You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Geel jahwareeriyay Ruushka

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Geel jahwareeriyay Ruushka

    Dadka ku nool gobolka Astrakhan ee dalka Ruushka ayaa cabasho ka muujiyay 80 neef oo geel ah oo daaqayo halkaas.

    Geelan oo uu leeyahay nin 83 jir ah oo la yiraahdo Yuri Serebryakov ayaa jahwareer ku reebay dadka ku nool ilaa saddex tuulo o ku yaalla gobolkan.

    Waxay sheegeen in cabsi uu u horseeday geelan isla markaana ay uga baqayaan carruurtooda, sida uu wakaaladda wararka ee TASS u sheegay madaxa degmada.

    Dadkan ayaa waxay dacwad ka gudbiyeen ninkii lahaa geela.

    Xafiiska dacwad oogaha gobolka Astrakhan ayaa xaqiijiyay in dacwadda ay soo gudbiyeen dadkaas ay soo gaartay balse loo baahan yahay caddeymo ka hor inta aan tallaabo la qaadin.

    Shacabka waxay ku eedeeyeen geela daaqayo halkaas in uu waxyeello soo gaarsiiyay deerta guryahooda iyo sidoo kale in uu burburiyay dhuumaha biyaha iyo gaaska qaada ee mara dhulkaas.

    Ninka iska leh geelan ayaa ku anddacooday kaddib muddo 25 sanno ah uu dhaqanayay geela uusan haatan raaci karin maadama uu noqday qof da’ ah, sidaas darteedna uu doorbiday in uu faraha ka qaado.

    Waxaa uu sheegay in uusan qaadi karin mas’uuliyadda dhibaatada uu geystay geela maadama geela uu jecel yahay dhirta iyo geedaha ku yaalla agagaarka tuulooyinkaas.

    Sarkaal ka tirsan maamulka ayaa sheegay in ninka iska leh geelan hadda ka hor lagu riday ganaax, haatana lagu riday gaanax dhan 164 doolar.

  2. Muuqaal: Sida looga ciiday Hargeysa

  3. Hogaamiyaha ruuxiga ee Iran oo eedeyn u jeediyayay Yurub

    Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei ayaa sheegay in Yurub ay ku guul darreysatay inay badbaadiso heshiiska caalamiga ah ee nukliyeerka ka dib markii Washington ay ka baxday.

    Wuxuu ku eedeeyay Yurub inay sameynayaan "balanqaadyo qarsoon" oo wax yeeleeya dhaqaalaha Iran. Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa doonayey inay sii wadaan heshiiska kaas oo ahaa in lagu xakameeyo himilada nukliyeerka ee Tehran.

    Laakiin Madaxweyne Trump - oo dhaleeceeyey heshiiska - ayaa Mareykanka ka saaray laba sano ka hor, ka dibna wuxuu soo rogay cunaqabateyn ballaaran oo looga golleeyahay inuu ku qasbo Iran inay dib ula xaajooto.

  4. Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya oo aan maanta fagaare lagu ciidin

    Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaanan maanta fagaare looga tukan saaladda cidul Adxa balse waxaa takbiirta laga qaadayay masaajidda.

    Itoobiya waxaa lagu soo rogay xayiraadaha looga hortagayo fiditaanka feyraska Corona, waxaana kamid ah in la mamnuucay goobaha isu imaantinka

    Muslimiinta caalamka ayaa salaada ciida carafo gudanaya balse ciida sanadkaan waxaa baddalay oo waji kale u yeelay Fayraska Corona maadama aan salaada loo oogi karin sidii markii hore loo tukan jiray iyadoo guud ahaan waxyaabo badan la xaddiday fayraska Corona aawgii.

  5. Ciid Wanaagsan

  6. Boqolaal qof oo ku sumoobay hilib ay maqaaxi ka cuneen

    In ka badan 800 qof ayaa ku sumoobay kaddib markii ay ka cunteeyeen maqaaxi ku taalla duleedka caasimadda Urddun ee Cummaan, sida ay wararku sheegayaan.

    Waxaana geeriyooday canug yar oo isna la sheegay in maqaaxidan uu wax ka cunay.

    Maqaaxidan ayaa lagu iibiyaa hilibka iyo cuntooyin kaleba, sida ay laga soo xigtay warbaahinta gudaha.

    Saraakiisha caafimaadka waxay sheegeen in hilibka aanan markii hore la gelin firinjeer isla markaasna baaritaan ay sameeyeen lagu ogaaday in hilibka uu ku dhashay bakteeriya.

    Waxaana la xiray saddex qof oo uu kamid yahay milkiilaha maqaaxida.

    Arbacadii afar qof oo kamid ah dadkan cuntada ku sumoobay ayaa la seexiyay qeybta xaaladaha deg dega ee cisbitaalka halka 321 qof ay xaaladdoodu wanaagsantahay, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka Urddun, Sacad Jaabir.

    "Dhammaan dadkaas waxay ka cunteeyeen hal maqaaxi " ayaa laga soo xigtay wasiirka oo la hadlayay wakaaladda wararka ee AFP.

    Wuxuu sidoo kale sheegay in dhacdadan ay haatan baarayaan.

  7. Sida looga ciiday qaar kamid ah deegaanada soomaalida

    Muslimiinta ku dhaqan dunida Islaamka ayaa maanta u dabbaaldegayaa ciidda waxay isugu soo baxeen goobaha lagu tukado salaadda ee dhammaan magaalooyinka Islaamka.

    Meelaha sida wayn looga ciiday maanta waxaa kamid ah magaalooyinka Soomaalida degto ee bariga Afrika.

    Halkan waxaan idiin kuugu soo gudbinaynaa sawirrada ciidda deeganno qaar.