Waxa uu Xassan Cali Kheyre ka yiri arrinta garsoore Cumar
Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xassan Cali Kheyre ayaa si adag uga hadlay arrinta taagan ee la xirriirta garsooraha Soomaaliyeed, Cumar Cartan oo loo diiday inuu ka qeyb galo Koobka Adduunka sanadkan.
Kheyre oo qoraal soo dhigay barahiisa bulshada ee Facebook iyo X ayuu ku sheegay inuu aad uga xun yahay wararka la xiriira in Cartan loo diiday dal-ku galka Mareykanka.
“Waxaan ka xumahay warka dhiillada leh ee sheegaya in garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan loo diidayo gelitaanka dalka Mareykanka, isaga oo ka mid ah garsoorayaasha ay FIFA u xulatay Koobka Adduunka ee toddobaadkan ka furmaya Waqooyiga Ameerika, ayuu yiri.
Waxaa uu sheegay in garsoore Cumar Cartan uu kaalintan ku muteystay kartidiisa, xirfaddiisa, dadaalkiisa iyo hufnaantiisa. Wuxuuna intaa ku daray inuu tusaale iyo astaan u yahay dhallinyarada Soomaaliya iyo Afrika ee ku taamaysa in hibadooda, hal-abuurkooda iyo xirfaddooda laga qaddariyo masraxyada caalamka.
“Kubaddu waa luqad mideysa bulshooyinka caalamka, isla markaana dhiirrigelisa qiyamka caddaaladda, mudnaanta iyo tartanka fursadaha loo siman yahay. Waxaana rajaynayaa in xal degdeg ah laga gaaro arrintan, si aanay caqabad ugu noqon hiigsiga garsoore Cumar, iyo rajada malaayiinta dhallinyarada ah ee ku haminaya in ay hibooyinkooda ku soo bandhigaan fagaarayaasha caalamka”, ayuu yiri.
“Waxaan garsoore Cumar ku bogaadinayaa horumarkiisa iyo guulaha taariikhiga ah ee uu qarankeenna uga soo hooyay caalamka. Soomaaliya, Afrika, iyo dhammaan dadka aaminsan qiimaha kartida, dadaalka, mudnaanta, iyo caddaaladda ayaa ku garabtaagan. Guuleyso Garsoore”, ayuu intaas raaciyay.
Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa: