You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Iiraan oo soo saartay qalab meel dheer ka ogaan karo feyraska Corona

Tebinta tooska ah

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Dadka uu ku dhacay Coronavirus oo gaaray 2 Malyan oo qof

    Guud ahaan caalamka, tirada la xaqiijiyay ee uu ku dhacay cudurka Coronavirus waxay gaareen 2 malyan, sida laga soo xigtay jaamacadda JJohns Hopkins University.

    In ka badan 600,000 oo kiisaska ah waxaa laga xaqiijiyay gudaha Mareykanka halka 128,000 guud ahaan uu dunida ku dilay.

  2. Kiisaska cudurka Corona ee Jabuuti oo gaaray 435

    Dalka Jabuuti ayaa maanta xaqiijiyay 72 qof oo kale uu ku dhacay cudurka Corona, sida uu BBC-da u xaqiijiyay xoghayaha wasaaradda caafimaadka Jabuuti, Saalax Banoyta Turaab.

    Waxay guud ahaan tirada kiisaska la xaqiijiyay ay gaarayaan 435 qof.

    Dowlada waxay kordhisay muddada uu soconayo banddowga lagu soo rogay dalkaas.

    Iyado tiirada dhimashada aay tahay 2 qof wali dhanka kale dhanka kale waxa ka bogsaday cudurkan 18 sida ay wasaarada caafimaadka ee dalkaas.

  3. Iiraan oo soo saartay qalab meel dheer ka ogaan karo feyraska Corona

    Taliyaha ciidammada Ilaalada Kacaanka islaamiga ah ee Iiran ayaa soo bandhigay qalab gacanta lagu qabto oo uu sheegay,in lagu ogaan karo dadka qaba Coronavirus.

    Qalabkan wuxuu ogaan karaa dadka qaba cudurka oo ku sugan meel gaadhaysa 100m (330ft), Sida ay tebisay wakaalada wararka ee Tasnim.

    "Aasaaska aaladdani waa in la abuuro aalad soo jiidanaysa feyraska, sidaa darteed anteenada ayaa diiradda saari doonta meel kasta oo u jirta masaafo 100m ah oo uu fayrasku joogo, waxayna garan kartaa meesha cudurka uu ka Jiro muddo shan ilbidhiqsi ah” Maj-Gen Xussein Salami ayaa laga soo xigtay isagoo leh.

    Wuxuu intaas ku daray in saxnimadiisu tahay boqolkiiba "80%", laakiin ma bixin wax caddeyn ah.

    Khubaradan ayaa sheegaya in habka kaliya ee lagu kalsoonaan karo ee lagu tijaabiyo Covid-19 xilligan waa qaadashada baadhis laga ogaado sanka ama cunaha, kaasoo loo diro sheybaadhka si loo eego astaamaha walxaha hiddo-sidaha feyraska ah.

  4. Nin sameeyay balaayiin doolar xilli lagu gudo jiro dhibaatada Coronavirus

    Madaxa iyo aasaasaha shirkadda Amazon Jeff Bezos ayaa faa'ido gaareysa 24 balyan doolar sameeyay xilliga lagu gudo jiro dhibaatooyinka ka dhashay cudurka coronavirus kaddib markii ay sare u kaceen dukaameysiga iyo dalabka Online-ka ay bixiso shirkaddiisa.

    Jeff Bezos wuxuu leeyahay hanti gaareysa 138 balyan oo doolar, sida laga soo xigtay wargeyska Bloomberg, waxaana lagu tiriyaa inuu yahay ninka ugu taajirsan dunida.

    Shirkadda Amazon waxay ka faa'ideysatay dalabyada Internetka iyo dadka qaabka online-ka ah ku adeegto xilli dadka lagu qasbay inay guryahooda joogaan si looga hortaggo faafitaanka cudurka Covid-19.

    Shirkadda Amazom waxay shaqaaleysiinaysaa kumanaan qof si ay u maareyso dalabyada macaamiisha.

    Shirkadda waxaa lagu dhaleeceeyay arrinta ah inay ka gaabisay dadaallada ah in shaqaalaheeda ay ka fekerto marka ay timaaddo ka hortaggo coronavirus.

    Jeff Bezos wuxuu bilaabay shirkadda Amazon sannadkii 1995-tii, wuxuu ku bilaabay 100,000 oo doolar oo ay isku darsadeen isaga iyo qoyskiisa.

  5. Wasiir Maareeye oo sheegay in 'dacaayad' laga faafiyay

    Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dacaayad laga faafiyay kaddib markii telefishinka qaranka uu soo xayeysiiyay shaqo ka banaaneyd oo lagu baadigoobayay labo gabdhood, taas oo si weyn caro uga dhalisay baraha bulshada.

    Wasiiraka wuxuu sheegay in warqaddaas aysan kasoo bixin xafiiskiisa isla markaasan uusan waxbo kala socon, sidaas, darteed ay aheyd khalad uu galay qof shaqaale ah, markii dambena la saxay , sida lagu xusay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska wasaaradda warfaafinta.

  6. Waraaqo lacag ah uu magaca Trump ku qoran yahay oo markii ugu horreysay la daabaci doono

    Qorshe qayb ka ah falcelinta Maraykanka ee Feyraska Corona ayaa ah, toban milyan oo Ameerikaan in loogu talagalay inay helaan lacag gaadhaysa $1,700 doolar, waxaana lacagtani heleyaa qof kasta oo kamid ah 70-ka malyan.

    Waxay arrintani ka dambeysay marrkii 16 malyan oo qof oo u dhashay dalkaas ay soo wajahday shaqo la'aan bishii lasoo dhaafay.

    Laakiin se sida ay tabinayso warbaahinta Maraykanka, madaxweyne Donald Trump ayaa magaciisa lagu daabaci doonaa, mid kasta oo ka mid lacagtaas.

    Wargeyska Washington Post, oo ahaa kii ugu horreeyey ee tabiyey warkaas salaasadii, ayaa sheegay inay tahay markii ugu horraysay ee jeeg lacageed uu ka muuqan doono magaca madaxweyne Maraykan ah.

    Wargeysku wuxuu sheegay in go’aankaasi uu macnihiisu yahay dib u dhac ku yimaada maalmo yar ka hor inta dadku aysan qaadan jeegagga, in kasta oo sarkaal sare oo la hadlay CNN uu beeniyay arrintaas.

    Dadka dhaliila ayaa ku eedeeyey in arrintani ay tahay siyaasad uu madaxweynuhu ciyaarayo, si uu kor ugu qaado sumcaddiisa ku aaddan sannadkan doorasho.

  7. Walaac ka dhashay kumanaan qof oo Itoobiyaan ah oo laga soo tarxiilayo Sucuudiga

    Kumanaan muhaajiriin Itoobiyaan ah oo sharci la’aan ah ayaa laga masaafurinaya Sucuudi Carabiya iyada oo lagu gudajiro dedaallo lagu xakameynayo faafitaanka cudurka dilaaga ah ee coronavirus.

    Soogalootiga Itoobiyaanka ah ee ka shaqeeya Sacuudi Carabiya iyagoon haysan rukhsadda loo baahan yahay, ayaa musaafurintoodu markasta ahayd mid suuragal ah.

    Tan iyo markii dowladda Sucuudiga ay biloowday soo afjaridda waxa ay ugu yeedhaan: “soo galooti sharci-darro ah", kumanaan kun ayaa si joogto ah dib loogu celiyaa dalalkoodii.

    Kaddib labo todobaad oo ay hakad ku jireen, dedaallada Sacuudiga ee dib loogu soo celinayo tahriibayaasha Itoobiya ayaa dib loo bilaabay.

    In ka badan 2,000 oo muhaajiriin ah ayaa yimid magaalada Addis Ababa bilowgii Abriil iyada oo in ka badan la filayay toddobaadyada soo socda.

    Dadka soo laabanaya - sida safarada kale ee caadiga ah - waxaa la filayaa inay 14 maalmood ku qaataan karantiil khasab ah, oo dawladdu soo rogtay, mana cada sida ay u qalabeysan yihiin xarumaha go'doominta ee Itoobiya ay ugu talogashay dadkaasi soo noqonaya.

    Muhaajiriinta ayaa hadda ku sugan iskuulada ay diyaariyeen masuuliyiinta dalkaasi, iyagoo ah xarumo gooni ah.

    Qaramada Midoobey ayaa ka digtay in dhaqdhaqaaqyada socdaalka ee tirada badan ay sii kordhin karaan faafitaanka fayraska.

  8. Tallaabooyinka Coronavirus iyo deegaanada Soomaalida

    Waxaa deegaannada ka socda tallaabooyinka looga hortaggayo cudurka Covid-19.

    Soomaaliya: Waxay ku dhawaaqday banddow habeenkii ah kaas oo bilaabanayo caawa, waxaana la xiray dusgiyada Qur'aanka, iskuulada iyo duulimaadyada si looga hortaggo faafitaanka cudurka Coronavirus.

    Maamulka Puntland wuxuu banddow kuso rogay magaalooyinka qaar.

    Soomaaliya waxay xaqiijisay ilaa 60 kiis oo cudurka Coronavirus ah.

    Somaliland:Waxay shaaca ka qaaday in la xiro masaajidda kaddib markii ay soo kordheen kiisaska Coronavirus, Somaliland haatan waxay xaqiijisay 5 kiis.

    Jabuuti: Waxaa guud ahaan dalkan looga dhawaaqay banddow si loo yareeyo fiditaanka xannuunka, waxaana la xiray duulimaadayada.

    Dad gaaraya 407 ayaa laga baaray cudurka coronavirus, 65 ka mid ah ayaa laga helay oo ah kiisas hor leh, tirada guud ee kiisaska dalka ayaa gaaray 363, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Jabuuti.

    Tirada dadka u dhintay cudurkan ayaa gaaray 2 qof.

    Dadka uu cudurkan saameeyay waxa ka mid ah dhakhaatir ka badan 30.

    Waqooyi Bari Kenya: Deegaanada qaar waxay ku dhawaaqeen xayiraado dhanka safarka ah, Madheera waxaa laga helay 6 qof oo uu ku dhacay cudurka Covid-19.

    Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya: Waxaa ka socdaa dhaqdhaqaaqyo lagu wacyigelinayo shacabka si u raacaan talooyinka caafimaad, Dowladda Itoobiya waxay xirtay xudduudaha dalkaas si looga hortaggo Covid-19.

  9. 116 jir codkeeda ka dhiibanaysa doorashada Kuuriyada Koonfureed

    Dadka reer South Korea, waxay ku wajahan yihiin goobaha codbixinta, iyadaa oo lagu jiro saamaynta safmarka coronavirus. Waxay u codaynayaan 300 xubnood oo noqon doona Golaha Qaranka.

    Qalabka afka iyo sanka lagu xidho, kuwa cabbira heerkulka dadka iyo gacmo gashiyadu waa qasab si la isugu dayo in la yareeyo fiditaanka masiibadan, inay ku dhex faafto 44-ka Milyan ee ka codayn doona dalkan.

    Kala badh wayba isusoo baxeen dadkii iyadoo saacado uun socotay codayntu.

    Gelinkii hore isu soo baxa ugu badani waxa uu ka dhacay Daegu, halkaas oo ah halka ugu daran ee uu saameeyey safmarka Covid-19

    Waxqabadka dowladda ee masiibadan ayaa ahaa mawduucii ugu weynaa ee laga doodayey, intii lagu gudajiro doorashadan, taas oo ay weheliso walaac laga qabo dhaqaalaha gaabiska ah.

    Tani waa 116 jir lagu magacaabo lee Yong-geum oo dhiibanaysa codkeeda iyada oo ay la socoto inanteedu. Waxay tahay qofka ugu da’da weyn Gobolka Okcheon, oo koonfur kaga beegan caasimadda Seoul.

  10. Sida kala fogaanshaha coronavirus uu u saameeyay weriyayaasha BBC Somali

  11. Culimo kasoo horjeestay in la xiro masaajidda

    Culimo si weyn looga yaqaano dalka Pakistaan ayaa waxay sheegeen in salaadaha jamaacada iyo salaadda jimcaha lagu tukan doono masaajidda ku yaalla dalkaas.

    Waxay sheegeen inay raaci doonaan talooyinka caafimaad ay dowladda u soo jeedisay si looga hortaggo Coronavirys.

    Mas’uuliyiinta Pakistaan waxay xayiraad ku soo rogeen masaajidda oo ah in shan qof ka badan aysan ku tukan masaajidda, waxaana arritani dhaleeceeyay culimada Pakistaan.

    Waxaa tallaabada lagu xiray masaajidda Pakistaan ka dhashay qalalaase markii ay isku dhaceen booliska iyo shacab.

    “Haatan iyadoo aan ku jirno xaaladdan, tukashada shanta salaadood iyadoo la raacayo talooyinka caafimaad kuwo laga maarmaan ah” ayuu yiri Mufti Taqi Cusmaan oo kamid ah culimada Pakistaan.

    Pakistaan waxay xaqiijisay 5,837 oo kiisaska Coronavirus ah halka 96 qof ay u dhimatay, Talaadadii dowladda waxay muddo lao toddobaad ah ku dartay banddowga lagu soo rogay dalkaas si looga hortaggo faafitaanka cudurka Covid-19.

  12. Kulanti wacan akhyarata halkan nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.