You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Madaxweyne loo ganaaxay inuu jebiyey sharciga bandawga ee dalkiisa

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Maxaa iska baddalay amniga waddooyinka Galmudug kaddib howlgalka ka dhan ah isbaarooyinka?

    Dhawaanahaan ayaa waxaa ka socday deegaanada Galmudug, howlgallo isbraayooyin horey u yaallay wadooyinka isku xira deegaanadaas uu maamulka Galmudug uga qaadayo halkaas.

    Isbaarooyinka yiillay wadooyinka ayaa gaadiidleydu sheegeen in ay kala kulmi jireen dhibaatooyin kala duwan.

    Cabdi Casiis Hussein, waxaa uu ka mid yahay gaadiidleyda kaxeysa gawaarida xamuulka ah ee ka shaqeeya gobollada dhexe ee ku safra wadooyinka laga qaaday isbaarooyinka, waxaana uu BBC-da u sheegay in intooda badan laga qaaday isbaarooyinki si taako taakada ah u yaallay waddooyinka ay isticmaalaan, kuwaasi oo lacago badan looga qaadi jiray.

    Cabdi Casiis, ayaa sheegay in lacago baad ah looga qaadi jiray jid-gooyooyinkaasi, iyadoo mararka qaarna ay la kulmi jireen jir dillo ay u geysan jireen burcadda ay isbaarooyinka u yiilleen.

    “Waxay dadka ka qaadi jireen lacago dul-saar ah oo aanan awoodin, waxaana mararka qaar dhici karta in ay daarawallada ku yiraahdaan wax lacag ah kaama rabno, kadibna ay dilaan, maaddaama sharci kaa celinaaya uusan jirin”, ayuu yiri Cabdi Casiis.

    Isbeddelkan, ayaa waxaa uu sheegay in uu yimid, kadib markii la doortay maamulka cusub ee uu madaxweynaha ka yahay, Axmed Cabdi Kaariye.

    Wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug, Axmed Shire Falagle, ayaa horey u sheegay in gebi ahaanba laga qaaday dhowr isbaarooyinkii yaallay deegano ka tirsan maamulkaasi, isagoo intaas raaciyay in goobihii laga qaaday isbaarooyinkaasi la geeyay ciidamo isugu jiray booliiska iyo kuwa daraawiishta oo ka tirsan maamulka Galmudug, kuwaasi oo sugaya amniga deegaanadaasi.

    Dhanka kale, wasaaradda amniga maamulkaasi, ayaa sheegtay in ay si adag ula dagaalami doonto cid kasta oo isku dayda in ay isbaaro dhigata waddooyinka deegaanadaas, isagoo intaa raaciyay in hadda kadib shacabka reer Galmudug ay si amni ah ugu safri doonaan halkaasi.

    Wasiirka warfaafinta Galmudug, ayaa sheegay in qofkii lagu qabta isaga oo sita qori, isla markaana dhibaato ugu geysanaya shacabka, aan la xiri doonin, ee goobta lagu toogan doono.

    Kadib markii la qaaday, isbaarooyin dhowr ah oo horey u yaallay waddooyinka la isaga goosho deegaanada Galmudug, ayaa hadda waxaa ay rajo wanaagsan ka muuqataa darawallada gaadiidleyda ee ka shaqeeya wadooyinkaas, kuwaasi oo maamulka ku aamanay howsha amni ee ay qabteen.

    Iyagoo si shuruud la'aan ah ugu safra waddooyinkii laçagaha baadda ah looga qaadi jiray.

  2. WHO oo ka digtay in cudurka Covid-19 uu si baahsan ugu faafo Afrika

    Ha'yadda Caafimaadka Adduunka waxay ka digtay in cudurka Covid-19 uu si baahsan ugu faafayo qaaradda Afrika, halkaas oo laga soo tebiyay kiisas yar marka loo barbardhigo caalamka intiisa kale.

    Cudurka waxaa uu si weyn u saameeyay ilaa 10, waxay qaaraadda xaqiijisay ilaa 200,000 qof oo ku dhacay feyraska Korona, sida ay sheegtay madaxa WHO u qaabilsan Afrika Dr Matshidiso Moeti.

    Cudurka ayaa si weyn u saameeyay Koonfur Afrika, xaaladda ka taagan gobolka Western Cape waxay lamid tahay midda haatan ka jirta Yurub.,

    Inta badan cudurka wuxuu ku baahay magaalooyinka iyo dhulka ka baxsan balse cudurka uu haatan u muqdo mid ku baahayo magaalooyinka waaweyn ee qaaradda, sida ay sheegtay Dr Matshidiso Moeti.

    Waxay sidoo kale sheegtay in caqabadaha ugu weyn ee heysta qaaradda ay yihiin qalabka cudurka lagu baaro iyo agabka kale ee ka hortagga cudurka.

  3. Beeraleyda duleedka magaalada Hargeysa oo ka cabanaya amar uu soo saaray wasiirka biyaha Somaliland

    Beeralayda deegaanka Daarasalaam oo ah degmada laga soo saaro biyaha magaalada Hargeysa laga cabbo ayaa waxa saameeyay beerfalashadoodii amar ay dawladu ku siisay in aanay qodi karin ceelal cusub oo ay biyo kala soo baxaan.

    Amarkan ayaa ka danbeeyay dedaalo biyo balaadhin loogu samaynayo magaalada Hargeysa kaas oo socday sannadihii udanbeeyay.

    Wariyaha BBC Sidiiq Maxamed Burmad ayaa ka warramayaa.

  4. South Afrika: Soomaalida sidey u arkaan Iskuullada dib loo furay?

    Iskuullada dalka Koonfur Afrika ayaa dib loo furay ka dib markii la qafiifiyay xayiraddii dalkaas saarneyd ee looga hortagayay cudurka corona.

  5. Madaxweyne loo ganaaxay inuu jebiyey sharciga bandawga ee dalkiisa

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa la ganaaxay kaddib markii uu jebiyay bandowga looga dhawaaqay dalkiisa ee looga hortaggayo fiditaanka feyraska Korona.

    Zelensky waxaa uu sheegay in arrintani ay ka dambeysay markii uu saddexdii bishan Juun booqday maqaaxi ku taalla bartamaha magaalada Khmelnytsky.

    Xafiiskiisa ayaa markii dambe baahiyay sawirka madaxweyne Volodymyr Zelensky oo ku dhex qaxweynaya maqaaxida.

    Xilliggaas madaxweynaha ma uusan u xirneyn afka iyo sanka.

    "Waxa ay igu sameeyeen waa tallaabo wanaagsan' isaga oo ugala jeedo ganaaxa lagu riday, balse madaxweynaha ma uusan sheegin waxa lagu ganaaxay.

  6. Tirada dadka uu ku dhacay feyraska Korona ee Somaliland oo korodhay

    Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqda madaxbanaanida ee Somaliland ayaa maanta xaqiijisay 25 qof oo hor leh oo ku dhacay feyraska Korona.

    Waxaana cudurka ka bogsatay guud ahaan Somaliland 84 qof halka dhimashadu ay gaartay 26.

    Guud ahaan tirada kiisaska feyraska Korona ee Somaliland waxay gaarayaan ilaa 504.

    Somaliland waxay horey u qaaday tallaabooyin dhowr ah oo lagu xakeymanayo fiditaanka cudurka.

  7. Wiil uu dhalay Trump oo kumanaan doolar ku bixiyay si uu usoo dilo lax

    Wiilka ugu weyn carruurta uu dhalay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo wiil uu awoow u yahay ayaa la sheegay inay aadeen safar ay ku tageen dalka Mongolia sannadkii lasoo dhaafay, waxaana lagu soo warramaya in safarkaas uu ku baxay $75,000 oo lacagta canshuur bixiyaasha Mareykanka ah.

    Wiilka madaxweynaha, Trump Jr ayaa toogtay laxdii naadirka aheyd taas oo ay adagtahay in lagu arko dunida inteeda kale, neefkan idaha ah ayaa ku noolaa buuraleyda Mongolia, waxay sidoo kale lagu kulmeen madaxweynaha Mongolia, sida ay sheegeen koox ka tirsan bulshada rayidka ee qaabilsan arrimaha mas'uuliyadda iyo arrimaha anshaxa gudaha Washington.

    Kooxda waxay sheegeen in qoyska Trump ay galeen safaro tiro badan marka loo barbardhigo qoyskii madaxweynihii hore ee Mareykanka Obama.

    Kooxda waxay ku eedeeyeen qoyska Trump inay ku takrifalayaan maaliyadda laanta amniga u qaabilsan madaxtooyada isla markaana in ka badan 1000 safar ay sannadkiiba galaan.

    Mid kamid ah shaqaalaha u shaqeeya Trump Jr ayaa warbaahinta CNN u sheegay in safarka 8 maalmood qaatay ee bishii Agoosto sannadkii hore ku tageen halkaas ay qarashkiisa ay iyagu si gaar ahaaneed isaga bixiyeen marka laga reebo qarashkii ku baxay amnigiisa.

    "Trump Jr waa wiilka madaxweynaha waa in la ilaaliyaa balse canshuur bixiyaashu waa inay ogaadaan lacagta ku baxeyso howshiisa ugaarsiga ah iyo kulanka uu la yeeshay hogaamiyeyaal shisheeye iyo siyaasiyiinta" ayay yiraahdeen kooxda.

    Sida uu daabacay wargeyska ProPublica sannadkii lasoo dhaafay, Trump Jr wuxuu sannadkii lasoo dhaafay dilay laxdii naadiirka aheyd ee buuraha ku nooleyd isaga oo fasax ka helayo dowladda Mongolia, baaritaanka uu sameeyay Propublica waxaa sidoo kale lagu sheegay inay heleen caddeymo muujinayo in wiilka Trump uu safarka ku wehliyay sarkaal ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo ka shaqeeya arrimaha shidaalka iyo gaaska.

    Laxdan oo lagu magacaabo 'Argali' waa mid leh geeso dhaadheer waxaana la sheegay in halis ay ugu jirtay inay dabar go'do, sida laga soo xigtay ha'yad la socota xayawaanada halista ugu jiro inay dabar go'aan.

    Wiilk Trump waxaa sidoo kale lagu soo warramay in uu la kulmay madaxweynaha Mongolia Khaltmaagiin Battulga bil uun kaddib markii uu madaxweynahaas booqasho ku tagey aqalka cad.

    Waxaa uu barta Instagram-ka soo dhigay sawirrada safarka uu ku tegay Mangolia.

  8. Mareykanka oo taageeray hadalka guddoomiyaha aqalka sare

    Dowladda Mareykanka ayaa ka codsatay dowladda Federaalka Soomaaliya in si deg deg ah ay shir ula yeelato Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, si xal waara looga gaaro khilaafka hareeyay geeddi socodka siyaasadda Soomaaliya.

    War saxaafadeedka kasoo baxay safaaradda ayaa lagu sheegay "Waxaan ugu baaqeynaa dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada inay soo bandhigaan hoggaamin geesinimo leh isla markaana meel iska dhigaan kala aragti duwaanshaha si heshiis wax ku ool ah ay uga gaaraan sidii loo qaban lahaa doorasho caddaalad ah, xallinta khilaafka siyaasadeed, in laga mideysnaado dagaalka ka dhanka ah Shabaab iyo in di u eegis lagu sameeyo qorshaha geeddi u socodka siyaasadda dalka"

    "Waxaan soo dhaweynaynaa hadaladii dhowaan ka soo yeeray Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Ware, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni, iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, iyo daneeyayaasha kale ee codsaday inay shir isugu yimaadaan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, si waafaqsan dastuurka Soomaaliya" ayaa lagu sheegay war saxaafadeedka kasoo baxay Mareykanka.

  9. Feyraska Korona: Waddamo bilaabay inay soo dhoofsadaan Sanjabiilka

    Peru waxay sheegtay in sanjabiilka ay dhoofiso uu sare u kacay xilliggan lagu gudo jiro safmarka feyraska Korona maadama loo arka sanjabiilka mid dabiici ah oo xoojin karo difaaca jirka.

    Saraakiisha waxay sheegeen in boqolkiiba 150 uu sare u kacay sanjabiilka ay u dhoofiyaan dalalka dibadda tan inta uu bilowday sannadkan marka loo barbardhigo sannadkii tegay.

    Inta badan sanjabiilkan waxay u dhoofiyaan dalalka sida Spain, Netherlands iyo Mareykanka.

    Sanjabilka iyo biyo liinta oo kulul waxay dadka ku nool dalalka qaar ku daweeyaan qabowga iyo hergebka.

    Sanjabiilka waa cunto caafimaad leh balse kama hortaggi karo feyraska Korona.

  10. Kulan wacan saaxibbayaal kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.