Dibadbaxyaal dilay 'taliye boolis' dalka Mali
Madaxii booliska gobolka bartamaha dhaca ee Ségou ee dalka Mali ayaa waxaa dilay dad dibadbaxyo dhigayay oo ku baaqayay inuu xilka ka dego, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaas.
Issiaka Tounkara oo ahaa madaxii booliska ayaa geeriyooday markii dad careysnaa ay dab qabadsiiyeen saldhiggii booliska ee degmada Niono.
"Koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday saldhigga booliska, waxay weerareen shaqaalihii goobta" ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay militariga dalkaas.
Booliskiii ku sugnaa saldhigga ayaa isaga cararay halkaas kaddib markii ay rasaas digniin ah ku fureen dadkii careysnaa, balse waxay ku guuldareysteen inay iska caabiyaan.
Waxaana rabshadaha ku dhintay mid kamid ah dibadbaxyaasha.
Dadka waxay ka careysnaayeen taliyaha booliska oo gobol kale oo laga soo baddalay, sida ay ku warrantay warbaahinta MaliJet news.
Qaar kamid ah dadka deegaanka waxay taliyahan la dilay ku eedeeyeen inuu xiriir lala lahaa koox burcad ah, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.