You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Doorashadii UK oo lagu kala baxay xilli Xisbiga Shaqaaluhu ku guulaystay badi codkii

.

Kooban

  • Madaxweynaha Kenya oo dibadbaxayaasha ku ballansaday X Spaces
  • Rag hubeysan oo arday ku afduubtay Itoobiya
  • Rishi Sunak oo iska casilay xilka raysal wasaaraha UK
  • Xisbullah oo weerar aargoosi ah ku qaadday Israa'iil kadib dilkii taliyaheeda sare
  • Ku dhowaad 100 meydadka muhaajiriin laga soo saaray Badweynta Atlaantikada
  • Goorma ayuu bannaynayaa kursiga Raysalwasaarihii hore ka cusubna iman doonaa?
  • Maxaa helay xisbigii hayey tallada UK ee Conservativeka oo si daran loo diray
  • Ninkii hore u hoggaamin jriey xisbiga shaqaalaha oo isla xisbigiisii ku garaacay doorashada UK
  • Doorashadii UK oo lagu kala baxay iyo Xisbigii oommanaa 14 sano oo guulaystay

Tebin toos ah

  1. Xilliga ay qabsoomeyso doorashada Jubaland oo la shaaciyay

    Iyadoo dhowaan baarlamaanka Jubaland ay u codeeyeen wax ka beddelka qodobbo ka mid ah dastuurka, ayaa waxaa soo baxayay hubanti la'aan ku aaddan xilliga ay qabsoomeyso doorashada madxatinnimada maamul-goboleedkaas.

    Wax ka beddelka dastuurka ayay mucaaradka Jubaland kasoo horjeesteen, iyagoo walaac ka qaba inay taas horseedeyso muddo kororsi.

    Siyaasiyiinta maamul-goboleedkaas oo qaar ka mid ah ay yihiin musharraxiinta madaxtinnimada ayaa dalbanayay in la shaaciyo xilliga rasmiga ah ee ay doorashadu dhacayso.

    Wasiir ku xigeen wasaaradda caddaaladda iyo Dastuurka Jubaland Bishaar Aadan oo ka qeyb galayay barnaamijka Doodda Jimcaha ee BBC ayaa sheegay in bisha Novemebr ee nagu soo aaddan ay dhici doonto doorashada.

    Mucaaradka ayaa dood ka qaba in muddo-xileedka baarlamaanka Jubaland oo sanad loogu daray uu ku ek yahay bisha August. Waxayna walaac ka qabaan in doorashada ay ku dhici karto waqtigaas, maaddaama sida ay sheegayaan aysan waxba diyaarsaneyn.

  2. Madaxweynaha Kenya oo dibadbaxayaasha ku ballansaday X Spaces

    Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa lagu wadaa inuu kulan barta internet-ka oo taariikhi ah dibadbaxayaasha kula yeesho baraha bulshada ee X Spaces, si uu wada-hadal ula yeesho.

    Gabadhiisa Charlene Ruto oo 31 jir ah ayaa ku tilmaantay “madaxweynihii ugu horreeyay adduunka ee kulan internet-ka kula yeesho dhammaan Gen Z”.

    Waa eray-bixin loo adeegsado da'yarta ka dambeysa dibadbaxyada ruxay oo saameeyay madaxtinnimada aabbaheed.

    Dibadbaxayaasha ka soo horjeeda hindise-sharciyeedkiisa maaliyadda ayaa isku abaabulay X Spaces, oo ah bar dadka adeegsada u oggolaaneysa inay wada sheekeysi maqal oo toos ah la yeeshaan dadka kale ee ku jira bartan hore loo oran jiray Twitter.

    Qaar ka mid ah dadka Kenyaanka ah ee isticmaala X ayaase wacad ku maray inaysan ka qeybgeli doonin kulanka madaxweynaha waxayna qorsheynayaan kulan dhinac ah oo looga hor imaanayo arrintaas.

    Waxay ku doodayaan in Mr Ruto uu ka war qabo dalabaadkooda.

  3. Rag hubeysan oo arday ku afduubtay Itoobiya

    Wararka ka imaanaya Itoobiya ayaa sheegaya in dhowr arday jaamacadeed ay rag hubeysan ku afduubteen gobolka Oromia ee rabshaduhu ay ka socdaan.

    Ciidamada ayaa gobolka kula dagaallamayay gobolka.

    Ardayda ayaa kasoo laabanayay kulliyadahooda gobolka Amhara ee waqooyiga Itoobiya iyagoo kusii jeeday caasimadda Addis Ababa halkaasoo ay rag hubeysan ku istaajiyeen. Maamulka ayaan ka hadlin arrintan.

    Sida ay sheegeen ardayda kasoo baxsatay ragga hubeysan, in ka badan 100 qof ayaa la afduubtay.

    Mid ka mid ah dadka walaashiis la afduubtay ayaa BBC u sheegay in ragga hubeysan ay dalbadeen kumannaan kun oo doollar si ay usii daayaan.

    Jaamacadda ardaydan ayaa sheegtay inay heshay warka afduubka, balse wax faahfaahin ah kama aysan bixin.

    Afduubka madax-furasho lagu dalbado ayaa kusoo kordhayay Itoobiya. Horraantii sanadkan 20 shaqaale ayaa lagala baxay warshad sibirka sameysa oo uu leeyahay ninka ugu qanisan Afrika, Aliko Dangote. Goor dambe ayaa la sii daayay, balse qaabka lagu sii daayay ayaan weli caddeyn.

  4. Rishi Sunak oo iska casilay xilka raysal wasaaraha UK

    Aqalka Buckingham Palace ayaa xaqiijiyay iscasilaadda Rishi Sunak ee xilka raysal wasaaraha dalka UK.

    Xoogaa kahor ayaa la arkayay Sunak oo ka sii baxaya Buckingham Palace.

    Haatan aqalka ayaa xaqiijiyay in is casilaadda Sunak uu aqbalay Boqorka.

    War uu soo saaray aqalka ayaa lagu yiri: "Xildhibaanka sharafta leh Rishi Sunak MP wuxuu la hadlay Boqorka subaxdaan wuxuuna gudbiyay iscasilaaddiisa raysal wasaarenimo, taasoo boqorku aqbalay."

  5. Xisbullah oo weerar aargoosi ah ku qaadday Israa'iil kadib dilkii taliyaheeda sare

    Kooxda Xisbullaah ee dalka Lubnaan ayaa in ka badan 200 oo gantaal iyo weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn loo adeegsaday ku qaadday waqooyiga Israa'iil, iyadoo ka jawaabeysa dilka mid ka mid ah taliyeyaasheeda ugu sarreeya.

    Milatariga Israa'iil ayaa sheegay in mid ka mid ah saraakiishiisa lagu dilay weerarkan, oo ku billowday tiro gantaallo ah.

    Milatariga ayaa sidoo kale sheegay inay beegsadeen saldhigyada Xisbullah ee koofurta Lubnaan, iyagoo ka jawaabayay weerarkooda.

    Taliyihii Xisbullah ayaa lagu dilay duqeymo cirka ah oo ay Israa'iil ka geysatay magaalada koofurta Lubnaan ku taalla ee Tyre.

    Mohammed Nimah Nasser, wuxuu ka mid ah saraakiisha ugu sarreeya ee kooxda ee lagu dilo dagaalka.

  6. If iyo Aakhiro: Sidee ayey dowladdii Siyaad Barre u maareysay dhulkii qabuuraha ee Xamar Bile?

  7. Ku dhowaad 100 meydadka muhaajiriin laga soo saaray Badweynta Atlaantikada

    Ilaalada xeebaha Mauritania ayaa Isniintii ilaa 89 meydadka muhaajiriin kasoo saaray doon ay saarnaayeen oo ku qallibantay Badweynta Atlaantikada.

    Sagaal qof - oo ay ku jirto gabar shan jir ah - ayaa lasoo badbaadiyay, balse dhowr kale ayaa maqan.

    Dadka badbaaday ayaa sheegay in doonta - oo ahayd mid kalluumeysi - ay toddobaadkii hore kasoo shiraacatay xadka Senegal iyo Gambia iyadoo ay saarnaayeen ilaa 170 qof. Waxay ku quustay xeebta koofur-galbeed ee Mauritania.

    Mauritania ayaa marin muhiim ah u ah tahriibayaasha isku dayaya inay gaaraan Yurub kana imaanaya Galbeedka Afrika, iyadoo kumannaan kun oo doomood ay sanadkii hore ka tageen dalkaas.

    Meesha ugu badan ee ay hiigsadaan muhaajiirintan ayaa ah Jasiiradaha Canary ee Spain.

    Dowladda Spain ayaa sheegtay in ku dhowaad 40,000 oo qof ay sanadkii hore tageen halkaas - waana labalaabka tiradii sanadkii ka horreeyay.

  8. Goorma ayuu bannaynayaa kursiga Raysalwasaarihii hore ka cusubna iman doonaa?

    Rishi Sunak ayaa la filayaa inuu ka tago Aqalka looga taliyo uk ee No 10 10 markii la gaadho 10:30 BST oo u dhigan Bariga Afrika 12:30.

    Waxa uu booqan doonaa in uu isku casilo Boqorka hortiisa ee Buckingham Palace, oo ay ku xigto Keir Starmer oo u imanaya isaguna boqorka si loo magacaabo.

    Ra'iisul Wasaaraha cusub Starmer ayaa la filayaa inuu No10 yimaaddo ku dhawaad ​​12:20 BST oo u diganta Bariga Afrika 2:20 pm.

  9. Maxaa helay xisbigii hayey tallada UK ee Conservativeka oo si daran loo diray

    Xisbiga Konserfatifka, ayaa wejahay mid ka mid ah guuldarrooyinkii ugu xanuun badnaa ee ka raaco doorasho ka dhacday UK muddooyinkii danbe.

    Xisbigan oo xukumayey dalkaas 14-kii sano ee la soo dhaafay ayaa la kulmay hoos u dhicii ugu ballaadhnaa ee baarlamaanka isaga oo lumiyey wax ka badan labo boqol oo kursi.

    Xisbiga midigta ee Conservative-ka, ayaa xilka qabtay sanadkii 2010-kii markaas oo Raysal wasaare uu noqday David Cameroon balse xilka ka tagay sanadkii 2016-kii, ka bixitaankii UK ee Midowga Yurub owgeed.

    Tan iyo markaas xisbiga ayaa wajahay xaallado saldhigad la’aan ah oo siddeed sano gudaheed waxa isku beddeley aqalka Down street 10 ilaa shan Ra’iisul wasaare oo kala ahaa Tressa May, Boris Johnson, Liz Truss iyo Rishi Sunak.

    Dhaqaalaha liicay, tamarta oo qaali noqotay, maarayn la’aanta caafimaadka iyo xasaraddaha cunnada ayaa qayb ka ahaa waxyaabihii ugu weynaa ee ay dadka UK kaga horyimaadeen inay kalsooni ay xafiiska ku sii joogaan siiyaan sida ay falanqeeyaashada tilmaameen

  10. Waa kuma Sir Keir Starmer, ninka noqonaya Ra'iisul Wasaarah cusub ee UK

    Wuxuu beddeley siyaasigii garabka bidix Jeremy Corbyn oo ahaa hogaamiyaha xisbiga Labour afar sano ka hor, wuxuuna ka shaqeeyay inuu xisbiga ku soo celiyo garabka dhexe, si uu uga dhigo mid la dooran karo.

    Halkan hoose ka akhri faahfaahinta warkan

  11. Ninkii hore u hoggaamin jriey xisbiga shaqaalaha oo isla xisbigiisii ku garaacay doorashada UK

    Subaxan saaka doorashada UK casharro iyo sheekooyin badan ayaa ka qormaya.

    Aqalka westminister ee Baaralamaanka dalkaas, waxaa ku wejajahan laba nin oo culculus.

    Waa Jeremy Corbyn, oo afartan sano xildhibaan ahaa oo mar kale soo laabtay, markan waxa uu kursigiisa ku soo garaacay, xisbigii uu hoggaaminayey doorashadii tan ka horraysay.

    Sir Keir Starmer, marka uu xilka qabto waxa ay is mudan doonaan saaxiibkiisii uu xilka kala wareegay oo aqalkaas fadhiya markan, kuraasta mucaaradka, ma aha kuwii Xisbiga Shaqaalaha ee muxaafadka.

    Ninka labaad waa ee ku aaddan aqalkaas Nigel Farage, oo xildhibaan noqonaya sided jeer oo isku deyey helitaanka kursigaas.

    Halka raggaa odoyaasha ah soo aqalka baarlamanaka iman doonaan, siyaasiyiin waaweyn oo Consertive-ka ayaa kuraastoodii waayaya.

  12. Doorashadii UK oo lagu kala baxay iyo Xisbigii oommanaa 14 sano oo guulaystay

    Xisbiga Labour-ka ayaa guul weyn ka gaadhayy doorashada guud ee dalka UK iyada oo la shaaciyey inuu ku guulaystay doorashadaas.

    Xisbiga Labourka oo uu hogaaminayo Sir Keir Starmer, ayaa helay codadkii ugu badnaa ee golaha Barlamaanka UK.

    Tirada ay heleen xisbiga shaqaalaha ayaa dhan 370 kursi oo ka mida kuraasta aqalka barlamaanka UK ee la yiraahdo House of Commons oo ka kooban 650 kursi.

    Tan ayaana ka dhigaysa in Ra’iisul wasaaraha cusub ee UK uu noqday Sir Keir Starmer.

    Xisbiga Conservative-ka ayaa helay 90 kursi taas oo ka dhigan in dhowr iyo tobban sano ka dib ay lumiyeen tiradii ay ku lahaayeen barlamaanka UK.

    Liberal Democrat, ayaa helay 51 kursi, xisbiga Scottish National Party ayaa helay isna 6 kursi.

    Waxaa kale oo jira tiro murashaxiin oo si madaxbannaan u tartamayey oo iyana guulaystay

    Xisbiga shaqaalaha oo muddo 14 sano bannaanka ka joogay hogaaminta UK ayaa hadda helay fursad ay ku hogaamiyaan dalka oo la daala dhacaya mushkilado tamartu ay ka mid tahay.

  13. Subax wanaagsan dhegeystayaal, waa maalin Jimce ah, ku soo dhawaada tebinta tooska ah.