You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Taliyaha militariga Soomaaliya oo qarax ka badbaaday
Tebin toos ah
Tebin toos ah
Muuqaalkan kaga bogo sida loo diyaariyo Rootiga Foornada lagu dubo ee caanka ka ah deegaanada Soomaalida
War deg deg ah, Taliyaha militariga Soomaaliya oo qarax ka badbaaday
Taliyaha miltariga Soomaaliya ayaa ka badbaaday qarax lala beegsaday kolonyo uu la socday taliyaha militariga Soomaaliya Janaraal Odawaa Yuusuf Raage oo maraysay meel aan ka fogeyn xerada Janaraal Gordon ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
ilo kala duwan waxay BBC-da u xaqiijiyeen in Jarnaraalku uu weerarkaas ka badbaaday balse ay jiraan khaasare soo gaaray askartii ilaalada u aheyd taliyaha ee la socotay kolonyada.
Wararka waxay sheegayaan in gaariga lagu soo raray waxyaabaha qarxa toos loola beegsaday gaariga uu watay taliyaha balse ilo ku dhaw ciidammada waxay BBC u sheegeen in uu taliyuhu ka badbaaday weerarkaas.
Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka hadlay go’aanadii kasoo baxay shirka Dhuusamareeb
Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa soo dhaweeyay waxyaabihii kasoo baxay shirkii madaxda Maamul Goboleedyada ay ku yeesheen Dhuusamareeb, sida lagu sheegay warqad kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha.
Aqalka Sare wuxuu sidoo kale sheegay in kalsooni ay ku qabaan war murtiyeedka kasoo baxay shirkaas.
“Go’aankii taariikhiga ahaa ee kasoo baxay shirkii lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb…go’aankaas oo aan u arko inuu guul hordhac ah u yahay heshiis wadajir ah oo ay wada gaaraan Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Dalkana u horseedi kara nabad, degnaansho iyo horumar”
War murtiyeedka kasoo baxay shirka ayaa lagu sheegay in dalku aanay xilligan ka dhici karin doorasho "qof iyo cod ah" loo baahan yahay in ay dhacdo doorasho taladeedu loo dhan yahay "nooc ahaanna ku dhici karta muddo xiliyeedka harsan".
Jasiiradda Sacaadadiin ee Saylac
Wasiir Goodax oo sheegay in ardeyda Puntland aysan heli doonin shahaadada waxbarashada ee dowladda
Wasiirka waxbarashada dowladda federaalka ee Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in ardeyda reer Puntland aysan heli doonin shahaado waxbarasho oo ay dowladdu aqoonsan tahay .
Cadullaahi Goodax Barre, waxa uu sheegay in calaaqaadkii dhanka waxbarasho ee ka dhaxeeyay maamul gobolleedka Puntland iyo dowladda federaalka uu soo dhamaaday.
Wasiirka ayaa Puntland ku eedeeyay in ay diideen in imtixaanaadka shahaadiga ah in ay ka qeyb noqdaan.
Dhowaan ayay Puntland qaadday imtixaankeedii shahaadiga ahaa oo maalmo ka hor idlaaday, Imtaxaanka iskuullada Puntland waxaa u fariisatay illaa 16 kun oo ardey, waana mid ka duwan imtaxaanka wasaaradda Wabrashada Soomaaliya. Wasaaradda waxay dooneysay in imtaxaan mideysan laga qaado iskuullada dalka oo dhan, laakiin maamullada qaar ayaa diiday arrintaas.
Kheyre iyo Deni oo kala magacaabay guddiyo diyaarinayo aaska Ra'iisal wasarihii hore ee Soomaaliya
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magaacabay guddi gaar ah oo ka shaqeyn doono diyaarinta aaska qaran ee loo sameynayo Ra'iisal wasarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo shaley ku geeriyooday magaalada Ankara ee dalka Turkiga.
Guddigan oo dhammaantood wasiiro ah waxaa hogaaminayaa Ra'iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed.
Dhanka kale, Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale magacaabay guddi kale oo diyaarinayo aaska Ra'iisul wasaarihii geeriyooday ee Xasan Abshir Faarax.
"Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Guddi u magacaabay Aas Qaran oo Garoowe loogu sameynayo Alle ha u naxariistee Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax iyo Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Maxamed Cabdi Xaashi" ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada Puntland.
Hogaamiyayaasha ururada bulshada oo madaxda Maamul Goboleedyada kala hadlay sidii go'aan mideysan looga qaadan lahaa doorashada
Hogaamiyayaasha ururada bulshada ee Soomaaliya ayaa sheegay inay madaxda maamul goboleedyada ee ku sugan Dhuusamareeb kala hadleen sidii go’aan mideysan looga qaadan lahaa arinta doorashada soo socota.
Waxa ay sheegeen in madaxda Federaalka ay sidoo kale arimahaasi kala hadleen, ayna filayaan in isfahan laga gaari doono khilaafaadka taagan.
Haddaba maxay tahay ujeedada ururradani, su'aashaasi iyo kuwa kale ayaan weydiinay Cismaan Muxyadiin Shaatax oo ah afhayeenka guddi ay ku mideysan yihiin ururrada bulshada rayidka ee Soomaaliya. Axmednagaashe ayuu ugu warramay qadka taleefoonka ee magaalada Dhuusamareeb.
Halgamaagii Koonfur Afrika oo gabadhiisa geeriyootay
Gabadh uu dhalay madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Nelson Mandela ayaa saaka ku geeriyootay dalkaas.
Zindzi Mandela, waxay ku geeriyootay magaalada Johansburg, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda ee SABC.
Zindzi Mandela waxay aheyd safiirka Koonfur Afrika u fadhiya Denmark.
Kulan wacan saaxibbayaal kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.