You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Xabbad-joojinta Qasa oo dhaqan-gashay kadib markii ay Xamaas fulisay shuruudda Israa'iil

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee BBC Somali

Kooban

Tebin toos ah

Fatuma Maalim

  1. Waxa aan ka ognahay - iyo waxa aynaan ka ogeyn - maxaabiista Falastiiniyiinta

    Xamaas ayaa sheegtay inay Israa'iil ka sugeyso liiska 90 maxbuus oo Falastiini ah oo maanta lasii deyn doono iyadoo la dhaafsanayo la heystayaasha Israa'iil.

    Halkan waxaan idinkugu soo gudbineynaa wax walboo aan ka ognahay - iyo waxa aynaan ka ogeyn - maxaabiistaas:

    • Shalay, Masar - oo xabbad-joojinta dhexdhexaadiye ka ah - ayaa sheegtay in isku darka 1,890 Falastiiniyiin ah la sii deyn doono marxaladda lixda toddobaad ee ugu horreysa xabbad-joojinta
    • Wasaaradda caddaaladda Israa'iil ayaa sidoo kale shaacisay liiska 734 maxbuus oo ay sheegtay inay sii deyn doonto - waxaa la filayaa inay ka mid noqdaan 1,890-ka qof. Inta kale waxba kama ogin - waxay noqon karaan dad aan ku jirin hannaanka caddaaladda Israa'iil, tusaale ahaan dadka reer Qasa ee ay xirtay IDF
    • Waxaa jira faahfaahinno kale oo aynaan ogeyn, sida qaabka maxaabiista loo sii deyn doono iyo markiiba inta la sii deynayo, balse Falastiiniyiinta ayaa haatanba sii bilaabay inay isugu tagaan meelaha u dhow xabsiyada si ay warka u sugaan
    • Inkastoo aynaan ogeyn dhanka Israa'iil, Xamaas ayaa sheegtay in heshiiska xabbad-joojinta uu dhigayo in la heyste walba oo Israa'iili ah oo la sii daayo, 30 maxaabiis Falastiiniyiin ah sidoo kale lasii deyn doono
  2. Gawaaridii ugu horreeyay ee gargaar sida oo galay Qasa

    Gawaaridii ugu horreeyay ee xamuul ayaa la arkayay iyagoo galaya Qasa saakay, tan iyo intii ay dhaqan-gashay xabbad-joojinta.

    Hay'adda cunnada adduunka ee QM ayaa sheegtay in gawaarida ay Qasa ka galeen labo marin: Zikim oo dhanka waqooyi ah iyo Kerem Shalom oo koofurta ah. Gawaari kale oo gargaar sida ayaa iyaguna galay iyagoo maray dhanka Rafax.

    Qasa ayaa aad ugu tiirsan gargaar cunto. Toddobaadyadii lasoo dhaafay, keliya 40 gawaari siday gargaar ayaa galay, halka kahor dagaalkana, ilaa 500 oo gawaari gargaar sida ay maalintii tegi jireen. Heshiiska xabbad-joojinta ayaa dhigaya in ilaa 600 oo gawaari gargaar sida ay maalin walba tagaan Qasa.

  3. Xaalad jahwareer ah oo ka taagan Qudus iyadoo la filayo in lasoo daayo la heystayaasha

    Dareen isku dhafan ayaa ka jira Qudus xilli la filayo in lasoo daayo la heystayaasha.

    Xabbad-joojintii muddada dheer la sugayay ayaa ka dhaqan-gashay Qasa, balse gudaha Israa'iil waxaa heshiiska laga bixinayaa aragtiyo kala duwan.

    Iyagoo soo dhoweynaya fursadda ah in la heystayaasha Israa'iiliyiinta ah la sii deynayo, haddana dadka Qudus waxay walaac ka muujiyeen sii deynta maxaabiista Falastiiniyiinta iyo waxa sugaya mustaqbalka.

  4. Barakacayaasha reer Qasa oo dib ugu laabanaya guryahooda

    Kumannaan barakacayaal reer Qasa ah ayaa bilaabay inay guryahooda ku laabtaan saakay.

    Safaf dhaadheer dad ku jira ayaa la arkayay oo sita dhar iyo alaabo kale, iyadoo sidoo kale la arkayay kolonyo gawaari ah oo ay ka buuxaan dad sita calanka Falastiiniyiinta.

    Hoos ka daawo sawirrada:

  5. Wasiirkii amniga Israa'iil oo is casilay

    Xisbiga midig-fog ee Jewish Power ayaa ku dhawaaqay inuu isaga baxayo dowladda sababo la xiriira heshiiska xabbad-joojinta, taasoo Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu uga tageysa keliya tiro yar oo xubnaha baarlamaanka ee taageersan ah.

    Wasiirka amniga qaranka Itamar Ben-Gvir, iyo Yitzhak Wasserlauf iyo Amichai Eliyahu, ayaa is casilaaddooda gudbiyay saakay.

    Ben-Gvir ayaa muddo dheer kasoo horjeeday heshiiska xabbad-joojinta, wuxuuna Israa'iil ku riixayay inay sii waddo howlgalkeeda militari ee ka dhan ah Xamaasta ku sugan Qasa.

    Warqadda uu u qoray Netanyahu ee ku dhawaaqidda is casilaaddiisa, ayuu Ben-Gvir ku sheegay inuusan ka shaqeyn doonin rididda dowladda, balse wuxuu heshiiska xabbad-joojinta ugu yeeray "guul dhammeystiran oo usoo hoyatay argagixisada".

  6. Xamaas oo ugu dambeyn fulisay shuruudda Israa'iil iyo xabbad-joojinta oo goor dhow dhaqan-galeysa

    Dhexdhexaadiyeyaasha wada-hadallada xabbad-joojinta iyo warbaahinta Israa'iil ayaa sheegay in haatan la shaaciyay liiska la heystayaasa ay Xamaas sii deyn doonto.

    Israa'iil ayaa sheegtay in ilaa 33 qof oo ay heysatay Xamaas la sii deyn doono.

    Waxay qeyb ka yihiin wejiga ugu horreeya ee heshiiska xabbad=joointa waxaana ka mid ah kan ugu yar iyo kan ugu da'da weyn liiska dada ay Xamaas qafaasheen October 7.

    Xabbad-joojinta ayaa sidaa daraaddeed lagu wadaa inay goor dhow dhaqan-gasho.

  7. Israa'iil oo duqeysay Qasa xilli xabbad-joojinta lagu waday inay dhaqan-gasho

    Waxay u muuqataa in duqeynta Israa'iil ay kasii socoto Qasa, iyadoo sawirrada la arkayo ay muujinayaan qiiq kasoo baxaya waqooyiga Qasa.

    Goor sii horreysayna, militariga Israa'iil ayaa weriyeyaasha u sheegay in dagaalku sii socon doono inta ay Xamaas ku dheggan tahay heshiiska xabbad-joojinta welina aysan shaacin magacyada la heystayaasha ugu horreeya ee lasii deynayo.

    Ciidamada IDF ayaa sheegay inay sii wadayaan howlgalkooda Marinka Qasa.

    Heshiiska xabbad-joojinta ayaa lagu waday inuu dhaqan-galo saacad kahor, balse Israa'iil ayaa Xamaas ku eedeysay inay iyaga dib u dhigeen.

  8. TikTok oo hawada Mareykanka ka baxay saacado kahor inta aan la gaarin waqtiga

    TikTok ayaa hawada Mareykanka ka baxay, saacado kahor xilliga uu dhaqan-geli lahaa sharciga cusub ee lagu mamnuucayo.

    Farriin u muuqaneysa dadka isticmaala app-ka ee dalkaas ayaa sheegeysa in sharci mamnuucaya TikTok uu dhaqan-galay, taasoo micnaheedu yahay "inaadan hadda isticmaali karin TikTok".

    "Nasiib ayaan leennahay in Madaxweyne Trump uu muujiyay inuu inagala shaqeyn doono xal dib loogu soo celinayo TikTok marka uu xilka qabto," ayay farriintu intaa raacisa.

    Waxay imaaneysaa kadib markii bartan baraha bulshada ay ka digtay inay "mugdi geli doonto" Axadda ilaa maamulka madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Biden uu xaqiijiyo inaan la dhaqan-gelin mamnuucidda.

    Madaxweynaha la doortay Donald Trump ayaa sheegay inay u badan tahay inuu TikTok siiyo muddo 90 maalmood ah intaan la mamnuucin marka uu xilka qabto oo berri ah.

  9. Raysal wasaaraha Israa'iil oo sheegay in dib loo dhigay dhaqan-galka heshiiska xabbad-joojinta

    Raysal wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dhaqan-galka heshiiska xabbad-joojinta Qasa dib loo dhigay ilaa ay Xamaas kasoo bandhigeyso liiska dadka ay heystaan.

    War kasoo baxay xafiiskiisa ayuu ciidamada difaaca Israa'iil (IDF) ku amray inaysan bilaabin xabbad-joojinta, oo lagu waday inay dhaqan-gasho saakay abbaaro 8:30 waqtiga gudaha (06:30 GMT).

    Xamaas ayaa sheegtay in dib u dhaca ay sabab u yihiin "sababo farsamo".

    Hoggaamiyaha Israa'iil ayaa xalay ka digay in wejiga ugu horreeya ee heshiiska lagu joojinayo dagaalka Qasa uu ahaa “xabbad-joojin ku meel gaar ah”, isla markaana ay Israa'iil leedahay xaqa ah inay dagaalka dib u billowdo, iyadoo Mareykanku taageerayo, haddii la jebiyo.

  10. Labo garsooreyaal sare ka ahaa Iiraan oo lagu dhex toogtay gudaha maxkamadda ugu sarreysa

    Labo garsooreyaal sare ahaa oo Iiraan u dhashay ayaa lagu dhex toogtay gudaha maxkamadda ugu sarreysa dalkaas, sida ay warbaahinta dowladda ku warrantay.

    Barta internet-ka ee garsoorka, Mizan, ayaa shaacisay in garsooreyaasha Ali Razini iyo Mohammad Moghiseh la dilay kadib markii nin hubeysan uu maanta gudaha u galay maxkamadda, oo ku taalla caasimadda Iiraan ee Tehran.

    Kuwa weerarka soo qaaday ayaa la sheegay inay kadib is dileen xilli ay goobta ka baxsanayeen. Waardiye ayaa sidoo kale la sheegay inuu weerarka ku dhaawacmay.

    Ujeeddada ka dambeysa weerarka ma cadda, balse labada garsoore ayaa la sheegay inay door ka ciyaareen xukunka iyo dilka dadka kasoo horjeeday taliska Islaamiga ah laga soo bilaabo sanadihii 1980meeyadii iyo 1990meeyadii.

    Mid ka mid ah garsooreyaasha, Razini, ayaa isku day dil ka badbaaday sanadkii 1998.

    Midka kale, Moghiseh, Mareykanka ayaa cunaqabateyn kusoo rogay sanadkii 2019.

    Wuxuu sidoo kale ka mid ahaa toddoba garsoore Iiraaniyiin ah oo Canada ay cunaqabateyn kusoo rogtay sanadkii 2023 sababo la xiriira waxa uu dalkaas ugu yeeray doorkooda tacaddiga xuquuqda aadanaha.

  11. Xuutiyiinta Yemen oo ka hadlay gantaalkii ay ku weerareen Israa'iil

    Xuutiyiinta Yemen ayaa la sheegay inay sheegeen inay ka dambeeyaan weerarkii gantaal ee lagu qaaday bartamaha Israa'iil goor sii horreysay maanta.

    Kooxdan ay Iiraan taageerto ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay ku sheegayaan inay beegsadeen wasaaradda difaaca dalkaas, sida ay tebisay wakaaladda wararka ee AFP.

    Wasaaradda difaaca ayaa ku taalla Talaabiib, halkaasoo maanta laga maqlay dhawaqa qalabka ka hortaga gantaallada.

    Militariga Israa'iil ayaa sheegay inay ka hortageen gantaalka, isla markaana aysan jirin cid ku dhaawacantay.

  12. Garabka Al-Quds oo digniin u diray Israa'iil

    Al-Quds, oo ah garabka hubeysan ee kooxda Islamic Jihad, oo ka qeyb qaadatay weerarkii 7 October, ayaa Israa'iil uga digay inay geystaan duqeymo kale oo cirka ah kahor xabbad-joojinta Qasa.

    Duqeymaha cirka ayaa ka sii socday halkaas, iyadoo 122 qof loo maleynayo in la dilay tan iyo intii lagu dhawaaqay.

    Kooxda al-Quds Brigades ayaa sheegtay in duqeynta oo sii socota ay sababi doonto in la heystayaal badan la dilo, iyo in qoyska la heystayaasha ay tahay inay Israa'iil u sheegaan inay joojiso duqeymaha si looga fogaado dhimasho kale.

    Kooxda Islamic Jihad ee Falastiiniyiinta waa garabka hubeysan ee ugu weyn Qasa.

  13. Faahfaahin kasoo baxaysa sida Israa'iil iyo Xamaas u maamuli doonaan Qasa inta xabbad-joojintu socoto

    Sarkaal sare oo Falastiini ah oo ku lug lahaa wada-xaajoodyada Dooxa ayaa sheegay in la sameeyay baratakool ammaan oo aan weli lagu dhawaaqin.

    Baratakoolkan wuxuu qabaa in Israa'iil ay booliiska Xamaas u oggolaan doonto inay ku howl-galaan dharkooda rasmiga ah ee buluugga ah inta ay joogaan aagagga la calaameeyay ee Marinka Qasa ka tirsan, marka ay dhaqan-gasho xabbad-joojinta.

    Sida uu sarkaalku sheegay, booliiska Xamaas ayaa xakameyn doona dhaqdhaqaaqa shakhsiyaadka barakacay ee ka imaanaya koofurta Qasa ee u socda waqooyiga iyagoo isla mar ahaantaana ka fogaanaya u dhowaanshaha ciidamada Israa'iil, oo sii joogi doona xudduudaha bari iyo waqooyi ee marinka.

    Waxaa intaa dheer oo la isku raacay in booliiska Xamaas aysan qaadan doonin hub marka laga reebo xilliga ay lagama maarmaanka tahay, iyadoo Qadar iyo Masarna ay labada dhinac dhexdhexaadinayaan oo ka dhaadhicinayaan inay ka hortagaan isku dhacdo walba oo imaan kara.

  14. Maxay reer Somaliland u jeclaadeen Trump?

    Dad badan oo reer Somaliland ah ayaa rumaysan in Maraykanka, marka uu muddo xileedkiisa cusub la wareego Donald Trump, uu noqon doono dalkii u horreeyey ee u aqoonsada dal ahaan Somaliland.

    Somaliland ayaa ku dhawaaqay madaxbannaanideeda 33 sano ka hor ka dib markii Soomaaliya ay ku burburtay dagaal sokeeye – tan iyo markaasna, siyaabo badan, waxa ay ahaayeen sidii waddan madax-bannaan

    "Donald waa badbaadiyahayaga. Waa nin caqli badan oo la isku hallayn karo. Ilaahay ha barakeeyo Mareykanka," ayay tidhi Caasha Ismaaciil oo ah ardayad jaamacadeed, aadna u faraxsanayd markii ay ka warramaysay waxa ay naawilayaan.

    Waxay igala hadlaysaa iyada oo ku sugan Hargeysa, caasimadda Somaliland – magaalo u jirta 850 kiilomitir (530 mayl) waqooyina ka xigta Muqdisho, oo ah xarunta dowladda Soomaaliya.

  15. Israa'iil oo xaqiijisay waqtiga ay bilaabaneyso xabbad-joojinta

    Ciidamada Israa'iil ayaa haatan xaqiijiyay xilliga ay bilaabaneyso xabbad-joojinta - iyagoo sheegay inay bilaaban doonto 08:30 waqtiga gudaha (06:30 GMT) berri oo Axad ah.

    Sidoo kale dowladda Qadar ayaa goor sii horreysay ku dhawaaqday xilliga ay bilaabaneyso.

    IDF ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay isu diyaarinayaan qaabilidda la heystayaasha kadib marka ay Xamaas sii deyso.

    Waxay sheegtay in ciidamada hubeysan ay sii wadi doonaan howlgalka lagu hubinayo ammaanta Israa'iiliyiinta ku sugan aagagga Marinka Qasa.

  16. Israa'iil oo ka hortagtay gantaal laga soo ganay Yemen

    Waxaa nasoo gaaray warar sheegaya in dhawaq laga maqlayay qeybo ka mid ah Israa'iil kaasoo jawaab u ahaa waxa ay militariga Israa'iil ku sheegeen inuu ahaa gantaal ay Yemen kusoo ridday dalka.

    Dhawaqa ayaa laga maqlay bartamaha Israa'iil iyo Qudus, sida ay sheegeen xoogagga Israa'iil ee IDF.

    Militariga ayaa sidoo kale sheegay inay ka hortageen gantaalka laga soo ganay Yemen.

  17. Muxuu xambaarsan yahay heshiiska xabbad-joojinta?

    Wuxuu maraa ilaa saddex marxalad. Wejiga lixda toddobaad ee ugu horreeya heshiiska waxaa ilaa 33 la heystayaal ah - oo ay ku jiraan haween, carruur iyo dad da' ah - la dhaafsan doonaa maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ku jira xabsiyada Israa'iil.

    Ciidamada Israa'iil ayaa u wareegi doono dhanka bari iyagoo isaga baxaya aagagga aadka loo deggan yahay ee Qasa, Falastiiniyiinta barakacay ayaa loo oggolaan doonaa inay guryahooda dib ugu soo laabtaan iyadoo boqollaal gawaarida xamuulka oo sida gargaar loo fasixi doono inay halkaasi gaaraan maalin walba.

    Wada-xaajoodyada wejiga labaad - oo la heystayaasha haray lagu sii deyn doono, waxaa sidoo kale ku jira in ciidamada Israa'iil ay si buuxda isaga baxaan aaggaas iyadoo "xasilooni la isu halleyn karo" - ay deegaanka dib ugu soo laaban doonto maalinta 16aad.

    Wejiga saddexaad ahna marxaladda ugu dambeysa waxaa ku jira soo celinta meydadka la heystayaasha wixii haray iyo dib u dhisidda Qasa - oo ah wax sanado qaadan kara.

    Balse waxaa jira su'aalo aan laga jawaabin - waxaana ka mid ah la heystayaashee nool kuweese dhintay, amaba haddii ay Xamaas ogtahay halkan ku dambeeyaan dhammaanba kuwa aan xisaabta lagu darin.

  18. Maxaa xiga heshiiska xabbad-joojinta Qasa?

    Dowladda Israa'iil ayaa ansixisay heshiiska xabbad-joojinta cusub ee Gaza iyo sii-daynta maxaabiista ee lala galay Hamas, taas oo u gogol-xaadhaysa in uu dhaqan galo Axadda.

    Go'aankan ayaa yimid kadib wadaxaajoodyo socday saacado badan oo gaadhay illaa maalintii danbe fiidkii dambe. Labo wasiir oo ka tirsan xukuumadda midigta fog ayaa ka soo horjeestay heshiiskan.

    Heshiiska ayaa la filayaa inuu dhaqan-galo berri, waxaana loo kala qeybiyay ilaa saddex marxaladood, Xamaas ayaana looga fadhiyaa inay sii deyso 33 ay ka qafaalatay Israa'iil iyadoo ku beddelaneysa sii deynta maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ku jira xabsiyada Israa'iil.

    Qadar - oo ka mid ah dhexdhexaadiyeyaasha ugu weyn heshiiska wada-hadallada - ayaa sheegtay in dadka Israa'iil laga qafaashay ee lagu sii deyn doona wejiga ugu horreeya ay ku jiri doonaan "haween rayid ah, saraakiil haween ah, carruur, dad da' ah, iyo rayid xanuunsan oo dhaawac ah.

    Xalayna, wasiirka caddaaladda Israa'iil ayaa soo jeediyay in ilaa 737 maxbuus - oo isugu jira rag, dumar iyo carruur - lasii deyn karo.