Lix bilood ayaa laga joogaa tan iyo markii la qorsheeyay in
la bilaabo wajiga labaad ee heshiiska xabbad-joojinta u dhexeeya Israa'iil iyo
Xamaas, wax horumar ah oo la taaban karo lagama gaarin.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Gaza ee ay maamusho
Xamaas, tan iyo markii uu dhaqan galay heshiiska xabbad-joojinta bishii
Oktoobar ee sanadkii hore, ugu yaraan 1,168 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay
weerarro ay Israa'iil ka fulisay Marinka Qaza, Isla muddadaas, afar askari oo
Israa'iili ah ayaa lagu dilay weerarro ay Falastiiniyiintu ka geysteen gudaha
Gaza.
7-dii Oktoobar 2023, Xamaas ayaa weerar ku qaaday Israa'iil,
kaas oo lagu dilay 1,200 qof, halka 251 qof kalena afduub ahaan loogu qabsaday
Weerarkaas kaddib, Israa'iil waxay billowday olole millatari
oo ballaaran oo ka dhacay Gaza. Sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee
Gaza, waxaa halkaas lagu dilay in ka badan 73,290 qof, kuwaas oo ay ku jiraan 21,280
carruur ah. Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegtay in xogta wasaaraddan
guud ahaan lagu kalsoon yahay.
Sannadkii 2024, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC)
ayaa soo saartay amarro lagu soo xirayo Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin
Netanyahu, Wasiirkii hore ee Difaaca Yoav Gallant, iyo taliyihii garabka
millatariga ee Xamaas Maxamed Deif, iyagoo lagu eedeeyay dambiyo dagaal.
Israa'iil ayaa sheegtay in Maxamed Deif lagu dilay duqeyn dhinaca cirka ah.
Ra'iisul Wasaare Netanyahu ayaa cambaareeyay go'aanka ICC,
isagoo ku tilmaamay mid "Yuhuud naceyb ah", halka Xamaas ay sheegtay
in amarada lagu soo xiray Netanyahu iyo Gallant ay dhigeen "tusaale
taariikhi ah oo muhiim ah."
Guddi baaritaan oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa bishii
Sebtembar 2025 sheegay in Israa'iil ay xasuuq U geysatay Falastiiniyiinta ku
nool Gaza. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa'iil ayaa gebi ahaanba diidday
warbixintaas, iyadoo ku tilmaantay "mid dhinac u janjerta oo been abuur
ah."