You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Soomaaliya oo sheegtay in ay dileen dagaalyahanno Alshaabaab ah

Soomaaliya oo sheegtay in ay dileen dagaalyahanno Alshaabaab ah

Tebin toos ah

  1. Afar qodob ka ogow hindisaha xabbad-joojinta ee Ukraine io Ruushka

    Maalmo kaddib markii Ukraine ay oggolaatay heshiis xabbad-joojin ah oo 30 maalmood ah, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo ka ka hadlaya soo jeedinta Mareykanka ayaa ku jawaabay wax u dhaxeeya haa iyo maya.

    Halkan waxa aan idiinku soo gudbinaynaa afar qodob oo aa duga baahan tahay in aad ka ogaato.

    Muxuu yidhi Putin? Waxa uu raacay Maraykanka fikradda loo soo jeediyay, laakiin wuxuu ku xidhay shuruudo adag isaga oo su’aal geliyay nooca iyo qaabka loo gaadhayo xabbad-joojinta. Waxa uu sheegay in marka hore loo baahan yahay in Meesha laga saaro waxa saldhigga u ah dhibaatada. Isaga oo intaasi ku daray in waddankiisu uu u baahan yahay in uu la xaajoodo Maraykanka. "Waxaa laga yaabaa in aan la xidhiidho Donald Trump," ayuu yidhi.

    Maxay tahay jawaabta Ukraine? Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ku tilmaamay hadalka Putin mid wax isdaba marin ah, wuxuuna ku baaqay in cunaqabatayn dheeraad ah la saaro Ruushka. Putin "si toos ah uma yiraahdo maya", ayuu ku yidhi muuqaal habeennimo ah, laakiin "ficil ahaan, wuxuu diyaarinayaa in uu diido".

    Maxaa ka jira in ay wadahadallo dhaceen? Saraakiisha Ruushka ayaa sheegay in Putin la filayo in uu la kulmo ergeyga gaarka ah ee Maraykanka Steve Witkoff, kaas oo u duulay Moscow xilli hore oo Khamiistii ah - laakiin ma cadda in kulankaasi uu dhacay. Jimcihii, warbaahinta dowladda Ruushka oo soo xiganeysa shabakadda la socodka hawada ee Flightradar ayaa sheegtay in diyaaradda la rumeysan yahay in ay sidday Witkoff ay ka tagtay Moscow.

    Maxaa dhacay xalay? Ruushka iyo Ukraine labaduba waxay isu eedyeen masuuliyadda weerarro hor leh oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn . Ukraine ayaa sheegtay in toddobo qof - oo ay ku jiraan carruur - ay ku dhaawacmeen magaalada waqooyi-bari ee Kharkiv. Ruushkuna waxa uu sheegay in dab weyn uu ka kacay xarun shidaal oo ku taal koonfurta magaalada Tuapse.

  2. Aabe lagu xukumay dilka wiil yar oo uu dhalay iyo xog ku saabsan sida dilku u dhacay

    Soddon jir ka soo jeeda dalka Ireland ayaa lagu xukumay 20 sano oo xidhag ah kaddib markii lagu helay in dhaawac maskaxeed oo uu soo gaadhsiiyay wiil uu dhalay uu sababay dhimashadiisa.

    Lewis Oliver Rowland ayaa jiray 13 todobaad markii uu la soo darsaday dhaawac maskaxeed oo beddelay noloshiisa bishii November sannadkii 2015.

    Dhaawaca ka soo gaadhay maskaxda ayaa la rumaysan yahay in uu ka dhashay markii aabbihii uu si xun u gilgilay taasi oo keentay in maskaxdiisu ay hawl-gabto. Saddex sano oo lala tacaalayay xaaladdiisa caafimaad ayaa ugu dambayn uu geeriyooday.

    Bilowgii waa uu dafiray in uu dilay wiilkiisa. Waxa se uu qirtay in uu ku kacay xil-kas-nimo la‘aan badheedh ah iyo in uu dayacay wiilkiisa. Maxkamadeyntiisii oo dhacday ​​Oktoobar-tii kal hore, xeerbeegtida ayaa ku xukuntay dil. Mar dambe ayaa se loo beddelay 20 sano xabsi ah.

    Dhkhtar caafimaad ayaa arrirntan ku sheegay in ay tahay midd ugu xumayd ee uu arko tobankii sano ee la soo dhaafay.

  3. Putin oo shuruudo adag ku xidhay xabbad-joojinta dagaalka Ukraine

    Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in uu ku oggol yahay hindisaha xabbad-joojinta ee Ukraine, laakiin "weyddiinta" weli taagani ay tahay nooca xabbad-joojinta isaga oo soo jeediyay dhowr shuruudood oo adag.

    Hadalka Putin ayaa daba socda qorshe xabbad-joojin 30 maalmood ah oo ay oggolaatay Ukraine horraantii todobaadkan kaddib wadahadal dhex maray Maraykanka.

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ku tilmaamay jawaabta uu Putin ka bixiyay qorshahan mid wax isdaba marin ah, wuxuuna ku baaqay in cunaqabatayn dheeraad ah la saaro Ruushka.

    Mareykanka ayaa cunaqabatayn dheeri ah saaray qeybaha saliidda, gaaska iyo bangiyada Ruushka.

    Saraakiisha Ruushka ayaa sheegay in Putin la filayo inuu wadahadal ku saabsan xabbad joojinta fiidnimada Khamiista la yeesho ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo la yidhaahdo Steve Witkoff, kaasi oo ku sugnaa Moscow.

    Ma cadda in kulankaasi dhacay iyo in kale. Jimcihii, warbaahinta dowladda Ruushka oo soo xiganeysa shabakadda la socodka hawada ee Flightradar ayaa sheegtay in diyaaradda la rumeysan yahay in ay sidday Witkoff ay ka tagtay Moscow.

    Mid ka mid ah shuruudaha ugu weyn ee Putin ku xidhay hindisahaha xabba-joojinta waa midda ku saabsan in la gaadho xababd-joojin waarta iyo in meesha laga saaro waxyaabaha isag ula muuqda in colaadda aysababta u yihiin.

  4. Suuriya oo saxeexday dastuur ku meelgaadh ah oo ku dhisan diinta Islaamka

    Madaxweynaha ku meel gaadhka ah ee Suuriya, Axmed Al-Sharaa, ayaa saxeexay bayaan dastuuri ah oo ka ku saabsan hab-xukunka muddada ku meel gaadhka ah ee shanta sano. Tallaabadan ayaa timid kaddib saddex bilood markii kooxdiisa Islaamiyiinta ahi ay hoggaaminaysay duullaan xukunka lagaga dhafiyay Bashaar Al-asad.

    Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in Islaamku yahay diinta madaxweynaha, si la mid ah sida uu dhigayay dastuurkii hore. Shareecada Islaamka ayaana loo qaatay "Isha ugu weyn ee sharciga", sida ay sheegeen guddiga diyaarinta dastuurka ku hawlan.

    Waxa kale oo uu ilaalinayaa kala-soocidda awoodaha iyo madaxbannaanida garsoorka, waxaanu dammaanad qaadayaa xuquuqda haweenka, xorriyadda hadalka iyo warbaahinta.

    Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Geir Pedersen ayaa sheegay in uu soo dhawaynayo "dhaqdhaqaaqyada dib loogu soo celinayo sharciga" wuxuuna xusay in "tallaabadani ay buuxin karto firaaq sharci oo laga ma maarmaan ah".

    Laakiin maamulka Kurdiyiinta ee waqooyiga bari dalka Suuriya ayaa dhaleeceeyay ku dhawaaqista dastuuriga ah, iyaga oo sheegay in "ay ka hor imanayso xaqiiqada Suuriya iyo kala duwanaanshaheeda".

  5. Soomaaliya oo sheegtay in ay dishay dagaalyahanno Alshabaab ah

    Hay’adda Habad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya ee magaceeda loo soo gaabiyo NISA, ayaa sheegtay in weerar dhanka cirka ah oo ay wadajir u fuliyeen hay’adda iyo Ciidanka Xoogga Dalka lagu diley 29 xubnood oo isugu jira dabley iyo horjoogeyaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

    Sida lagu sheegay war saxaafadeed xalay ka soo baxay NISA oo nuqul ka mid ah uu soo gaarey BBC-da, weerarkan ayaa wuxuu ka dhacay deegaanka Boos Hareeri ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas duqeyn lagula beegsaday kooxo loogu yeeray argagixiso.

    “Sidoo kale duqeyn deegaanka Jambaluul ee gobolka Shabeellaha Hoose ka fulsey Hay’adda Habad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa lagu khaarajiyey 12 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta,” ayaa lagu yiri war saxaadafeedka ka soo baxay NISA oo intaas ku daray: in weerarradan oo billowday maalinimadii shalay, welina socda khasaare xooggan lagu gaarsiiyey waxa loogu yeeray “argagixisada”.

    Ugu dambeyntii Hay’adda Habad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, waxay dadweynaha rayidka ah uga digtey in ay ka fogaadaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan kooxahan oo bartilmaameed u ah Ciidamada Qaranka.

    Hay’adda NISA ma carraabin magacyada horjoogeyaasha ku dhintay weerarkaas iyo darajadooda. Sidoo kale BBC-du ma helin ilo ka madaxbannaan hay’adaha dowladda oo faahfaahinaya sida wax u dhaceen.

  6. Subax wanagasan, ku soo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali