You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Macbad laga dhisay goob masaajid laga dumiyay

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Macbad laga dhisay goob masaajid laga dumiyay

    Ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa sheegay in macbadka Hinduuga ee laga furay magaalada Ayodhya uu yahay astaan casri ah oo ka turjumeyso dhaqanka dadka hinduuga ah.

    Wuxuu hadalkan sheegay xilli uu maanta dhagax dhigayay macbadka muranka badan dhaliyay.

    Koox Hinduu ah ayaa sannadkii 1992-dii burburisay masaajidkii 16-ka qarni dhisnaa, waxaana tallaabadaas ka dhashay qalalaase ay ku dhinteen 2000 qof oo u badnaa muslimiin.

    In goobtan laga dhiso macbad waxay kamid aheyd ballan qaadayada Ra’iisul wasaare Modi balse dadka dhalleeceeyaa siyaasaddiisa ayaa sheegayaa in maanta ay tahay maalin mugdi ah isla markaana munaasabadda furitaanka macbadka ay muujin karto tallaabo lagu gacan bidxeynayo muslimiinta laga tiro badan yahay.

    Sannadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii maxkamadda sare ee dalkaas dhulkan siisay dadka Hinduuga ah kaddib tobonaan sanno oo lagu muransanaa.

    Maxkamadda sare waxay sidoo kale dhul kale siisay muslimiinta si ay ugu dhistaan masaajid.

  2. Gabar soomaaliyeed oo ku sugan Beyruut

  3. War deg deg ah, Al Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig militariga Soomaaliya ku leeyihiin Baydhabo

    Wararka ka imaanayo magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in ururka Al Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig militariga Soomaaliya ay ku leeyihiin degaanka Daynuunaay.

    Waxaana la sheegay in markii dagaalka bilowday in ciidamo kale oo gurmad ah ay ka baxeen Baydhabo, hayeeshe intii waddada ay ku jireen halkaas ay u galeen koox kale ka tirsan Al Shabaab.

    Wararka waxay sidoo kale sheegayaan in khasaare dhimasho iyo dhaawacba uu soo gaaray ciidamada dowladda.

    Xiriir ay BBC-da la sameysay maamulka Koonfur Galbeed ayaanan ilaa hadda suurogelin.

    Al Shabaab waxay sheegtay in khasaare ay gaarsiyeen ciidamada dowladda isla markaana ay qabsadeen saldhigga.

  4. Howlaha samatabixinta oo ka socda Beyruut

    Ha’yadda Laanqeyrta Cas ee howlaha samatabixinta ka waddoo magaalada Beyruut ayaa sheegtay in wasaaradda caafimaadka dalkaas ay kala kaashaneyso sidii loo sameyn lahaa xarumo hor leh oo lagu keydiyo meydadka xilli cisbitaallada ay buux dhaafeen kaddib qaraxii weynaa ee ka dhacay Lubnaan.

    Shaqaalaha gurmadka ayaa qodaya dhismayaasha burburay hoostooda si ay uga soo saaraan dadka laga cabsi qabo inay ku hoos jiraan halkaas.

    Qaraxii shaley ka dhacay dekedda Beyruut waxaa ilaa hadda ku dhintay dadka badan 100 halka 4000 qofna ay ku dhaawacmeen.

    Madaxweyne Mishaal Cown ayaa sheegay in 2,750 tan oo ah maadada ammonium nitrate si aan ammaan ahayn loogu keydiyay makhaasiin halkaa ku yaallay muddo lix sano ah.

  5. Maxkamadda ciidamada oo sii deysay weriye xirnaa

    Maxkamadda ciidamada ee Soomaaliya ayaa sii daysay weriye Maxamad Cabdiwahaab Nuur (Abuja) oo muddo ku dhaw lix bilood ku xirnaa magaalada Muqdisho iyadoo loo haystay eedo ay kamid ahaayeen inuu maleegay dil ka dhacay magaalada Muqdisho iyo inuu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab.

    Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute oo saaka ku dhaawaqayay go'aanka gabagabada kiiska weriyaha loo haystay ayaa sheegay in aanu galin dambiga lagu soo oogay suxiuiga isla markaana ay tahay in la sii daayo.

  6. Manhajka ay ku dhawaaqday dowladda Soomaaliya, ma yahay mid xilligan ku haboon dalka?

    Wasaaradda waxbarashada ee Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in dhammaan dugsiyada sare ee dalka ay qaataan manhajka dowladda Federaalka, kaasoo ay tahay in keligii lagu dhigo dugsiyada.

    Wasaaradda ayaa sheegtay in buugaagta manhajkaasi qeyb iyo ansixin lagu sameeyay, ayna gaarsiisan yihiin heerkii looga baahnaa.

    Hadaba manhajkan ma yahay mid xilligan ku haboon dalka? Dr Cabdullahi Sheekh Adan oo ah cilmi-baare si dhaw ula socda waxbarashada Soomaaliya ayaa arrintaas uga warramay weriyaha BBC-da Kowsar Maxamed Cabdullaahi.

  7. Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxii Beyruut

    Shaqaalaha gurmadka ee ku sugan caasimadda Lubnaan ee Beyruut ayaa raadinaya dad laga cabsi qabo inay ku hoos jiraan dhismayaasha burburay kaddib qaraxii weynaa ee gilgilay halkaas.

    Ha’yadda Laanqeyrta Cas ee Lubnaan ayaa sheegtay in ka badan 100 qof ay ku dhinteen qaraxa halka barasaabka caasimadda uu sheegay inay maqan yihiin dad ka badan boqol qof.

    Wasaraadda arimaha gudaha ayaa sheegtay in maaddada ammonium nitrate ee sida weyn u qaraxda lagu keydiyay makhaasiin ku yaal dekadda.

    Qaraxa waxaa ku dhaawacmay 4000 qof.

    Ra’iisul wasaaraha Lubnaan Michel Cawn wuxuu sheegay in dhacdadan aan la aqbali karin isla markaana wuxuu ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroordiiq ah.

  8. Drs Xaawa Cabdi oo ku geeriyootay Muqdisho

    Drs Xaawa Cabdi oo aheyd haweeney kusoo dhex jirtay howlaha samafalka ee Soomaaliya ayaa ku geeriyootay magaalada Muqdisho.

    Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay geerida ku timid Xaawa Cabdi.

    “Drs Xaawa Cabdi waxay aheyd hooyo soomaaliyeed oo baal dahab ah kaga jirtay taariikhda Soomaaliya, waxaana lagu xasuusan doonaa adeegyadii samafal iyo caafimaad ay u fidin jirtay danyarta soomaaliyeed xiliyo adag” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda.

    Waxay xarun caafimaad oo qaabilsan hooyada iyo dhallaanka ka furtay jidka Muqdisho iyo Afgoye oo hadda loo yaqaanno deegaanka Xaawa Cabdi.

  9. Masar oo isaga baxday wadahadalladii webiga Nile

    Masar ayaa isaga baxday wadahadallo hor leh oo loo doonayay in lagu soo afjaro muranka ka dhashay biyo xireenka weyn ay Itoobiya ka dhiseyso webiga Nile.

    Khilaafkan ugu dambeeyay ayaa ku saabsan tallaabooyin cusub ay oo soo jeedisay Itoobiya oo ku aadan buuxinta biyo xireenka.

    Sudan ayaa sidoo kale ku hanjabtay inay isaga bixi doono wadahadallada isla markaana sheegtay in Itoobiya ay ku adkeysaneyso inay ku lug lahaato wadahadallada ku saabsan qeybsiga biyaha Nile.

    Wasiirka waraabka iyo biyaha Suudaan, Yaasir Cabbaas ayaa sheegay inay soo gaartay warqad ka timid Itoobiya oo qeexeysa tallaabooyinka ay soo jeediyeen.

    Itoobiya waxay ku faraxsan tahay biyo xireenka buuxsamay xilli roobabka ay bishii Juun ka bilowdeen halkaas balse waddamada Masar iyo Suudaan ayaa ka walaacsan saameynta ka dhalan karta arrintaas maadama dadkooda ay ku tiirsan yihiin biyaha webiga.

  10. Kulan wacan saaxibbayaal kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka