You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Maxkamad nin dil ugu xukuntay qaab maqal iyo muuqaal ah

Tebinta tooska

Tebin toos ah

  1. Tabinteennii tooska ahayd ee maanta waa naga intaas, tan iyo barri nabadgalyo.

  2. Maxkamad nin dil ugu xukuntay qaab maqal iyo muuqaal ah

    Maxkamad ku taalla dalka Sinagpore ayaa nin dil ku xukuntay qaab maqal iyo muuqaal ah xilli dalkaas looga dhawaaqay xayiraadda looga hortaggayo fiditaanka feyraska Korona.

    Punithan Genasan, oo 37 jir ah ayaa Jimcihii lagu riday xukunka, waxaana loo heystay in uu ku lug lahaa heshiiska dhanka ganacsiga sharci darrada ah ee daroogada kaas oo dhacay sannadkii 2011-kii.

    Waana xukunkii ugu horreeyay ee dalkaas ee looga fuliyo qaab maqal iyo muuqaal ah.

    Ha'yadaha Xuquuqul insaanka ayaa dhaleeceeyay go'aankan oo ay ku tilmaameen mid 'gurucan' xilli dunida uu saameeyay safmarka feyraska Korona.

    Maxkamadaha ku yaalla Singapore waxay joojiyeen kiisaskii la dhageysan jirayn tan iyo bisha Juun markaas oo xayiraadda laga qaadayo caasimadda Singapore.

    Balse dhageysiga kiisaska loo arko inay yihiin lagama maarmaan ayaa qaab maqal iyo muuqaal ah lagu qaadaa.

  3. Hooyooyin qaba feyraska Korona oo boqol ilmood oo aan xanuunkaas qabin dhalay

    In ka badan 100 canug ayaa si nabad ah ugu dhashay cisbitaal ku yaalla magaalada Mumbai ee Hindiya, hooyooyinka dhalay carruurtan waxay qabeen feyraska Korona balse carruurtaas lagama helin cudurka.

    Labo kamid ah hooyooyinka ku umulay halkaas waxay u dhinteen cudurka, waxaa sidoo kale ka mid ah hooyo dhimatay iyadoo uusan dhalan canugeeda.

    Dhakhaatiir gaareysay 65 iyo tiro kalkaaliyeyaal ah ayaa ku howlanaa daweynta hooyooyinka uu ku dhacay feyraska Korona ee jiifay cisbitaalka.

    Xilli ay sare u kacayaan tirada dadka uu ku dhacay cudurka, cisbitaalkan wuxuu qorsheynayaa in uu hirgeliyo 34 sariirood oo dheeri oo loogu talagalay hooyooyinka uurka leh ee uu soo riday feyraska Korona.

    Ku dhawaad 20,000 kiisaska Korona ah ayaa laga xaqiijiyay halkaas halka dhimashadu ay gaartay 730, magaalada ganacsiga ah ee Mumbai waxaa si ba'an u saameeyay cudurka Covid-19.

  4. Venezuela iyo Iran oo iska garabsanaya arrin uu Mareykanka ku lug ku leeyahay

    Militariga Venezuela ayaa ilaalinayaa maraakiibta Iran ee shidaalka uu sida dalkaas si ay uga hortaggaan isku day kasta uu Mareykanka ku doonaya in uu ku horjoogasado.

    Shan markaabiib ah oo ay leedahay Iran ayaa ku wajahan Venezuela waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay gaaraan halkaas.

    Wasiirka gaashaandhigga Venezuela wuxuu sheegay inay soo dhaweynayaan heshiiska dhanka dhaqaale ay Iran la galeen.

    Mareykanka wuxuu cunaqabateyn kusoo rogay Iran iyo Venezuela, waxaana lagu soo warramayaa in Mareykanka uu isku dayayo in uu hor istaagto maraakiibtooda.

    Hogaamiyaha mucaaradka ee taageerada ka hela Mareykanka Juan Guaidó, wuxuu sheegay in baahida ah in shidaalka lasoo geliyo dalkaas ay muujineyso in madaxweyne Maduro uu si xun ugu takrifalay maamulka waaxda shidaalka ee dalkaas.

    Venezuela waxay leedahay keydka shidaalka ugu weyn caalamka balse wax soo saarka shidaalk ayaa hoos u dhacay labaatankii sanno ee lasoo dhaafay kaddib markii dalka uu la degay dhaqaale xumi.

    Waxaana dalkaas ka jiray gabaabsi dhanka shidaalka ah toddobaadkii lasoo dhaafay.

  5. Dhakhtar Soomaali ah oo sharraxaya dawada malaariyada ee chloroquine

    Dhakhtar Soomaali ah oo sharaxaad ka bixiyay waxa ay tahay daawada uu Trump u isticmaalo cudurka Karoona. Dr Cismaan Cali Gabboose oo tirsan isbitaalka Kenyatta ee Nairobi ayaa BBC-da u waramay.

  6. Dhakhtar muujiyay walaac la xiriira qalabka Coronavirus oo la dhigay isbitaalka cudurrada dhimirka

    Dhakhtar u dhashay dalka Hindiya oo walaac ka muujiyay gabaabsiga dhanka qalabka ka hortagga cudurka Korona ayaa shaqada laga joojiyay, waxayna saraakiisha dhigeen isbitaal lagu daweeyo xannuunka dhimirka.

    Dr Sudhakar Rao wuxuu ahaa dhakhtar muddo 20 sanno ah ka howlgalayay qeybta qalliinka ee isbitaalka, waxaana xaaladdiisa si weyn u hadal heysay warbaahinta dalkaas.

    Muuqaallo is xig-xiga oo lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay dhakhtarka oo ay garaacayaan boolis xilli uu ku wajahnaa gurigiisa oo ku yaalla magaalada koonfurta dhacda ee Visakhapatnam.

    Wixii xilliggaas ka dambeeyayna, saraakiisha waxay sheegeen in dhakhtarka la dhigay isbitaalka lagu bukaanada uu ku dhacay cudurrada dhimirka.

    Waxaana sidoo kale muuqaal kale lagu arkayay Dr Rao oo qaar qaawan, xilli uu ku dhex jiray baabuurkiisa isla markaana uu qeylinayay markii ay booliska joojiyeen.

    Muuqaale kale, waxaa la arkayay booliska oo dhakhtar ku qaadaya mooto bajaaj xilli dad ay daawanayeen.

    Ka hor inta aysan booliska xirin, Dr Rao wuxuu weriyeyaasha dalka u sheegay in booliska ay joojiyeen baabuurkiisa isla markaana ay si qasab ah xoog uga soo saareen baabuurka.

    Wuxuu ku eedeeyay booliska inay garaaceen.

    Xiritaankiisa waxay caro weyn ka dhalisay gudaha Hindiya, dadka isticmaala baraha bulshada waxay dowladda ku dhaleeceeyeen sida booliska ay ula tacaaleen xaaladdiisa oo ay adeegsadeen awood xadh-dhaaf ah.

    Saddexdii bishii April, Dr Rao oo ka howlgalayay isbitaal ay dowladdu leedahay ayaa warbaahinta u sheegay in dhakhaatiirta aysan heysan qalabka ay xirtaan ee ka hortagga Covid-19 marka ay la tacaalayaan bukaanada uu ku dhacay cudurka.

    Wuxuu sheegay in laga codsaday in uu isaga baxo kulan ay dhakhaatiirtu la lahaayeen dowladda markii ay walaac ka muujiyeen qalab la'aanta.

    "Waxaan noola sheegay in hal maaskaro aan adeegsanno 15 maalmoo, sidee ayaan ku daweyn karnaa bukaanada anaga oo halis galineyna nolosheena? wuxuu sidaas u sheegay telefishin maxalli ah.

    Booliska ayaa sheegay iney ka falceliyeen warbixin ku saabsanyd nin sarkhaansan oo waddada si khaldan u isticmaalayay. Waxay sheegeen iney isku dayeen in ay ka qaadan dhalo waddada taalay.

    Dhanka kale waxay dadka waaddada marayay ku eedeeyen iney isku dayeen in ninka ay xiraan ka hor inta usan booliska soo gaarin goobta.

    Inkastoo ay jirin dad goobjoogeyaal ah oo xaqiijin kara hadalaka saraakiisha ee ku aaddan arrintaasi.

    RK Meena oo ah Taliyah booliska degmada Visakhapatnam ayaa sheegay in ninka uu si aan wanaagsanayn ula dhaqmay booliska isla markaana uu telefoonka ka dafay mid ka mid ah booliska.

    Taliyaha ayaa inaasi ku daray in dakhtarka lagu xiray saldhigga booliska, kaddibna waxay ku talisay dhakhaatiirta in loo qaado isbitaal lagu dawweyo bukaanada qaba xanuunka dhimirka.

  7. UK waxaa ka bilaabatay tijaabo ah in dawada Malaariyada ay ka hortaggi karto feyraska Korona iyo in kale

    Dalka UK waxaa laga bilaabay tijaabada ah in dawada malaariyada ay ka hortaggi karto cudurka Covid-19 iyo in kale, waxaana laga bilaabaya Brighton iyo Oxford.

    Dawooyinka malaariyada ee kala ah Chloroquine iyo hydroxychloroquine ayaa waxaa lagu tijaabin doonaa in ka badan 40,000 oo kamid ah shaqaalaha caafimaadka ee ka howlgala Yurub, Afrika, Asia iyo Koonfurta America.

    Dhammaan dadka ka qeyb qaadanaya tijaabadan waa howlwadeenada caafimaadka ee la kulmay bukaanada uu ku dhacay Covid-19.

    "Ma garan karno in dawada chloroquine ama hydroxychloroquine ay ka hortaggi karto Covid-19" sidaas waxaa yiri mid kamid ah dadka hogaanka u haya daraasadda Prof Nicholas White.

    Arrintani ayaa imaaneysaa xilli madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump uu sheegay in uu isticmaalay daawada loo yaqaano hydroxychloroquine -ka in kastoo ay saraakiisha caafimaadku ka digeen in daawadaan loo qaato fayraska karona.

  8. Boqolaal qof oo lagu dilay dagaal beeleedyo ka dhacay South Sudan

    Mas'uuliyiinta South Sudan waxay sheegeen in ugu yaraan 300 qof ay dhinteen halka tiro kale ay dhaawacmeen kaddid markii dagaal beeleedyo ay ka dhaceen gobolka Jonglei ee dhaca bariga dalkaas.

    Waxaana dadka ku dhintay colaadda kamid ahaa 3 qof oo u shaqeyneysay ha'yadaha gargaarka.

    Dagaalka u dhexeeyay qowmiyadaha Murle iyo Nuer ayaa sabtidii ka dhacay halkaas, odey ku sugan deegaanka ayaa BBC u sheegay in dhalinyaro kasoo jeeda qowmiyadda Murle ay dab qabadsiiyeen guryaha tuulooyin ku yaalla halkaas.

    Shaqaalaha caafimaadka waxay sheegeen in qaar kamid ah dadka dhaawacmay loo qaaday isbitaal ku yaalla magaalada Juba.

    Howlgalka Qaramada Midoobey ee South Sudan ayaa ciidammo nabad ilaalin ah u daabulay deegaanka ay dagaalladu ka dhaceen. dadka qaar waxay bilaabeen in guryahooda ay dib ugu laabteen halka qaar kalena ay kasoo qaxeen guryahooda markii ay noloshooda u baqeen.

    Mas'uuliyiinta waxay sheegeen in ugu yaraan 800 qof ay ku dhinteen dagaallada u dhexeeya qowmiyadaha qaar tan iyo markii ay dib uga qarxeen halkaas bishii Febraayo.

  9. War deg deg ah, Guud ahaan dunida tirada kiisaska la xaqiijiyay ee cudurka Korona waxay gaareen 5 malyan

    Guud ahaan dadka uu ku dhacay feyraska Korona waxay gaareen 5 malyan oo qof, sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins.

    Halka tirada dadka u dhintay cudurka guud ahaan caalamka ay haatan gaarayaan 328,172 qof.

  10. Kulan wacan saaxibbayaal kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.