Rag loo xidhay inay carruur ku gadayeen barta Instagram
Saddex nin ayaa lagu qabtay dalka Iiraan iyagoo looga shakiyay inay isku dayayeen inay ku iibiyaan laba cunug barta Instagram.
Taliyaha booliska magaalada Tehran, Brig-Gen Hossein Rahimi, ayaa sheegay in mid ka mid ah carruurtaasi uu jiray 20 maalmood. Halka ka kalena uu jiray laba bilood.
Dhallaankan ayaa hore loogu soo iibsaday $ 500 (£ 400), waxaana lagu sii iibin jiray inta u dhaxaysa $ 2,000 iyo $ 2,500.
Mid ka mid ah dadka la qabtay ayaa la sheegay inuu "caruurta ka keenay qoysaska saboolka ah" isagoo damacsana inuu "u gacan geliyo qoysas siin kara mustaqbal wanaagsan".