dhintay badda, waxaana meydkiisa lagu tuuray badda.

    Dadweynaha Senegal ayaa si weyn uga carooday dhacdadan, waxaana maalmihii dambe dalkaas kusoo badanayay dhacdooyinka ku saabsan dadka doonayay inay gaaraan Yurub ee naftooda ku halis gelinaya badda.

    Booliska Senegal waxay sheegeen in maalmihii lasoo dhaafay ay qabteen in ka badan 1,500 qof oo u tahriibayay dhinaca Yurub.

  7. Abaabul xooggan oo ka socda gudaha Tigray

    Mas'uuliyiinta gobolka Tigray ayaa shacabka gobolkaas ugu baaqay inay isku diyaariyaan abaabul ay isaga dicaafayaan waxa ay ku tilmaameen "gardarrada cad" ee uga imaaneyso dhinaca dowladda uu hogaamiyo Abiy Axmed.

    Telefishinka gobolka ayaa ku warramaya in shacabka lagu amray inay iska difaacaan ciidamada dowladda kaddib dagaal ka socdo halkaas.

    Waxaa gobolka ka jirtaa in xaaladda ay isku baddasho dagaallo sokeeye kaddib markii Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed uu diiday in wadahadal lagu xalliyo colaadda.

    Midowga Afrika waxay dhawaan ugu baaqeen labada dhinac inay yeeshaan wadahadal lagu joojinayo dagaalka.

    Abiy ayaa ku adkeystay in wax wadahadal ah uusan jiri doonin tan iyo inta laga gaarayo hadafkii laga lahaa howlgalka Militeri.

  8. Diblumaasiyiin ku dhaawacmay qarax ka dhacay Sucuudiga

    Tiro dad ah ayaa ku dhaawacmay qarax shaley ka dhacay goob lagu xusayay dagaalkii koobaad ee adduunka, munaasabaddan oo lagu qabtay magaalada Jiddah ee Sucuudiga ayaa waxaa soo qabanqaabisay safaaradda Faransiiska ee Sucuudiga, waxaana ka qeybgalay diblumaasiyiin reer Yurub ah.

    Safaaradaha Faransiiska, Giriigga, Talyaaniga, UK iyo Mareykanka waxay sheegeen in qarax lagu soo tuuray qabuuraha ay ku aasan yihiin dadka aan muslimka aheyn ee Jiddah halkaas oo xuska lagu qabanayay.

    Bayaan ay soo saareen ayay ku tilmaameen weerarka in uu ahaa “Mid fuleynimo ah”

    Mas’uuliyiinta Sucuudiga waxay xaqiijiyeen in shaqaale ka tirsan qunsuliyadda Giriigga ee Sucuudiga uu ku dhaawacmay weerarka.

    BBC-da waxay fahansantahay in qof u dhashay Britain uu isna dhaawac soo gaaray.

    Maamulka gobolka Maka ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay bilaabeen baaritaan ku saabsan weerarka.

  9. Qaramada Midoobey oo ka hadashay xaaladda Tigray

    Qaramada Midoobey waxay sheegtay inay ka walaacsan tahay xaaladda shacabka ku nool Tigray maadama aan la difaaceyn xilli uu socdo dagaalka u dhexeeeyo dagaalyahanada Tigray iuo ciidamada federaalka.

    Xafiiska Qaramada Midoobey ee arrimaha banii’aadanimada ayaa sheegay in ha’yadaha gargaarka aysan geli karin Tigray si cunto iyo adeeg caafimaad loo gaarsiiyo shacabka ku go’doonsan gobolka xilli howlgallada ay horseedeen in uu meesha ka baxo xiriirkii isgaarsiinta.

    Suudaan waxay sheegtay in dalkeeda ay soo gaareen ugu yaraan 11,000 oo kasoo qaxay gobolka Tigray, inkasta oo Qaramada Midoobey ka digtay in tirada dadka qaxaya ay sare u sii kici karto.

    Xukuumadda deegaanka Tigreeda ayaa sheegtay in ay khasab tahay in shacabka gobolkaasi ay "iska difaacaan duulaanka" dowladda federaalka ee Itoobiya.

    Waxaana lagu soo warramayaa in kumanaan qof ay labada dhinac dagaalka uga dhinteen.