Tabinteennii tooska ahayd ee maanta waa naga intaas, tan iyo barri nabadgalyo.
You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Kiiska gabdho walaalo ah oo loo heysto in ay dileen aabahood oo la diiday in la tuuro
Tebin toos ah
Tebin toos ah
Mareykanka oo Muqdisho kasoo daadgureynayo muwaadiniintiisa
Dawladda Maraykanka ayaa maanta ka daadguraynaysa magaalada Muqdisho qaar ka mid ah muwaadiniinteeda iyo kuwa dalka Canada ee halkaa ku xannibnaa tan iyo markii xayiraaradaha dayaaradaha ee ka dhashay Fayraska Korona lagu soo rogay meelo badan oo dunida ah oo Soomaaliyana ku jirto.
Dadkaas oo bixitaankooda ay abaabulayso safaaradda Maraykanka ee Muqdisho waxaa ka mid ah gabadh aan doonayn in aanu magaceeda sheegno oo u warantay Faarax Lamaane.
Suuqa xaafadda Islii oo maanta dib u furmay
Waxaa maanta dib u furmay qeybo kamid ah ganacsiga xaafadda Islii oo xirnaa maalmihii la soo dhaafay xayiraadda halkaa saaran awgeed. Guddiga ganacsatada ayaa sheegay inay is afgarad ku aaddan furitaanka la gaareen dowladda. Cumar Axmed Nuux waa isuduwaha guddiga ganacsiga ee Islii, waxa uu u warramay Kowsar Maxamed Cabdullaahi.
Gabadhii u dooneyd Khashoggi oo olole ugu jirta sidii Maxamed Bin Salmaan looga hor istaagi lahaa la wareegidda Newcastle
Gabadhii u dooneyd Jamal Khashoggi ayaa ugu baaqday taageerayaasha Newcastle in Maxamed Bin Salmaan ay ka horjoogsadaan in uu la wareego kooxdaas ka dhisan Ingiriiska ee New Castle United, kaddib markii ay qoraal soo dhigtay barteeda Twitter-ka.
Waxay ka codsatay taageerayaasha kooxdan inay bilaabaan olole ka dhan ah in Sucuudiga uu iibsado kooxdaas.
" Waxaan idiin ka codsanayaa dhammaantiin in aad u midowdaan sidii naadigiina iyo magaaladiina aad uga difaaci laheydeen dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan iyo dadka isaga ka agdhaw"
Waxay sidoo kale ka codsatay taageerayaasha inta goori goor tahay ay qaadaan tallaabo ay kaga horjoogsanayaan arrintaas.
Dhawaan ayay aheyd markii Hatice Cengiz ay ka codsatay horyaalka Ingiriiska ee Premier League in ay horistaagaan in Sacuudiga ay la wareegaan kooxda Newcastle United.
Khashoggi, oo dhaliili jiray boqortooyada Sacuudiga, ayaa lagu dilay 2018 gudaha qunsuliyada ay sacuudiga ku leeyihiin Istanbul .
Sirddoonka dalalka reer galbeedka ayaa waxay rumaysan yihiin in dhaxal-suge Maxamed Binu Salmaan uu amray dilka wariyahaasi, balse waa uu beeniyay Binu Salmaan.
Hay'adda maalgalinta Sacuudiga ee uu hogaamiyo daxal-sugaha ayaa la filayay in 80% naadigaasi ay la wareegaan.
Balse qareenno matalayay Hatice Cengiz, oo ah gabadhii u dooneyd Khashoggi , ayaa waxay dalbadeen in laga horistaago in Sacuudiga ay la wareegaan kooxda Newcastle United iyada oo la eegayo dilka saxafigaasi.
Kiiska gabdho walaalo ah oo loo heysto in ay dileen aabahood oo la diiday in la tuuro
Baarayaasha dalka Ruushka ayaa diiday inay meesha ka saaraan dacwad loo heysto saddex gabdhood oo walaala ah oo la sheegay inay dileen aabahood xilli uu hurddayay, waxaana la sheegay in aabahood uu ahaa qof dhib badan, waxaana arrintani ka dhashay jahwareer.
Xafiiska dacwad oogah guud ee dalkaas ayaa horraantii sannadkan sheegay in gabdhahan ay muddo dheer la kulmeen tacaddiyo dhanka jinsiga ah iyo jirka ah.
Marka, waa in dilka aabahood lagu tiriyaa 'in uu ahaa ni si lama maarmaan ah ay naftooda u difaaceen'
Waxaana la filayay in go'aankaas lagu soo afjaro kiiska.
Balse qareenka mid kamid ah gabdhaha ayaa BBC u sheegay in guddiga Ruushka ee baarayay kiiska ayaa haatan ku gacan seereen go'aanka kasoo baxay xafiiska dacwad oogista.
Maxay sameeyeen gabdhaha?
Gabdhahan oo lagu kala magacaabo Maria, Angelina iyo Krestina Khachaturyan ayaa la xiray sannadkii 2018-kii kaddib markii aabahood Mikhaill ay ku weerareen minddiyo, Burus iyo basbaas.
Waxay markii dambe sheegeen in aabahood uu muddo badan tacaddiyo u geysanayay isla markaana uu ku dhex hayay guri.
Labada gabdhood ee ugu da'da weyn waxay wajahi karaan 20 sanno oo xarig ah waa haddii dambig lagu helo.
Gabdhahan hooyadood oo gurigooda isaga carartay ayaa horraan BBC u sheegtay in marar badan ay booliska u sheegeen in sannado badan ay dhibaatooyin kala kulmeen aabaha isla markaana aanan wax dhalag jalaq loo siin.
Burundi oo ku amartay wakiilka WHO in uu isaga baxo dalkaas
Burundi ayaa ku amartay wakiilka gaarka ah ee Ha'yadda Caafimaadka Adduunka u qaabilsan dalkaas iyo saddex khuburro oo qaabilsan arrimaha caafimaadka in si degdeg ah ay waddanka uga baxaan.
Warqad kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas ayaa lagu sheegay in wakiilka WHO ee Burundi Dr Walter Kazadi iyo saddex qof oo kale in muddo 48 sacaadood gudahood ay isaga baxaan halkaas isla markaana aanan laga rabin dalka oo aysan ka shaqeyn karin.
Wasiirka arrimaha dibadda Burundi Ezechiel Nibigira kama uusan hadlin arrintani balse ilo wareedyo ka tirsan wasaaradda ayaa BBC u xaqiijiyay warqadda kasoo baxday wasaaradda.
Dowladda ma aysan sheegin sababta saraakiisha Ha'yadda looga saaraya dalkaas.
Waxaa dowladda Burundi lagu dhaleeceeyay tallaabada ay ku qabanqaabineyso doorasho xilli uu dunida ka taagan yahay safmarka feyraska Korona.
Arbacadii, Ha'yadda la socdka xasradaha caalamka waxay shaki gelisay kiisaska cudurka ay dowladda xaqiijisay.
Burundi waxay xaqiijiyay ilaa 15 kiis oo cudurka Korona ah iyo dhimashada hal qof.
Wiil Soomaali ah oo sameeyay mishiin bukaanada ka caawiyo neefsashada
Soomaaliya ayaa ilaa haatan ah dalka labaad ee tirada badan dadka laga helay fayraska korona wadamada Geeska Afrika. Dedaalka maamulka waxa hareer socda isku dayada ay dadku ku doonayaan in ay shacabka ku wacyi geliyaan iyo in qofka ba wixii karaankii ah qabto. Hadaba waxa dhawaan magaalada Muqdisho ku soo bandhigay mishiinka bukaanka ka kaalmeeya neefsiga oo lagu farsameeyey dalka gudihiisa, waxaana mishinkaas sameeyay nin dhaliyaro ah oo la yiraahdo Maxamed Caddaawe oo dalka wax ku bartay.
Waxaanu sheegay in ay wasaaradda caafimaadka iyo dhakhaatiirtuba u arkaan in mishiinkaasi wax tar u yeelan karo bukaanka cudurkani ku dhacay, Ibraahim Maxamuud Jaamac ayuu u waramay.
Mareykanka oo Shiinaha ku eedeeyay in uu isku dayayo in uu xado cilmi baarista cudurka Korona
Hay’adaha ammaanka ee dalka Mareykanka ayaa Shiinaha ku eedeeyey inuu taageerayo koox burcad ah oo isku dayayso inay xaddo cilmi baarista Mareykanka ee la xiriirta daweynta iyo ka hortagga faayraska Corona.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli labada dal uu ay ka dhex taagan tahay xiisad ku saabsan halka uu kusoo faracmay feyraska.
Bayaanka kasoo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in FBI-da ay baareyso isku day ay sameeyeen koox burcadda internetka ah oo lala xiriiriyay Shiinaha kuwaas oo isku dayayo inay xadaan xogta cimli baarista ee Mareykanka ee raadinta tallaalka, dawada iyo baaritaanada cudurka.
Cilmi baarayaashu iyo saraakiisha caafimaadka ayaa loogu baaqay inay feejignaadaan balse Mareykanka ma uusan sheegin ha'yadaha la bartilmaameedsaday. Mareykanka waxay horey ugu eedeyn jiray Shiinaha in uu ka dambeeyo weeraro dhanka Internetka ah, eedeymahaas oo ay beenisay xukuumadda Beijing.
Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Mareykanka iyo Britain ay si wadajir ah uga hadleen halis ah ka timaadda burcadda internetka oo ku wajahan cilmi baarista caafimaad balse ma aysan sheegin cidda ay ku tuhmayaan arrintaas.
WHO: Waxaa laga yaabaa in cudurka Korona uusan weligiisa dunida ka tegin
Ha’yadda Caafimaadka Adduunka ayaa ka digtay in cudurka Korona ‘uusan weligiis dunida ka tegi doonin’
Agaasimaha xaaladaha deg deg ah ee ha’yadda Mike Ryan wuxuu ka digay in aanan la saadaalin karin xilliga feyraska uu dunida ka baabi'i doono.
Wuxuu intaas ku daray in xitaa haddii tallaal loo helo cudurka in xakameyntiisa uu u baahan yahay dadaallo xooggan.
Qaramada Midoobey waxay ka digtay in safmarka uu horseeday welwel iyo xannuuno dhanka maskaxda ah.
Qaramada Midoobey waxay ugu baaqday dalalka inay diiradda saaraan adeegyada caafimaad ee loo fidiyo bukaanada qaba xannuunada maskaxda.
Kulan wacan saaxibbayaal kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.