You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Halkee ayuu ku sugan yahay Trump?
Tebin toos ah
Tebin toos ah
Kenya iyo Soomaaliya "si gaar ah ugama aynaan hadlin arrinta khaadka"
Halkee ayuu ku sugan yahay Trump?
Markii ugu dambeysay ee la arko Donald Trump waxay aheyd Sabtidii kaddib markii uu wakhti kusoo qaatay goob lagu ciyaaro Golf-ka oo ku taalla magaalada Sterling ee gobolka Virginia.
Xilli uu ciyaarayay Golf-ka ayaa loo sheegay guusha uu gaaray Joe Biden Sabtidii.
Tan iyo wixii xilliggaas ka dambeeyay, indho lama saarin Trump isla markaana ma uusan soo bandhigin wax qorshe ah oo ku aadan howl maalmeedkiisa.
Wuxuu u muuqdaa in maalmihii lasoo dhaafay uu ka shaqeynayay Aqalka Cad, waxaana afaafka hore ee Aqalka Cad lagu arkayay ciidamada gaarka ah, waxay arrintaas muujineysaa in uu ku sugan yahay Aqalka Cad.
Arooska Miyiga muxuu kaga duwan yahay midka magaalada?
Maxamuud: "waxaan miyiga ugu aroosay in aan magaalada iyo baadiyahaba nolol ka samaysto soona celiyo noloshii quruxda badnay" Fadlan ra'yigaaga ka dhiibo.
Midowga Afrika oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka socda Tigray
Midowga Afrika ayaa ku baaqay in xabad joojin looga dhawaaqo gobolka Tigray halkaas oo ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka ku dagaallamayay muddo ku dhaw toddobaad.
Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaallamayo Itoobiya in wadahadal lagu soo afjaro colaadda.
Wuxuu sheegay in Midowga Afrika uu diyaar yahay dadaallo kasta oo lagu xallinayo khilaafka.
Warbaahinta dowladda Itoobiya waxay ku warrantay in ciidamada federaalka ay qabsadeen garoonka diyaaradaha ee ku yaalla magaalada waqooyiga dhacda ee Humera iyo sidoo kale waddada aada dhinac xadka Suudaan.
Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed wuxuu sheegay in howgalka militeri uu usii socon doono qaabkii loo qorsheeyey tan iyo inta hub ka dhigis looga sameynayo dagaalyahanada daacadda u ah TPLF.
Axaddii ayay aheyd markii madaxweynaha Tigray Debretsion Gebremichael uu qeylo u diray Midowga Afrika si dagaalka loo joojiyo.
Madaxii Falastiin u qaabilsanaa wahadallada Israa'iil oo u geeriyooday cudurka Covid-19
Saa'ib Cariiqaat oo kamid ahaa siyaasiyiinta ugu caan Falastiin ayaa u geeriyooday cudurka Covid-19, sida ay sheegeen saraakiisha Falastiin.
Saa'ib oo 65 jir ahaa ayaa loola cararay cisbitaal ku yaalla magaalada Qudus halkaas oo uu ku geeriyooday xilli muddo saddex toddobaad ah uu ku xanuunsana gurigiisa oo ku yaalla deegaanka Jericho ee Daanta Galbeed.
Cariiqaat wuxuu ahaa madaxii wadaxaajoodka Falasatiin uga qeybgalayay wadahadalladii dhexmarayay Israa'iil iyo Falastiin in ka badan 25 sano.
Wuxuu sidoo kale ahaa xoghayihii guud ee ururka xoreynta Falastiin, wuxuuna kamid ahaa xubnaha ugu firfircoon garabka awoodda leh ee Fatax.
Abiy Axmed: 'Howlgalka milateri wuu sii socon doonaa tan iyo inta hub ka dhis lagu sameynayo kooxaha hubeysan
Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed wuxuu sheegay in howlgalka militeri ee ka dhanka ah Tigray loo fulinayo qaabkii loo qorsheeyay.
Wuxuu intaas ku daray in howlgalka la joojin doonto tan iyo inta hub ka dhigis lagu sameynayo kooxaha abaabulan ee dambiilayaasha ah.
Waxaa howlgalka la joojin doonaa "Kaddib marka hub ka dhigis lagu sameeyo kooxaha abaabulan ee dambiilayaasha ah, inta dowlad sharci ah gobolka looga soo celinayo isla markaana dambiilayaasha baxsadka ah caddaallada la hor keenayo"
Ra'iisul Wasaare Abiy ayaa dhawaan ku dhawaaqay in tallaabo militeri laga qaado Tigray kaddib markii uu ku eedeeyay ciidamada gpbolka inay weerar ku qaadeen saldhig militeri oo ku yaalla gobolka kuwaas oo ay ku sugnaayeen ciidamada federaalka.
Waa sidee xaaladda gobolka Nagorno-Karabakh kaddib heshiiska Armenia iyo Azerbaijan?
Wasaaradda gaashaandhigga Armenia ayaa sheegtay in xasilooni ay ka jirto goobihii laisku hor fadhiyay ee ku yaalla gobolka Nagorno-Karabakh kaddib markii Ra'iisul Wasaaraha Armenia uu saxiixay heshiis oo ku tilmaamay mid xanuun badan oo aan la rumeysan karin.
Heshiiskan ayaa lagu afjaraay dagaalkii lix toddobaad socday ee u dhexeeyay Armenia iyo Azerbaijan.
Heshiiska cusub, Azerbaijan waxa ay qabsan doontaa aagagga Nagorno-Karabakh oo ay qaadatay intii ay socdeen isku dhacyada. Armenia waxay sidoo kale ogolaatay inay ka baxdo dhowr meelood oo kale oo ku dhow dhow, toddobaadyada soo socda.
Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa intii uu ku guda jiray khudbaddiisa khadka tooska ah ee telefishanka laga sii daayay sheegay in 1,960 askari oo nabad ilaaliyayaal Ruush ah la gayn doono roondooyinka aagga hore
Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa intii uu ku guda jiray khudbaddiisa khadka tooska ah ee telefishanka laga sii daayay sheegay in 1,960 askari oo nabad ilaaliyayaal Ruush ah la gayn doono roondooyinka aagga hore
Qareen ku doodayo in meesha laga saaro ereyada af carabiga ah ee ku qoran lacagta dalkiisa
Maxkamad ku taalla magaalada Lagos ee dalka Nigeria ayaa lagu wadaa inay dhageysto dacwad uu usoo gudbiyay qareen u dhashay dalkaas, kaas oo doonayo in bangiga dhexe ee Nigeria uu meesha ka saaro ereyada af carabiga ah ee ku qoran lacagta dalkaas.
Malcolm Omirhobo wuxuu sidoo kale doonayaa ereyada af carabiga ah laga saaro astaanta militeriga ee Nigeria oo lagu xardhay ereyo carabi ah.
Wuxuu ku doodayaa in arrintani ay muujineyso in Nigeria uu yahay dal muslim ah sidaas darteedna ay kasoo horjeeddo dastuurka dalka cilmaaniga ah.
Qareenka ayaa sidoo kale doonayaa in ereyada carabiga ah ee lagu dul qoray lacagta iyo astaanta militeriga loo baddalo ereyo Ingiriis ah ama saddexda luqadood ee inta badan looga hadlo Nigeria ee kala ah Hausa, Yoruba iyo Igbo.
Si kastaba, Bangiga Dhexe ee Nigeria wuxuu beeniyay in erayada carabiga ay yihiin kuwo muujinayo astaan gaar ah ama astaanta muslimiinta.
Dareenka Hooyo Soomaaliyeed oo afar sanno ka hor Trump ka baajiyay safarkeedii
Halkee ayuu ku sugan yahay Trump?
Abiy oo ku adkeysanaya fullinta tallaabada militeri ee ka dhanka ah Tigray
Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa difaacay howlgalka miliateri ay dowladdiisa ku qaadeyso gobolka Tigray isla markaana meesha ka saaray digniinada ah in tallaabadaas ay dalka u horseedi doonto dagaallo sokeeye.
Abiy wuxuu walaaca ah in Itoobiya ay ka dhici karaan dagaallo sokeeye ku tilmaamay kuwa aan sal iyo raad toona laheyn.
Elizabeth warren oo ka tirsan aqalka senetka Mareykanka ayaa ku baaqday in dagaalka la joojiyo si gargaarka banii'aadinimo ay u helaan shacabka Tigray, kaddib markii ay qoraal soo dhigtay Twitter-ka.
Waxay soo jeedisay in wahadal lagu soo afjaro dagaalka.
Qaramada Midoobey waxay ka digtay in dagaallada ka socda gobolka Tigray in 9 malyan qof ay halis ugu jiraan in guryahooda ay ka qaxaan maadama la xiray waddooyinkii geli jiray gobolkaas oo ay adagtahay in gargaar la gaarsiiyo shacabka.
Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Tigray
Waa ay adagtahay in la xaqiijiyo wararka kala duwan ee kasoo baxaya gobolka waqooyiga Itoobiya ku yaalla ee Tigray halkaas oo uu dagaal ku dhexmaray ciidamada maamulka iyo kuwa federaalka.
Balse wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay inay la xiriirtay saraakiil militari kuwaas oo u sheegay in tiro dad ah ay ku dhinteen dagaalka.
Waxay soo xigatay saraakiil militeri oo ku sugan gobolka Amxaarada oo deris la ah Tigray, kuwaas u sheegay in 500 oo ka tirsan dagaalyahanada Tigray lagu dilay dagaalka.
Halka ilo wareedyo kale ay sheegayaan in boqolaal kamid ah ciidamada federaalka lagu dilay halkaas xilli ay difaacayeen saldhig militari oo ku yaalla Tigray.
Wakaaladda wararka ee Reuters ma aysan xaqiijin tirada dhimashada ee weerarkaas.
Dhanka kale, weriye ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP oo ku sugan gobolka Tigray ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray in magaalada Dansha oo dhacda galbeedka Tigray ay la wareegeen ciidamada federaalka.