You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Maxaa dhacaya caawa Koobka Adduunka 2026?

Taariikhda kulamadii ay wada ciyaareen labada dal ee Spain iyo Argentina ayaa muujinaya in ay yihiin labo dal oo isu dhigma.

Kooban

  • Ciidanka Kuwait: Waxaan ka hortageynaa mowjadda weerarrada Iiraan ah.
  • Taliyaha xarunta dhexe ee Khatam al-Anbiya ee Iiraan oo hanjabaad u diray Maraykanka
  • Masuuliyiin iyo warbaahinta Iiraan oo war ka soo saaray weeraradii cusbaa ee Maraykanka ka geystay Iiraan
  • Dhul-gariir ayaa ruxay Saland oo ka tirsan Gobolka Khuzestan ee dalka Iran

Tebin toos ah

  1. 14 kulan oo dhex maray Spain iyo Argentina, Yaa gacan sareeya?

    Taariikhda kulamadii ay wada ciyaareen labada dal ee Spain iyo Argentina ayaa muujinaya in ay yihiin labo dal oo isu dhigma.

    Waxay iska horyimaadeen 14 kulan, iyadoo Spain ay badisay 6 kulan, Argentina-na ay badisay 6 kulan, halka 2 kulan ay barbaro ku dhammaadeen.

    Marka la eego Koobka Adduunka, labada xul waxay is arkeen hal mar oo kaliya. Waxay isku arkeen kulan ka dhacay wareegga guruubyada ee Koobkii Adduunka 1966-dii ee lagu qabtay Ingiriiska. Magaalada Birmingham ayey ku dheeleen taariikhdu markii ay ahayd 13-kii Luulyo 1966-dii. Kulankaas waxaa Argentina ku badisay 2–1.

    Sii akhri

  2. Sidee ayey u dhaceysaa xafladda xiritaanka Koobka Adduunka 2026?

    Koobka adduunka waxaa sanadkan markii ugu horeysay ka qeybgalay 48 dal, wuxuuna socday shan toddobaad. Waxaa la ciyaaray sanadkan 105 kulan oo lagu kala qabtay saddex dal oo kala ah Mexico, Mareykanka iyo Canada. Ugu dambeyn FIFA ayaa caawa siin doonta koobka xulka guuleysta

    Garoonka caawa waxaa joogaya 8-kun oo daawadayaal ah iyadoo caalamka oo dhan ay kala socon doonaan bilaayiin. Waxaa la qaban doonaa xafladda xiritaanka. Sidoo kale waxaa ka qeybgalaya ciyaarta caawa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

    Sidoo kale waxaa ka qayb geli doona tartanka fanaaniinta kala ah Robbie Williams, Laura Pausini iyo Nicole Scherzinger oo qaadaysa heesta rasmiga ah ee tartanka ee "Desire."

    Sii akhri

  3. Caawa waxaa soo gabagaboobaya tartankii Koobka Adduunka ee ugu dheeraa taariikhda.

    Ka dib shan toddobaad oo tartan ah iyo 104 kulan oo lagu qabtay saddex waddan (Mexico, Mareykanka iyo Kanada), isla markaana markii ugu horreysay kulmisay 48 kooxood, Koobka Adduunka ee FIFA ayaa ugu dambeyn shaacin doona kooxda ku guuleysata.

    Kooxda Argentina ee uu hoggaamiyo Lionel Messi ayaa hiigsanaysa inay noqoto kooxdii ugu horreysay ee ku guuleysata laba koob oo isku xiga tan iyo markii Brazil ay sidaas samaysay sannadkii 1962-kii, taas oo tirada guulahooda ka dhigi doonta afar; halka Spain, oo ay ku jiraan xiddigooda da'da yar ee Lamine Yamal, ay doonayaan inay qaadaan koobkoodii labaad ka dib guushoodii ugu horreysay ee Koobkii Adduunka ee 2010-kii lagu qabtay Koonfur Afrika.

    Kani wuxuu noqon doonaa kulanka kaliya ee tartanka oo uu ka soo qayb-geli doono Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

    Barnaamijka madadaalada ee la shaaciyay ayaa u qalma Koob Adduun oo heer sare ah: laga soo bilaabo Tom Cruise ilaa Madonna, iyadoo ay ka mid yihiin Justin Bieber, Shakira iyo BTS, garoonka MetLife Stadium ee u dhow New York — kaas oo qaada 80,000 oo daawade — ayaa isu beddeli doona goob heer sare ah ka hor iyo inta lagu guda jiro ciyaarta, taas oo bilaaban doonta saacadda 3-da galabnimo ee waqtiga maxalliga ah (7-da fiidnimo ee waqtiga GMT).

  4. Ciidanka Israa'iil: Waxaan aragnay gantaallo ay Iiraan ku ridday dekedda Aqaba ee dalka Urdun.

    Ciidamada Israa'iil ayaa sheegay inay arkeen gantaallo laga soo riday Iran oo ku socda dhanka dekedda Aqaba ee dalka Urdun.

    Horay, afhayeen u hadlay dowladda Urdun ayaa beeniyay warka ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee sheegayay in dadka laga daad-gureynayay garoonka diyaaradaha iyo dekedda Aqaba sababo la xiriira khatar soo wajahday.

    Ciidamada Israa'iil ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay inay "dhawaan ogaadeen gantaallo laga soo riday Iran oo ku socda magaalada Aqaba ee dalka Urdun, taas oo ku taal meel u dhow xuduudda Israa'iil."

    Ciidamada Israa'iil ayaa sidoo kale uga digay arrintan iyagoo leh: "Waxaa jirta suurtagalnimo ah in rasaastaas awgeed, (colaaddu) ay ku faafto dhulka Israa'iil."

  5. Iran oo ku eedeysay Maraykanka in ay weerartay xarun nukleer oo la dhisayo

    Hay'adda Tamarta Nukliyeerka ee Iran ayaa cambaaraysay weerar ay Maraykanku ku qaadeen xarunta tamarta nukliyeerka ee laga dhisayo Darkhovin.

    Bayaanka hay'adda ayaa lagu sheegay in Maraykanku, isagoo ku kacaya fal "ka hor imanaya sharciga caalamiga ah," uu weerar ku qaaday goobta laga dhisayo xarunta tamarta ee Darkhovin, isagoo adeegsanaya dhowr gantaal, maalintii Axadda, abaaro 3:39-kii subaxnimo (waqtiga maxalliga ah).

    Hay'adda Tamarta Nukliyeerka ee Iran ayaa ku dhawaaqday bilowga mashruuca dhismaha xarunta tamarta nukliyeerka ee Karun ee ku taal Darkhovin bishii Disembar ee sannadkii 2022-kii.

    Waqtigaas, Hay'adda Tamarta Nukliyeerka ee Iran waxay sheegtay: "Xarunta tamarta nukliyeerka ee Karun, oo ah nooca biyaha fudud ee cadaadiska sare leh (pressurized light water type) isla markaana leh awood ay ku soo saarto 300 oo megawatt oo koronto ah, ayaa laga dhisi doonaa dhul baaxaddiisu dhan tahay qiyaastii 50 hektar oo ku teedsan Webiga Karun, una dhow magaalada Darkhovin—oo ka tirsan Degmada Shadegan ee Gobolka Khuzestan."

  6. Baxrayn oo sheegtay in ay ka hortagtay weeraro kaga yimid Iran

    Ciidamada Baxreyn ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in ay ka hortageen gantaalada iyo weerarada Drones-ka Iran.

    Bayaanka ayaa lagu yiri: "Nidaamyada difaaca cirka ee ciidamada Difaaca Bahrain, oo leh go'aan adag iyo diyaargarowga dagaalka sare, waxay qabteen oo burburiyeen dhowr weerar oo khiyaano ah oo Iran kaga yimid Axaddii."

    "In si ula kac ah loo isticmaalo gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu bartilmaameedsado dadka rayidka ah iyo hantida gaarka ah waa xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee bini'aadantinimada."

    Milateriga Baxrayn ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqay in ay taxaddar muujiyaan, kana fogaadaan in ay u dhawaadaan shay kasta oo aan la garanayn ama laga shakisan yahay oo ah haraadiga gardarada arxan darada ah ee Iran, ayna si degdeg ah u soo sheegaan.

  7. Dhul-gariir ayaa ruxay Saland oo ka tirsan Gobolka Khuzestan ee dalka Iran

    Dhulgariir cabbirkiisu yahay 4 ayaa saaka ruxay Salend oo ka tirsan Gobolka Khuzestan.

    Warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in dhulgariirku uu dhacay saacadda marka ay ahayd 7:56-kii subaxnimo ee waqtiga maxalliga ah, isagoo ka dhacay qoto dhan 8 kiiloomitir.

    Laba saacadood ka hor, dhulgariir kale oo cabbirkiisu ahaa 5.0 ayaa isna ruxay Saland.

  8. Israa'iil oo ku dhawaaqday in Marinka Gaza uu yahay "aag xiranin".

    Ciidanka Israa’iil ayaa aagga Marinka Qaza ku dhawaaqay in uu yahay “aag ciidan oo xiran oo xaddidan” laga bilaabo 8-da subaxnimo ee wakhtiga maxaliga ah ee maanta ilaa 8-da subaxnimo ee berri oo Isniin ah.

    Wargeyska Times of Israel ayaa sheegay in go’aankan la qaatay ka hor isu soo bax ay sameeyeen kooxda garabka midig ee deegmaystay aagga ee Nahala.

    Kooxdan xagjirka ah ee Israa’iil ayaa taageersan dib u soo noolaynta deegaamaynta Israa’iil ee gudaha marinka Qaza.

    Sida laga soo xigtay The Times of Israel, aagga xiran "wuxuu ka kooban yahay dhammaan aagagga marinnada Gaza, laga bilaabo Yad Mordechai ee waqooyiga Marinka ilaa Waddada 232 ee bariga iyo Kerem Shalom ee dhinaca koonfureed."

    Warbixintu waxay sidoo kale ka soo xigatay ilo milateri oo sheegaya in amarka lagu xiray aagga ee la soo saaray ay sabab u tahay "dadka la dejinayo oo doonaya inay si sharci darro ah ku galaan marinka Gaza."

  9. Ciidanka Kuwait: Waxaan ka hortageynaa mowjadda weerarrada Iiraan ah.

    Milateriga Kuwait ayaa sheegay in ay ka hortagayaan mowjado duqeymo ah oo ay fuliyeen diyaaradaha Iran.

    Militariga Iran ayaa horay u sheegay in weeraro ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay la beegsadeen saldhigyada Mareykanka ee Kuwait.

    Ciidamada Kuwait ayaa bayaankooda ku sheegay inay wajahayaan "gardarrada Iran" iyo in "nidaamyada difaaca cirka ay hadda ka hortagayaan gantaalada cadowga iyo weerarada Drones ka."

    Wakaalada wararka ee AFP ayaa sidoo kale sheegtay in seeriga digniinta ah laga maqlayo Kuwait.

    Weerarkii lagu qaaday xarumaha la xiriira biyo nadiifinta, Korontada, iyo xarumaha saliida ee Kuwait ayaa la kulmay jawaab ka timid wadamada Carabta ee Gacanka Faaris.

    Tusaale ahaan golaha iskaashiga khaliijka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in “Weerarada Iran ay ku qaadayso bartilmaameedyada rayidka ee wadamada dariska ah ay ka dhigan yihiin dambi dagaal”.

  10. Taliyaha xarunta dhexe ee Khatam al-Anbiya ee Iiraan oo hanjabaad u diray Maraykanka

    Cali Cabdullaahi, oo ah taliyaha xarunta dhexe ee Khatam al-Anbiya, ayaa fariin uu diray ku sheegay in weerar kasta ama waxa uu ku tilmaamay "falal gardarro ah" ay ciidamada qalabka sida ee Iiraan uga jawaabi doonaan si adag oo go'aan leh. Wuxuu Maraykanka ugu hanjabay “jawaab burburin doonta”

    Wuxuu sheegay in jawaabta Iiraan ay Maraykanka ku soo rogi doonto khasaare ka culus kuwii ka dhashay waxa uu ku tilmaamay "dagaalladii labaad iyo saddexaad ee lagu soo qaaday."

    Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay midnimada ciidamada qalabka sida, shacabka, iyo mas'uuliyiinta Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, isagoo tixraacaya farriin qoraal ah oo loo nisbeeyay Mojtaba Khamenei.

  11. Masuuliyiin iyo warbaahinta Iiraan oo war ka soo saaray weeraradii cusbaa ee Maraykanka ka geystay Iiraan

    Mas'uuliyiinta maxalliga ah iyo warbaahinta Iiraan ayaa sheegay in Maraykanku uu qaaday weerarro cusub oo lagu beegsaday goobo ku yaalla gobollada Khuzestan iyo Hormozgan.

    Ku-xigeenka mas'uulka amniga ee xafiiska guddoomiyaha gobolka Khuzestan ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ay saacaddu markay ahayd 5:55 subaxnimo gantaallo ku garaaceen goob ku dhow magaalada Shadegan. Wuxuu sheegay in ciidamada hawlgalka ay ku sugan yihiin goobta, isla markaana faahfaahinta khasaaraha la shaacin doono mar dambe.

    Sidoo kale, Wakaaladda Wararka Tasnim ayaa sheegtay in qiyaastii 6:10 subaxnimo, diyaaradaha dagaalka ee Maraykanku ay mar kale duqeeyeen goobo ku yaalla Jasiiradda Qeshm, halkaas oo laga maqlay ugu yaraan laba qarax.

    Sida ay wakaaladdu sheegtay, baaritaan ayaa weli socda si loo ogaado meelaha saxda ah ee la beegsaday iyo khasaaraha ka dhashay weerarrada. Tasnim waxay intaas ku dartay in saacadihii ka horreeyay weerarkan sidoo kale gantaallo dhowr ah lagu garaacay goobo kale oo ku yaalla Jasiiradda Qeshm.

    Saraakiisha Maraykanka ayaan weli wax faallo ah ka bixin wararkan, waxaana faahfaahinta weerarrada aan weli si madax-bannaan loo xaqiijin.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

    • Askar Maraykan oo lagu dilay Jordan mid la la'yahay iyo wararkii ugu dembeeyey ee xiisadda Beriga Dhexe
    • Bishmo oranji ah iyo waji madoow: Daanyeerka cusub ee laga helay Afrika ee aan wali horey loo arag
  12. Maraykanka oo weeraro ka fuliyey Iiraan iyo Imaaraadka oo baaq diray

    Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa sheegay inuu saacaddu markay ahayd 1:30 habeenimo Axadda, waqtiga Tehran, bilaabay wareeg cusub oo duqeymo cirka ah oo ka dhan ah Iiraan, isagoo fulinaya amar uu bixiyay Donald Trump.

    Wuxuu intaa raaciyey Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka in weerarradan militari ay leeyihiin laba ujeeddo oo waaweyn, kuwaas oo ujeeddada koowaad ay tahay:

    "In la sugo amniga isu-socodka maraakiibta caalamiga ah iyadoo sii wiiqaysa awoodda Iiraan ee ay ku hanjabi karto maraakiibta ganacsiga ee mara Marinka istaraatiijiga ah ee Hormuz."

    Wuxuu intaa ku daray in "Ujeeddada labaad ee jawaabta degdegga ah ee militariga waa in lagu ciqaabo Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC), taasoo jawaab u ah weerarradii ay xalay ku qaadeen xubno ka tirsan ciidamada Maraykanka ee ku sugan Jordan."

    Ciidanka Iiraan ayaa Axaddii ku dhawaaqay inay diyaarado aan duuliye lahayn (drones) ku beegsadeen laba saldhig oo militari oo Maraykanku ku leeyahay Kuwait, iyagoo sheegay in hawlgalkan uu yahay jawaab ka dhan ah weerarradii Maraykanku ku qaaday dhulka Iiraan.

    Sheekooyinka kale ee aad akhrin karto:

  13. Dad ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay Drone ay Isarel ku bartilmaameedsatay xaafadaha Zeitoun iyo Shujaaciya ee Gaza

    Xarunta Warbaahinta Falastiin ayaa Sabtidii sheegtay in diyaarad aan duuliye lahayn oo Israa'iil leedahay ay bartilmaameedsatay xerada ku taal Iskuulka Al-Zahraa ee xaafadda Shuja'iyya, oo ku taal bariga magaalada Gaza, iyadoo rasaas iyo duqeymo joogto ah ay ka dhacayeen qaybo kala duwan oo ka tirsan Marinka Gaza.

    Xaruntu waxay sheegtay in rasaas lagu furay bariga Magaalada Gaza, taasoo ugu yaraan hal qof ku dhaawacday xerada dugsiga Al-Zahraa ee xaafadda Shuja'iyya.

    Xaruntu waxay sidoo kale sheegtay in saddex muwaadin lagu dilay qaar kalena lagu dhaawacay weerar kale oo ka dhacay xaafadda Zeitoun, bariga Magaalada Gaza.

    Wasaaradda Caafimaadka ee Marinka Gaza ayaa Sabtidii ku dhawaaqday in 19 qof ay dhinteen 60 kalena ay dhaawacmeen, kuwaas oo gaaray isbitaallada Marinka intii uu socday weerarka 48 saacadood ee lasoo dhaafay.

    Saraakiisha caafimaadka ee Gaza ayaa ku warramay in duqeyn cirka ah ay Israa'iil Jimcihii ku dishay siddeed qof meel u dhow suuq ku yaal bartamaha Marinka Gaza, halka militariga Israa'iil ay ku dhawaaqeen inay bartilmaameedsadeen "unug argagixiso ah".

    Xamaas iyo Israa'iil ayaa is dhaafsaday eedeymo midba midka kale uu ujeedinayo oo ah inay jebiyeen xabad joojintii lagu dhawaaqay Oktoobar 2025, laba sano ka dib markii uu qarxay dagaalkii bilaabmay Oktoobar 2023.

    Israa'iil waxay sii waddaa duqeymaha cirka iyo madaafiicda ee joogtada ah ee ay ka geysanayso marinka Qaza, oo ay ku haysato in ka badan 60 boqolkiiba, taasoo keentay dhimasho, dhaawac, iyo burbur dheeraad ah, iyadoo ay jirto xaalad bani'aadamnimo oo daran.

  14. Maxay saxaafadda Ruushku ugu eedeynayaan Turkiga inay 'isku dayayaan inay maamulaan Badda Madow'?

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Tukiga Hakan Fidan ayaa 16-kii Luulyo sheegay in Turkiga uu "ogolaaday inuu hoggaamiyo ciidamada badda" marka la eego heshiiska suurtagalka ah ee Ruushka iyo Ukraine.

    Isagoo ka hadlayay kulan uu la yeeshay dhiggiisa Ukraine Andriy Sibykha oo ka dhacay Kyiv, Fidan wuxuu sheegay in mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee heshiiska nabadda ee suurtagalka ah uu yahay dammaanad qaadka amniga ee Ukraine.

    Wuxuu sheegay in harimahaasi ay ku jiraan dhulka, badda, iyo hawada.

    "Turkiga wuxuu ogolaaday inuu hoggaamiyo ciidamada badda, waana ku raacsanahay xulafadeenna arrintan. Qorsheynta shaqada arrintan waxaa sidoo kale wada ciidamada badda ee xulafada la ah," ayuu yiri.

    Mas'uuliyiinta Ruushku waxay qaateen qoddobo dib-u-heshiisiin ah oo ku saabsan hadal warkan.

    Afhayeenka Kremlin Dmitry Peskov ayaa ku sheegay hadal uu soo saaray 16-kii July in Ruushku uu uga mahadcelinayo Turkiga "diyaar u ahaanshaha" inay fududeeyaan xal nabadeed oo xaaladda Ukraine ah.

    Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee TASS oo xiriir la leh Kremlin, Safiirka Ruushka ee Ankara, Sergey Vershinin, ayaa sheegay 17-kii July in Ruushku "diyaar u yahay oo ay ka go'an tahay inuu sii wado oo uu horumariyo is-dhexgal wax dhisaya" oo uu la yeesho Turkiga iyo saaxibada kale ee gobolka, iyagoo ka wada hadlaya khilaafaadka Suuriya iyo Liibiya.

  15. Ukarine oo weerar ku qaaday Bakhaara si online looga adeegto oo Ruushka ah

    Siddeed qof ayaa ku dhintay 62 kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ay duqeeyeen laba bakhaar oo ay leedahay shirkadda ugu weyn ee online waxku iibisa ee Wildberries ee Ruushka, , sida ay sheegeen mas'uuliyiinta Ruushka.

    Toddobo dhimasho iyo 25 dhaawac ah wax ay ka dhaceen bakhaar ku yaal magaalada Tambov, oo qiyaastii 295 mayl (475km) koonfur-bari ka xigta Moscow. Hal qof oo dhimasho iyo 37 dhaawac wax ay ka dhaceen bakhaar kale oo Wildberries ah oo ku yaal Elektrostal oo ku yaal gobolka Moscow.

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in weerarradu lagu bartilmaameedsaday "xarumo waaweyn oo saadka ah" kuwaas oo loo isticmaalay "in lagu bixiyo qaybo la mamnuucay oo loogu talagalay wax soo saarka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo qalabka hagitaanka".

    Wuxuu intaas ku daray in Ukraine ay sidoo kale duqeysay bartilmaameedyo ku yaal Badda Azov, Badda Madow, iyo Crimea oo ay Ruushka ku darsaday.

    Muuqaallo aan la xaqiijin oo laga soo qaaday goobtii uu ka dhacay mid ka mid ah weerarrada bakhaarada ayaa muujinaya olol iyo qiiq madow oo aad u badan oo ka soo baxaya dhisme ballaaran oo saadka ah, iyadoo tobanaan shaqaale ah ay ku ordayeen meel baabuurta la dhigto.

  16. Bogga rasmiga ah ee madaxweynaha Kenya ee internet-ka oo la jabsaday

    Bogga rasmiga ah ee Madaxweynaha Kenya William Ruto's ayaa la sheegay in ay jabsadeen dad aan la garanayn.

    Dadkaan ayaa dalbanaya madaxfurasho dhan 5 bitcoins, oo qiimaheedu yahay qiyaastii 41 milyan oo shilin Kenya ah (qiyaastii $320,000), in la siiyo ka hor 6 galabnimo ee wakhtiga maxalliga ah ee Sabtida, sida ay sheegayaan wararka warbaahinta maxalliga ah.

    Dadkaan waxay bogga hore ee bogga internetka ee madaxweynaha ku beddeleen qoraallo weerar ah oo bartilmaameedsanaya hoggaamiyaha Kenya iyo hanjabaad ah inay faafinayaan macluumaad xasaasi ah oo dawladdu leedahay.

    Website-ka rasmiga ah, president.go.ke, hadda lama heli karo wuxuuna soo bandhigayaa farriinta soo socota: "Waan ka xunnahay dhibka jira laakiin hadda waxaan samaynaynaa dayactir. Dhawaan ayaan internetka ku soo laaban doonnaa!"

    Mas'uuliyiinta Kenya weli kama aysan hadlin weerarka.

    Dhacdadu waxay timid bilo yar ka dib weerar internet oo weyn oo bishii Nofeembar 2025 ah halkaas oo dhowr mareegaha dawladda lagu bartilmaameedsaday wax ay mas'uuliyiintu ku tilmaameen weerar isku xiran.

  17. Kuwait oo sheegtay in weerarada iran ay haleeleen xarun shidaal

    Wakaaladda wararka ee rasmiga ah ee Kuwait ayaa ku dhawaaqday in xarun shidaal oo ay leedahay shirkadda saliidda ee dalka ay bartilmaameedsadeen "weeraro Iiraan oo soo noqnoqday" Sabtidii.

    Warbixintu waxay soo xigatay Shirkadda Saliida Kuwait oo leh: "Weerarku wuxuu sababay burbur iyo dhaawacyo badan, aaggana hadda waa laga daadgureeyay."

    Kuwait ayaa ku eedeysay Iiraan inay bartilmaameedsanayso kaabayaasha muhiimka ah.

    "Bartilmaameedsiga soo noqnoqda ee goobaha muhiimka ah wuxuu muujinayaa hab cadowtinimo nidaamsan oo bartilmaameedsanaya goobaha rayidka iyo kaabayaasha muhiimka ah, taasoo khatar gelinaysa nolosha iyo amniga dadka rayidka ah," ayay tiri Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuwait.

    Horay, waxaa jiray warar sheegaya in Iiraan ay weerartay warshad koronto iyo xarun saliid oo ku taal Kuwait.

    Iiraan waxay sheegtay inay fulisay weerarrada si ay uga jawaabto weerarrada Mareykanka ee xarumaha saliidda ee koonfurta Iiraan.

    Maanta, oo ah July 17, Iiraan waxay ku dhawaaqday in "weerarrada Mareykanka ay si xun u carqaladeeyeen biyaha la cabbo ee 20 tuulo oo galbeed ka xiga Jask."

  18. Iran: 95 jeer ayuu Maraykanku weeraro ka fuliyay hal gobol oo Iran ah

    Ku-xigeenka amniga xafiiska gudoomiyaha gobolka Khuzestan ayaa sheegay in Mareykanku uu 10-kii maalmood ee la soo dhaafay fuliyay 95 weerar oo ka dhacay 12 magaalo oo ka tirsan gobolka Khuzestan.

    Sida uu sheegay Valiollah Hayati, "siddeed qof oo rayid ah" ayaa ku dhintay weerarradan.

    Gobolka Khuzestan waa mid ka mid ah gobollada koonfureed ee Iran, kaas oo ay dhowr jeer weerarro ku qaaday dowladda Mareykanka toddobaadyadii ugu dambeeyay.

  19. Madaxweynaha Lubnaan oo u kicitimay safar Maraykanka ah

    Xafiiska Madaxweynaha Lubnaan ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Joseph Aoun uu maanta ka dhoofay Beirut isagoo ku sii jeeda Washington, halkaas oo la filayo inuu kula kulmo Donald Trump.

    Booqashada Mr. Aoun ayaa timid ka dib markii la soo gabagabeeyay wadahadallada u dhexeeya Lubnaan iyo Israa'iil ee ka dhacay Talyaaniga.

    Wareeggii lixaad ee wadahadallada u dhexeeya Israa'iil iyo Lubnaan ayaa lagu qabtay 13-kii iyo 14-kii Luulyo safaaradda Mareykanka ee Rome.

    Xafiiska madaxweynaha Lubnaan ayaa sidoo kale sheegay in Mr. Aoun uu Washington kula yeelan doono wadahadallo "mas'uuliyiin Mareykan ah oo dhowr ah, kuwaas oo ku saabsan xaaladda Lubnaan iyo sidii loo xoojin lahaa xabbad-joojinta, gaar ahaan koonfurta Lubnaan."

    Waxaa la soo wariyay in arrinta ku saabsan "ka bixitaanka Israa'iil ee dhulalka Lubnaan ee ay hadda ku sugan yihiin ciidamadeeda" sidoo kale laga hadli doono wadahadalladan.

  20. Maraykanka oo bartilmaameedsaday buundooyin ku yaalla Iran

    Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Hormozgan ee Iran ayaa shaaciyay in weerarradii xalay ay Mareykanku qaadeen ay waxyeello u geysteen afar xarumood oo isgaarsiineed oo ku yaalla gobolka.

    Sida lagu sheegay warbixintan, weerarradaas waxaa waxyeello ka soo gaartay "godka Shahid Mirzaei ee dhanka soo noqoshada, buundada Webiga Shur ee ku taal wadada isku xirta Bandar Abbas iyo Sirjan, iyo laba buundo oo ku yaalla gobolka."

    Maamulka Gobolka Hormozgan ayaa dadka ka codsaday inaysan ku safrin waddooyinkan.