You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Haweeney candhuuf lagu tufay ka qaadday coronavirus oo geeriyootay

Ku soo dhawaada tebinta tooska ee BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Haweeney candhuuf lagu tufay ka qaadday coronavirus oo geeriyootay

    Haweeney u dhalatay dalka Congo, oo ka shaqeyneysay xafiiska tigidhada tareennada lagu jaro ee magaalada London, ayaa u geeriyootay cudurka coronavirus kaddib markii uu candhuuf ku tufay nin sheegay inuu qabay Covid-19.

    Belly Mujinga, oo 47 jir ahayd, horayna u qabtay xanuunno dhinaca neef mareenka ah, waxay ka shaqeyneysay xarunta Victoria ee magaalada London markii 22-kii bishii March uu weeraray ninkaas, iyadoo ay la socotey ahweeney kale oo ay isla shaqeynayeen.

    Maalmo yar markii ay kasoo wareegeen dhacdadaas, kabada dumarka ahba waxay la xanuunsadeen fayraska.

    Booliska gaadiidka ee Britain ayaa sheegay in baaritaan lagu billaabay dhacdadaas, sidoo kalena lagu raad joogo ninka candhuufta ku tufay haweenkaas.

    Ms Mujinga seygeeda, oo lagu magacaabo Lusamba Gode Katalay, ayaa sheegay in ninka uu xaaskiisa weydiiyay waxa ay sameyneysay iyo sababta ay halkaas ku joogtay.

    "Waxay u sheegtay inay shaqo ku jirtay kaddibna ninka wuxuu sheegay inuu fayraska qabay, candhuuf ayuuna ku tufay," ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

    Mrs Mujinga waxaa la dhigay isbitaalka 2-dii bishii April waxaana lagu xiray qalabka neefsashada caawiya. Laakiin waxay geeriyootay saddex maalmood kaddib, sida uu sheegay ururka shaqaalaha gaadiidka.

    Mrs Mujinga waxay UK u guurtay kaddib markii ay ka tagtay waddanka Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Kongo, sanadkii 2000, xilligaasoo ay ka baxsaneysay qalalaase siyaasadeed, sida ay ku warrameen warbaahinta ITV News iyo The Mirror newspaper.

  2. Wararka ugu dambeeya ee cudurka corona oo 60 il-biriqsi lagu soo koobayo

    Dhageyso wararka maanta ee coronavirus ee daafaha caalamka.

  3. “Ficilka iyo hadalka” Trump – midkee buu Shiinaha ka falceliyay?, “Ficilka iyo hadalka” Trump – midkee buu Shiinaha ka falceliyay?

    War wayn ayey ka noqotay Shiinaha gudihiisa Markii gabar saxafi ah oo qaaradda Aasiya ka soo jeeda ay Trump weydiisay arrimo ku saabsan dalkaas.

    Jawaabtiisu waxay noqotay “weydii Shiinaha” sababta fayraska loogu arkay “sida loolan caalami ah”.

    Balse dhulwaynaha Shiinaha warbaahinta ku taalla waxay diiradda saareen ficilladii uu sameeyay xilligii shirka jaraa’id uu socday, waxayna iska daayeen in ay soo qaadaan wixii uu dhahay.

    Waxay falanqeeyeen inuu diiday in afka iyo sanka uu xirto, haddana uu shaqaalihiisa ku amray in ay xirtaan maaskiga, ka dibna “wuu sii jeestay wuuna baxay”, markii su’aal adag laga weydiiyay tallaabada la fili karo in Shiinaha laga qaadayo.

    Wargeysyada Shiinaha waxay si adag u dhaleeceeyeen qaabka uu Trump u maareeyay xaaladda cudurkan safmarka ah.

    Warbaahin ay ka mid tahay midda qaran ee Global Times ee Shiinaha waxay ku qeexeen “muran rabshadeysan” iyo in madaxweynaha Mareykanka uu isku deyay “inuu dhuunto” markii ismari waa uu dhexmaray isaga iyo saxafi ka tirsan CBS oo lagu magacaabo Weijia Jiang, ka dib "Cagaha ayuu wax ka deyay" ayey qoreen.

    Barta Bulshada ee Shiinaha ee Weibo, dad badan waxay ku soo qorayaan “in uusan dhibaatada fayraska xallin Karin” balse “uu isku deyi karo inuu ka dhuunto”.

  4. Dhowr iyo toban sano jir loo xiray dilka saxafi, Dhowr iyo toban sano jir loo xiray dilka saxafi

    Booliska Kenya ayaa xabsiga dhigay 14 sano jir lala xiriirinayo dilka Saxafi loogu geystay Nairobi.

    Wiilkan ayaa laga dhex arkay muuqaal ay duubtay kaamerada qarsoon ww CCTV.

    Weriye Maxamed Xasan oo ka tirsana idaacadda Pamoja FM, wuxuu ku sii socday gurigiisa ka dib markii uu ka baxay barnaamij uu daadihiye ka ahaa xilli habeen ah. Waxaa joojiyay burcad afar qof ka koobnayd waxayna middi uga dureen xabadka.

    Isla goobta ayuu ku dhintay, sida ay sheegtay hay’adda dembi Baarista ee Kenya. Maydkiisana waxaa laga helay wadada dhankeeda 4 bishan May.

    Mid kale oo 19 sano jir ah oo lala xiriiriyay dilka ayaa la xiray isbuucii la soo dhaafay ka dib markii laga dhex aqoonsaday muuqaalka ay duubtay kaamerada amniga, sida ay baahisay idaacad ku taalla Nairobi.

    Booliska waxay sidoo kale raadinayaan haweeney looga shakisan yahay in burcaddaas ay la socotay.

    Pamoja FM waa idaacad bulsho oo ku dhex taalla xaafadda isku raranka ugu weyn ee Kenya ah ee Kibera ee magaalada Nairobi.

  5. Covid-organic: Reer Galbeedka “way iskala weyn yihiin dawo-dhireedka Afrika”, Reer Galbeedka “way iskala weyn yihiin dawo-dhireedka Afrika”

    Madaxweynaha Madagascar, Andry Rajoelina, ayaa jawaab adag siiyay dadka eedeynaya dawo-dhireedkiisa aan la ansixin ee uu sheegay in coronavirus ay u fiican tahay.

    Dawadan oo qaar ka mid ah madaxda Afrika ay dalbadeen ma ahan weli mid la ansixiyay.

    Isbuucii la soo dhaafay, Hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ka digtay in dadka ay isticmaalaan dawo-dhireedkaas.

    Afrika waxay xaq u leedahay in ay dawo hesho taas oo si sax ah loo tijaabiyay xitaa haddii ay tahay daw-dhaqameed, ayey tiri hay’adda.

    Midowga Afrika (AU) ayaa sidoo kale codsatay in la tuso xogta caafimaad ee “badqabka iyo wax ku oolnimada” dawadan.

    Si kastaba, dawadan loo garanayo Covid-Organics, waxaa loo diray dhowr dal oo Afrika ah. Nigeria waa dalkii ugu dambeeyay ee qaatay.

    Madaxweynaha dalkaas Madagascar oo la hadlay warbaahinta France 24, Mr Rajoelina wuxuu sheegay in dhalleeceynta dawadan ay muujineyso “isla wayninka reer galbeedka ee ku wajahan dawada Afrika”.

    "Haddii Madagascar aysan ahaan lahayn dalka helay dawada, oo uu soo saari lahaa dal reer Galbeed ah, shakigan miyey muujin lahaayeen? Uma maleynayo,” ayuu yiri.

    Balse, weli ma jirto xog dib u eegis ah oo si hordhac ah loogu sameeyay dawadaas lagu magacaabay Covid-organic.

    Waxaa dawada lagu tijaabiyay illaa 20 qof muddo isbuucyo gudahood ah, sida uu BBC u sheegay mid ka mid ah kaaliyeyaasha madaxweynaha.

    Kullan ay yeesheen illaa 70 khubaro ku taqasusay dawo-dhaqameedka Afrika, waxay isku raaceen in tijaabo lagu sameeyo dawa kasta, sida ay barteeda twitter-ka gelisay xarunta WHO u qaabilsan Afrika.

    Khubarada qaar waxay ka digayaan in cabitaankan uu sababo in dadka qaar ay u maleeyaan in ay ka badbaadeen fayraska ayna isu soo bandhigaan.

    Si kastaba, guddiga Nigeria u qaabilsan la tacaalidda coronavirus waxay sheegeen in madaxweyne maxamadu Buhari uu fasaxay isticmaalka dawo-dhireedka Covid-Organics.

  6. Bukaannada waxaa laga baaridoonaa cudurka corona, ka hor intaan la seexin cisbitaallada, Kenya: Bukaannada waxaa laga baaridoonaa cudurka corona, ka hor intaan la seexin cisbitaallada

    Maamulka caafimaadka dowladda Kenya waxay ku dhawaaqeen in dhammaan bukaannada xanuunada kale u aadaya isbitaallada ee la seexinayo laga baari doono cudurka corona.

    Tallaabadaas ujeedadeedo waxay tahay in la difaaco shaqaalaha caafimaadka si aysan u qaadin cudurka, marka ay la tacaalayaan qof xanuunsan, waxaa sidaa sheegay Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka Patrick Amoth.

    “Waxaan dib u eegeynaa tilmaamaha arrintan si aan u diyaarino waxa uu qabo qof kasta oo isbitaal la seexinayo, lagana baaro fayraska Covid-19.

    “Tani ma difaaceyso oo keli ah dhaqaatiirta safka hore, balse waxay difaac u tahay bukaannada u nugul xanuunkan ee difaaca jirtoodu uusan tabar badan lahayn, haddaba ujeedadu waa in aysan halis weyn wajihin,” ayuu yiri Dr Amoth.

    Tallaabadan cusub waxay imaaneysaa iyadoo tirada kiisaska Kenya ay kor u dhaafeen 700, waxaa u dhimatay 33, sidoo kale waxaa ka caafimaaday 251 qof.

    Dowladda Kenya ayaa xakameyn ku sameysay dhaqdhaqaaqa xaafadda Soomaalida ee Islii ee magaalada Nairobi iyo xaafadda qadiimiga ah ee Mombasa.

  7. Saraakiisha Magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha ayaa qorshaynaya inay baaritan ku samayso 11 milyan oo qof, sida ay sheegayso warbaahinta dalkaas.

    Qorshaha ayaa u muuqda in laga fulin dono dhammaan xaafadaha magaalada Wuhan.

    Qorshahan ayaa ku soo beegmaya xilli maalin ka hor la diiwaangaliyay 6 kiis oo cudurka Corona ah magaalada Wuhan.

    Wuhan ayaa waxa saarnaa xayiraad 11 toddobaad, 8-dii bisha April ayaa dib loo furay magaaladaasi.

    Magaalada ayaa waxaa dib loo furayay iskuulada, ganacsiyada iyo gaadiidka.

    Balse kiisaskan cusub ayaa carqalad ku noqday khafiifinta xayiraadahii la so rogay.

  8. Dab ka kacay isbataal ku yaalla Ruushka oo ay ku dhinteen bukaano qabay Corona

    Dab ka kacay isbatalka St Petersburg ee dalka Ruushka ayaa waxa ku dhintay shan bukaan oo qabay cudurka Coronavirus oo halkaas lagula tacaalayay.

    Dabka ayaa sida la sheegay waxa uu ka bilawday qalabka neefsashada ee ay bukaanada lagu rakibay.

    Wakaaladda wararka ee Ruushka ayaa ku warantay in dabka la xaddiday lagana hortagay.

    Isbataalka ayaa waxaa sidoo kale laga daad-gureeyay 150 bukaan oo jiifay.

    Bukaanada geeriyooday ayaa ku jiray qaybta daryeelka deg dega ee isbitaalka ee ICU loo yaqaano.

    Dhacdadaan ayaa imaanaysa xilli uu Ruushka bilaabay Khafiifinta xayiraadihii dalka saarnaa ee lagu xakameynayay Corona.

  9. Kulanti wacan akhyaarta halkan nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.